Sanado ka hor, burcad hubaysan ayaa galay dukaan,
mulkiilihii ayaana ka dalbaday in ay soo laabtaan marka uu lacag inta uu
markaas hayay ka badan uu helo, sidii ayayna yeeleen…
Waxay u muuqataa in ay kaftan tahay, balse mulkiilaha
dukaan ku yaalla Biljamka ayay arrintaas si run ah ugu dhacday.
Lix ruux oo raba in ay dhacaan dukaanka Didier ayaa maalin
cad u soo galay.
Qofkii dukaanka gadayay ayaase u sheegay in ay soo noqdaan
casar gaaban, si ay u helaan lacag inta uu markaas hayay ka badan. Balse taas
badalkeeda markii dambe in la xiro ayuu ka shaqeeyay.
"Sidii maadays oo kale ayay ahayd," ayuu yiri
isagoo u warramayay BBC-da oo taleefan kula hadashay. Waxaana loogu yeeray
tuugadii ugu qaabkadarnayd ee dalka Biljamka."
Ninka dukaanka leh ayaa sheegay inuu isku dayay in uu la
saaxiibo tuugta 14 daqiiqana ay dukaankiisa ku sugnaayeen.
"Isjiidjiid ayay hawshu ku billaabatay balse waxba ma
siinin, waxaana ku qanciyay in aan galinka dambe siin doono 2 ilaa 3,000 oo
lacagta Yuuroo-da ah.
Nimankii ayaa rumaystay sidaasna ku tagay.
"Markii aan booliska u sheegay, ma aysan rumaysanin
in ay soo noqon doonaan."
Balse saacaddu markii ay ahayd 05:30 galabnimo ayay soo
laabteen, saacad ka hor markii dukaanka la xiri lahaa. Didier ayaa warbaahinta
gudaha u sheegay inuu arkay mid ka mid ah burcaddii oo albaabka taagan uuna ku
wargaliyay in wakhtigii rawaxaadda aan la gaarin.
Markii ay 06:30 galabnimo soo laabteen markii saddexaad
booliiska ayaa dhanka dambe ee dukaanka ku sugayay si ay u qabtaan.
Wiil yar iyo afar nin ayaana sidaas gacanta loogu dhigay.