You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Shir deg deg oo la'isugu yeeray dalalka Islaamka si ay uga fal celiyaan Kitaabka Qur'aanka ee lagu gubay Sweden

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta.

Tebin toos ah

  1. Nin waalidiintiisa ka caawiyay in ay is dilaan oo la xiray

    Mid kamid ah jilayaasha ugu caansan riwaayadaha soo jireenka ah ee Japan ayaa loo xiray inuu waalidkiis ku kaalmeeyay in ay isdilaan.

    Ennosuke Ichikawa ayaa la helay isaga oo jiifa gurigiisa oo ku yaalla Tookiyo bishii May.

    Waalidiintiis ayaa Iyana laga helay iyaga oo miyir la’ oo ku jira qol kale oo guriga ah, mar damabana waxaa la xaqiijiyay in ay mayd ahaayeen.

    Booliska ayaa baaraya dhimashada labadan ruux. Warbaahinta Japan ayaa sheegayin jilaagan caanka ah uu u sheegay saraakiisha booliska in qoysku ay ka wada hadleen arrin dhimasho la xiriirta kadibna ay waalidiintu qaateen kaniiniyada hurdada.

    Garabsiinta qof isdilaya ayaa dambi ka ah Japan, waxaa lagu mutaysan karaa ciqaab dhan todobo sano oo xarig ah.

  2. Liiska jaamacadaha Africa oo lasoo saaray iyo kaalimaha ay galeen kuwa Soomaaliya

    Laba jaamacadood oo Koonfur Afrikaan ah, Jaamacadda Witwatersrand iyo Jaamacadda Johannesburg, oo dhowr kiiloomitir u jirta Johannesburg, ayaa ka soo baxay kaalinta koowaad iyo labaad 88 jaamacadood oo lagu qiimeeyay hormuudka Jaamacadaha ee Times Higher Education Sub-Saharan Africa Rankings 2023 taas oo lagu dhawaaqay 26-kii June oo shalay ahayd.

    Jaamacadda Muhimbili ee caafimaadka iyo culuumta isbahaysiga ee Tanzania ayaa gashay kaalinta saddexaad, halka Jaamacadda Pretoria, oo sidoo kale ku taal Koonfur Afrika, iyo Jaamacadda Makerere ee Uganda ay kala galeen kaalmaha afraad iyo shanaad.

    Jaamacadaha kale ee ku jira 10ka sare, sida ay u kala horreeyaan, waxaa ka mid ah Jaamacadda Western Cape ee Koonfur Afrika, Jaamacadda Covenant ee Nigeria, Jaamacadda Rwanda ee sinnaanta caafimaadka caalamiga ah, Jaamacadda Ashesi ee Ghana iyo Jaamacadda Ardhi ee Tansaaniya.

    Liiskan ayaa waxaa kasoo muuqday dhow jaamacadood oo ka howlgala Soomaaliya.

    Jaamacadda ugusoo horreysa ee ee Soomaaliya kasoo gashay liiskan ayaa ah jaamacadda Abarar oo soo gashay kaalinta 38-aad.

    City university of Mogadishu ayaa gashay kaalinta labaad ee xagga Soomaaliya iyadoo guud ahaan kasoo muuqatay kaalinta 63-aad

    Jaamacadda SIMAD ayaa iyaduna gashay kaalinta 68-aad ee guud ahaan 88-ka jaamacadood ee la tiro koobay heerka aqoontooda.Kaalinta afraad ee dhanka Jaamacadaha Soomaliya waxaa gashay Jaamacadda Teknoolajiyada iyo seyniska ee Jamhuuriya (JUST) , waxayna liiska guud ka gashay kaalinta 78-aad.

    Ugu danbeyn Jaamacadda Red Sea ayaa Gashay kaalinta 84-aad ee heerka jaamacadaha Soomaaliya.

