Musharrax isagoo xabsi ku jira soo gaaray wareegga ugu dambeeya ee doorasho madaxtinimo

Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Dibadbaxyaal dilay 'taliye boolis' dalka Mali

    .

    Madaxii booliska gobolka bartamaha dhaca ee Ségou ee dalka Mali ayaa waxaa dilay dad dibadbaxyo dhigayay oo ku baaqayay inuu xilka ka dego, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

    Issiaka Tounkara oo ahaa madaxii booliska ayaa geeriyooday markii dad careysnaa ay dab qabadsiiyeen saldhiggii booliska ee degmada Niono.

    "Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday saldhigga booliska, waxay weerareen shaqaalihii goobta" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga dalkaas.

    Booliskiii ku sugnaa saldhigga ayaa isaga cararay halkaas kaddib markii ay rasaas digniin ah ku fureen dadkii careysnaa, balse waxay ku guuldareysteen inay iska caabiyaan.

    Waxaana rabshadaha ku dhintay mid kamid ah dibadbaxyaasha.

    Dadka waxay ka careysnaayeen taliyaha booliska oo gobol kale oo laga soo baddalay, sida ay ku warrantay warbaahinta MaliJet news.

    Qaar kamid ah dadka deegaanka waxay taliyahan la dilay ku eedeeyeen inuu xiriir lala lahaa koox burcad ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

  2. Haweeney qiratay dembi ah "dalxiiska carruur dhalidda" Mareykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Haweeney u dhalatay Shiinaha ayaa qiratay in ay gashay dembi ah in ay jebisay shuruucda Federaalka ee Mareykanka iyadoo ka shaqeyneysay "dhalmada dalxiiska" oo ay u sameyneysay dad u dhashay Shiinaha kuwaas oo lacag ku bixin jiray si carruurtooda ay ugu dhashaan Mareykanka oo ay u noqdaan muwaadiniinta dalkaas.

    Dongyuan Li waxay sheegtay in shirkaddeedu ay caawisay dadka Shiinaha ee dhaqaalaha haysta in ay soo galaan Mareykanka si ay carruur ugu dhalaan halkaas.

    Ms Li waxaa suuragal ah in macaamiisheeda ay bari jirtay sida loo khiyaano laanta socdaalka Mareykanka ee looga qariyay uurka.

    Waxay arrintaan ka faa'iday $3 milyan oo dollar oo akoono kala duwan loogu shubay.

    Ms Li, oo la filayo in la xukumo bisha December ee dammaadka sannadkan 2019-ka, waxay wajeheysaa illaa 15 sano oo xabsi ah.

  3. Daafaha caalamka oo ay ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo isbaddalada cimilada ee adduunka

    Waxaa qeybo kamid dalalka caalamka maanta ka socdaa dibadbaxyo ballaaran oo lagu codsanayo in dalalka dunida ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka dhasha isbaddalada cimilada.

    Waxay dadweynaha codsanayaan in lasoo afjaro isticmaalka duxusha ee nabaad guurka ku hayo deegaanka isla markaasna la helo hawo nadiif ah oo aan wasakh laheyn.

    Magaalada Nairobi dadweyne ayaa ka qeyb galayay dibadbaxyada lagu codsanayo wax ka qabashada isbaddalada cimilada dunida
    Qoraalka sawirka, Magaalada Nairobi dadweyne ayaa ka qeyb galayay dibadbaxyada lagu codsanayo wax ka qabashada isbaddalada cimilada dunida
    Boqolaal qof ayaa ka qeyb galay dibadbaxyada ka dhanka ah isbaddalada cimilada oo ka dhacay magaalada Melbourne ee dalka Australia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Boqolaal qof ayaa ka qeyb galay dibadbaxyada ka dhanka ah isbaddalada cimilada oo ka dhacay magaalada Melbourne ee dalka Australia
    Dadka u ololeeyo arrimaha deegaanka ayaa dibadbaxyo ka hor dhigay afaafka hore ee xafiiska wasaaradda deegaanka ee Bangkok ee dalka Thailand

