Haweeneydii "ugu miisaanka cuslayd dunida" oo geeriyootay

Published

Haweeney u dhalatay dalka Masar oo mar la aaminsanaa in ay ahayd qofka dunida ugu buuran ayaa ku dhimatay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Eman Axmed Cabdi El Aty ayaa loo qaaday Hindiya horraantii sanadkan si loogu sameeyo qalliin lagu caataynayo.

Warbaahinta qaar ayaa sheegay in culeydkeeda laga yareeyay illaa 300kg, balse ay u dhimatay xaalado kale oo caafimaad oo soo wajahay.

Qoraal uu soo saaray cisbitaal ayaa lagu sheegay in gabadha, oo 37-sano jir ahayd, ay ku dheceen xanuunada wadnaha iyo kelyaheeda oo shaqayn waayay.

"Waxaan u tacsiyeyneynaa qoyskeeda", ayaa lagu yiri qoraalka cisbitaalka.

Eman Axmed waxay magaalada Abu Dhabi ku sugneyd tan iyo bishii May, ka dib markii laga soo qaaday Hindiya oo qalliin gaar ah loogu sameeyay.

Ka hor intaan qalliinka lagu sameyn, qoyskeeda waxay sheegeen in aysan guriga ka bixin muddo 25 sano ah.

Ka dib markii olole caafimaad ay u sameysay walaasheed, waxaa Hindiya lagu geeyay diyaarad gaar ah, waxaana caawiyay mid ka mid ah dhaqaatiirta Qalliinka ee Mumbai.

Laakiin waxaa loo soo qaaday Abu Dhabi ka dib markii qoyskeeda iyo dhaqaatiirta Mumbai ay isku khilafeen arrinta ah in buurnaanteeda la dhimay. Qosyka ayaa arrintaa shaki geliyay.