  3. War deg deg ah, Hogaamiyihii Wagner oo la xaqiijiyay in uu ka dagay Belarus

    Hogaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in aasaasihii Wagner Yevgeny Prigozin uu ku sugan yahay Belarus, sida ay sheegtay wakaalada wararka Belarusian Belta.

    Warbaahinta dawladda Belarusiya waxay haysaa faallooyin dheeraad ah oo ka soo baxay hoggaamiyaha Alexander Lukashenko oo ku saabsan imaanshaha dalka ee aasaasihii Wagner Yevgeny Prigozin.

    Hogaamiyaha Belarus ayaa laga soo xigtay isagoo leh "dammaanad amni ayaa la bixiyay", sida uu ballan qaaday madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

    "Waxaan arkaa in Prigozhin uu ku duulayo diyaaraddan haa, runtii maanta wuxuu joogaa Belarus," ayuu yiri isagoo raaciyay inuu dalka ku joogi doono kharashka Wagner.

    Sabtidii, kadib markii uu joojiyay gabood fallo ka dhacay Ruushka, Prigozin wuxuu ogolaaday heshiis uu ugu guurayo Belarus.

  4. Wareysi: Malaayiin Muslimiin ah oo maanta gudanaya acmaasha xajka iyo sida xaalku yahay

    Malaayiin Muslimiin ah oo gudanaya waajibaadka xajka ayaa ku sugan xaramka, iyadoo la sheegay in sanadkaan dadku ay aad uga badanyihiin sanadihii la soo dhaafay oo ay jireen caqabado uu ka mid yahay covid-19.

    Dadka ayaa taagan buurta Carafo oo ah rugniga ugu weyn ee acmaasha xajka iyagoo halkaa ilaa galabta joogi doona.

    Haddaba Maxamed Sheekh Weheliye oo ka mid ah Muslimiinta xajineysa ayaan qadka telefoonka kula xiriirnay waxaana marka horey waydiinay bal jawiga guud ee maanta iyo Xajka.

  5. Muxuu Putin ka yiri dullaankii ay Moscow ku qaadeen Wagner?

    Maalmo kadib markii ay muddo kooban dullaan qaadeen ciidamada isbahaysiga ee Wagner, Madaxweyne Putin waxa uu u mahad celiyay ciidamadiisa ammaanka, isaga oo sheegay in ay joojiyeen dagaal sokeeye oo ka socday Ruushka.

    Mr Putin ayaa u sheegay ciidamada isugu soo baxay fagaaraha Kremlin-ka in ay u istaagi doonaan qalalaase kasta oo horseedi kara fowdo.

    Waxa uu hal daqiiqo u aamusay duuliyayaashii ciidamada cirka ee lagu dilay intii uu socday dullaanka.

    in kastoo Maamulka ay xaqiijiyeen in kiis dambiyeedka Wagner la laalay.

    Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in kooxda ay ku qasban tahay in ay ku wareejiso hub culus iyo qalab.

    Ilaa hadda ma cadda halka uu ku sugan yahay ninkii hoggaaminayay gabood-fallada, ee Yevgeny Prigozhin.

    Diyaarad isaga lala xiriiriyay ayaa ku degtay dalka Belarus.

    Maamulka Putin waxa dhabar jab weyn ku noqday dhacdooyinkii maalmihii u dambeeyay, haddana waxa uu si degdeg ah isugu dayayaa in uu dib u soo celiyo awooddiisii, iyo in uu isu muujiyo in uu yahay nin xoogga badan isaga oo dadka Ruushka ku cabsi gelinaya fikradda ah in uu falkani ku guulaystay maadama uu dagaal sokeeye noqon lahaa.

  6. Maxaa ka cusub Ruushka saacadihii lasoo dhaafay xageese ku dambeeyeen kooxda Wagner?

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hambalyeeyay ciidamada milateriga oo uu sheegay inay “joojiyeen dagaal sokeeye”, isagoo la hadlayayna waxa uu ku baaqay in hal daqiiqo la aamuso duuliyayaashii lagu dilay iska horimaadyada intii uu socday fallaagada Wagner.

    Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay inay socoto diyaarinta Wagner uu ku wareejinayo qalabkiisa milateri, taasoo ka dhigan in kooxda Wagner la kala diri karo.

    Dhammaan saddexda wakaaladood ee ugu waaweyn Ruushka, oo soo xiganaya waaxda amniga ee FSB, ayaa sheegay in la xiray kiiskii dambiyada ee ka dhanka ahaa hoggaamiyaha Wagner.

    Diyaarad xiriir la leh hogaamiyaha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku degtay Belarus, halkaas oo lagu soo waramayo in laga masaafuriyay kadib markii uu dhacay kacdoon.

    Hogaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko ayaa sheegay inay "xanuun badan tahay in la daawado" kooxda Wagner oo Ruushka ku gadoodsan, wuxuuna amar ku bixiyay in ciidamadiisa ay "diyaar u noqdaan dagaalka" inta lagu guda jiro fallaagada.

    Dhanka kale, weerarka iska horimaadka ee Ukraine ayaa sii socda iyadoo madaxweyne Volodymyr Zelensky uu sheegay in ciidamadiisa "ay ku hormareen jihooyin walba".

  7. Ninka 15-ka sano hoggaaminayay kaniisadda ee isaga iyo xertiisaba ay qaateen diinta islaamka sanadkanna xajinaya

    Ibraahim Richmond oo ahaa wadaad Kirishtaan ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, dhawaana qaatay diinta Islaamka, ayaa waxaa sanadkan uu kamid yahay kumanaanka muslimiinta ah ee gudanaya xajka

    Richmond waxa uu islaamay saddex bilood ka hor. Kumanaan Masiixiyiin ah oo kaniisaddiisa ka tirsan ayaa raacay oo aqbalay Islaamka.

    Muuqaal fayras ah, kaas oo ku soo baxay internet-ka bishii March, Richmond iyo kumanaan taageerayaashiisa ah ayaa la arkay iyagoo ku dhawaaqaya Shahaadada.

    Waxa uu yiri, "Waxaan ahaa wadaad kaniisad muddo 15 sano ah, oo waxaan ahaa hoggaamiyaha kiniisadda, taas oo lahayd 100,000 oo raacsan."

    Saddex bilood ka hor, waxaan isla kaniisada ka sheegay in aan qabsanno shahaadada, wayna taageereen wixii aan sheegay, wayna ku celceliyeen. Ka dib waxaan arkay walaal muslim ah oo noo soo socda.,” ayuu yiri.

    Waxa uu yiri isaga oo ka hadlaya imaatinka xajka, “Markii ugu horaysay ee la igu casuumay in aan soo xajiyo, maan hubin, Waxaan mooday inaanan tagi karin. Laakiin hadda, halkan ayaan joogaa… anigoo raacaya tallaabooyinkii Nebi Muxamed, NNKH malaayiin dadkayguna waxay raaci doonaan tallaabooyinkan si ay u arkaan iftiinka.”

  8. Ilhaan Cumar iyo Hindiya oo markale gorodda iskula jira

  9. Xoogagga RSF ee Sudan oo ka hadlay waxa ay ka yeelayaan maalmaha Ciidul Adxaa

    Xoogaga Taageerada degdega ah ee Sudan ayaa sheegay in ay ilaalin doonaan xabad joojin hal dhinac ah oo ay kala dhexeyso ciidamada Sudan maalmaha Talaadada iyo Arbacada, si loogu dabaaldego maalinta Ciidul Adxaa.

    Gen Hemedti ayaa sidoo kale cambaareeyay xadgudubyada loo geystay dadka rayidka ah - oo ay ku jiraan kuwa ay gaysteen ciidamadiisa.

