Laas Caanood oo mar kale dagaal culus uu ka dhacay

Tebinta tooska ah ee wararka BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Waa kuma madaxweynaha usoo hambalyeeyay Erdogan?

    Madaxweynaha Aserbiijaan Ilham Aliyev ayaa telfoon u diray madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan isaga oo ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashada.

    Natiijo aan rasmi ahayn oo la shaaciyay waxay muujineysaa in Erdogan uu helay 49.35 boqolkiiba cododka.

    Weli si rasmi ah looma shaacin natiijada, laakiin waxay u muuqataa in wareeg labaad oo doorasho la aadi doono.

    War kasoo baxay madaxtooyadda Aserbiijaan waxa uu madaxweyne Aliyex ku aamanay dowladda uu hoggaamiye Erdogan.

    "Aliyev waxa uu sheegay in walaalaha Turkey inay muujiyeen kalsoonida ay ku qabaan hoggaamiyahooda."

    Madaxtooyadda Aserbejan

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyadda Aserbejan

  2. Ninka ay aadka isu hayaan Erdogan oo sheegay in uu doorashada ku guuleysan doono

    Guddoomiyaha xisbiga CHP ahna musharaxa madaxweynenimada ee Isbahaysiga Nation, Kemal Kılıçdaroğlu ayaa yiri “Waxa hubaal ah in aanu ku guulaysan doono doorashadan wareegga labaad, qof kastaa wuu arki doonaa”.

    "Erdogan ma uusan helin wixii uu rabay, waxaa hubaal ah in aan ku guuleysan doonno doorashadan wareegga labaad. waxaan ku dadaali doonnaa sidii aan xaq, sharci iyo caddaalad u gaarsiin lahayn qarankeenna 15-ka maalmood ee soo socda." ayuu yiri Kılıçdaroğlu.

    inka ay aadka isu hayaan Erdogan oo sheegay in uu doorashada ku guuleysan doono

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  3. Dhegeyso: Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Turkiga

    Iyadoo la tiriyay ku dhawaad dhammaan codadkii laga dhiibtay doorashada guud ee dalka Turkiga, Rajab Tayyib Erdogan iyo musharraxa mucaaradka ee ay sida weyn ugu loollamaya kursiga ayaa sheegay inay aqbali doonaan in laysla aado wareeg labaad.

    Tirooyinka horudhaca ah ayaa muujinaya in Madaxweyne Erdogan uu heysto in kayar boqlkiiba 50 ee codadkii la tiriyaay halka Kemal Kilicdaroglu uu heysto ilaa boqolkiiba 45.

    Haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay uu musharraxa la tartamaya Erdogan isla aadaan wareeg labaad ee doorasho madaxtinimo. Haddaba si aan u ogaanno wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Turkiga ayaa waxaan la xirriiray Bashiir Macallin Khaliif oo in muddo ah deggennaa dalkaasi Turkiga.

    Qoraalka Codka, Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Turkiga
  4. Maxaa laga filan karaa doorashada Turkiga saacadaha soo socda?

    Turkiga

    Xigashada Sawirka, Reuters

    In ka badan 12 saacadood kaddib markii ay xirmeen xarumihii codbixinta ee Turkiga iyo in ka badan 90% codadkii la dhiibtay oo la tiriyay, ilaa hadda ma cadda natiijada doorashada madaxweynaha.

    1.Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo ninka ay sida weyn u loollamayaan ee Kemal Kilicdaroglu midkoodna uusan helin codadka ugu badan ee loo baahan yahay si uu ugu guuleysto kursiga.

    2.Natiijooyinka kama dambaysta ah lama soo saarin, laakiin codeyn ku celis ah ayaa u muuqata inay suurtogal tahay.

    3.Erdogan oo xukunka hayay tan iyo 2002 - ayaa ku horreeya 49.49% codadka, waxaana uu u sheegay taageerayaashiisa xisbiga AK inuu aaminsan yahay inuu weli si toos ah u guuleysan karo.

    4.Dhanka kale Kilicdaroglu oo aruursaday codad gaaraya 44.79% ayaa wacad ku maray inuu ku guuleysan doono doorashada wareeg labaad waa haddii la’isla aado.

    5.Si kastaba ha ahaatee isbahaysiga AK Party ayaa la filayaa in ay soo dhisaan aqlabiyadda baarlamaanka.

