Millatariga Masar oo sideed laga dilay

Xigashada Sawirka, EPA
Published
Millatariga Masar ayaa sheegay in sideed askari ay ku dhinteen gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay oo lagu bartilmaameedsaday bar kontarool oo u dhaw El-Arish oo ku taala waqooyiga gacanka Siinaay.
Saddex ruux oo weerarka soo abaabulay ayaa iyagana lagu dilay isku dhacyo qaraxa ka dambeeyay.
Ciidammada Masar ayaa jabhado kula dagaalamaya waqooyiga gacanka Sinai tan iyo markii xukunka laga tuuray 2013 Madaxwaynihii koobaad ee si dimuqraadi ah loo doortay Maxamed Mursi.
Boqolaal millatari iyo booliis isugu jira ayaa lagu dilay weeraro, intooda badanna waxaa sheegtay ciidammo daacad u ah kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka.








