You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Taysiir hooyadeed oo sannad kaddib ka hadashay dilkii gabadheeda loo geystay
Muddo kooban uun ka hor kacdoonkii ka dhacay deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ee xukuumadii deegaanka lagu riday, waxa magaalada Qabridaharre ka dhacay dil shacabku ku tilmaameen mid fool xun oo lagu khaarajiyey gabadh ka mid ahayd shacabka magaaladaas ku dhaqan, in badan oo ka mid ah dadka deegaanka waxay aaminsanyihiin in dhacdadaasi ay ka mid ahayd waxyaabihii shacabka horseeday inay gadoodaan ee soo dedejiyey kacdoonkii shacabka.
Gabadhan oo lagu magacaabo Taysiir Cumar Maxamed Cilmi Salal, waxay aheyd 20 jir, wali ma aysan guursanin, waxayna u shaqaynaysay dowladda hoose ee magaalada Qabri-dahare, gaar ahaan xaafadda shanaad.
BBC-da ayaa booqatay guriga Taysiir lana kulantay waaliddiintii dhalay.
"Waxaa ii timid gabadhii ay saaxiibaha ahaayeen oo la socotay, waxayna ii sheegtay in Taysiir ay boolis qabsadeen, markii aan arkay iyada oo la sii wado waan dhacay kaddib markan xaqiiqsaday inay iyada tahay waxa meesha yaalana uu maydkeeda yahay, isla markiiba shacabka ayaa dhagaxyo u qaatay ciidammada , rasaas ayey nagu fureen. Waxay ahayd maalin murugo badan." ayey tiri Koraad Xuseen oo ah hooyadii dhashay Taysiir.
"Ciidamada xabadaha ayey hoos noogu dhigeen hadda waxaa igu yaala nabaro iga soo gaaray halkaas, maydkeeda anoo dhaqday oo arkay dhaawacyada soo gaaray ayaa inta la ii yimid la igu kor dilay." Ayey ku dartay Koraad.
Maamulada magaalooyinka Qabridaharre iyo Qoraxay ayaa ehelka Taysiir ku cadaadiyey in la aaso iyada oo aanan wax baaritaan ah la sameyn.
Guud ahaan magaalada Qabridaharre dadkii daganaa ayaa arrinkan ka biyo diiday waxa ayna bilaabeen rasaas iyo dhagax tuur.
Gabadha adeerkeed oo lagu magacaabo Xassan Maxamed Cilmi, ayaa la xiriiray madaxweynihii xilligaas ee deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
"Wuxuu igu yiri madaxweynihii xilligaas talada hayay, gabadha isma aysan dilin booliskana meel la isku dilo ma ahan , nimankii booliska ahaa ee aan dadka shacabka ah maamulo ku dhahnay ayaa dilay." ayuu yiri Xassan Maxamed Cilmi.
Warbixin hore ee ku saabsan arrinkan
Maxamed Xiis Kallane oo gabadha adeerkeed ah, kuna sugan magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa BBC-da u xaqiijiyay geerida gabadha, wuxuuna sheegay in gabadha ay qabteen ciidanka maamulka, saacado markii ay hayeena ay reerka ku wargaliyeen in ay is dishay.
Maxamed Xiis waxa uu intaas ku daray in xalay gabadha meydkeeda la geeyay isbitaalka ciidammada federaalka, kadibna lasoo xaqiijiyay in la dilay.
Lama oga sababta loo xirey markii horeba, iyo waxa sababay dhimashadeeda. Waxaase la sheegay in arrintan ay ka dhacday xero ay ciidamada ku leeyihiin magaalada.
"Qoladan meesha joogta, kuwa wax maqlaya ma ahan, baaqna looma diri karo, dhibaatadan alle ha naga dulqaado, tii ugu horeysay ma ahan, tii ugu dambeysayna ma ahan, dilkana hala joojiyo, waa ceeb kusoo korortay Soomaalida" ayuu yiri Maxamed Xiis Kallane oo ku hadlay magaca qoyska gabadha ay ka baxday.
Maamulka dowlad deegaanka ayaanan weli wax war ah kasoo saarin dhacdada Taysiir.
Baraha bulshada ayaa aad loogu faafinayaa qoraalo iyo haddalo looga soo horjeeda falka dhacay, waxaana arrintan ka dhashay dareen carol eh.