"Walaalayaal mar walba waxaad astaan u ahaydeen domiqueaadiyadda iyo inaad xilka si nabad ah ugu kala wareegtaan, Waxaan idiin kugu baaqayaa inaad ilaashataan Nabadda iyo kala danbeynta uu Alle idin siiyay iyo xasiloonida iyo maamul wanaagga aad muddo dheer soo dhisayseen.
Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan dhinacyada in wixii tabasho ah oo jira lagu xalliyo wadahadal. Rabshado shalay ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland kana dhashay muddaharaadyo ay dhigayeen mucaaradku ayaa waxaa ku dhintay dhowr qof oo kalana way ku dhaawcmeen.
Didmus Barasa oo ah xildhibaan lagu tuhmayo in uu madaxa ka toogtay nin kaaliye u ahaa murashax kale oo uu tartan ka dhexeeyay xilli ay ku sugnaayeen goobta cod-bixinta maalintii doorashada ayaa isku soo dhiibay booliska.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in xildhibaanka oo laga soo doorto deegaanka Kimilili, uu madaxa ka toogtay ninka kaddib muran ka dhacay goobta ay ka socotay codeynta oo ku taalla magaalada Bungoma ee galbeedka Kenya.
Booliska Kenya ayaa ku raad-joogay xildhibaanka tuhmanaha ah oo la raadinayay muddo saddex maalin ah, iyadoo shalay oo Khamiis ahayd uu qareenkiisu codsaday in xariggiisa dib loo dhigo.
Booliska ayaa sheegay in mudanaha uu ka caawinayo baaritaannada ay ku sameynayaan dhacdada uu ku eedeysan yahay.
Deegaanka laga soo doorto mudanaha wuxuu ku yaalla xadka Uganda.
Dalalka Yurub oo u gurmanaya Faransiiska
Xigashada Sawirka, Reuters
Boqollaal
dab demis oo ka socda ugu yaraan 7 waddan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa ku
biiraya dadaalka lagu xakamaynayo dab aad u wayn oo ka kacay kaymaha gobolka Gironde
eek u yaalla koonfurta-galbeed ee Faransiiska.
Talyaaniga,
Giriigga iyo Sweden ayaa diyaaradaha biyaha tuura u diray halkaas.
In ka badan 1,000 shaqaalaha dab demiska ah ayaa la dagaallamayay dabka oo lagu tilmaamay "bahal" oo si ba'an u saameeyay koonfurta-galbeed ee Faransiiska.
Halka arrin ee ka dhiman ku dhawaaqista qofka noqday Madaxweynaha Cusub ee Kenya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Shacabka Kenya ayaa maalintii afaraad ka war dhowraya natiijada doorashada madaxweynaha oo ay codaynteeda dhacday 9-kii bishan August.
Warbaahinta maxalliga ah oo natiijooyin kala duwan oo hordhac ah soo bandhigaya ayaa looga digay in ay ku dhawaaqaan qofka guulaystay, ilaa warka ugu dambeeya uu kasoo baxo hoggaanka guddiga doorashada.
Haddaba dad badan waxay iswaydiinayaan hannaanka loo maro ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxweynaha Kenya, oo ula muuqata in ay aad u daahday.
Tallaabooyinka ka horreeya go'aanka kama dambaysta ah ayaa kala ah sidan.
Wakiillada goobaha codaynta ayaa mid mid usoo gudbinaya warqadaha natiijada codadkii laga tiriyay goobtaas, waxaana loo yaqaannaa "Form 34 A".
Wakiilka guud ee Guddiga doorashada u qaabilsan wadarta goobaha codaynta ee guud ahaan waddanka ayaa la wareegaya warqadahaas si uu u hubiyo, isagoo markaas kaddibna natiijadiisa oo uu magaceeda ka dhigay "Form 34 B" usii gudbinaya guddoomiyaha guddiga doorashada.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chebukati, oo ah wakiilka qaran ee doorashada, ayaa la wareegaya warqadaha "Form 34 B" si uu xaqiijinta ugu dambeeya ugu sameeyo. Marka uu wada hubiyo ayuu u bixinayaa magaca "Form 34 C".
Kaddib waxaa xogta faylkaas loo sii guurinayaa faylka ugu dambeeya oo ah "Form 34 D" waxa uuna guddoomiyaha guddiga doorashada ku dhawaaqayaa qofka ku guulaystay xilka madaxweynaha.
