Xabbad joojin hal maalin ah oo ay ku dhawaaqeen labada
dhinac ee ku dagaallamaya caasimadda Suudaan ee Khartoum, si loogu dabaaldego
Ciidul-Adxa, ayaa u muuqata mid sii yaraanaysa.
Duaa Tariq oo ka tirsan shaqaalaha gurmadka deg-degga ah
ayaa BBC-da u sheegtay in rasaas xooggan laga maqlayay degmooyinka waqooyiga ee
magaalada tan iyo subaxnimadii hore.
Talaadadii madaxa ciidamada qalabka sida, General Abdel
Fattah al-Burhan, ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay ku biiraan oo ay la
dagaalamaan Ciidamada Taageerada degdega ah (RSF).
Heshiisyadii hore ee 10-ka toddobaad ee is-jiid-jiidka ahaa
ayaa si la mid ah si la mid ah u xumaaday.
RSF-ta dalka Suudaan ayaa maanta ku dhawaaqday in ay
siideysay 100 maxbuus dagaal ah, taasoo qeyb ka ah dabaaldega ciida, iyadoo
dhanka mucaaradka dowladda ay ku dhawaaqeen in maanta uusan wax dagaal ah
dhicin.
Saaka aroortii Jeneraal Abdel Fattah al-Burhaan ayaa ku
dhawaaqay fasax hal maalin ah si loogu dabaaldego Ciidul Adxaa.
Tani waa mid ka mid ah maalmaha ugu muhiimsan ee taariikhda
Islaamka.
Qoraal la soo dhigay barta Facebook-ga ee dowladda Suudaan
ayaa lagu sheegay in “maalinta Ciidda ay ciidamadu ku dhawaaqeen xabbad joojin
maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa”.
RSF ayaa Talaadadii sidoo kale Facebook-ga ku shaacisay in
ciida Al-Adxa awgeed ay sii deyn doonto 100 maxaabiis ah Arbacada.
Dhawaaqyadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay soo baxayaan
warar sheegaya in dagaallo culus ay labada dhinac ku dhexmarayaan caasimadda
Khartoum oo ay go'doomiyeen in ka badan laba bilood iyo magaalooyin kale sida
Bahri, Omdurman, iyo meelo kale.
In ka badan hal milyan oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii
dagaalka oo qarxay bishii Abriil, halka inta u dhaxaysa 3,000 ilaa 5,000 ay
ku dhinteen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.