labo dumar ah oo lagu kala xukumay 34 sano iyo 45 sano oo xabsi ah kadib markii ay ka dhaleeceeyeen dowladda Sacuudiga
Khubarada xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la sii daayo laba dumar ah oo Sucuudiyaan ah oo tobanaan sano oo xabsi ah lagu xukumay, kadib markii ay baraha bulshada ku dhaleeceeyeen dowladda.
Salma al-Shehab oo barteeda twitter-ka ay ku soo bandhigtay xuquuqda haweenka ayaa bishii Agoosto lagu xukumay afar iyo soddon sano.
Nourah al-Qahtani oo ah hooyo leh laba caruur ah ayaa lagu xukumay afartan iyo shan sano oo kadib markii ay dhaleeceysay dhaxal sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo Boqor Salmaan.
Kooxda shaqada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xarigga Sharci darrada ah ayaa sheegay in ay jiraan cadaymo muujinaya in Salma al-Shehab ay la kulantay dhaqmo naxariis darro ah oo bini’aadannimada ka baxsan iyo sharaf dhac intii ay ku jirtay xabsiga.
Maamulka Sacuudiga ayaa beeniyay in si xun loola dhaqmay waxayna sheegeen in hannaanka garsoor uu ahaa mid cadaalad ah labada kiisba.