Ciidamada ammaanka Puntland oo sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Daacish

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Uganda oo ku dhawaaqday inay ka xorowday Ebola

    Dillaacitaanka xanuunkan ayaa billowday bishii September ee sanadkii hore

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Uganda ayaa ku dhawaaqday inay cirribtirtay xanuunka ee dilay in ka badan 50 qof.

    Hadalkan ayaa daba socda muddo 42 maalmood ah oo aysan Uganda diwaangelin kiisas cusub.

    "Waxaan si guul leh u xakameynay dillaacitaankii Ebola ee Uganda," ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Jane Ruth Aceng oo sidan ku sheegtay munaasabad maanta ka dhacday Mubende.

    Dillaacitaanka xanuunkan, oo billowday bishii September, ayaa sababay walaac gaar ah iyadoo uu sababay xanuunka ka soo billowday Sudan, oo uusan ka jirin tallaalka xanuunka.

    Kiisaskan ayaa markii hore ku badnaa degmooyinka gobollada dhexe ee Mubende iyo Kassanda, halkaasoo uu ka soo billowday xanuunkan.

    Balse xanuunkan safmarka ah ayaa u muuqda mid xakamaha ka baxayay markii kiisas lagu arkay ugu yaraan toddobo degmo oo kale, oo ay ka mid tahay Kampala.

  2. Muuqaal laga duubay booliska Kenya oo isku dayaya inay dad dhacaan

    Mid ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn ee dalka Kenya ayaa shaaciyay muuqaal laga arkayo afar askari oo sida lagu eedeeyay isku dayaya in ay labo qof ka dhacaan lacag dhan 2 milyan oo shilinka Kenya ah (oo u dhiganta $16,000; £13,000).

    Askarta muuqaalka laga duubay ayaa la sheegay in ay falkaas ku sameynayeen waddo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

    Dhibaneyaasha ayaa ka tirsanaa shaqaalaha xawaalad ku taalla magaalada, waxayna lacag kala soo baxeen bangi u dhow goobtooda shaqada.

    Isku dayga dhaca ayaa fashilmay markii ay qeylo dhaan sameeyeen.

    Raggii booliska ahaa ayaa markii dambe la xiray waxaana sidoo kale la qabtay gaari ay wateen.

    Subaxdii Talaadada ayey kasoo muuqdeen maxkamadda si ay uga jawaabaan dacwadaha lagu soo oogay eek u saabsan isku dayga dhaca.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  3. Cabdiwahaab oo ka shakeynayo waxa uu kala kulmay xanuunka welwelka ama "depression"

    Qoraalka Muuqaalka, Cabdiwahaab Axmed Cali
  4. Muxuu ka dhigan yahay hadalka muranka dhaliyay ee ka soo yeeray Puntland?

  5. Ciidamada Tigray oo hubkooda ku wareejiyay dowladda

    Dagaalka Tigray ayaa qarxay November 2020

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeen u hadlay ciidamada fallaagada Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ay wareejiyeen hubkoodii cuslaa, arrintaas oo qeyb ka ah heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee ay labada dhinac bishii November ku saxiixdeen dalka Koonfur Afrika.

    Getachew Reda boggiisa Twitter-ka ku qoray in kala gudbinta hubka ay xaqiijiyeen kormeerayaal ka socday ururka Midowga Afrika iyo koox qaabilsan hubinta.

    Tallaabadan ayaa saldhig u ah heshiiska waxa uuna la mid ahaa qodobka dhigaya in adeegyadii dowladda lagu soo celiyo gobolka ay burburiyeen dagaalladii lagu dilay boqollaalka kun ee qof.

    Shardi kale ayaa ahaa in gobolka laga saaro ciidamada militariga Eritrea ee ka barbar dagaallamayay dowladda Itoobiya.

    Wararka ka imaanaya gobolka Tigray ayaa sheegaya in ciidanka Eritrea ay weli halkaas ku sugan yihiin.