Tan iyo Khamiistii waxaa socda xaqiijinta uu guddoomiye Chebukati ku samaynayo warqadaha ugu dambeeya, isagoo laga filayo in marka uu soo gabagabeeyo uu shacabka dalkiisa iyo caalamkaba u sheego madaxweynaha Kenya maamuli doona shanta sano ee soo socota.
Wasiirka cusub ee diinta iyo owqaafta ee dowladda federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa uga mahadceliyay madaxda qaranka in ay xukuumadda ku soo dareen xilli sida uu sheegay ay jireen dad arrintaa ka soo horjeeday.
Khudbad kooban oo uu jeediyay ayuu ku sheegay in markii laga soo xirayay magaalada Baydhabo,
wixii ka dhacay halkaa si guud la isaga cafiyo isla markaana gogol nabadeed la dhigo.
Wuxuu sheegay in xabsiga uu ku jiray uu dhib badanyahay isaga oo dowladda uu k atirsanyahayna ugu baaqay inay ka war qabto dadka xabsiga ku jira.
Wasiir Roobow ayaa intaa raaciyay in qaab afduub ahaan ah uu ugu jiray xabsiga isla markaana la dulmiyay waa sida uu hadalka u yiri.
Mukhtaar Roobow ayaa horey uga tirsanaa hoggaamiyaasha sarsatre ee Al-shabaab.
Maxay tahay sababta ay waqtiga badan u qaadatay tirinta codadka doorashada Kenya?
Xigashada Sawirka, Reuters
Dadka Kenya ilaa hadda ma oga qofka noqonaya madaxweynahooda xiga, iyadoo in ka badan 45 saac laga joogo markii la xiray sanaadiiqyada lagu dhiibanayay codadka.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashada Kenya, Wafula Chebukati ayaa kula taliyay dadweynaha in ay dulqaad muujiyaan, isla markaana aysan ka walaacin tirooyinka codadka kala duwan ee ay warbaahintu soo bandhigeyso.
Xarun kasta oo warbaahin waxay sameynaysaa tirin, iyadoo tixraaceysa xogta in ka badan 46,000 oo goob codbixineed.
Laakiin, Guddiga Doorashada keliya ayaa ku dhawaaqi kara natiijada kama dambeysta ah iyo cidda guuleysatay.
Tirooyinka ay warbaahintu soo bandhigeyso ayaa muujinaya in labada murashax ee ugu cadcad ay yihiin Raila Odinga iyo William Ruto - waana tartan aan sidaas loo kala fogeyn.
"Waa inaan laga argagaxin kala duwanaanshaha aan ku aragno shaashadaha warbaahinta. Natiijadu waxay ka soo baxaysaa hal meel oo isku mid ah; habka ay wax u mareyso [warbaahinta kasta] way ka duwan tahay tan kale," ayuu yiri Chebukati.
Maxay tahay sababta ay u qaadanayso waqtiga dheer?
Kooxo saxafiyiin ah oo ka howlgala xarumo kala duwan ayaa ku jira howl culus oo ay mid mid u soo gudbinayaan tirooyinka laga helay goob kasta oo ka mid ah goobaha cod-bixinta. Warbaahin kasta waxa ay wax ku saleyneysaa xowli ka duwan kuwa kale oo ay si gaar ah ugu xulanayso goobaha codbixinta.
Marka ay timaado Guddiga, marka la ururinayo natiijada, saraakiishu waxay u baahan yihiin inay mid walba xaqiijiyaan - waa howl kale oo waqti badan qaadanaysa.
Mas’uuliyiinta ayaa hadda is barbar-dhigaya natiijadii uu Guddigu ka helay goobaha cod-bixinta oo isugu jira qaab sawir ahaan ah iyo warqadda dhabta
ah ee natiijada lagu diiwaangelinayo, taasoo lagu wareejinayo xarunta codbixinta ee caasimadda Nairobi.
Waxaa sidaas loo yeelayaa si loo hubiyo in labada natiijo ay iswaafaqaan, waana sababta ugu muhiimsan ee ay arrimuhu u qaadanayaan waqtiga dheer.
Tirinta codadka qaar ka tirsan goobaha cod-bixinta ayuu sidoo kale dib-u-dhac ku yimid, iyadoo safarradii loo geli lahaa Nairobi, gaar ahaan wakiillo ka
yimid meelo fogfog, waxay noqon kartaa arrimo kale oo ka qeyb qaadanaya dib-u-dhaca.
