You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS: Dagaal culus oo ka socda Gobolka Bakool

Ku soo dhawaada BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Shiinaha oo booqonaya Kuuriyada Woqooyi

    Shiinaha ayaa ku dhawaaqay booqasho naadir ah oo uu dhowaan ku iman doona Kuuriyada Waqooyi.

    Raiisel wasaare ku xigeenka Shiinaha Liu Guozhong ayaa booqan doona Kuuriyada Waqooyi usbuucan si uu uga qaybgalo dhoola-tus milatari oo u ay ugu dabbaaldegayaan sannad-guurada shan iyo toddobaatanaad ee dawladda ku hubaysan hubka Nukliyeerka.

    Kuuriyada Woqooyi waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee xidha xudduudaheeda, bilowga masiibada corona waxayna bilaabaysaa oo keliya inay dib u bilowdo duullimaadyadii ganacsi ee caadiga ahaa iyo ganacsigii ay la lahayd deriskeeda Shiinaha.

    Waxaa isa soo taraya wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, uu dhawaan booqan doono Ruushka – lagana yaabo inuu kala hadlo heshiis ku saabsan in Pyongyang ay hub siiso Moscow.

  2. SAWIRRO: Falka ay dadka dalka Rwanda aadka uga naxeen ee ka dhacay magaalada Kicukiro

    Wararka ku saabsan in la xiray nin looga shakisan yahay inuu gacan ku dhiigle ahaa oo dad badan ku dilay dalka Rwanda ayaa dhaliyay mowjado naxdin leh guud ahaan dalkaas.

    Dembiyada dilka ayaa caadiyan ah kuwo aad u hooseeya - waxaana dadka la geeyay guriga ku yaalla caasimadda Kigali, halkaasoo booliisku ay ka soo saareen in ka badan 10 qof oo meyd ah.

    Booliska ayaa sheegay in ciidamada ay u tageen inay ninkaan guriga ka saaraan kadib markii uu bixin waayay kirada , isagoo kadibna qirtay dilka dadkaas.

    Saraakiishu waxay ku noqdeen guriga Talaadadii waxayna bilaabeen inay baaraan jikada.

    Weriyaha BBC-da Jean Claude Mwambutsa ayaa tagay goobta oo ku taal Kicukiro, oo ah xaafad ku taal magaalada buuraleyda ah, wuxayna ka soo qaadday sawirradan.

  3. Dhegeyso wuxuu Xamse ka doonay Dooxa iyo kulankii uu la yeeshay Farmaajo iyo Raysal wasaaraha Qadar

  4. Askari Faransiis ah oo dilay askari katirsan ciidanka Chad

    Dibad-baxayaal careysan oo ku sugan dalka Chad ayaa isku dayay inay xoog ku galaan saldhiga ciidamada Faransiiska, iyagoo ka cabanayay toogashada lagu dilay askari ka tirsan ciidamada dalkaasi.

    Waxaa la sheegay in uu Talaadadii uu caafimaad u aaday saldhigga Faya-Largeau ee waqooyiga dalka.

    Ciidamada Faransiiska ayaa halkaasi la geeyay si ay qeyb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada gobolkaas ka jirta.

    "Askari ka tirsan ciidamada Chad oo aan ku jirin xaalad caadi ah ayaa aaday saldhigga ciidamada Faransiiska si loo daaweeyo, wuxuu dhaawacay kalkaaliye ciidan oo Faransiis ah," General Ali Maide Kebir, oo ah guddoomiyaha gobolka, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

    "Kalkaaliyaha ayaa adeegsaday hubkiisa wuunaa dilay," ayuu markale yiri .

    Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Faransiiska ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in kalkaaliayaha milatariga uu is difacayay.

    "Ma garanayno sababaha loo weeraray. Kalkaaliyaha waxa soo gaaray dhaawacyo dhuunta, madaxa iyo qoorta laakiin xaaladdiisu way degantahay," ayuu yiri.

  5. Nin tagaeero u ah Manchester United oo toorrey ku dilay taageero Arsenal

    Booliska dalka Uganda ayaa baadi goobaya nin taageero u ah kooxda kubadda cagta ee Manchester United oo lagu eedeeyay inuu mindi ku dilay mid ka mid ah taageerayaasha Arsenal oo ku sugnaa gudaha magaalada Sheema.

