Faransiiska oo qaadaya tallaabo aan horey loo arag oo ka dhan ah masaajidda
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Mareykanka: Maxamed Bin Salmaan ayaa amray dilka Jamaal Khaashuqji
Su'aalaha aan wali jawaabaha loo helin ee ku saabsan dilkii Jamaal Khaashuqji
Erdogan oo hadal kulul kasoo saaray 'muslimiinta lagu dhibaateeyo Shiinaha'
Sida maktabad Islaami ahayd oo dhuntay ay dunida ku gaarsiisay xisaabta casriga ah
Hillary Clinton oo ku howlan filim ka careysiinaya Turkiga
Maxay dadweynaha Kenya u hadal hayaan qaabka loo aaso Muslimiinta
Waa kuma ninka laf dhuun gashay ku noqday Erdogan?
Erdogan oo shaaciyay inay cirbixiyeeno u dirayaan dayaxa
Hillary Clinton oo rabta in la daawado muuqaal ku saabsan dilkii Jamaal Khaashuqji
Maxay tahay sheekada ku saabsan "Wadaadka" dumarka qaawan ku dhex jiray?
Shakhsiyaadka diimaha ee ugu hadal haynta badnaa 2020
Giriigga: Soomaalida Tahriibka ah waxay Turkiga ku yimaadaan fiiso ardeynimo ah
Muslimiinta iyo Yuhuudda oo ka mideysan diidmada go'aan maxkamaddeed
Ciyaaryahan caan ah oo ka carooday sida shirkadda Huawei ay ula dhaqanto Muslimiinta shiinaha
Erdogan oo lagu heysto inuu Qadar siiyay warshad Taangiyada milatariga sameysa
Weerarkii masaajiddii Christchurch ciidamada ma sii ogaayeen?
Adolf Hitler oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dalka Namibia
Wargeyska kasoo baxa Jarmalka ee Bild ayaa si weyn u hadal hayay nin lagu magacaabo Adolf Hitler Uunona oo ku guuleystay doorashada golaha hoose ee deegaan ka tirsan dalka Namibia.
Ninkan ayaa ka tirsan xisbiga haya talada Namibia ee Swapo.
Siyaasigan oo la yiraahdo Adolf Hitler Uunona ayaa helay boqolkiiba 85 codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday deegaanka Ompundja,
Namibia waxaa horraan guumeystay Jarmalka, waxaana dalkaas ku nool bulsho ku hadasha afka Jarmalka oo laga tiro badan yahay.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
"Aabahay ayaa ii bixiyay magacan Hitler, ma uusan fahansaneyn waxa uu u taagnaa magaca Adolf Hitler" ayuu yiri Uunona.
"Yaraanteydii wuxuu ii ahaa magac iska caadi ah, laakiin markii aan weynaaday waxaan ogaaday in ninkan uu doonayay in uu la wareego dunida, marka aniga arrintan waxbo kama qaban karo"
Guumeystihii Jarmalka ayaa isaga baxay Namibia kaddib markii uu soo afjarmay dagaalkii koowaad ee dunida.
Intii u dhexeeysay sanadihii 1904 iyo 1908, ciidamadii Jarmalka waxay dileen in ka badan boqolkiiba 80 shacabka kasoo jeedo qowmiyadaha Nama iyo Herero, dhacdadaas oo ay taariikhyanada ku tilmaamaan "Xasuuqi la hilmaamay"

Xigashada Sawirka, ECN
Boqolaal ka tirsan yuhuudda Itoobiya oo Israa'iil la geeyay

Xigashada Sawirka, ISRAEL GPO
Qoraalka sawirka, Yuhuudda Itoobiya waxaa Israa'iil kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu Boqolaal ka tirsan Yuhuudda Itoobiya ah ayaa loo qaaday Israa'iil- waxay kamid ahaayeen kumanaan Yuhuudda Itoobiya ah oo si weyn u sugayay in loo daadgureeyo halkaas si ay ula midoobaan qoysaskooda.
Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii Israa'iil ay shaacisay qorshaha ay ku daadgureyneyso dadkas si loo fuliyo ballan qaadyo ku aadaan arrintani.
Xubnihii matalayay Yuhuudda Itoobiya ayaa sheegay in ay qaar badan oo ka mid ah sugayaan in la midoobaan qoysaskooda oo soddonkii sano ee u dambeeyay dib u dajin looga sameeyay Israa'iil.
Waxaan in muddo qaatay hannaanka dib u dejinta loogu sameynayo Yuhuudda Itoobiya.
Arrintan ayaa dhawaan soo ifbaxday kaddib dagaallada ka socda gobolka Tigray ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xooggaga TPLF, dagaallada ay halis geliyay inay ku fidaan magaalada Gondar halkaas oo ay ku yaallaan xeryo ay ku sugan yihiin Yuhuudda Itoobiya.
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Benjamin Netanyahu iyo ninka sida weyn uu loolanka uga dhexeeyo Benny Gantz ayaa Yuhuudda Itoobiya oo gaareyso 316 kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.
Hindiya oo dhistay buundo gaar ah oo loogu talagalay inay maraan xayawaanada xamaaratada

Qoraalka sawirka, Buundada loogu talagalay inay maraan xamaaratada Saraakiisha ka shaqeeya ilaalinta deegaanka ee dalka Hindiya ayaa dhisay buundo u gaar ah xayawaanada xamaaratada ah.
Buunadadan ayaa laga dhisay waddo dhex marta dhulka buuraleyda ah ee ku yaalla gobolka Uttarakhand.
Buundadan oo lagu magacaabo "Eco Bridge", ayaa waxaa laga sameeyay geedo, caws iyo agab kale, waana buundadii ugu horreysay oo noocan ah oo laga hirgeliyay halkaas, sida ay ku warrameyso warbaahinta gudaha.
Horraan, waxay baabuurta marayo halkaas ay jiiri jireen xamaaratada.
Chander Shekhar Joshi oo kamid ah saraakiisha ilaalada deegaanka ayaa BBC u sheegay in labada dhinac ee buundada ay ku dhejiyeen kameerooyin si loola socda dhaqdhaqaaqa xayawaanada.
Buundada ayaa haatan noqotay goob dalxiis iyadoo badan ay u daawasho tegayaan halkaas si ay sawirro isaga qaadaan.
Saraakiisha duurjoogta ayaa ku rajo weyn in buundada ay dhawaan mari doonaan xayawaanada.

Qoraalka sawirka, Buundada ugaarka ah xamaaratada