Gabdhaha guurka loo soo bandhigto diida oo ganaax lacageed laga qaadayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dumarka diida dalabka guurka ee ku nool deegaanka Mangalmé
ee waqooyiga-galbeed ee dalka Chad ayaa ku khasbanaan doona in ay bixiyaan
lacag ganaax ah oo dhan 23 ilaa 39 doolar.
Arrintan ayaa lagu sheegay go’aan kasoo baxay Golaha
Muslimiinta ee Mangalmé.
Hase yeeshee ururka u dooda xuquuqda haweenka ee dalka
Chad ayaa kasoo horjeestay tallaabadaas.
Waxa ay sheegeen in uu yahay xeer ka hor imaanaya sharciga dalka ee dhigaya in qof walba uu xor u yahay guurkiisa.
Go'aanka kasoo baxay Golaha Muslimiinta ee Mangalmé ayaa dhanka kale sheegaya in nin walba oo diida guur loo soo bandhigtay uu bixin doono 15 doolar.
Guurka qasabka ah ayaa si joogto ah uga dhaca dalka Chad.
Inkastoo sanadkii 2015-kii lasoo saaray sharci mamnuucaya guurka carruurta, haddana 60% ka mid ah dumarka ay da'doodu u dhaxayso 20 ilaa 25 sano waxaa la guursaday iyagoo wali carruur ah, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray machadka tirakoobyada ee waddanka Chad.
Warbaahinta Kenya oo looga digay ku dhawaaqista guuleystaha xilka madaxweynaha
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xudduudaha ee Kenya
(IEBC) ayaa uga digay warbaahinta inay shaaciso qofka ku guuleysta doorashada
madaxtinnimada ka hor inta uusan ku dhawaaqin guddigiisa.
“Fadlan ha shaacinina inuu qof un guuleystay, annaga ayay
shaqadeenna tahay in aan ku dhawaaqno guuleystaha,” ayuu yiri Wafula Chebukati
oo ah guddoomiyaha Guddiga Doorashada.
“Howshu waa mid ku socota hannaan caad-yaal ah,
waxaad booqan kartaa boggeenna internetka si aad u aragto una xaqiijiso xogta
ku jirta,” ayuu yiri, isagoo ula jeeda bogga Guddiga Doorashada oo ah.
“Natiijooyinka ku jirta boggaas waa isla kuwa guddiga
[doorashada] uu u isticmaalayo dhameystirka hannaankan,” ayuu raaciyay.
Warbaahinta ayaa tan iyo markii ay billaabatay tirinta codadka
soo bandhigayay natiijooyin kala duwan.
Wararkii ugu dambeeyay ee Somaliland oo ay isku dhaceen booliska iyo dibadbaxayaal
Xigashada Sawirka, Xisbiga Ucid
Dibadbaxyo ay rabshado ka dhasheen ayaa ka socda magaalada
Hargeysa iyo deegaanno kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida
ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Dibadbaxa waxaa horay u shaaciyay xisbiyada mucaaradka oo ka
gadoodsan hannaanka maareynta doorashada madaxweynaha iyo diiwaangelinta
ururada siyaasadda.
Dowladda ayaa u oggolaatay xisbiyada mucaaradka inay ku
dibadbaxaan meelo kooban oo la cayimay, taas oo ay xisbiyada mucaaradku ka hor
yimaadeen.
Meelo ka mid ah magaalooyinka Somaliland ayaa laga soo sheegay in boolisku ay isku dayeen inay xakameeyaan dibadbaxyada.
Waxaa sidoo kale la sheegayaa in qadka internet-ka laga jaray
Somaliland, oo aysan dadku adeegsan karin baraha bulshada iyo adeegyada kale ee
ku xiran internet-ka.
Dowladda weli war rasmi ah kama soo saarin xaaladda ugu
dambeysa, balse waxay horay uga digtay in ay dadku ku dibadbaxaan meelo ka
baxsan baraha cayiman ee la shaaciyay.
Tartanka doorashada xilka madaxweynaha Kenya oo sii adkaaday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Raila Odinga (Midig) iyo William Ruto
Raysul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga iyo Madaxweyne ku xigeenka xilka kasii dagaya ayaa loollan adag ugu jira kursiga madaxweynaha.
Natiijooyinka hordhaca ah ee iska soo daba dhacaya ayaa muujinaya in ilaa hadda aan la garanayn qofka baddali doona madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo uu ka dhammaanayo muddo-xileedka.
