You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Madaxweyne Trump: Shiinaha wax badan kama qaban joojinta tijaabada gantaallada Kuuriyada Waqooyi
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku cambaareeyay dalka Shiinaha in uusan wax ku filan ka qaban sidii loo joojin lahaa barnaamijka gantaallada Kuuriyada Waqooyi.
Hadalka Trump ayaa ku soo beegmay maalin un kaddib markii xukuumadda Pyongyang ay tijaabisay gantaal kale oo ah nooca qaaradaha isaga tallaaba .
Madxaweyne Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in uusan aqbali doonin in arrintan ay sii socoto.
Maalintii shalay ahayd, Shiinaha ayaa cambaareysay tijaabada gantaalkaasi, waxayna ku baaqday in Kuuriyada Waqooyi laga xayiro dhammaan dhinacyada. Balse madaxweyne Trump ayaa ka xumaaday jawaabta xukuumadda Beijing.