Dhageyso: Sheekada wiil xabsiga ku dhex uruuriyay lacag si uu hooyadii ugu diro
Xabsiyo ku yaalla magaalooyin kala duwan oo ka tirsan dalka Mareykanka ayaa waxaa ku xiran dhallinyaro Soomaaliyeed oo badankooda laga soo qabtay Soomaaliya xilligii dalka ay burcad baddeedu ka jirtay.
Maxaabiistaan ayaan helin cid ka kaalmeeysa baahiyahooda gaarka ah, marka laga yimaaddo adeegyada xabsiyada ka jira ee loogu tala galay dadka halkaa ku jira, waxaase jira dhalinyaro isku xil qaantay caawinta maxaabiistaas ehelkoodu ka fogaaday.
Waxyaabaha laga caawiyo waxaa ka mid ah dharka, kutubada diinta, buugaagta iyo mararka qaar oo ay waqti la qaataan.
Bashiir Cali Aaden oo ka mid ah dhalinyarada isku xil saartay caawinta iyo ka warqabka maxaabiista Soomaalida ah ayaa BBC-da uga warramay sheekooyin uu kala kulmay maxaabiistaas oo ay ka mid tahay sheekada nin dhalinyaro ah oo muddo laba sano ah xabsiga ku dhex uruurinayay lacag afar boqol oo doolar ah si uu hooyadii oo Garoowe joogta uu ugu diro.