Tiro aad u yar oo ah inta u dhaxaysa qiyaastii 50,000 ilaa 100,000 oo keliya ayay kala horreeyaan labada murashax oo u muuqda in uu marba mid hoggaanka u qabanayo tirinta codadka.
Shacabka Kenya ee kala taageersan siyaasiyiintan uu tartanka adag u dhaxeeyo ayaa isha ku haya sida ay xaaladdu noqon karto.
Horay looma baran in natiijada doorashada madaxweynaha Kenya ay noqoto mid aan la saadaalin karin.
Tan iyo markii lasoo gabogabeeyay codaynta warbaahinta maxalliga ah ayaa tebinaysay natiijooyin is khilaafsan oo horseeday in la kala garan waayo qofka ay u badan tahay in uu guulaysto.
Madaxweynaha xiga ee Kenya ma wuxuu noqon doonaa Raila Odinga mise wuxuu noqon doonaa William Ruto? Waa su'aal jawaabteeda uusan qofna ku dhiirran karin, oo lama filaan ku noqotay dadkii horay wax u saadaaliyay.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka warshadaha ku horumaray
ee G-7 ayaa ka digay in gacan ku haynta Ruushka ee warshadda tamarta
Nukliyeerka ee Ukraine ay si weyn sare ugu qaadayso halista shil nukliyeer ah
amaba mid ku talo gal ah.
Xarunta iyo hareeraheed ayaa waxaa todobaadkii hore lala
beegsaday duqeymo uu dhinac walba ku eedeynayo dhinaca kale.
Ruushka ayaa ku baaqay in Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu berri oo Khamiis ah kulan ka yeesho xaaladda
warshadda Nukliyeerka.
Xildhibaaankii Kenya ee qof toogasho ku dilay oo wali lagu daba jiro
Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee Kenya ayaa amar ku
bixiyay in lasoo xiro xildhibaan Didimus Barasa oo lagu eedeeyay in uu toogasho
ku dilay kaaliyihiisa doorashada guud ee sanadkan.
Xildhibaanka deegaanka Kimilili ayaa la la'aa tan
iyo markii ay dhacday toogashada maalintii codbixinta ee galbeedka magaalada
Bungoma.
Codbixinta ayaa si nabad ah dalka oo dhan uga
dhacday balse waxaa jiray ugu yaraan saddex shil oo hub la isku adeegsaday oo
ay ku lug lahaayeen siyaasiyiin, kuwaasi oo dhacay shalay intii lagu guda jiray
codeynta.
Ciidamada ayaa si kala gaar gaar ah u baaraya Didmus Barasa uu madaxa ka toogtay ninka kadib muran ka dhacay goobta ay ka socotay codeynta oo ku taalla magaalada Bungoma ee galbeedka Kenya.
Horaantii
Isniintii, nin ayaa lagu toogtay magaalada Eldoret dhacdo kale oo uu ku lug
lahaa ganacsade caan ah oo u tartamaya kursiga guddoomiyeyaasha ee
doorashooyinkan.
Maxaabiis hore oo shaaca ka qaaday kufsi ka dhaca xabsiyada Ruushka
Baaritaan ay sameysay BBC-da ayaa
lagu ogaaday in jirdil nidaamsan oo ay ku jiraan tacaddi jireed iyo galmo sida
kufsi uu ku baahay nidaamka xabsiyada ee Ruushka. BBC-da ayaa la hadashay
maxaabiis hore, falanqeysayna muuqaalo la faafiyay sanadkii hore,
iyadoona
baartay kumannaan dukumeenti maxkamadeed. Bbc-da ayaa heshay caddaymo sheegaya
in shaqaaluhu ay amreen oo ay sameeyeen xadgudubka, balse sidoo kale ay u mareen
oo ay fareen maxaabiis kale si ay u fuliyaan falkaas.
Xeeladahan ayaa aalaaba loo isticmaalaa
in dambiilayaasha lagu qasbo inay qirtaan dembiyadooda, iyadoo mararka qaar kuwa
loo heysto eedeymaha lagula xisaabtamo.
Shaqaalaha xabsiyada ee Ruushka
ayaanan ka hadlin eedeymahaan loo soo jeediyay.
'Al-Shabaab oo gubtay' tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan
Xigashada Sawirka, AFP
Waxa laga dayrinayaa xaaladda nololeed ee qoysas ka cararray tuulooyin
hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib markii ururka Al-Shabaab
lagu eedeeyay inay gubeen tuulooyinkaasi, isla markaana ay duugeen ceelashii
biyaha laga cabi jiray ee deegaanka.