  6. Gabar uu dhalay madaxweyne hore oo Iran ah oo la xukumay

    IRAN
    Qoraalka sawirka, IRAN

    Faezeh Hashemi, oo 60 jir ah u doouquuqda Dumarka horena u aheyd xildhibaan ayaa la xiray bishii September ee snadkii hore ka dib markii ay dhiirigalisay in Iraaniyiinta ay ka qeybqaataan bannaanbaxyada ka dhanka ah dowladda .

    Waxaa lagu eedeeyey in ay kicin wadday.

    Qareenkeeda Neda Shams ayaa sheegtay in la xukumay mar ay qoraal gaaban soo dhigtay barteeda twitter-ka mase aanay bixin faahfaahin dheeraad ah.

    “ ma aha wax sax ah in aan ka hadlo waayo waxaan ka fiirsanayaa in xukunkan aanu aheyn kii ugu dambeeyey. Macmiilkeyga weli xabsiga ayey ku jirtaa waxaana jira kiisas kale oo iyada ka horjeeda” ayey tiri.

    Gabadhan oo uu dhalay nadaxweyne hore oo Iran ah, Akbar Hashimi Rafsanjani ayaa aad u dhaliisha kooxaha ciidamada ah ee Ilaalada kacaanka ee dalka Iran., marar badan ayeyna ka hadashay.

    .Hore waxay u soo dhammeysatay lix bilood oo xarig ah sanadkii 2012 iyadoo lagu helay waxa lagu tilmaamay dacaayad ay ka faafisay maamulkaiyadoo lala xiriiriyeyin ay taageeraty bannaanbaxyo kuwaas oo ka dhashay murankii doorashooyinkii madaxtinimada saddex sano ka hore.

    Lix bilood oo kale ayaa la xiray 2017 kii oo loo haysatay in ay dacaayad fidisay oo ay caysay hannaanka caddaaladda

    Gabadhan aabaheed waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

    Wxaana uu madaxweyne dalkaa ka ahaa 1989 iyo 1997 dii waxaana uu ahaa shaqsi awood badan ilaa iyo xilligii uu dhintay 2017kii .

  7. Ninka looga shakisan yahay dilka Shinzo Abe oo maxkamad loo qaban qaabinayo

    JAPAN

    Xigashada Sawirka, reuters

    Qoraalka sawirka, JAPAN

    Mas’uuliyiinta Japan ayaa xukumay in ninkii lagu eedeeyey dilka ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe, uu haatan caafimaad qabo lana soo taagi karo maxkamad

    Ninkan laga shakisan yahay ee Tetsuya Yamagami, ayaa muddo shan bilooda ah waxaa lagu hayey baarsi caafimaad oo dinaca maskaxda ah.

    Mr Abe ayaa bishii Julay ee sanakii hore la toogtay isagoo ku jira khudbad olole ah oo uu ka jeedinayey magaalada galbeedka Japan ku taalla ee Nara. Mr Yamagami, ayaa lagu qabtay isla goobta .

    Waxaa uu bartilmaameedsaday Mr Abe waayo wuxuu rumeysnaa in hoggaamiayaha hore u uku xirnaa kaniisadad Unificationoo u uku eedeeyey in ay sababeen dhaqaale burbur ku yimid qoyskiisa .

  8. Saraakiil Shiine ah oo sheegay in dadkooda lagu faquuqay Cudurka Covid

    CHINA
    Qoraalka sawirka, CHINA

    Dalka Shiinaha ayaa joojiyey soo saaarista fiisooyinka waqtiga gaaban ee la siinayey dadka ka yimaada Koofur Kuuriya iyo Jabbaan , arrintan aayaa looga aargoosanayaa xannibaadhihii lagu soo rogay dadka Shiinaha ee safarka ah.

    Saraakiisha Shiinaha ayaa sheegay in ay tahay arrin faquuq ah in goonni loo saaro dadka Shiinaha ah ee safraya.

