Musharrax isagoo xabsi ku jira soo gaaray wareegga ugu dambeeya ee doorasho madaxtinimo

Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Dal dadkiisa oo dhan xogtooda la xaday

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xogta dhammaan dadka ku nool dalka Ecuador ayaa la dhacay isla markaasna lagu soo bandhigay Online-ka.

    Waxaana kamid ah xogtaas, magacyada, macluumaadka dhaqaale ee qofka, dadka la dhacay xogtooda waxay gaarayaan 17 malyan oo qof.

    Xogta sidaas u baaxad weyn ee la dhacay waxaa laga helay Onlineka, waana mid qof kasta uu is dheehan karay macluumaadka xasaasiga ah.

    Hadda waxaa xogta la dhacay dib ula wareegay kooxaha ilaalinta xogta ee Ecuador.

    "Xogta la dhacay waa mid xasaasi ah oo u gaar ah shakshiga taas oo horseedi karto in qofka si gaar ahaaneed loo aqoonsado" ayay yiraahdeen Noam Rotem iyo Ran Locar oo ka tirsan shirkadda vpnMentor oo qaabilasn ilaalinta xogta Online-ka.

    Xogta laga dhacay dhammaan muwaadiniinta reer Ecuador waxaa kamid ah, sharciga aqoonsiga, lambarada teleefoonada, diiwaanka qoyska, taarikhda uu qofka guursaday, taarikhda waxbarashada iyo diiwanka shaqo ee qofka.

  2. Tiro dad ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Afqanistaan

    Madaxweyne Ashraf Qaani oo mar sii horreysay joogay isu soo baxa siyaasadeed

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Ashraf Qaani oo mar sii horreysay joogay isu soo bax siyaasadeed

    Ugu yaraan 24 qof ayaa ku geeriyootay qarax lala beegsaday isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacayay dalka Afqanistaan, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee dalkaas.

    Isu soo baxa siyaasadeed ayaa lagu waday inuu khudbad ka jeediyo madaxweynaha Afqanistaan Ashraf Qaani, qaraxa ayaa ka dhacay gobolka Parwan oo dhaco waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kabul.

    Waxaana weerarka ku dhaawacmay 31 qof, qaraxa ayaa la rumeeysan yahay inuu ka dambeeyay qof isa soo miidaamiyay.

    Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah carruur, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

    Dhinaca kale, qarax ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Kabul, waxaana ku dhintay ugu yaraan 3 qof.

    .

    Qaraxyadan ka dhacay Afqanistaan ma jirto cid sheegatay ilaa hadda balse ururka Taalibaan ayaa weeraro dhowr ah ka fuliyay dalkaas xilli ay socdaan wadahadalo la doonayo in lagu soo afjarayo dagaallada.

    Taalibaan waxay wacad ku mareen inay carqaladeyn doonaan doorashada Afqanistaan ka dheceyso 28-da bisha September.

  3. Koonfur Afrika oo ka raalli gelisay Nigeria weerarada ajaanib naceybka

    Weerarada ka dhacay Koonfur Afrika waxaa lagu beegsaday dad badan oo ajaanib ah

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Weerarada ka dhacay Koonfur Afrika waxaa lagu beegsaday dad badan oo ajaanib ah

    Koonfur Afrika ayaa dowladda Nigeria ka raalli gelisay dhibaatooyinka soo gaaray muwaadininteeda xilli dalkaas ay ka dhaceen qulqulatooyin lagu beegsaday dadka ajaanibta ah.

    Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa u sheegay madaxwenye Muhammadu Buhari in Koonfur Afrika ay ka xun tahay dhibaatooyinka lagu beegsaday ajaanibta isla markaasna ay tallaabo ka qaadeyso dadkii ka dambeeyay dhibaatooyinka ka dhacay South Africa.

    Ergeyga waxaa uu sheegay in 10 qof ay ku dhinteen rabshadihii uga dambeeyay ee ka dhacay Koonfur Afrika.

    Madaxweynaha Nigeria waxaa uu dhankiisa sheegay in sababta ergeyga uu usoo booqday ay tahay inuu sharraxaad ka bixiyo qalalaasihii dhawaan lagu bartilmaameedsaday ajaaniibta ku sugan Koonfur Afrika.

    Waxaana dhac loo geeystay dukaamo ay leeyihiin ganacsato ajaaniib ah halka dab la qabadsiiyay dhismooyin dhowr ah.

  4. "Al Shabaabta" Mozambique oo wadahadal loogu baaqay

    Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli Mozambique la filayo inay ka dhacdo doorasho

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli Mozambique la filayo inay ka dhacdo doorasho

    Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa soo jeediyay suurtagalnimada ah in wadahadallo ay dowladda la yeelato maleeshiyaadka islaamiyiinta ee ka dagaallamo gobolka waqooyiga dalkaas ku yaal ee Cabo Delgado.