    6.Waa doorashadii ugu adkeyd ee dalka Turkiga ka dhacda muddo sanado ah, waxaana ay ku soo beegantay iyadoo dalkaasi uu la daalaa dhacayo sicir barar xoogan isla markaana uu ka soo kabsanayo dhulgariirkii ka dhacay dalkaasi horraantii sanadkan.

  5. Erdogan oo aqbalay in uu aado codeyn labaad

    Turkiye

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Iyadoo ku dhawaad ​​dhammaan codadkii la tiriyay doorashada guud ee muhiimka ah ee Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo ninka ay sida weyn ula loolamayaan ayaa sheegay inay aqbali doonaan in wareeg labaad loo codeeyo.

    Tirokoobyada rasmiga ah ayaa siinaya madaxweyne Erdogan in ka yar boqolkiiba konton codadka la tiriyay.

    Kamal Kılıçdaroğlu, oo ah ninka ay iska soo horjeedaan ee cilmaaniga ah, ayaa ku dhow boqolkiiba afartan iyo shan.

    Haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay oo qof la tartamaya uu Mr Erdogan u gudbiyo wareegga labaad ee tartanka madaxtinimada.

    Shir jaraa’id oo uu qabtay subaxnimadii hore ee ayuu Mr Kılıçdaroğlu ku eedeeyay xisbiga madaxweynaha ee AK Party inay faragelin ku hayaan tirinta iyo ka warbixinta natiijada.

    Madaxweynaha muxaafidka ah, oo siyaasadda Turkiga gacanta ku hayay labaatan sano, ayaa taageerayaashiisa ugu sheegay Ankara inuu ku kalsoon yahay inuu weli madaxweyne sii ahaan doono.

    Xalay saqdii dhexe madaxa guddiga doorashada Turkiga ee YSK ayaa saxaafadda u sheegay in 87.13% la furay sanaadiiqda cod bixinta, kuwaasoo laga keenay gudaha iyo dibadda dalkaasi.

    Ma uusan gelin codbixintii ugu dambeysay balse wararka aan ka heleyno guddiga doorashada ayaa sheegaya in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu hoos uga dhacay 50%.

  6. Erdogan oo ku horeeya natiijada horudhaca ah ee doorashada Turkiga.

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Iyadoo ay weli socoto tirinta codadka doorashada Turkiga, natiijada codadkii laga dhiibtay saddex magaalo oo waaweyn ayaa keeni kara isbedel aan la filaneyn.

    Sadexdaasi magaalo ayaa kala ah -Istanbul, Ankara iyo Izmir. Waxaa haatan la tiriyay in kabadan boqolkiiba 60 codadkii la dhiibtay guud ahaan dalka, waxaana ku horeeya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

    Balse waxaa weli dhiman tirinta codadka magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

    Magaalada Istanbul waxaa ku nool 16 milyan oo qof halka tirada guud ee magaalooyinka caasimadda Ankara iyo Izmir ay yihiin 10 milyan oo qof.

    Ilaa hadda, Izmir iyo Istanbul waxay uu muuqataa inuu ku horeeya Kemal Kilicdaroglu halka uu Ankara ku horeeyo Erdogan.

  7. Mucaaradka Turkiga oo ku baaqay inaan la aaminin natiijada horudhaca ah

    Turkiga
    Qoraalka sawirka, Afhayeenka mucaaradka Faik Oztrak ayaa sheegay inaan la isku halleyn natiijooyinka qaar

    Erayadii ugu horreeyay ee rasmiga ah ee ka soo baxa mucaaradka ugu weyn Turkiga ayaa ahaa kuwo rajo muujinaya iyo hal digniin oo ah inaan la isku halleyn natiijada horudhaca ah.

    "Sawirku ilaa iyo hadda waa mid rajo muujinaya," ayuu yiriFaik Oztrak oo ah afhayeenka Xisbiga Jamhuuriga ee Dadka (CHP). Balse wuxuu dadka Turkiga uga digay inaysan ahmiyad siin natiijada horudhaca ah ee ay shaacisay wakaaladda wararka dalkaas Anadolu, isagoo ku eedeynaya "inay fulisay howl aan la isku halleyn karin".

    Haatan, natiijada horudhaca ah waxay inteeda badan ka imaaneysaa meelaha uu ku xooggan yahay Erdogan.

    "Waxaan qireynaa inay tahay codbixintii aadka la isugu soo baxay," ayuu yiri Oztrak. Balse wuxuu shacabka Tukriga ku boorriyay inay sugaan nambarrada micnaha leh.

  8. Xaqiiqooyin ku saabsan Turkiga

    Turkiga

    Turkiga waa mid ka mid ah dalalka yar ee Muslimiintu ku badan yihiin kaasoo haddana cilmaani ah.

    Dalkan oo mar saldhig u ahaa Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, ayaa hoggaamiyihii wadaniga Kemal Ataturk ayaa aasaasay sanadihii 1920-meeyadii.

    Jamhuuriyaddan oo u dhaxeysa qaaradaha Aasiya iyo Yurub, ayaa Meesha ay ku taallo oo istaraatiijiyad ahaan muhiim ah waxay siisay saameyn weyn oo ay ku leedahay gobolka- iyo maamulka waxa soo galaya Badda Madow.

    Ku biiridda Midowga Yurub wuxuu dalkan oo ay ku nool yihiin 85 milyan oo qof, u ahaa damac muddo dheer taagan.

    Wada hadallada ku biiridda midowga ayaa billowday sanadkii 2005, balse waxaa carqaladeeyay taariikhda xuquuqda aadanaha ee Turkiga.

    Dhaqaalaha dalkan ayaa guud ahaan ahaa mid aan degganeyn tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo Liirada Turkiga ay 90% ka hoos mareysay doollarka Mareykanka, sida laga soo xigtay xogta Bankiga Adduunka iyo Bankiga Dhexe ee Turkiga.

    Inkastoo xitaa shuruucda dalkan ay ku dhisan yihiin dimuqraadiyad cilmaani ah, haddana bulshada iyo siyaasadduba waxaa si weyn u saameeyay xisbiga asal raaca Islaamiga ah ee Madaxweyne Erdogan, Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka (AKP), kaasoo talada hayay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

  9. Yey dadka Turkiga u codeynayaan?

    Turkiga

    Dadka gaaraya 64 milyan ee loo oggolaaday inay codeeyaan ayaa dooranaya labo arrimood.

    Marka ugu horreysa waxay dooranayaan madaxweynahooda shanta sano ee socota. Tani waa muhiim, iyadoo Madaxweyne Recep Tayyip laga yaabo inuu wajahayo loollankii ugu adkaa, awooddana waxay ku xooggan tahay madaxtinnimada.

    Tan labaad, dadku waxay go'aansanayaan cidda maamuli doonta baarlamaanka. Iyadoo in aqlabiyad lagu lahaado 600 oo ku raas ah oo baarlamaanku ka kooban yahay, ay weli muhiim u tahay meel marinta sharciyada.

    Mucaaradka ayaa ballan ku qaaday inay isbeddel ku sameyn doonaan awoodaha madaxweynaha ayna dalka dib ugu celin doonaan hannaan baarlamaani ah.

  10. War deg deg ah, Erdogan oo ku horreeya tirinta codadka

    Erdogan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Natiijada horudhaca ah ee doorashada Turkiga ayaa waxaa tebisay wakaaladda wararka Reuters, waxayna muujineysaa in Madaxweyne Erdogan uu aad ugu horreeyo.

    Balse waxay ku saleysan tahay qeyb yar oo ka mid ah codbixinta, 9.1%. Iyadoo taas lagu saleynayo, ayaa warbaahinta HaberTurk waxay tebisay in Erdogan uu 59.47% ku hoggaaminayo musharraxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu oo heysta 34.79%.

  11. Ninka loollanka adag kula jira Erdogan oo ku baaqay in isha lagu hayo sanaadiiqda codbixinta

    Turkiga

    Xigashada Sawirka, NECATI SAVAS/EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

    Musharraxa madaxtinnimada xisbiga Nation Alliance, Kemal Kılıçdaroğlu ayaa ku baaqay in la ag joogo sanaadiiqda codbixinta oo aan laga ag tegin.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu ku yiri, "Waxaan doonayaa inaan geesiyaasheenna dimuqraadiyadda u baaqo. Haka ag tegina sanaadiiqda codbixinta, wax walboo dhaca, ilaa la keeno warbixinta sanduuqa ugu dambeeya. Rajada dadka adinka ayay idinku xiran tahay. Waad arki doontaan, daalkiinna wuu miro dhalayaa." Ayuu yiri Kılıçdaroğlu.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  12. Madaxweyne Erdogan: Codbixinta waxay ku soo dhammaatay si dimuqraadiyad leh

    Turkiga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Erdogan iyo ninka loollanka adag kula jira, Kamaal Kilicdaroglu

    Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in hannaanka codbixinta uu ku soo gabagaboobay qaab ku saleysan dimuqraadiyad.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in la joogo xilligii laga howlgeli lahaa sanaadiiqda codbixinta.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  13. Codbixinta doorashada Turkiga oo la soo gabagabeeyay

    Turkiga

    Waxaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay codbixinta doorashada Turkiga ee maanta qabsoontay.

    In ka badan 191 kun oo sanaadiiqda codbixinta ah oo yaallay 973 degmo ayaa la soo gabagabeeyay.

    Ilaa 3 milyan 416 kun iyo 98 codbixiyeyaal ah ayaa isku diwaan geliyay inay codeeyaan.

    doorashada.

    Guddiga doorashada ayaa mamnuucay in la sameeyo saadaalin isla markaana faallo laga dhiibto doorashada ilaa 6pm xilliga dalkaas.

    Guddiga Sare ee Doorashooyinka Turkiga YSK ayaa xilligaas war ka soo saari doona doorashada inta u dhaxeysa 18:00 and 21:00.

  14. Muxuu Erdogan u sheegay dadkii ku cibaadeysanayay Masjid Sofiya?

    Turkiga

    Xigashada Sawirka, TURKISH PRESIDENCY / MURAT CETINMUHURDAR / HANDOUT

    Madaxweyne Erdogan, oo 69 jir ah, ayaa laga duubay muuqaal isagoo waqti dheeri ah ku daray shuruucda doorashada xilli uu tujinayay salaadda Maqrib ee masjidka Sophia ee magaalada Istanbul.

    Muuqaalkan oo baraha bulshada lagu soo wadaagay ayaa muujinayay isagoo dadkan u sheegaya in dunida Muslimku ay si dhow ula socoto arrimaha Turkiga.

    Goobta uu doortay iyo go’aankiisa ahaa inuu khudbad siyaasadeed jeediyo kaddib markii ay si rasmi ah u dhammaatay muddada ololaha, ayaa noqotay mid lagu murmay.

    Masjidka Xaajiya Sofiya, oo markiisii hore ahaa kaniisad, ayaa ah masjid la dhisay xilliyadii Cusmaaniyiinta. Balse waxaa markii dambe laga dhigay matxaf, kaddibna Madaxweyne Erdogan ayaa sanadkii 2020 ka dhigay masjid.

  15. Maxaa u daran dadka Turkiga?

    Turkiga

    Xigashada Sawirka, UMIT BEKTAS-POOL/GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka, Erdogan iyo xaaskiisa

    Weli dalka Turkiga ka socota codbixinta doorashada.

    Labo arrimood ayaa wax walba uga daran dadka Turkiga ee 64-ka milyan ah: waa maciishadda sii qaaliyoobeysa iyo labo dhulgariir oo ku habsaday.

    Tartankan ayaa maalmihii la soo dhaafay noqday mid aad u adag, codbixiyeyaasha ayaana sii buuxiyay goobaha codbixinta kahor inta aanba la furin.

    Turkiga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Turkiga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mid ka mid ah saraakiisha ku sugan xarunta codbixinta Istanbul ayaa ku kaftamay in dadka Turkiga ay aad baahi ugu qabeen dimuqraadiyad.

    Antakya, oo ka mid ah magaalooyinka uu aadka u saameeyay dhulgariirkii Febraayo ku dhuftay, in ka badan 100 bas ayaa yimid oo siday dadkii ay barakacay si ay halkaasi uga codeeyaan. Know iyo toban ka mid ah gobollada dalkaas ayuu sidoo kale saameeyay dhulgariirka.

  16. Dufaan Xogaan oo ku dhuftay xeebaha Bangladesh

    Dufaan Xogaan oo ku dhuftay xeebaha Bangladesh

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Duufaan xooggan ayaa ku dhufatay xeebaha Bangladesh iyo Myanmar.

    Duufaantan o lagu magaacabo Mocha ayaa sababata roobab culus iyo dabaylo kusocda xawaare gaaray ilaa 195kph (120mph), kuwaas oo keeni kara daadad khatar ah oo ku wajahan dhulka ku hareeraysan Bengal.

    Duufaannada dabaylaha wata oo gaaraya ilaa afar mitir ayaa ku dhuftay tuulooyinka kuyaalla meelaha hoose.

    Waaxda saadaasha ayaa ka digay dufaantan Mocha inay noqon karto duufaantii ugu xooga badneyd ee lagu arko Bangladesh ku dhawaad ​​labaatan sano.

    Ilaa 500,000 oo qof ayaa loo daadgureeyay .

  17. Madaxweynaha Ukraine oo safarkiisii ugu horeeyay ku tagay Garmalka tan iyo duulaankii Ruushka

    Madaxweynaha Ukraine oo safarkiisii ugu horeeyay ku tagay Garmalka tan iyo duulaankii Ruushka

    Xigashada Sawirka, EPA

    Volodymyr Zelensky ayaa ku sugan magaalada Berlin si uu wadahadalo ula yeesho hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz iyo Madaxweyne Frank-Walter Steinmeier, waana booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago Jarmalka tan iyo markii Ruushka ku soo duulay Ukraine.

    Safarkan ayaa imaanaya maalin un kadib markii Jarmalku uu ku dhawaaqay in uu hub qiimihiisu ku dhaw yahay saddex bilyan oo doolar siin doono Kyiv.

    Madaxweyne Zelensky ayaa waxaa la gudoonsiin doona abaalmarinta Charlemagne.

    Abaalmarintan ayaa waxaa la siiyaa dadka ka shaqeeyo mideynta Yrurub waxaana horay ugu guuleystay Winston Churchill, Pope Francis iyo Bill Clinton.

  18. Madaxwynaha Turkiga iyo Kemal Kılıçdaroğlu oo codeeyay

    Madaxweynaha Xisbiga AKP ahna Musharaxa Madaxweyne ee Isbaheysiga Shacabka Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka qeyb galay codbixinta magaalada Istanbul, halka Kemal Kılıçdaroğlu oo ah Guddoomiyaha Xisbiga CHP ahna Musharaxa Madaxweyne ee Isbaheysiga Qaranka uu ka codeeyay magaalada Ankara.

    Erdogan iyo xaaskiisa Emine Erdoğan ayaa ka codeeyay dugsiga sare ee Saffet Çebi ee Üsküdar.

    Erdoğan ayaa yiri ka dib codbixinta, "Waxaan rajeynayaa dimuqraadiyadda Turkiga, waan la socdaa laga bilaabo maanta, sida ku cad xogta aan ka helay wasiirkeena arrimaha gudaha, howsha waxay u socotaa si dhib la'aan ah.

    Madaxwynaha Turkiga oo codeeyay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  19. Tirada meydadka laga helay keynta Shakhola ee Kenya oo gaartay 201

    Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dawlad Kenya .Baarayaal baadigoobaya dad ka badbaaday iyo dhibanayaasha kaynta Shakahola ee Kenya ayaa Sabtidii helay 22 mayd oo kale,

    Daah-furka ayaa ka dhigaya tirada dhimashada mid ka mid ah masiibooyinka ugu xun ee dalka ka dhacay 201.

    “Kooxdeena dambi baarista waxa u suurtagashay in ay soo saaraan 22 qof oo meyd ah ”sidaasi waxaa yiri Rhodah Onyancha oo ah guddoomiyaha gobolka oo la hadashay warfidiyeenada ku sugan keymaha Shakahola ee Koonfur Galbeed ee dalka Kenya oo baaritaanku uu weli ka socdo.

    Waxay sheegtay in sidoo kale la xiray hal tuhmane oo kale, taasoo tirada guud ee dadka u xiran dhimashada ka dhigeysa 26.

  20. Rootiga cagaaran oo noqaday kan ugu wanaagsan Ingiriiska

    Rootiga cagaaran oo loo noqaday kan ugu wanaagsan Ingiriiska

    Rooti cagaaran oo ay ku jiraan matcha, shukulaato cad iyo midho ayaa noqday rootiga ugu wanaagsan gudaha Britain.

    Haweeney aad u jecel Rootiga, ayaa noocan Rootiga ah ee lagu magacaabo Brioche Japonais, ku dubatay magaalada Derbyshire.

    Haweeneyda sameysay Roodhida ku guulaysatay abaal marinta ayaa waxa dhiiri galiyay hidaheeda Japan iyo waliba wakhtigeedii ay ku noolayd Faransiiska.

    "Qeyb waa qadhaadhka matcha iyo macaanka shukulaatada iyo miraha cad, markaa dhadhanka dheelitiran oo aad u xiiso badan." ayay tiri.

    Waxay sheegtay inay "aad ugu faraxsan tahay" inay ku guulaysato abaal-marinta, Rootiga Brioche Japanois sababtoo ah waxay ka tarjumaysay dhaqankeeda Japan.