You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Shir deg deg oo la'isugu yeeray dalalka Islaamka si ay uga fal celiyaan Kitaabka Qur'aanka ee lagu gubay Sweden

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta.

Tebin toos ah

  1. Dhacdooyinkii u dambeeyay ee rabshadaha ka socda Faransiiska

    Halkan ka eeg dib u koobis degdeg ah oo ku saabsan dhacdooyinkii ugu muhiimsaaa ee Dibadbaxa Fransiiska ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ama wax ka badan:

    Booliiska Faransiiska iyo dad mudaaharaadayey ayaa isku dhac ku dhex maray socod ka socday xaafadda Nanterre ee magaalada Paris halkaas oo wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Nahel uu nin booliis ah ku toogtay meel ay taraafikada ku sugnaayeen Talaadadii.

    Dibad-baxayaasha ayaa xalay geystay dhaxtuuryeyn xilli ay ku jireen dibad baxyo rabshadeysan, waxaana booliisku ay ugu jawaabeen sunta dadka ka ilmeysiisa.

    Kumanaan kun oo qof ayaa maanta isugu soo baxay dibad bax ay ku dalbanayaan in Nahel cadaalad loo helo – waxaana hogaaminaysa hooyadii.

    Dawladda ayaa daabulaya 40,000 oo booliis ah iyadoo la filayo in rabshado kale ay dhacaan

    Taraamyada iyo basaska waxay joojin doonaan adeegyada goor hore meelaha qaar

    Askarigii toogtay Nahel ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay dil, waxaana uu hadda ku jiraa xabsi guri.

  2. Puntland oo dooneysa in la hakiyo hanaanka deyn cafinta Soomaaliya

    Puntland ayaa markii ugu horreysay ka falcelisay wareysi uu wasiirka maaliydda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu siiyay BBC-da, kaas oo uu ku sheegay in Puntland aysan diidaneyn howlaha deyn cafinta balse ay qabto tabasho siyaasadeed oo kale.

    Laakiin Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa isna BBC-da u sheegay, in Puntland ay kasoo horjeeddo hannaanka deyn cafinta,wuxuuna dalbadayna in la hakiyo howlha socda. Waxa uu intaas ku daray inay jiraan xeerar badan oo aysan ku raacsanayn dowladda federaalka. Dhageyso wasiir Maxamed Dhabancad oo u waramaya madaxa laanta Af-Soomaaliga ee BBC, Muxyadiin Axmed Rooble.

  3. Askariga geystay dilka ay dartiisa Paris uga socdaan dibadbaxyada oo la xiray

    Askariga bilayska ah ee toogtay Nahel oo 17 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil oo ku tala gal ah lana geliyay xabsi.

    Tan ayaa timid ka dib markii dacwad oogaha maxalliga ah ee Nanterre, halkaas oo uu ku noolaa wiilka la dilay kuna dhintay, uu horay u sheegay in sarkaalka ku lug lahaa dilka la geliyey baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dilka ikhtiyaari ah.

    Dibadbaxyada ayaa weli ka socda dalka faransiiska siiba Magaalada Paris. ilaa 40,000 oo boolis ah ayaa lagu daadshay wadoyinka si ay uga hor tagaan rabshadaha halkaas ka socda.

    "Boolisku ina ay na ilaaliyaan ayey ahayd ee ma aha in ay iyagu na dilaan," ayey tiri weriye maxali ah oo lagu magacaabo Amina Kalache mar ay la hadleysay raadiyaha BBC.

    Haatan waxaa socda dibad baxyo balaaran oo ay hor kacayso hooyada dhshay wiilka la dilay.

  4. Ciyaartoyda caanka ah ee la filayo in ay ku biiraan kooxaha Sucuudiga

    Kooxda chelsea ayaa ilaa haatan aad ugu mashquulsan suuqan kala iibsiga ciyaartooyda iyada oo ciyaartoy kale ay u muuqdaan kuwo Sucuudiga kaga daba tagaya Kante, Koulibaly iyo Mendy. Hakim Ziyech iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sidoo kale isku diyaarinaya ka dhaqaaqista Yurub.