    Falkaan ayaa dhacay daqiiqado kadib markii ay dhamaatay ciyaarta oo Axaddii ka dhacday goornka Emirates.

    Ciyaartaoo ka tirsaneed horyaalka Ingiriiska ee Premier League, ayaa ku dhamaatay 3-1 ay ku badisay kooxda Arsenal, waana arrinta keentay muranka dhex maray labada nin ee kala taageersanaa kooxahan.

    Dhacdadaan ayaa ka dhacday goob ciyaaraha lagu daawado oo ay joogeen dhalinyaro badan.

    Ninkaan dilka gaystay ayaa da’diisa lagu sheegay 22 sano jir, iyadoo magaca taageeraha Arsenal ee la dilay boolisku ku sheegeen Jackson Aineruhanga.

  6. Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magacyada saraakiil sarsare oo ka tirsan Shabaab oo lagu dilay weerar xalay dhacay

    War hadda ay baahisay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fulintiisa iska kaashadeen ciidamada dolwadda iyo kuwa deegaanka lagu dilay saddex sakaal oo sarsare kana tirsanaa Al-Shabaab.

    Weerarka ayaa ka dhacay galbeedka deegaanka Ceel-La Helay oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

    Howlgalka oo xalay dhacay ayaa magacyad saraakiisha Al-ShabAab ee lagu beegsaday lagu sheegay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka Shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna ka mid ahAA saraakiisha kooxda.

  7. Milatariga Gabon oo war ka soo saaray madaxweynaha u xiran ee ay xilka ka tuureen

    Hogaamiyayaasha militariga Gabon ayaa ku dhawaaqay inay soo afjareen xabsiga guriga madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cali Bongo, iyagoo sheegay inuu hadda xor yahay.

    War-murtiyeed laga akhriyay TV-ga dawladda laga baahiyay ayaa afhayeenka milatariga Col Ulrich Manfoumbi wuxuu ku sheegay in go'aanka lagu sii daayay Mr Bongo ay sabab u tahay "xaaladdiisa caafimaad".

    "Waxa laga yaabaa, haddii uu doono, inuu u dhoofo dibadda si uu baaritaan caafimaad u sameeyo," ayuu raaciyay.Kadib afgambi militari oo dhacay 30-kii Agoosto, waxay xabsi guri geliyeen madaxweynihii hore waxayna ku dhawaaqeen inay gacanta ku hayaan dalka qaniga ku ah shidaalka.

    Go'aanka lagu sii daayay ayaa ka dambeeyay cadaadis uga yimid ururka Midowga Afrika ee Eccas iyo dalalka deriska la ah Gabon.Sanadkii 2018, Mr Bongo waxaa ku dhacay xanuunka faaaligga.

    Caafimaadkiisu waxa uu ahaa arrinta ugu weyn ee ay dad badan walaac ka muujiyeen xilligii la isku diyaarinayay doorashadii dhawaan dhacday.

  8. Fannaankii Axmed Naaji oo maanta la aasayo

    Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu wadaa in lagu aaso fannaankii caanka ahaa ee Axmed Naaji Sacad oo gelinkii dambe Isniintii la soo dhaafay geeriyooday.

    Salaadda Janaasada ayaa lagula tukan doonaa masaajidka Edmonton ee waqooyiga London, waxaana aaskiisu ka dhici doonaa khabuurah Folly Lane Muslim Cemetery.

    Axmed Naaji ayaa ka mid ahaa Fannaaniintii qaranka ee hoballada Waabari.

  9. Kulanka Xamse iyo Farmaajo iyo waxay ka wada hadleen

    Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo safar ku jooga magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa halkaa kula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Facebook ee xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada mas'uul iska wareysteen xaaladda guud ee dalka si gaar ahna dagaalka Al-shabaab dowladdu kula jirto.