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dadka u ololeeyo arrimaha deegaanka ayaa dibadbaxyo ka hor dhigay afaafka hore ee xafiiska wasaaradda deegaanka ee Bangkok ee dalka Thailand
  4. Musharrax isagoo xabsi ku jira soo gaaray wareegga ugu dambeeya ee doorasho madaxtinimo

    Nabil Karoui

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Nabil Karoui

    Musharraxa doorashada madaxtinimo ee dalka Tunisia oo gaaray wareegii ugu dambeeyay ee doorashada isaga oo ku jiro xabsi ayaa ku guuldareystay racfaan uu ka qaatay xukunkaas si loo sii daayo.

    Nabil Karoui oo 56 jir ah ayaa xabsaga la dhigay bishii lasoo dhaafay kaddib markii loo heystay dacwad isdaba marin lacageed ah iyo musuq maasuq dhanka canshuur bixinta ah.

    Ninkan oo meel ka gaaray xirfadda warbaahinta ayaanan loo ogoleyn inuu codeeo balse waxaa uu gaaray wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada la filayo inay Tunisia ka dhacdo bisha dambe.

    Arbacadii garsooraha maxakamadda ayaa diiday inuu ka go'aan ka gaaro arrinta ninkan xiran maadama uusan isaga kaliya ah go'aanka laheyn.

    Nabil Karoui, wuxuu horraantii bishan bilaabay inuu cuntada ka soomo si uu xoriyaddiisa dib u helo.

    Kamel Bin Mascuud oo ah qareenka siyaasigan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in go'aanka ay si weyn uga hor imanaayaan isla markaasna ay dadaal u galayaan sidii loo sii deyn lahaa Nabil.

    Nabil weliggiis, ma uusan qaban xil siyaasadeed balse waxaa uu sameeyay barnaamij tabarucaad ah oo uu kula dagaalamayo macluusha taas oo kamid aheyd ololihiisa doorashada.

    Dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa, waxay ku eedeeyeen in barnaamijkaas iyo telefiishiinkiisa uu ku fulinayay ololihiisa siyaasadeed.

  5. Salva Kiir: Waxaan sameyn doonaa dowlad isbaheysi waa haddii Riek Machar uu dalka kusoo laaban waayo

    Madaxweyanaha South Sudan, Salva Kiir (Midig) iyo hogaamiyaha mucaaradka, Riek Machar (Bidix)

    Xigashada Sawirka, South Sudan government

    Qoraalka sawirka, Madaxweyanaha South Sudan, Salva Kiir (Midig) iyo hogaamiyaha mucaaradka, Riek Machar (Bidix)

    Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa ku hanjabay inuu sameyn doono dowlad isbaheysi ah iyadoo aan loo baahnaan doonin hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar waa haddii sida ugu dhaqasiyaha badan uusan dalka dib ugu soo laaban.

    "Waxaan idiin ballan qaadaya in bisha Nofeembar aan sameyn doono dowlad isbaheysi ah waa haddii mucaaradka hubeysan aysan u diyaar u aheyn sameynta dowladda" ayuu yiri Kiir.

    Waxaa uu hadalkan ka jeediyay xilli munaasabad duco ah lagu qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Juba.

    Heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda iyo mucaaradka ayaa lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee shanta sanno ka taagnaa Suudaanta Koonfureed kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof halka malaayin kale ay guryahooda ka barakaceen.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay waxay labada dhinac kulan ku yeesheen magaalada Juba, waxay sheegeen in horumar laga gaaray hirgelinta dowlad isbaheysiga inkasta oo ay jiraan arrimo dhowr ah oo u baahan in la xalliyo.

  6. Kenya: Fannaanad lagu amray inay lugaheeda qaawan qariso ka hor inta aysan ka hadlin baarlamaanka hortiisa

    Haweeney fannaanad ah oo goonno aad u gaaban xirneyd ayaa amar lagu siiyay inay lugaheeda qaawan daboosho, xilli ay damacsaneyd inay booqato, khudbadna ka hor jeediso aqalka baarlamaanka ee Kenya.

