Ciidammada Maraykanka oo ballan qaaday wax ka qabashada sawirrada cawrada ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taliyaha ciidammada badda ee dalka Maraykanka ayaa wacad ku maray in lala xisaabtami doono askarta internet-ka soo dhigay sawirrada qaawanida ah ee laga qaaday gabdhaha askarta ah.
Jeneraal Robert Neller ayaa balan qaaday in uu wax ka badali doono dhaqanka ciidammada badda, wuxuuna hadalkaas u sheegay gudi ka socda aqalka Senetka ee dalka Maraykanka.
Todobaadkii hore ayay soo baxday in askar hore iyo kuwo hadda ka tirsan ciidammada badda ee Maraykanka in ay Facebook iskula wadaagayeen sawirro cawro ah, taas oo horseeday in ay ciidammada baddu ay baaritaan billaabaan.
Laakiin xubnaha dumarka ah ee ku jira guddiga Sanetka ayaa si kulul uga jawaabay balanqaadka Neller.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kirsten Gillibrand oo Senetka ka tirsan kana soo jeeda xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegtay in millatargu uusan sidii loo baahnaa wax ooga qabanin eedaymaha wakhtiga dheer soo jiitamayay ee ku aadan tacadiyada galmada la xiriira ee loo soo jeediyay.
Waxay farta ku fiiqday in ciidammada badda ee Maraykanku ay ruxeen eedaymo kuwan la mid ah sanadkii 2013kii.