    Kulanka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan madax badan oo dalka soo martay isla markaana uu ka mid yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku baaqeen in ciidamada dowladda garab lagu siiyo dagaalka Al-shabaab ay kula jiraan ee ka socda qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

  10. Al-shabaab iyo meleeshiyada Macawisley oo ku dagaallamaya Shabeellaha Dhexe

    Wararka laga helayo deegaanka Nuur Dugle oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in halkaa saaka Al-shabaab weerar ku qaadeen isla markaana uu dagaal culus dhex maray iyaga iyo ciidamada deegaanka ee Macawisleyda loo yaqaanno.

    Lama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay, balse wararka ayaa sheegaya in la maqlayay rasaas xooggan oo labada dhinac is waydaarsanayeen.

    Halkaan kala soco faahfaahinta dagaalkaas iyo wararka ku soo kordha

  11. Dhageyso: Faahfaahinta dalabka mas'uuliyiin Falastiiniyiin ah oo BBC-du ogaatay

    Sida BBC-du ogaatay mas'uuliyiinta Falastiniyiin ayaa dalbaday maamulka qaybo ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo malaayiin doolar oo lacag ah.

    Arrintaan ayaa Falastiiniyiintu shuruud uga dhigayaan haddii la doonayo in ay taageeraan heshiiska lagu soo celinayo xiriirka Israa'iil iyo Sacuudiga.

  12. Maraykanka oo cunaqabatayn saaray sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada RSF-ta ee Suudaan

    Mareykanka ayaa bartilmaameed ka dhigtay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada militariga Suudaan iyagoo saaray cunaqabateyntii ugu sareysay tan iyo markii ay colaadda hadda ka bilaabatay Suudaan.

    Washington ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay Abdelrahim Dagalo, oo ah ku xigeenka hogaamiyaha ciidamada degdega ah ee RSF, sababo la xiriidha xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda bini’aadannimada intii ay kooxdu la dagaalamaysay ciidamada Sudan.

    Tallaabadan oo lagu dhawaaqay Arbacadii, ayaa jawaab muuqata u ah rabshadihii dhimashada badnaa ee dhawaan lagu arkay Galbeedka Darfur, kaasoo oo lagu edeeyay in RSF iyo kooxo xulufo yihiin ah ay dambeeyeen.

  13. War deg deg ah, Ammaro is khilaafsan oo ka soo kala baxay xafiisaka madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa

    Warqad ka soo baxday madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa shaqada looga joojiyay wasiirka arimaha gudaha Galmudug ka dib markii lagu edeeyay in uu xagal daaciyay dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.

    Dhanka kale, sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee aqalka madaxtooyada Galmudug ku leeyihiin Faceboo-ga,madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa buriyay oo waxba kama jiraan ka soo qaaday warqadan ka soo baxday xafiiska madaxweyne kuxigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.

    Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in arrintan ay ka soo horjeedo dastuurka Galmudug, sidoo kalena ay baal marsantahay awoodaha dastuurka Galmudug siinayo madaxweyne kuxigeenka,

    "Mudane Axmed ayaa faraya laamaha amniga in wajibkooda ka gutaan cida kasto oo wax u dhimi karta amniga iyo xasiloonida degmada Cabudwaaq'' ayaa lagu yiri bayaanka.

  14. DAAWO:Wadooyinka Bulgaariya, Turkiga iyo Giriiga oo isu rogaya webiyo ka dhashay fatahaado ay dad ku dhinteen

    Daadad ka dhashay roobab xooggan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 10 qof oo ku kala nool dalalka Bulgaria, Turkey iyo Greece.

    Bulgaariya, sawirro laga soo qaaday aagga Tsarevo ayaa muujinaya daadad si xawli ah u socda oo qaaday baabuurta.

    Maamulka halkaasi ku sugan ayaa sheegay in labo nin iyo haweeney ay dhinteen – haweeneyda ayaa la sheegay in daadadka ay badda kudareen meydkeeda Mid ka mid ah ragga dhintay ayaa ka shaqaynayay guriga hooyo iyo gabadheeda oo weli la la’yahay, sida ay sheegeen Bulgarian.