    Madaxweynaha waxaa uu ku xiray wadahadallada sharddi ah waa haddii ay isa soo bixiyaan kooxahan ama ay diyaar yihiin xilli uu isu soo bax siyaasadeed ku qaban rabo gobolka Cabo Delgado, deeganadaas ayaa kamid ah meelaha ay sida weyn u saameeyeen weerarada..

    Maleeshiyaadkan, dadka deegaanka waxay u yaqaanaan 'Al-Shabaab' inkasta oo aysan wax xiriir ah la laheyn kooxda ka dagaallanta Soomaaliya, tan iyo sannadkii 2017-kii waxay weeraro ay ku dhinteen dad rayida iyo ciidan ah ka fuliyeen dalkaas.

    .

    Wax badan lagama yaqaano kooxdan ka dagaallanta Mozambique, lamana garanayo cidda hogaamiso balse waxay ku caanbaxeen dilka ay ku hayaan dad deegaanka iyo kalluumeystada aggaas.

    Waxaa weerarada ay qaadeen kooxdan ku dhintay in ka badan 200 qof halka dab la qabadsiiyay 600 guri oo ku yaal gobolka shidaalka qaniga ku ah.

    Waa markii ugu horreysay ay dowladda ku dhawaaqdo inay wadahadallo la yeelan doonto kooxdaas xilli dadweynaha reer Mozambique ay u diyaar garoobayaan doorashada 15-ka Oktoobar ka dheceysa halkaas.

  5. Macalinka ugu wanaagsan dunida oo la kulmay Trump

    Peter Tabichi oo kasoo jeedo dalka Kenya oo horraantii sannadkan loo magacaabay macalinka ugu wanaagsan dunida ayaa aqalka cad kula kulmay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka hor inta uusan macalinkan khudbad ka jeedin shirka golaha Qaramada Midoobey.

    Waxaa uu ku guuleystay abaal marinta la siiyo macalinka ugu wanaagsan dunida sannadkan 2019-ka.

    Peter Tabichi waxaa uu maadda Seyniska ka dhigaa dugsi sare oo ku yaalla magaalada Nakuru oo dhacdo waqooy galbeed Nairobi.

    Sawirka macalinka iyo madaxweynaha Mareykanka markii ay kulmeen, waxaa barta Twitter-ka soo geliyay xoghayaha warfaafinta ee aqalka cad.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Xoghayaha warfaafinta aqalka cad ayaa yiri "In ka badan boqolkiiba 80 mushaarkiisa waxaa uu ku caawin jiray ardeyda saboolka ah ee uu wax u dhigi jiray"

    Peter Tabichi ayaa lagu wadaa inuu shirka Qaramada Midoobey uga warbixiyo dadaalka uu ku gaaray macalinka ugu wanaagsan dunida.

  6. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Talaado taarikhda waxay ku beegan tahay 17-ka bisha September sannadka 2019.

  7. Dhaqaatiirta Zimbabwe oo ka bannaanbaxay 'guddoomiyahooda oo la afduubtay'

    Peter Magombeyi

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Peter Magombeyi

    Dhaqaatiirta dalka Zimbabwe oo ka careysnaa afduub la sheegay in loo geeystay madaxii ururada dhaqaatirta dalkaas ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka magaalada Harare.

    Dhaqaatiirta waxay codsanayeen in dowladda ay wax ka qabato falalka afduubka ah ee lagu hayo dadka dhaleeceeyo dowladda.

    Peter Magombeyi oo ahaa madaxii ururada dhaqaatiirta Zimbabwe ayaa horkacayay dibadbaxyo ay dhaqaatiirta ay kaga cabanayeen mushaar yarida iyo codsi ah in wax laga baddalo xaaladdooda nololeed.

    Dibadbaxyaasha waxay doonayeen inay galaan xafiiska madaxweyne Emmerson Mnangagwa balse waxaa hor istaagay booliska ka hortaggo rabshadaha.

    Dr Peter Magombeyi ayaa laga shakisan yahay in Sabtidii ay afduubteen koox rag ah.

    Dhaqaatiirta Zimbabwe waxay wacad ku mareen in aysan shaqada dib ugu laaban doonin tan iyo inta laga helayo dhaqtarka.

    Dowladda waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay maqnaanshaha dhaqtarka isla markaasna ay laamaha ammaanka ku amartay inay baaritaano ku sameeyaan.

  8. Hogaamiyeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo shir ku leh Ankara

    Kooxaha fallaagada ee ka dagaallama Idlib

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Kooxaha fallaagada ee ka dagaallama Idlib

    Hogaamiyeyaasha dalka Turkiga, Iiraan iyo Ruushka ayaa kulan ku leh magaalada Ankara si ay uga wadahadlaan dagaallada ka taagan waqooyiga Suuriya iyo xaaladda banii'aadanimo ee ka jirta halkaas.

    Turkiga waxaa uu taageeraa qaar kamid ah fallaagada heysata gobolka Idlib oo kamid ah goobihii ugu dambeeyay ay mucaaradka heystaan.

    Ruushka iyo Iiraan waxay taageerayaan ciidammada dowladda Suuriya ee howlgalka dib loogu qabsanayo ka wado gobolka Idlib.

    Turkiga waxaa uu ka cabsi qabaa in dagaalka uu horseedo in malaayin qof oo qaxooti ah ay kusoo qulqulaan dalkiisa.

    Heshiis xabad joojin ah ayaa dhawaan ka dhacay halkaas si xaaladda loo dejiyo balse weli waxaa socdaa duqeymaha.

  9. Burundi oo sheegtay in 'ciidammo looga laayay Soomaaliya'

    Ciidammada Burundi

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Ciidammada Burundi

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Sabtidii lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen ciidammada Burundi xilli ay marayeen inta u dhexeeyso Balcad iyo Muqdisho.

    Sarkaal ka tirsan ciidammada Soomaaliya ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in weerarka lagu dilay tiro kamid ah ciidammada Burundi.

    Dhanka kale, sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada Burundi oo ku sugan magaalada Bujumbura ayaa AFP u sheegay in 12 kamid ah ciidammada Burundi ee nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya la dilay halka lix kalena ay weerarka ku dhaawacmeen.

    "Nasiib darro 12 kamid ah ciidammadeena ayaa la dilay halka lix kalena ay ku dhaawacmeen weerarkii Sabtidii ay maleeshiyaadka Al Shabaab ku qaadeen xilli ay ciidammada kasoo laabteen howlgal, waxay saarnaayeen kolonyo baabuur ah inta u dhexeeyso Jowhar iyo Muqdisho" sidaas waxaa yiri sarkaal Burundian ah oo aan magaciisu la shaacin.

    Al Shabaab waxay sheegtay inay ka dambeeysay weerarkaas oo ay sheegeen inay ku dhinteen 14 kamid ah ciidammada Burundi.

  10. Weerarkii warshadaha Shidaalka Sucuudiga : 'Xog sirddoon oo Iiran la xiriiriyay weerarka'

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Mareykanka ayaa soo saaray sawirro iyo xog sirddoon oo muujinayo in Iiraan ay ka dambeeysay weerarkii lagu bartilmaameedsaday warshadihii shidaalka ee Sucuudiga.

    Iiraan waxay beenisay eedeymaha uu usoo jeediyay Mareykanka halka Xuuthiyiinta ay ku andacdoodeen inay ka dambeeyeen weerarka.

    Waxay dhacdani horseeday in uu hoos dhaco boqolkiiba 5 shidaalka caalamka halka qiimaha shidaalkana uu sare u kacay.

    Xogyaha arrimaha dibadda Mareykanka,Mike Pompeo oo aan wax caddeyn ah heyn ayaa ku eedeeyay xukuumadda Tehran weerarka.

    Saraakiil Amerikaan ah oo aan magacooda la shaacin ayaa u warramay warbaahinta New York Times, ABC iyo Reuters, mid kamid ah saraakiishaas ayaa sheegay in weerarka laga soo abaabulay dhinaca galbeedka iyo waqooy galbeed balse aan laga soo ganin deegaanada ay maamulaan Xuuthiyiinta.

    Saraakiisha waxay sheegeen in weerarada laga soo qorsheeyay dhinaca waqooyiga Khaliijka, Iiraan iyo Ciraaq.

  11. Sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka dunida kaddib weerarkii warshadaha Sucuudiga

    Weerarkii lagu qaaday warshadaha shidaalka Sucuudiga

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Weerarkii lagu qaaday warshadaha shidaalka Sucuudiga

    Qiimaha shidaalka dunida ayaa sare u kacay kaddib markii dhawaan weerar lagu qaaday warshadaha shidaalka ee Sucuudiga taas oo horseeday in uu hoos u dhac ku yimaado boqolkiiba 5 shidaalkii caalamka.

    Barmiilkii saliidda ceyriinka ah ayaa qiimihiisu wuxuu gaaray $66.28 doolar oo boqolkiiba 10 ayuu sare u kacay.

    Jeffrey Halley oo ka faalooda suuqyada shidaalka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ay ka dhalatay dhibaatooyin siyaasadeed markii uu weerarka uu dhacay kaddib.

    “Arrinta ugu weyn waxay tahay , sida uu yahay ammaanka badqabka kaabayaasha dhaqaale ee Sucuudiga weerarka kaddib” ayuu yiri Jeffrey Halley.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku eedeeyay xukuumadda Tehran inay ka dambeeysay weerarka

    Mareykanka ayaa ku eedeeyay Iiraan inay ka dambeysay weerarka lagu qaaday warshadaha shidaalka, waxay arrintaas abuurtay cabsi ah in sare u kac weyn uu ku yimaado qiimaha shidaalka.

    Shirkadda saliidda soo saarta ee Aramco, oo ay si gaar ah u leedahay dowladda Sucuudiga ayaa ah shirkadda ugu weyn ee caalamka u iib geysa Saliidda - kaligeed ayaana bixisa 10% ka mid ah saliidda laga isticmaalo caalamka.

  12. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Isniin taarikhda waxay ku beegan tahay 16-ka bishan September 2019-ka.