You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xaalka Jacob Zuma oo aan cago badan ku taagnayn
Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa dib u dhigay khudbad ay ahayd in madaxweyne Jacob Zuma uu kula hadlo shacabka dalkaasi.
Tillaabadani ayaa muujinaysa sida xilka madaxweyne Zuma uu u sii daciifayo iyo waliba kalsooni la'aanta uu Zuma kala kulmay ANC dhexdeeda
Mas'uuliyiin sar sare oo xisbiga ANC ka tirsan ayaa doonaya inuu xilka kadego madaxweyne Jacob Zuma oo culaysku uu ku sii kordhayo
Balse Jacob Zuma ayaa ka cagajiidaya inuu xilka ka dego. Xarunta Nelson Mandela ayaa sidoo kale ku talo bixisay in Mr Zuma uusan u qalmin inuu xilka sii hayo. Isla markaasina uu waxyeeleeyey aaminaada shacabka Koonfur Africa.
Jacob Zuma ayaa mudo dheerba waxaa lagu eedaynayay arrimo la xiriira musuqmaasuqa iyo waxisdabamarin.
Xisbiga taladda dalkaasi haya ee ANC ayaa mudaba waxaa ka dhextaagnaa khilaaf la xiriira eedaha la soo jeediyay ee loo haysto Jacob Zuma.
Sidoo kale doorashadii dhowaanta ka dhexdhacday xisbiga ayaa saamayn weyn ku keentay xaaladda mustaqbal ee madaxweyne Jacob Zuma