Laas Caanood oo mar kale dagaal culus uu ka dhacay

Tebinta tooska ah ee wararka BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Wa tumaa haweeneyda loo magacaabay madaxa fulinta Twitter-ka?

    madaxa fulinta ee Twitter-ka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Elon Musk ayaa magacaabay madaxa fulinta ee Twitter-ka, wax ka yar lix bilood ka dib markii uu muran ka dhashay la wareegitaankiisa shirkadda baraha bulshada.

    Maalqabeenka ayaa sheegay in Linda Yaccarino, madaxii hore ee xayaysiinta ee NBCUniversal, ay dusha kala socon doonto howlaha ganacsiga ee goobtaas oo la daalaa dhacaysay lacag sameyso.

    Waxa uu sheegay in ay shaqada bilaabi doonto lix toddobaad gudahood. Mr Musk waxa uu sii ahaan doonaa gudoomiyaha iyo madaxa tignoolajiyada.

    Ms Yaccarino waxa ay waxay ka soo jeedaa qoys Talyaani-Maraykan ah, abbaheed wuxuu ahaan jiray sarkaal booliis ah halka hooyadeedna aysan waligeed jaamacad dhigan.

    Waxay sidoo kale xiriir ka dhistay warbaahinta cusub sida Apple News, Snapchat iyo YouTube.

    Claire Atkinson oo la socotay xirfaddeeda Ms Yaccarino muddo ku dhaw labaatan sano ayaa sheegtay in khibrada ay u leedahay xayeysiinta ay caawin karto shirkada Twitter-ka.

    WARAR KALE OO DHEERAAD AH

  2. Garmalka ooTaangiyo iyo diyaarado u diraya Ukraine

    Garmalka ooTaangiyo iyo diyaarado u diraya  Ukraine

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Jarmalka ayaa ku dhawaaqay inuu siin doono Ukraine xirmo gargaar oo ku dhow $ 3 bilyan si loo xoojiyo difaaca dalka, taasoo calaamad u ah ballanqaadkii Berlin ee ugu weynaa ee gargaarka milatari tan iyo bilowgii dagaalka.

    Wasaaradda difaaca Jarmalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xirmadan ay ka mid noqon karaan agabyo kala duwan oo milateri, oo ay ku jiraan gawaarida gaashaaman, 30 taangiyada Leopard, diyaaradaha wax basaasa iyo rasaas.

  3. Israa'iil iyo maleeshiyada Falastiin Islamic Jihad (PIJ) oo ku heshiiyey xabad joojin

    Israa'iil iyo maleeshiyada Islamic Jihad (PIJ)  oo ku heshiiyey xabad joojin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Waxaa jirta rajo ah in xabbad joojin ay qabsoonto si loo soo afjaro dagaalka shanta maalmood ee u dhexeeya Israa'iil iyo maleeshiyada Falastiin Islamic Jihad (PIJ) ee Gaza.

    Ugu yaraan 33 falastiiniyiin ah ayaa tan iyo talaadadii lagu dilay Gaza, halkaas oo Israel ay sheegtay in ay duqeysay bartilmaameedyada maleeshiyada PIJ.

    Gantaal ay Falastiiniyiintu ku garaaceen Israa’iil ayaa dilay laba qof oo mid Israa’iili yahay iyo mid Falastiini ah oo ka shaqaynayey dalkaas.

    Dadaallada dhex dhexaadinta ah waxaa garwadeen ka ahaa Masar, taasoo ku boorisay labada dhinac inay u hoggaansamaan heshiiska xabbad joojinta.

    Washington ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqista xabbad joojinta, waxayna sheegtay in saraakiisha Mareykanka ay kala shaqeeyeen saaxiibada gobolka si loo gaaro qaraarka.

  4. Dhawaqa rasaasta oo laga maqlayo Caasimad Suudaan ka hor wadahalada maanta la filayo

    Dhawaqa rasaasta oo laga maqlayo Caasimad Suudaan ka hor wadahalada maanta la filayo

    Xigashada Sawirka, EPA

    Dagaal culus oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya dalka Suudaan ayaa weli ka socda caasimadda Suudaan ee Khartoum iyo magaalooyin kale ka hor wadahadallada xabbad joojinta ee maanta la filayo.

    Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Suudaan ay duqeeyeen goobo ay dad rayid ah degan yihiin, halka ciidamada (RSF) ay qabsadeen hanti shacab.

    Dhinacyada dagaallamaya ayaa Khamiistii saxeexay "inay diyaar u yihiin inay fulin doonaan waxa lagu heshiiyo", ka dib toddobaad wadahadal ah oo ay dhexdhexaadinayeen Sucuudiga martida loo yahay iyo Maraykanka.

    Wadahadallada xabbad joojinta ee u dhexeeya wakiillada dhinacyada dagaallamaya ayaa maanta dib uga bilaaban doona Jeddah.

    WAXAAD SIDOO KALE AKHRISAN KARTAA

  5. Tirada dadka xaqa u leh inay ka codeeyaan dorashada Turkiga

    Turkey

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dalka Turkiga ayaa maanta waxaa ka dhici doonta codbixinta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa.

    Sanaadiiqda cod bixinta waxay furmi doonaan 08.00 wakhtiga Turkiga waxayna xidhmi doonaan 17.00.

    In ka badan 191,000 oo sanaadiiqada cod bixinta ayaa laga dhigi doonaa ilaa 1,094 degmooyin ee dalka.

    60 milyan 697 kun oo codbixiyayaal ah ayaa xaq u leh inay dalka ka codeeyaan.

    Tirada musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa ah 4 musharax, tirada xisbiyadu waa 24, halka xildhibaanada madaxa banaan ay yihiin 151 musharax.

    Waxa kale oo mamnuuc ah in la saadaaliyo ama laga faallooda natiijada doorashada ilaa laga gaarayo 18.00 .

    Warar kale oo dheeraadka ah

  6. Doorashada Turkiga oo maanta dhaceysa

    TUNAHAN TURHAN/SOPA VIA GETTY

    Xigashada Sawirka, TUNAHAN TURHAN/SOPA VIA GETTY

    Turkiga ayaa maanta u codeynaya , doorashada ugu muhimsan taariikhdooda casriga ah, si ay go'aan uga gaaraan haddii Recep Tayyip Erdogan uu sii ahaanayo madaxweyna hooda ka dib 20 sano oo uu xukunka hayay.

    Ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii.