McCain oo ka soo horjeestay in la laalo Adeegga Caafimaad ee Obamacare

Adeegga Caafimaadka ayaa saameynaya shan meelood oo meel dhaqaalaha Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Adeegga Caafimaadka ayaa saameynaya shan meelood oo meel dhaqaalaha Mareykanka
Published

Iskudaygii ugu dambeeyay ee ay Jamhuuriyiinta Mareykanka ku doonayaan inay meesha uga saaraan qodobka Adeegga Caafimaadka ee Madaxweyne Obama ayaa u muuqanaya inuu guuldaraysan doono.

Arrintan ayaa timid kaddib markii Senatorka Jamhuuriga ee caanka ah, John McCain, uu sheegay in uusan saaxiibadii Jamhuuriyiinta ku taageeri karin dadaalkan ugu dambeeyay ee lagu laalayo qodob sharciyeedka Obamacare.

Senator-kan laga soo doorto gobolka Arizona oo haatan laga dabiibayo kansarka ku dhaca maskaxda ayaa sheegay in "uusan niyad sami" ugu codeyn karin qorshahan cusub, kaas oo uu baritaarayo Madaxweyne Donald Trump.

Mr McCain ayaa sheegay in ay khalad tahay in la meel mariyo sharci sidaa u durugsan iyadoon Dimuqraadiyiintu aanay ka qeyb qaadan.

Waa markii labaad oo uu arrintan ku khilaafo hoggaanka xisbigiisa.

Madaxweyne Trump oo xilli dambe oo Jimcihii ah ka hadlayay gobolka Alabama, ayaa cambaareeyay Jamhuuriyiinta aanay taageerin qodob sharciyeedka cusub, waxa uuna yiri: "Ma ay laha geesinimada ay ugu codayn lahaayeen."

Jamhuuriyiinta ayaa u baahan inay helaan 50 cod oo ka mid ah 100 kursi ee ay 52 ku leeyihiin.

Haddaba maadaama ay Dimuqraadiyiintu ku midaysan yihiin mucaaraddada qodob sharciyeedkaas ayuusan Xisbiga Jamhuuriga u furnayn inuu cod iska lumiyo.