Kooxda Kormeerta hubka wax gumaada oo warbixinteeda sannadlaha ahayd soo saartay
Kooxda hubka wax gumaada ee Cluster Munition Coalition (CMC) ayaa soo saartay warbixinteeda kormeerka hubka Cluster ee 2023-da, taasoo muujineysa kororka khasaaraha rayidka ah ee uu sababay hubkan.
Warbixintu waxay ku nuuxnuuxsatay baahida degdega ah ee loo qabo in la joojiyo isticmaalka hubkan, waxaana loogu baaqayaa dhammaan dalalka inay ku biiraan xayiraadda caalamiga ah ee hubkan.
Hubkan wax gumaada ayaa dhulka laga soo tuuri karaa ama laga soo daadiyaa diyaarado, kaas oo walxo ku kala firdhiya aag ballaaran.Sidoo kale inta badan ma qarxo marka la soo tuuro,taasoo khatar joogto ah ku ah dadka rayidka ah.
Warbixintu waxay daaha ka qaadaysaa in Ruushka, Ukrain, Suuriya, iyo Myanmar ay adeegsadeen hubkan noocyadiisa kala duwan sannadihii la soo dhaafay, inkasta oo aanay saxeexin heshiiskii 2008-dii lagu mamnuucay.
Sannadkii 2022-dii oo keliya, ugu yaraan 1,172 dhaawacyo cusub oo uu hubkan geystay ayaa laga diiwaangeliyay siddeed waddan, iyadoo dadka rayidku ay yihiin 95% ee dhaawacyadaas. Carruurtu waxay ka ahaayeen 71% dhibanayaasha haraaga hubkan.
Warbixintu waxay kaloo xooga saaraysaa muhiimada ay leedahay caawinta dhibbanayasha waxayna ku baaqaysaa in la wanaajiyo helitaanka adeegyada baxnaaninta ee kuwa ka badbaaday.