    Gabadhan oo lagu magacaabo Akothee ayaa golaha sharci dajinta u dagtay si ay ula hadasho siyaaiyiinta, ayna ugu boorriso inay kordhiyaan dadaalka loo sameynayo sidii loo caawin lahaa dad tiradooda lagu qiyaasay hal malyan oo ay abaaro ba’an ku saameeyeen Gobolka Turkana ee ku yaalla waqooyiga-bari ee Kenya.

    Qaar ka mid ah jaraa’idka ugu caansan waddanka, oo uu ka mid yahay wargeyska The Star ayaa shaaciyay sawirrada muujinaya dharkii ay horay u qabtay fannaanadda iyo sidii ay markii dambe isbaddalka u sameysay.

    Sidoo kale waxay qudheeda barteed Instagram-ka soo dhigtay sawirradaas.

    Ka bood Instagram boggan, 1
    Oggolow Instagram macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka Instagram boggan, 1

    Kadib markii dambe sidey u labisayatay?

    Ka bood Instagram boggan, 2
    Oggolow Instagram macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka Instagram boggan, 2

    Akothee ayaa wadda barnaamij samafal ah oo ay abuurtay horaantii sanadkan, kaasoo ay gargaar cunto iyo caawinaad kaleba ugu raadineyso dadka ku dhibaateysan Turkana.

  7. Xaaskii Meles Zenawi maxaysan ugu xiisin madaxtooyada Itoobiya?

    Azeb Mesfin, xaaska ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Azeb Mesfin, xaaska ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya

    Azeb Mesfin oo ah xaaskii uu ka geeriyooday ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa BBC u sheegtay in aysan u xiisin qasriga madaxtooyada ee Menelik.

    Waxay muddo 20 sanno ah ku nooleyd gurigii ra'iisul wasaaraha Itoobiya ee Addis Ababa tan iyo markii uu geeriyooday ninkeeda sannadkii 2012-kii markaas oo uu jiray da'da 57.

    Qasriga ra'iisul wasaaraha Itoobiya ee Menelik

    Xigashada Sawirka, Office of the Prime Minister - Ethiopia

    Qoraalka sawirka, Qasriga ra'iisul wasaaraha Itoobiya ee Menelik

    Waxay sheegtay in markasta oo ay soo xusuusato noloshii ay kusoo qaadatay qasriga ra'iisul wasaaraha ay maskaxdeeda kusoo dhacdo muragada geeridii ku timid Meles Zenawi isla markaasna ay soo xusuusaneyso dadkii baroor diiqayay xilli meydkiisa lasii waday.

    "Ma garanayo sababta aysan maskaxdeyda uga bixin dhacdooyinkaas" ayay tiri Azeb Mesfin.

    "Uma xiisin qasriga, mana damacsani in aan tego halkaas"

    Dadweyne u baroor diiqayay Meles Zenawi oo geeriyooday sannadkii 2012-kii

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dadweyne u baroor diiqayay Meles Zenawi oo geeriyooday sannadkii 2012-kii

    Sida seygeeda Meles, Azeb waxay aheyd siyaasi caan ah oo ka tirsaneyd xisbiga xoreynta Tigreega ee TPLF oo kamid ahaa jabhadihii xilka ka tuuray dowladdii militariga aheyd sannadkii 1991-kii kaddib loolan militari uu muddo qaatay.

    Markii uu dagaalka dhacay, waxay kusii jirtay siyaasadda, waxay noqotay xildhibaan sannadkii 2015-kii, waxay wadday olole ah in macluusha laga ciribtiro Itoobiya.

    Toddobadii sanno ee lasoo dhaafay, waxay ku howlaneyd in uruurinta buugaagtii uu qoray Seygeeda iyo waxyaabaha taarikhiiga uu ka tagey.