  15. Waa kuma wiilka uu dhalay madaxweynaha ee kala soo muuqday furinta dagaalka?

  16. Air Canada oo eriday rakaab diiday in uu ku fariistaan kuraas horay loogu matagay

    Diyaarada Air Canada ayaa raali galin ka bixisay kadib markii labo rakaab ah laga soo saaray diyaaradaasi markii ay diideen in ay ku fariistaan ​​kuraas lagu matagay.

    Susan Benson, oo ka tirsanayd adeegga Las Vegas-Montreal, ayaa sheegtay in duuliyuhu uga digay rakaabka in la gelin doono liiska dadka aan loo ogoleyn duulimaadyada haddii ay sii wadaan cabashada.

    Waxay intaa ku dartay in shaqaaluhu ay isku dayeen in ay "ur daran" ku qariyaan cadar iyo bunka la shiiday. Air Canada waxay sheegtay in rakaabku "aysan helin heerkii adeeg ee ay mudnaayeen".

    Waxay intaa ku dartay in shaqaaluhu ay isku dayeen in ay "ur daran" ku qariyaan cadar iyo bunka la shiiday. Air Canada waxay sheegtay in rakaabku "aysan helin heerkii adeeg ee ay mudnaayeen".

    "Ma garanayno waxa dhibku ahaa markii hore," Marwo Benson ayaa sidaa soo dhigtay bogga Facebook bishii hore.

    “Sida muuqata, Duulimaadkii hore qof ayaa matagay, Shaqaalihi Duulimaadka ayaa si weyn raali gilin u bixiyay, balse waxay sheegeen in Diyaaraddu ay buuxsantay, taana ay keentay arrintan.

    Shirkadda Diyaaradda Air Canada ayaa sheegtay in ay "baareyso arrintan halista ah" iyo in " dhacdadan si wafaaqsan sharciga Diyaaradda loo raacin".

  17. DAAWO: Wax ka ogow shanta cunto ee ka hortagi kara khatar ku timaada beerkaaga

  18. Dal Muslim ah oo dadkiisa ugu baaqay inay yareeyaan dhalmada

    Madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi ayaa ka digay in loo baahan yahay in la xakameeyo dhalmada dalkaas ee aadka u sii kordheysa.

    Masar waa dalka ugu dadka badan dunida Carabta.

    Shir jaraa’id oo uu la qaatay wasiirkiisa caafimaadka iyo dadweynaha, Mr al-Sisi waxa uu sheegay in heerka loo baahan yahay in lagu xaddido afar boqol oo kun oo dhalasho sannadkii.

    Sannadkii hore, in ka badan laba milyan oo carruur ah ah ayaa Masar ku dhashay, halkaas oo dadka ku nool ay kor u dhaafeen boqol iyo shan milyan oo qof.

    Madaxweynaha Masar ayaa si gaar ah u saxay wasiirkiisa, ka dib markii uu shirka ka sheegay in caruur la dhalo ay tahay arrin xornimo buuxda ah.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in masiibo ay dhici doonto hadii ay taasi dhacdo.

  19. Tababaraha xulka qaranka Spain oo la ceyriyay

    Tababarihii hore ee Spain Jorge Vilda ayaa muujiyay sida uu u aaminsan yahay in ceyrintiisa todobaadyo ka dib markii uu ku guuleystay Koobka Adduunka Haweenka ay ahayd cadaalad darro.

    Xiriirka Kubadda Cagta Isbaanishka (RFEF) ayaa joojiyay qandaraaskii Vilda wuxuuna u magacaabay Montse Tome inuu noqdo bedelkiisa.

    Bixitaankii Vilda ayaa daba socday murankii ku saabsanaa habdhaqanka madaxweynaha RFEF Luis Rubiales ee finalka Koobka Adduunka.

    Xiriirka RFEF ma aysan sheegin sabab gaar ah oo shaqada looga ceyriyay Vilda laakiin waxa ay amaaneen kor u qaadistiisa ixtiraamka iyo ciyaar wanaaga kubada cagta.

    Vilda ayaa ahaa tababaraha xulka qaranka tan iyo 2015-kii waxayna hore ula kulantay kacdoon ciyaartoy 2022.

  20. Gabadha kaalinta 1aad ka gashay imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland