Ciidamada ammaanka Puntland oo sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Daacish

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Somaliland oo ku dhawaaqday inay heshay shidaal

    Somaliland ayaa markii ugu horreysay shaacisay in heshay shidaal

    Xigashada Sawirka, Somaliland Energy Ministry / Facebook

    Qoraalka sawirka, Somaliland ayaa markii ugu horreysay shaacisay in heshay shidaal

    Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa xaqiijisay in shidaal laga helay deegaanka Salaxley ee ka tirsan gobolka Maroodi jeex, sida uu shaaciyay wasiirka tamarta iyo macdanta ee Somaliland, Cabdillaahi Faarax Cabdi.

    Wasaaradda waxay sheegtay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen shidaalka.

    Waa shidaalkii ugu horreeyay ee laga helo deegaanka.

    Wasaaradda tamarta iyo macdanta ayaa intaas ku dartay in shirkadda tarmarta Genel ee laga leeyahay Ingiriiska ayaa sameyn doonto baaritaan dheeraad ah isla markaana sameyn doontoi shidaal qodista.

    Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay si caro ku dheehan tahay uga hadashay howlo ay shirkad shidaalka qodda ka sameysay deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, arrintaas oo markii dambena ay war kasoo saareen mas’uuliyiinta Somaliland qudhooda.

    Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay war-saxaafadeed ay ku diidday wax ay ugu yeertay “sheegasho sharci darro ah” oo ay shirkadda Genel Energy ku sheegtay in ay heysato fasax ay sahmin shidaal uga sameyso Somaliland.

  2. Al-Shabaab oo ka hadashay suurtagalnimada ah wadahadal ay dowladda la galaan

    Dagaalyahanada Al-Shabaab

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dagaalyahanada Al-Shabaab

    Al-Shabaab ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaantay warar sheegaya suurtagalnimada ah in wadahadal ay la galaan dowladda, sida ay ku warrantay warbaahinta taabacsan Al-Shabaab.

    Waxaa jira warar la isku khilaafsan yahay oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya kaas oo sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay markii ugu horreysay codsatay in lala furo wada xaajood, xilli muddooyinkii u dambeeyey uu ku socday weerar ka dhan ah ururkaas, oo dawladdu feedraalku horkacaysay.

    Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka wadaa qeybo kamid ah Soomaaliya kasoo ka dhan ah Al-Shabaab.

  3. Wareysi gaar ah uu BBC-da siiyay madaxweynaha Puntland

  4. Booliska Brazil oo dib ula wareegay dhismaha baarlamaanka

    Taageerayaasha madaxweynihii Brazil ayaa weerar ku qaaday xarunta koongareeska

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Taageerayaasha madaxweynihii Brazil ayaa weerar ku qaaday xarunta koongareeska

    Madaxweynaha Brazil Luis Inacio Lula da Silva, ayaa aqalka koonagreeska iyo dhismayaasha kale ee dowladda ee ku yaalla Brasilia, saacado uun kadib markii halkaas ay weerar ku qaadeen taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil, Jair Bolsonaro.

    Booliska ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta goobihii ay ku sugnaayeen taageerayaasha, iyadoo boqolaal qof la xiray.

    Mar sii horeysay, Madaxweyne Lula da Silva ayaa sheegay in kuwii weerarka geystay lasoo qaban doono isla markaana tallaabo laga qaadi doono.

    Qaar ka mid ah taageerayaasha Mr Bolsonaro ayaa diiday in ay aqbalaan guuldaradii doorashadii ka soo doorashada iyo guusha uu gaaray madaxweyne Da Silva.

    Madaxweynihii hore - oo hadda ku sugan Mareykanka -- ayaa beeniyay inuu kicinayo qalalaasaha.

    Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in uu waligiis ixtiraami jiray dastuurka iyo sharciga Brazil..

  5. Wasiir Israa’iili ah oo amar ku bixiyay in calanka Falastiin laga dejiyo goobaha dadweynaha

    Dhalinyaro luleysa calanka Falastiin (Sawir hore)

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dhalinyaro luleysa calanka Falastiin (Sawir hore)

    Wasiirka cusub ee amniga qaranka ee Israa’iil ee ka tirsan midigta-fog ayaa ku amray booliiska in calanka Falastiin laga dajiyo dhammaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

    Itamar Ben-Gvir waxa uu sheegay in calanka Falastiin uu ka luusho meelaha ay bulshadu ku kulmaan ay ka dhigan tahay fal "lagu taageerayo argagixisada".

    Wasiirkan ayaa dhawaan booqasho ku tegay masaajidka barakeysan Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus.

    Falastiiniyiinta ayaa si kulul u cambaareeyay booqashadii wasiirka Israa'iil uu ku tagay masjidka Al-Aqsa, iyagoo booqashadiisa ku tilmaamay 'daandaansi halis ah oo sii hurinaya colaadda.

    Ra'iisul wasaaraha Falastiin Maxamed Ashtia ayaa booqashada Itamar Ben-Gvir ee masjidka ku sheegay inay tahay tallaabo "xadgudub ku ah dhammaan mabaadii'da, qiyamka, xeerarka caalamiga ah, sharciyada iyo ballanqaadyada Israa'iil."

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, afhayeen u hadlay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa booqashadiisa ku tilmaamay arrin "dambi ah" isagoo wacad ku maray in aaggaas uu sii ahaan doono dhul ay leeyihiin "Falastiiniyiinta, Carabta iyo Islaamka".

    Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Pakistan, Bilawal Bhutto ayaa dhaleeceeyay booqashada wasiirka amniga ee Israa'iil ee Al-Aqasa, wuxuu yiri "Pakistan si adag ayay u cambaareynaysaa booqashadii aan dareenka lahayn ee daandaansiga ahayd ee uu wasiirka Israa'iil ku tagay Masjidka Al-Aqsa."

  6. Asalaamu Caleykum!

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.