    RSF ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeysay xadgudubyada ka dhacay Darfur.

  10. Putin oo ka hadlay duuliyayaal la sheegay in la dilay intii uu socday kacdoonka Wagner

    Khudbadiisii ​​xalay, ayuu madaxweyne Putin ku xaqiijiyay in duuliyayaal ciidamada Ruushka lagu dilay isku dhacyo dhexmaray iyaga iyo ciidamada Wagner ee waday gadoodka muddada gaaban socday.

    Waxa uu u mahadceliyey dhammaan kuwa " hor-istaagay jidka fallaagada", oo ku adkaystay inay ka soo baxaan "waajibkoodii, dhaartii ay dadkooda u dhaarteen ", ayay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Madaxweynaha Ruushka ayaa u mahadceliyey geesiyaashii dhintay ee muujiyay "geesinimada iyo naf-huridda" ee "ka badbaadiyay Ruushka cawaaqib xun".

  11. Daawo: Maxay Soomaalidu ka aaminsan yihiin bidaarta?

  12. Natiijada doorashada duqa Toronto ee ay ku tartamayeen Eyga iyo murashaxiin kale oo la shaaciyay

    Waxaa la shaaciyay natiijada doorashada duqa magaalada Toronto oo ay ku tartamayeen ey iyo boqol iyo kow qof.

    Doorashadan oo ahayd tii labaad ee la qabto muddo sideed bil gudaheed ah ayaa timid kadib markii uu si lama-filaan ah isu casilay duqii hore John Tory oo ay kusoo baxday fadeexad.

    Waxaa hadda doorashada ku guuleystay gabadh soo-galooti ah oo shiineys ah oo Hong Kong ku dhalatay.

    Gabadhan oo lagu magacaabo Olivia Chow oo 66 sano jir ah ayaa ka guuleystay boqol iyo labo murashax oo mid ka mid ah uu yahay Ey.

  13. Qaar ka mid dhalinyarada Youtuber-rada ah ee qabriga isku aasay iyagoo nool

  14. Sheekh Shariif oo ka hadlay dagaalada ka socda Soomaaliya iyo waxa sababay.

    Iyadoo lagu guda jiro todobaadka xoriyadda, ayaa madaxweynihii hore ee Soomaliya, Shariif Sheekh Axmed sheegay, inay dhibaato ka jirto meelo badan oo uu daadanayo dhiig Soomaaliyeed oo laga baaqsan karo, lana arki waayay bisha xormada leh iyo dhiigga xormada leh sida u sheegay.

    "Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, shacab iyo mas’uulyiinba waxaan ka codsanayaa in la joojiyo dhiiga daadanayo", ayuu yiri Sheekh Shariif.

    "Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay dalka ka joogaan dibedda, kuna dhibaateysanyihiin in kabadan 30 sano. Dagaallada sokeeye iyo dhiigga daadanayo waxaa aasaas u ah cadaalad darro iyo dulmi dhexdeena ah", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

    Tiro dad ah ayaa ku dhintay halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen dagaal dhawaan ka dhacay magaalada Garowe. Laba maalmood kahorna, dagaal xooggan oo ka dhacay magaalada Laascaanood aya galaaftay nolosha ku dhowaad 8 qof..

  15. Maxay Mareykanka iyo Sweden ka baarayaan wiilka uu dhalay Erdogan

    Wakaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in saraakiisha la dagaalanka musuq maasuqa ee Mareykanka iyo Sweden ay wadaan baaritaan.

    Baaritankaas ayaa waxaa qeyb ka ah qorshe ay wadeen shirkado laga leeyahay Mareykanka iyo Sweden taas oo ah inay lacago laaluush ah siiyaan Bilaal Erdogan oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Edrgon.

    Warbixin gaar ah oo ay heshay wakaaladda aya lagu sheegay, in shirkaddu doonaysay inay malaayiin doolar siiso Bilal Erdogan haddii uu ka caawiyo in badeeco ay soo saarto uu suuq geyn uga sameeyo suuqyada ku yaalla Turkiga.