    Gobolka dhexe ee Hunaan ee dalkaa oo ay ku nool yihiin 99 milyan oo qof ayaa lagu warramayaa in in ka badan 99% ay qabaan cuudurka Covid

    Saadaalada la bixinayo ayaa sheegaya in ugu yaraan hal milyan oo qof sanad dalka shiinaha ay ugu dhiman doonaan cudurka Covid

    Dalka Shiinaha gudihiisa warbaahinta dalkaa ayaan buunbuunineyn qatarta fayruska . Saraakiil ka tirsan magaalooyin waaweyn iyo gobolo ayaa sheegay in heerka cudurka Covid uu aad u xad dhaafay.

  9. 'Sida aan uga soo kabsaday afar sano oo aan qulub la noolaa'

  10. Nin horey uga tirsanaa jabhadihii Sierra Leone oo kasoo muuqday maxkamad ku taalla Finland

    Nin looga shakiyay in uu ka tirsanaan jiray jabhadihii Sierra Leone ayaa kasoo muuqday maxkamad ku taalla dalka Finland kasoo lagu eedeeyay in uu tacaddiyo geystay xilliggii dagaalkii Liberia.

    In dib loo dhageysto kiiskiisa ayaa lagu amray kadib markii ninkan lagu magacaabo Gibril Massaquoi ay beri yeeshay maxkamadda heerka hoose sanadkii lasoo dhaafay.

    Waxaana kiiskiisa bisha dambe loogu gudbinaya Liberia kadibna waxaa loo sii wareejin doonaa Sierra Leone.

    Gibril Massaquoi waxaa lagu xiray Finland sanadkii 2020-kii, waxaana lagu eedeeyay in uu geystay falal isugu jira dil, kufsi iyo dambiyo dagaal.

    Wuxuu kamid ahaa saraakiishii ugu sarreysay jabhaddii ka jirtay Sierra Leone ee Revolutionary United Front , sidoo kale ka dagaallantay Liberia.

    Boqolaal kun oo qof ayaa lagu dilay halka qaarkoodna la jarjaray xilliggii uu socday dagaalladii Sokeeye ee Liberia iyo Sierra Leone sanadihii 1990s iyo 2000s.

  11. Brazil: Waxaa lagu qabtay dibadbaxyo looga soo horjeedo rabshado dhacay

    Dibadbaxyada maanta ka dhacay Brazil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dibadbaxyada maanta ka dhacay Brazil

    Tobanaan kun oo qof oo ku nool dalka Brazil ayaa qabtay isu soo baxyo lagu taageerayo dimuqraadiyadda kuwaasoo ka careysan weerarkii lagu qaaday dhismaha aqalka koongareeska.

    Tageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil, Jair Bolsonaro ayaa shaley si xoog ah gudaha ugu galay halkaas.

    Magaalada ugu weyn dalka ee São Paulo, dad badan ayaa ku qeylinayay in Mr Bolsonaro xabsiga loo taxaabo.

    Dhinaca kale, madaxweynaha Brazil, Luiz Inacio Lula da Silva, ayaa la kulmay gudoomiyaasha gobollada si uu ugala hadlo sidii loo difaaci lahaa dimuqraadiyadda, ka dib weerarkii xarumaha dowladda ay ku qaadeen taageerayaasha madaxweynihii isaga ka horreeyay, Jair Bolsonaro.

    Madaxweyne Lula ayaa mar kale cambaareeyay waxa uu ugu yeeray isku dayga lagu afgambiyay dowladdiisa. Laakiin waxa uu carabka ku adkeeyay in inta badan dadka u codeeyay Mr Bolsonaro aysan ku raacsanayn rabshadaha Brasilia

  12. Jabuuti oo saxeexday heshiis ay ku sameysaneyso dayax-gacmeed

    Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti ayaa heshiis horudhac la galay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong kasoo ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido xilli Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun laga diro dayax-gacmeedka.

    Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goob joog ka ahaa heshiiska, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Jabuuti.

    Mashruuca dayaxgacmeedka Jabuuti waxaa ku bixi doonaa $1 bilyan oo doolar, wuxuu qaadan doonaa muddo shano sano ah.