    Arsenal ayaa isku dayaysa in ay hesho kooxda ku haboon ciyaartoygeedaa Thomas Partey iyada oo lagu wado in la badalo xiddiga khadka dhexe halka Crystal Palace-na uu Wilfried Zaha noqon doono wakiil xor ah xagaaga, waxana uu dalab ka helay Sucuudi Carabiya.

    Labada ciyaaryahan ee khadka dhexe uga ciyaara Manchester City, Ilkay Gundogan iyo Bernardo Silva ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi doonaan kooxda Al Hilal, inkastoo Gundogan uu haatan u saxiixay Barcelona. Silva, oo ay isku mid yihiin wakiilka Ruben Neves, ayaa weli mustaqbal aan la hubin ku leh kooxda City.

    Waqtigii Neymar ee PSG ayaa u muuqda mid dhamaaday xilli Al Hilal ay xiiso badan u qabto xiddiga reer Brazil. Xiddiga ay isku dalka yihiin ee Roberto Firmino kaas oo ah wakiilka xorta ah ayaa waxaa la soo xidhiidhay kooxda Al Ahli.

    Saul Niguez ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu u dhaqaaqo Al Nassr, laakiin Atletico Madrid waxay u badan tahay inay dalbato lacag la taaban karo maadaama uu qandaraas kula jiro kooxda reer Spain, kaas oo dhacaya sannadka 2026.

  5. Qaadka Kenya oo canshuur gar ah la saarayo

    Canshuurta qaadka ayaa Kenya ka dhaqan geli doontaa 1-da bisha Luulyo ee sannadkan 2023. Hay'adda Beeraha iyo Cunnada (AFA) ayaa warkan ku shaacisay ogaysiis dheeraad ah iyadoo xustay in Xeerarka Dalagga (jaadka) ee 2023 markii ugu horreysay la daabacay bishii Abriil ee sannadkan.

    "Iyadoo hirgelinta hababka shati bixinta la soo saaray isla markiiba daabacaadda ka dib, dhaqangelinta Canshuurta qaadka ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo horumarinta qaab dhismeedka awood-siinta uu socdo. Qalabka elektaroonigga ah ayaa hadda lagu dhammeeyey Nidaamka Macluumaadka Maareynta Isku-dhafka ah ee AFA," ayaa ku xusneyd ogeysiiska.

    "Arrintan, Hay'addu waxay ku wargelinaysaa dadweynaha guud in Canshuurta Miraa-ga ee lagu bixiyo Xeer-hoosaadka 31 ee Shuruucda Dalagga (Miraa), 2023 waxay dhaqangeli doontaa laga bilaabo 1" Luulyo 2023."

    Xeerarka Dalagyada qaadka ayaa sheegaya in ay jiri doonto canshuur lagu soo rogayo badeecada qaadka ee la dhoofiyo iyadoo lagu salaynayo xaddi boqolkiiba laba ah (2%) qiimaha badeecada, ganacsiga qaadka ee dibadda laga keeno ayaa la saaraya boqolkiiba afar.

    Lacagta cashuurta ah ee loo dirayo hay'adda waa in la bixiyaa ugu dambayn maalinta tobnaad ee bisha ku xigta bisha markii hore ee cashuurtu ahayd.

    “Khidmadaha lagu bixiyo shatiyada, cusboonaysiinta shatiyada iyo ruqsadaha ee xeerarkan waa in ay noqdaan sida ku cad Jadwalka Saddexaad waxaana dib loo eegi karaa barkii lo baahdo. Kharash kasta oo ku saabsan wax soo saarka la kala iibsado gaadiid loo adeegsanayo waa in lagu dallaco hal mar marka laga baxo gobolka asal ahaan laga keenay badeecada, "ayaa ku dhigan sharciga. “Qofka gala fal-dembiyeed hoos yimaada xeerarkan oo aan wax ciqaab ah lagu soo rogin, waxa uu mutaysan doonaa, marka lagu xukumo, ganaax aan ka badnayn Ksh.500,000, ama xadhig aan ka badnayn hal sano ama labadaba sida ku cad qodobka 37 ee sharciga.”

  6. Dhageyso deegaanada Soomaaliya ee aan shalay laga tukan salaadda ciidda

    Iyadoo maalintii shalay dunida islaamka inteeda badan laga ciiday ciidul Adxaa, ayaa waxaa jira Soomaaliya deegaanno manata laga tukaday salaadda ciidda gaar ahaanna deegaannada Galmudug.