    Meles waxaa uu ahaa qoraa caan ah, waxaa uu ka shaqeynayay soo saarinta 30 buug oo uu qoray, sida ay sheegtay xaaskiisa.

    Waxaa uu suurogashay xaaskiisa inay daabacdo 8 buug, labo kamid ah buugagtaas waxay ka hadlayaan Dimuqraadiyadda iyo Beeraha.

    Meles Zenawi iyo xaaskiisa Azeb Mesfin waxay kamid ahaayeen jabhadihii TPLF

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Meles Zenawi iyo xaaskiisa Azeb Mesfin waxay kamid ahaayeen jabhaddii TPLF

    Azeb Mesfin waxay ku mashquulsan tahay sidii Meles Zenawi ay ugu sameyn laheyd goob lagu keyddiyo xusuusihii taariikhda, goobtaas oo ku taal duleedka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

    Goobtan oo lagu wado in dhawaan la furo waxay dadweynaha ka baran doonaan taarikhdii uu ka tegay ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, sida ay sheegtay Azeb.

  8. Macalinkii dugsiga Qur'aanka oo ka sheekeeyay sida uu uga badbaaday dabkii ka kacay Liberia

    Maxamed Lamine Barry waxaa uu sheegay in carruurta ay dhinteen markii uu qiiqa afka ka galay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Maxamed Lamine Barry waxaa uu sheegay in carruurta ay dhinteen markii uu qiiqa afka ka galay

    Macalinkii dugsiga Qur'aanka ee uu dabka ka kacay ayaa BBC uga warbixiyay sida uu uga badbaaday dabkii ay ku dhinteen ugu yaraan 27 carruur ah dalka Liberia.

    Maxamed Lamine Barry waxaa uu sheegay in carruurta ay jiifeen dhisme ku ag yaallay dugsiga Qur'aanka markii uu dabka ka kacayay.

    Dugsiga ayaa ku ag dhawaa misaajidka deegaanka Paynesville ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Monrovia.

    "Waxaan hurddada ka kacay ka hor saqda dhexe ee xilligga dalkaas, durbadiida waxaa qolalka ay ardeyda jiifeen qabsaday dabka" ayuu yiri macalinka.

    Waxaa uu sheegay in albaabka qolalka ay jiifeen carruurta ay furnaayeen.

    "Albaabada way furnaayeen, balse dabka ayaa la wareegay dhismaha xilli dadku ay jiifeen, qiiq ayaa dilay dadka ka hor holaca dabka" ayuu yiri macalin Maxamed Lamine Barry.

    Weriye BBC ka tirsan oo saaka booqday goobta ayaa sheegay in baarayaasha ay joogaan halkaas si ay u ogaadaan waxyaabaha dhaliyay dabka.

  9. Jubbaland: Dowladda federaalka waxay duulaan ku tahay Kismaayo

    Waxaa xayiraad lagu soo rogay duulimaadyadii sida tooska ah u tagi jiray Kismaayo

    Xigashada Sawirka, SBC

    Qoraalka sawirka, Waxaa xayiraad lagu soo rogay duulimaadyadii sida tooska ah u tagi jiray Kismaayo

    Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay waddo qorsheeyaal ay duullaan iyo xasrad kaga abuureyso magaalada Kismaayo.

    Jubbaland waxay sheegtay in "Khasaaraha ka dhasha dagaalkaas ay mas'uuliyadeeda qaadayaan madaxda dowladda Federaalka"

    War saxaafadeedka kasoo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in xayiraadda diyaaradaha ay dhibaato ku reebtay shacabka ku nool halkaas.

    Waxay ha'yadaha gargaarka ugu baaqday in gargaar ay lasoo gaaraan shacabka ku dhibaateysan Jubbaland.

    "Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in xayiraadda iyo cunaqabateynta sharci darrada ah laga qaado shacabka Jubbaland" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka Jubbaland.

    Waxaa cirka isku shareerayay khilaafka u dhexeeyo Jubbaland iyo Dowladda Dhexe markii Jubbaland ay ka dhacday doorasho muran badan uu ka dhashay oo dib loogu doortay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

    Dowladda Soomaaliya waxay waxbo kama jiraan kasoo qaaday doorashadaas.