  16. Maxay tahay ballanta uu Putin ka qaaday madaxa Wagner si uu kacdoonka u joojiyo ee hadda "looga baxay?"

  17. Muslimiinta Mareykanka oo war cusub ka soo saaray gabdhihii Soomaalida ee shilka ku dhintay

    Qoysaska shantii gabdhood ee Soomaalida ahaa ee dhowaan ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee ee dalka Maraykanka iyo hay'adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka, ayaa dalbaday in baaritaan madax banaan lagu sameeyo wixii sababay iyo ciddii ka dambeysay shilkaasi.

    Waxaa ay sheegeen inaysan ku qanacsanayan baaritaanka booliska magaalada Minneapolis maaddaama sida hay'addu sheegtay in kiisku ku leeyahay nin askari ah oo ka tirsan booliska magaaladaas. Jeylaani Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha hay'adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ee CAIR ayaa arrintaas uga warramay BBC.

  18. Maxay yihiin ciidamada Imaaraatka uu maalgelinayo ee Puntland?

  19. Muxuu Farriintiisa ku sheegay Madaxa Wagner muxuuse ka tagay?

    Madaxa kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in farriintiisu u dambeysay ee uu soo dhigay barta Telegram in uu uga jawaabayey su'aalaha ugu muhiimsan ee dadku iska weydiinayeen talaabadiisii amar diidada ee uu Moscow ku aaday iyo dhacdooyinkii ay horseeday, iyo sida uu sheegay in oo saxo waxii "qalad loo fahmay".

    Laakiin waxuu ku guuldarreystay inuu ka jawaabo laba su'aalood oo muhiim ah - oo ku saabsan mustaqbalka Wagner iyo Prigozhin laftiisa, iyo wixii tanaasulaad ah haddii ay jiraan ee uu ka helay Kremlin-ka iyada oo qayb ka ah heshiiska lagu dejinayo xiisadda.

    Madaxa Wagner wuxuu xusay doorka dhexdhexaadinta heshiiska hogaamiyaha Belarusia Alexander Lukashenko, kaasoo "soo bandhigay si loo helo habab ay Wagner u sii wadan karaan shaqadooda si sharci ah".

    Laakiin Prigozhin ma uusan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan waxa tani dhab ahaantii macnaheedu noqon karto. Waxay u muuqataa in qaar ka mid ah shaqaalaha Wagner loo wareejinayo Belarus - Wargayska Ruushka ee Verstka ayaa sheegay in dhisme lagu bilaabay xeryo loogu talagalay kooxdan.

    Waxaa sidoo kale jiray warar aan la hubin oo sheegaya in Wagner loo isticmaali karo weerar ka dhan ah Ukraine oo ka imanaya dhanka Belarus.

  20. Hogaamiyihii kooxda Wagner oo farriiin soo diray

    Hogaanka kooxda Milatariga ah ee Ruushka ee lagu magacaabo Wagner- Yevgeny Prigozhin ayaa hadda uun soo dhigay internet-ka cod 11 daqiiqo ah, kaasoo uu ku sheegayo inaysan wax heshiis ah la gelin wasaaradda difaaca Ruushka iyo in ciidamadiisa loo qorsheeyay in lasoo af jaro kowda bisha Luulyo.

    Wuxuu farriinta ku yiri: " Ujeedka hawlgalku wuxuu ahaa in aan Wagner la burburin iyo in masuuliyiinta lala xisaabtamo, kuwaas oo xirfad xumadooda awgeed galay qaladaad badan".

    waxa uu sheegay in Wagner ay ka xunyihiin "duqeyntii ay la beegsadeen ciidamada cirka Ruushka" waxayna u laabteen "si ay uga dhowrsadaan in uu daado dhiiga ciidamada Ruushka".