You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Clinton iyo Trump oo soo saaray warbixinta caafimaadkooda
Musharaxa xisbiga dimuquraadiga ee Mareykanka Hillary Clinton, ayaa waxa ay soo saartay warbixin ku saabsan caafimaadkeeda.
Dadka u ololeeya waxay sheegayaan in xanuunkeeda uu yahay nooc aan la is qaadsiin karin.
Hillary Clinton ayaa la siiyay daawo antibaayootig ah oo toban maalmood ay uqaadan doonto xanuunka oofwareenka.
Dhaqtarkeeda waxay sheegtay in hadda caafimaadkeeda uu soo hagaagayo.
Waxay intaa ku dartay, in ay caafimaad qabto ayna awooddo inay shacabka Mareykanka hogaamiso.
Dhanka kale, Donald Trump waxa uu bandhig TV ka sheegay in tijaabo caafimaad oo dhawaan lagu sameeyay ay muujineyso in maasiinkiisa uu culus yahay oo uu aad u buuran yahay.
Waxaa u socota daawo lagu yareynaayo kolestaroolka jirkiisa ku jira.