You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump: Xiriirka Faransiiska naga dhaxeeya wuu ka xoog badan yahay intii hore
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa amaanay saaxiibtinimada ka dhaxaysa dalkiisa iyo maraykanka. Hadalka ayuu ka jeedinayey xaflad lagu xusayey maalinta Bastille oo lagu qabtay Paris, halkaasoo uu madaxweyne Trump marti sharaf ka ahaa.
Mr Macron wuxuu sheegay inaysan jjirin cid kala saari karta labada dal. Xafladda waxaa lagu xusayey 100 guuradii ka soo wareegtay markii uu Marayakanku galay dagaalkii 1aad ee dunida.
Cutub askar Ameerikaan ah, oo qaarkood ay xirnaayeen dareeskii askarta ee la xiran jiray 1917, ayaa ka mid ahaa kooxihii marayey Champs-Elysees. Mr Trump ayaa u sacab tumayey dabaaldegga intii uu soconayey.
Goor sii horreysay ayuu twitterkiisa ku qoray in xiriirka dalkiisu la leeyahay Faransiiska uu sidii hore ka sii xoog badan yahay. Waxaase jira madmadow dhanka farqiga siyaasadda ah oo labada hogaamiye soo kala dhex agalay, sida isbeddelka cimilada.