Maamulka degmada Maxaas ayaa sheegaya in
Al-Shabaab sidoo kale ay damiyeen isgaarsiintii deegaanka, taasoo keentay in
xitaa dadka tuulooyinkaasi ka cararray ay awoodi waayaan inay wax ku iibsadaan
lacagta elektoroniga ah ee taleefannadooda ugu jirta.
Mid kamid ah odayaashii ka tagay tuulada Bukure
oo qiyaastii 60 km u jirta degmada Maxaa, lana yiraahdo Maxamed Cumar Cabdi ayaa BBC-da u sheegay in dadka ay isaga qaxeen halkaas kadib markii ay dhibaato kala kulmeen Al Shabaab.
Wuxuu sheegay in dadka ay ooman yihiin maadama ay kooxda ka duugtay ceelkii tuulada ku tiirsaneyd.
Doorasho ka socota deegaanno hoostaga Wajeer
Waxaa maanat ay doorasho ka socota deegaanka Ceel-dhaas ee hoostaga Wajeer halkaas oo shaley dib loo dhigay doorasha kadib sabab amni darro ah oo dhacay.
Dadweynaha ayaa saaka u dareeray goobaha codeynta ee ku yaalla Ceel-dhaas, waxaana lagu wadaa in galabta lasoo gabagabeeyo doorashada.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dagaalka Ukraine
uu ka bilowday gobolka Crimea isla markaana lasoo afjarayo marka la xoreeyo
gobolkaas.
Zelensky ayaa hadalkan sheegay saacado uun kadib markii qaraxyo ay ka
dhaceen saldhigga ciidamada cirka ee uu Ruushka ku leeyahay Crimea halkaasoo uu hal
qof ku dhintay.
Wuxuu sheegay, “Gobolka Crimea wuxuu ka tirsan yahay Ukraine, weligeen
ma ogolaan doonto in cid kale ay gacanta u gasho ”
Crimea, wuxuu caalamka u aqoonsan yahay dhul ka tirsan Ukraine
balse waxaa gobolkan la wareegay Ruushka sanadkii 2014-kii kadib markii ay
dhacday afti beesha caalamka ay ku tilmaantay mid ‘sharci darro’ aheyd.
Doorashada Kenya
Halkee ayay kala marayaan Raila Odinga iyo William Ruto?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Tirinta codadka doorashada Kenya
Natiijooyinka horudhaca ah waxay muujinayaan in si weyn ay doorashada madaxweynaha ugu tartamayaan Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo Ra'iisul Wasaarihii hore, Raila Odinga.
Waxaa weli socotaa tirinta codadkii doorashada shaley ka dhacday Kenya.
Natiijooyinka horudhac ah waxay muujinayaan in codad yar ay kala horreeyaan labada musharrax.
Si kastaba, shaacinta natiijada waxay qaadan kartaa maalmo dhowr ah.
Guddiga doorashooyinka Kenya ayaa sheegay in 60% dadka isu diiwaangeliyay doorashada ay shalay codkooda dhiibteen, taasoo ah tiro hoosaysa marka loo eego doorashooyinkii hore.
Doorashadan oo si nabad ah uga dhacday Kenya waxaa harreeyay cilado farsamo oo ku yimid qalabka codeynta deegaannada qaar iyadoo xitaa qaarkood ay soo saari waayeen xogta codbixiyeyaasha.
BBC-da waxay sameysay bog gaar ah oo mar kasta isbaddalayo oo ku saabsan halka ay mareyso natiijada doorashada madaxtinimada ee Kenya.
Booliska
Kenya ayaa ku raad-joogaa xildhibaan lagu tuhmayo in uu madaxa ka toogtay nin
kaaliye u ahaa musharrax kale oo uu tartan ka dhexeeyay.
Goobjoogayaal
waxay sheegeen in xildhibaanka deegaanka Kimilili, Didmus Barasa uu madaxa ka
toogtay ninka kadib muran ka dhacay goobta ay ka socotay codeynta oo ku taalla
magaalada Bungoma ee galbeedka Kenya.
Waxay
booliska u qabteen xildhibaanka in muddo 24 saacadood gudahood uu isku soo
dhiibo.
Xildhibaan
Didmus Barasa kuma cusbo dhacdo noocan ah sanadkii hore ayaa la xiray, waxaana lagu
soo oogay dacwad ah in uu weeraray fannaan kamid ah dadka deegaanka.
Didmus Barasa wuxuu horey uga tirsanaa militeriga
Kenya.