    Magaalooyinka Gaalkacyo, Dhuusamareeb, Caabdu-waaq Guriceel iy kuwo kale waxaana arrintaan loo arkaa kala aragti duwanaan salka ku haysa dhanka dariiqooyinka.

    Haddaba sida maanta deegaannadaaasi looga ciiday waxaa Xasan sheek Cumar uga warramay,Sheekh Muxyadiin Sheekh Yuusuf Barre guddoomiyaha Golaha Ahlu sunna Waljameece ee Galmudug.

  7. Diyaarad lugta hore ka maqan tahay oo ku degtay Mareykanka

    Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Delta ee Mareykanka oo siday dad ka badan 100 rakaab ah ayaa si badqab ah ku degtay iyadoon aan laheyn lugta hore ee diyaaradaha ku dagaan.

    Shirkadda diyaadda Delta ayaa sidan sheegtay, “Diyaarad rakaab ah oo lugta hore ka maqan tahay ayaa ku degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Charlotte-Douglas ee waqooyiga Caroline Arbacadii”.

    Diyaaradda waxay siday rakaab tiradooda gaaraysa 96 qof iyo shaqaalaha diyaaradda. Cidna waxba kuma noqon diyaaradda oo degtay iyadoon laheyn lugta hore.. sii akhri

  8. Dhacdooyinkii u dambeeyay ee rabshadaha ka socda Farnsiiska

    Haddii aad khadda uun nagusoo biirtay, ama aad u baahan tahay dib-u-xasuusin, waxaan halkan sawir kaga bixineynaa xaaladihii u dambeeyay ee Faransiiska.

    Kumanaan qof ayaa lagu qiyaasaa inay ku biireen socod ka socda Nanterre oo ay hogaamineyso hooyada dhashay Nahel, oo 17 jir ah oo ay booliisku toogasho ku dileen Talaadadii ka dib markii uu diiday in uu joogsado.

    Waxay ku qaylinayeen "CadaaladdaNahel" markay jidadka marayeen Warbaahinta Faransiiska ayaa soo tabineysa dhacdooyinkii ugu horeeyay ee isku dhacyo dhex maray dad mudaaharaadayay iyo booliska, iyadoo muuqaalo laga soo duubay ay muujinayaan isticmaalka sunta dadka ka ilmeysiisa.

    Saraakiisha ayaa goor sii horeysay shaaca ka qaaday in 40,000 oo askari caawa lagu daadin doono guud ahaan Faransiiska si ay wax uga qabtaan rabshada dhici kara habeenka saddexaad ee suurtagalka ah, laakiin wasiirradu waxay sheegeen in aan lagu soo rogi doonin xaalad degdeg ah.

    Ilaa 170 sarkaal ayaa ku dhaawacmay iska horimaadkii xalay, waxaana la xiray 180 qof, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa codsaday in la dejiyo xaaladda, askariga toogtay Nahel ayaa lagu wadaa baaritaan ku saabsan inuu geystay dil.

  9. Dibadbaxyada rabshadaha wata ee Faransiiska oo habeenkii labaad galay

    Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska ayaa ballan qaaday inuu dib u soo celin doono nidaamka iyo kala dambeynta waddooyinka, ka dib markii ay habeenkii labaad galeen bannaan baxyo rabshada watat oo ka dhashay will 17 jir ah oo ay boolisku dileen.

    Gerald Darmanin ayaa sheegay in afartan kun oo ciidan ah la hawl galin doono fiidnimadan, taas oo ka dhigan wax ka badan afar jeer tiradii xalay.

    Wuxuu ballan qaaday inuu si adag uga jawaabi doono qalalaasaha, isagoo ku tilmaamay weerarrada ka dhanka ah adeegyada bulshada sida saldhigyada booliiska, iskuullada iyo dhismayaasha dowladda hoose 'wax aan gabi ahaanba la aqbali karin'.

    Waxaana ka mid aha hadallidiisii mar uu la hadlayey wariyeyaasha.

    Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ninkii booliiska ahaa ee talaadadii toogtay dhibbanaha oo lagu magacaabo Nahel, lagu sameeyay baaritaan rasmi ah, loogana shakisan yahay in uu dilka geystay.

    Qaraabada Nahel ayaa la filayaa inay hoggaamiyaan socod aamusan oo ka dhacaya waddooyinka magaalada Paris.

  10. Khasaare intee dhan ayey kooxda Wagner gaarsiisay Ruushka?

  11. Waa kuma Ninka Carabka ah ee kitaabka Qur'aanka gubay?

    Marooko ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Sweden kadib markii Kitaabka Qur’aanka lagu gubay mudaaharaad ka dhacay magaalada Stockholm.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Marooko ayaa falkan ku tilmaantay mid gardarro ah oo mas’uuliyad darro ah, xilli muslimiintu ay u dabaaldegayeen mid ka mid ah maalmaha ugu fadliga badan taariikhdooda.

    Sidoo kale waxaa cambaareeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga oo sheegay in kuwa u oggolaaday ay ku lug lahaayeen.

    Salwan Momika oo xaggiisa danbe ay taagan yihiin askar booliis ah, xilli uu ku sugnaa bannaanka masaajidka Stockholm, isaga oo lulaya calanka dalka Sweden, heesta qaranka ee dalkaasina ay ka ag baxaysay ayaa laba u kala jeexay dabna qabadsiiyey kitaabka qur’aanka kariimka maalinnimadii arbacada...sii akhri

  12. Madona oo isbitaal loola cararay

    Madonna ayaa dib u dhigtay socdaalkeedii ay aduunka ku wareegi lahayd ka dib markii la geeyay qaybta daryeelka degdega ah ee cisbitaalka (ICU) waxaana sheegay in ay qabto caabuq nooca bakteeriyada ka dhasha ah.

    Sida laga soo xigtay maamulaheeda khaaska ah, caabuqa xidigtan caalamiga ah wuxuu ahaa "mid halis ah" wuxuuna horseeday "dhowr maalmood oo ay ku sugnaanayso ICU". Wuxuu intaas ku daray in la filayo soo kabasho buuxda.

    Hadal uu soo saaray, Guy Oseary wuxuu ku sheegay in caafimaadka Madonna uu soo hagaagayo, balse ay weli ku jirto daryeel caafimaad.

    Madonna, oo 64 jir ah, ayaa la filayay inay bilawdo socdaalka 84-jirsigeeda bisha soo socota. Waxaa la rumeysan yahay in lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada New York, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

    xidigtan heesaha pop-ka waxay doonaysay inay u dabaaldegto sannad-guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay kalinamadeeda, iyada oo bilawday safarkeedii ugu horreeyay ee abid.

    Waxaa loogu magacdaray Dalxiiska Dabaaldegga, tani waxay noqon doontaa ku soo laabashada masraxyada iyo garoomada ka dib tijaabadii ay samaysay heesteeda Madame X oo ku salaysan tiyaatarka 2019 iyo 2020. Qaar ka mid ah bandhigyadaas ayaa la joojiyay sababo la xiriira dhaawac xiddigtan kasoo gaaray jilibka iyo sinta .

  13. Nin hubeysanaa oo isku deyay inuu gudaha u galo qunsuliyadda Mareykanka ee Sacuudiga

    Sacuudiga ayaa bilaabay inuu baaritaan ku sameeyo ninkii sitay qoriga ee isku deyay inuu gudaha u galo qunsuuliyadda Mareykanka ee Sacuudiga.

    Ninkan hubeysanaa ayaa lagu toogtay bannaanka qunsuliyadda oo ku talla magalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

    Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay inuu ninkaasi ka soo degay baabuur isla markaana uu si toos ah u aaday dhanka qunsuliyadda isagoo qori sita.

    Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka, ayaa sheegtay inuusan jirin muwaadin American ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay falkaasi.

  14. Nin qasaariyay daraasad la sameynayay in kabadan 20 sano

    Nin qeybta nadaafadda ka shaqeynayay ayaa qasaariyay daraasad aan hore loo sameyn oo Mareykanku ku howlanaa muddo ka badan 20 sano, kaddib markii uu damiyay talaajad ku jirtay goob sheybaar ah oo ay ku jireen waxyaabo aad muhiim ugu ah baaritaanka la waday.