    Sidoo kale waxaa mashruuca qeyb ka ah in deked iyo waddo laga dhiso gobolka waqooyiga dhaca ee Obokh.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  13. Madaxweyne Kagame: Ma qaabili doono qaxootiga ka imaanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo

    Rwanda waxay sheegtay in gebi ahaanba ay qaabili doono qaxootiga DRC

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Rwanda waxay sheegtay in gebi ahaanba ay qaabili doono qaxootiga DRC

    Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay in dalkiisa uusan gebi ahaanba qaabili doonin qaxootiga kasoo cararaya colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

    Dagaallada tobonaanka sano ka taagan bariga DRC ayaa ku khasbay kumanaan dad ah inay buux dhaafiyaan xudduuda Rwanda.

    Arrinta ma ahan dhibaatada ka taagan Rwanda, waxaan diidaya in Rwanda ay dusha saarato culeyskan” sida ay barta Twitter-ka ku baahisay madaxtooyada Rwanda.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  14. Faahfaahin ku saabsan warqadda hadal haynta dhalisay ee kasoo baxday Puntland

  15. Maxay ka wadahadleen Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo dhiggiisa Masar?

    Ra’iisal Wasaaraha Dawlad Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maalmihii u danbeeyey safar shaqo ku joogay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha dalkaas oo lagu magacaabo Mustafa Madbuuli, iyaga oo kala saxeexday heshiisyo kala duwan oo isugu jira dhinacyada waxbarashada, warfaafinta, diinta iyo awqaafta iyo dhaqanka.

    Waxay sidoo kale ka wadahadleen “sare u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya”, sida uu baahiyay xafiiska Ra'iisal Wasaaraha.

    Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Dauud Aweys oo safarkaasi qayb ka ahaa ayaa BBC-da faahfaahin ka siiyay kulankaas.

    Qoraalka Codka, Booqashada Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Masar

    Wararka kale:

  16. Asalaamu Caleykum!

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.

  17. Marin biyoodka Suez Canal oo dib u furmay kadib markii uu go'doomiyay markab

    Howlaha marinbiyoodka ugu mashquulka badan caalamka ee Suez Canal ayaa si caadi ah kusoo laabtay kadib markii marinka uu go’doomiyay Markab kuwa xamuulka qaada ah oo laga lahaa Norway.

    Mas’uuliyiinta marinka Suez ee Masar ayaa sheegay in markabka ay cilad lasoo deristay isla markaana markii dambe laga leexiyay marinka si loo hagaajiyo.

    Marin biyoodka  Suez Canal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Marin biyoodka Suez Canal
  18. Mareykanka oo tallaabo cusub u qaaday la dagaallanka Al-Shabaab

  19. Madaxweyne ku xigeenka Kenya: “Ceeb ayaan dareemay markii aan dawarsaday cunto”

    Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua

    Xigashada Sawirka, Rigathi Gachagua/Twitter

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua

    Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa sheegay in uu ceeb dareemay markii uu dawarsaday raashiin gargaar ah xilli dalkiisa ay ka jirto gabaabsi dhanka cuntada ah.

    “Waxaan wakhtigeyga ugu badan la qaatay dad shisheeye, aniga oo dawarsanaya cunto oo ay kamid yihiin kuwii ina guumeystay, waa ceeb, balse ma heysto fursad kale sababta oo ah ma aqbali karno in dadkeena ay dhintaan” ayuu yiri Rigathi oo la hadlayay warbaahinta gudaha.

    Madaxweyne ku xigeenka wuxuu sidoo kale sheegay in abaarta daba dheeraatay ay u horseeday dad badan in aysan helin wax raashiin ah halka qaarkoodna ay u dhinteen dhibaatadaas.

  20. Dowladda Soomaaliya: Waxaan howlgal ku dilnay 61 Al-Shabaab ah

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay 61 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah ay howlgal ka fuliyeen deegaanka Xawaadley ee dhaca gobolka Shabeellaha dhexe.

    War saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen laba gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

    War saxaafadeedka dowladda

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, War saxaafadeedka dowladda