Jabhad cusub oo laga sameeyay Suudaanta Koofureed

Published

Hoggaamiyihii hore ee ciidamada dalka Suudaanta Koofureed ayaa sameeyay jabhad cusub.

Paul Malong ayaa sanadkii aynu soo dhaafnay waxa ashaqada ka eryay madaxweyne Salva Kiir gurina ku xiray.

Dowladda ayuu ku eedeeyay musuqmaasuq iyo in ay dhaqaalaha dalka burburinayaan.

Wuxuu Malong sheegay in ay jabhaddan cusub dalka u hoggaamin doonto dimuqraadiyad iyo horumar..

Ilaa imika dowladda oo la dagaallameysa dhowr kooxood oo fallaago ah kama aysan hadlin warkan.

Markii uu Malong ahaa madaxa ciidamada waxay Qaramada Midoobay ku eedeysay in uu abaabuli jiray weerarro lagu bartilmaansado qabaa`illo goonni ah.