    Sheybaarkaasi ayaa yaallay jaamacadda Rensselaer Polytechnic oo ku taalla New York.

    Ninkaasi ayaa sababta uu sidaas u sameeyay ku sheegay, inuu shanqar ka maqlay qolka sheybaarka gaar ahaanna dhanka talaagadu taallay, shanqartaas oo ahayd mid uu aad u dhibsaday , sida laga soo xigtay warbixin ay qareenada u gudbiyeen maxkamad ku taalla New York.

    Daraasaddan la waday, ayaa la sheegay inay ku baxday kharash aad u fara badan.

    Shirkadda shaqaaleysiisay ninka nadaafadda ka shaqeynayay ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan.

  15. Daawo: Maxay Puntland iyo Dawladda Federaalka marwalba isku qabtaan?

  16. Mareykanka oo wax laga xumaado ku tilmaamay gubistii qur'aanka ee Sweden

    Waxaa isa soo taraya waddamada qaar oo ka falcelinaya ninkii kitaabka qur’aanka ku gubay dalka Sweden.

    Mareykanka markaan eegno, ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareeykanka, Vedant Patel, ayaa war-saxaafadeedkiisa maalinlaha ah ku sheegay, in dhacdadaas ay tahay wax laga xumaado isla markaana aanan la aqbali Karin.

    Dhanka kale, Morocco ayaa u yeeratay safiirkeeda u fadhiyay dalka Sweden.

    Wasiirka arrimaha dibedda ee Sacuudiga ayaa isna si adag u cambaareeyay falkaasi.

    Dhacdadan waxaa sidookale cambaareeyay Turkiga.

  17. Soomaalida Sweden ku nool oo ka hadashay kitaabka qur'aanka ee dabka la qabadsiiyay

    Soomaalida ku nool dalka Sweden ayaa caro ka muujiyay gubistii kitaabka qur'aanka ee dalkaasi, iyagoo dhacdadaas ku tilmaamay mid aad u fool xun.

    Falkan ayaa ku soo aaday xili ay muslimiinta caalaka u dabaal-degayeen maalinta Ciidda oo shalay ku beegnayd.

    Maxamed Maki, oo ah guddoomiyaha mid ka mid ah masaajidda Soomaalida ee Sweden kana mid ah midawga masaajidda Sweden ayaa BBC-da u warramay.

  18. Shan arrin oo Nebiga (NNKH) ka dardaarmay balse meelaha qaar dunida caadi ka noqday

  19. Waardiye qasaariyay dasaarad labaatan sano la waday.

    Nin waardiye ah ayaa qasaariyay daraasad aan hore loo arag oo Mareykanku ku howlanaa muddo ka badan 20 sano, kaddib markii uu damiyay talaajad ku jirtay goob sheybaar ah oo ay ku jireen waxyaabo aad muhiim ugu ah baaritaanka la waday.

    Sheybaarkaasi ayaa yaallay jaamacadda Rensselaer Polytechnic oo ku taalla New York.

    Waardiyaha ayaa sababta uu sidaas u sameeyay ku sheegay, inuu shanqar ka maqlay qolka sheybaarka gaar ahaanna dhanka talaagadu taallay, shanqartaas oo ahayd mid uu aad u dhibsaday , sida laga soo xigtay warbixin ay qareenada u gudbiyeen maxkamad ku taalla New York.

    Daraasaddan la waday, ayaa la sheegay inay ku baxday kharash aad u fara badan.

    Shirkadda shaqaaleysiisay waardiyahaasi ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan.

  20. Turkiga oo cambaareeyay kitaabka qur'aanka lagu gubay Sweden

    Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay fal shalay oo Ciid ahayd ka dhacay dalka Sweden, oo ah in dalkaasi ogolaaday inuu nin ku gubo nuqul ka mid ah kitaabka qur’aanka kariimka ah.

    Tallaabadan ayaa caro ka abuurtay guud ahaan baraha bulshada, taas oo dad ay badan u arkaan fal sii hurinaya nacaybka ay dadka qaar u qabaan muslimiinta.

    Ma aha markii ugu horeysay oo fal noocaan ah uu ka dhaco dalkaasi Sweden.