    Dowladda federaalka ah wax jawaab ah wali kama bixinin eedeymahan u dambeeyay ee ka soo yeeray Jubbaland

  10. Itoobiya oo ku gacan seertay hinddisaha Masar ee webiga Nile

    Biyo xireenka waxay Itoobiya ka dhiseysaa Webiga Nile ee mara Itoobiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Biyo xireenka waxay Itoobiya ka dhiseysaa Webiga Nile ee mara Itoobiya

    Itoobiya ayaa diidday qorshe ay usoo jeedisay dowladda Masar oo ahaa qaabka uu u shaqeynayo biyo xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso Webiga Nile gaar ahaan xadka Suudaan.

    Masar waxay ku tiirsan tahay webiga Nile, waxaa ay ka walaacsan tahay in biyo xireenka Itoobiya uu horseedi karo gabaabsi ku yimaado biyaha iyo waraabka.

    Wasiiraka biyaha Itoobiya, Seleshi Bekele ayaa sheegay in Masar ay dooneyso ka faa'iideysiga biyo xireenka taasina aysan aqbali doonin.

    Itoobiya waxay dooneysaa in biyo xireenka ay kasoo saarto koronto laga bilaabo bisha Diseembar sannadka 2020-ka
    Qoraalka sawirka, Itoobiya waxay dooneysaa in biyo xireenka ay kasoo saarto koronto laga bilaabo bisha Diseembar sannadka 2020-ka

    "Waxaa uu qorshaheenu yahay in biyo xireenka aan buuxinno xilli roobaadka soo socda, waxaan bilaabeynaa in aan ka dhalinno korontada bisha Diseembar ee sannadka 2020-ka" ayuu yiri wasiirka biyaha ee Itoobiya.

    Dhismaha biyo xireenka Itoobiya ayaa hadda ku dhaw in la dhameystiro.

    Xarumaha soo saaro korontada ma saameeyaan heerka biyaha balse xawaaraha ay dooneyso in Itoobiya ay ku buuxiso biyo xireenka ayaa saameyn ku yeelan karaa heerka qulqulka biyaha webiga Nile.

  11. Tiro dad ah oo ku dhintay qarax lala beegsaday isbitaal ku yaal Afqanistaan

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay markii baabuur xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay afaafka hore ee isbitaal ku yaal koonfurta dalka Afqanistaan.

    Qaraxa ka dhacay magaalada Qalat dadkii ku dhintay waxay ahaayeen dhaqaatiir iyo bukaanno, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Ururka Taalibaan ayaa sheegay inay bartilmaameedsanayeen saraakiil sirddoon ah oo ka tirsan dowladda Afqanistaan oo ku sugnaa guri u dhaw isbitaalka.

    Ururkan ayaa inta badan weeraro ka fuliya gudaha Afqanistaan inkasta oo ay socdaan wadahadallo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

    Talaadadii, Taalibaan waxay weerar ku qaaday isu soo bax siyaasadeed oo la filayay in uu ka hadlo madaxweyne Ashraf Ghani, waxaana qaraxaas ku dhintay ugu yaraan 26 qof.

    .
  12. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegan tahay 19-ka bisha September sannadka 2019-ka.

  13. Taliyihii maleeshiyaadka Hutu oo la dilay

    Taliyihii maleeshiyaadka Hutu kaas oo loo heystay dambiyo dagaal ayaa lagu dilay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, sida ay sheegeen militariga.

    Sylvestre Mudacumura ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhintay iska hor imaad dhexmaray ciidanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo maleeshiyadiisa oo lagu magacaabo FDLR.

    Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ayaa u haysatay inuu ku lug lahaa kufsi, jirddil iyo dil loo geystay dad rayid ah.

    Taliyahan ayaa ku dhuumaalaysanay keymaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, tan iyo markii uu soo afjarmay xasuuqii Rwanda oo ay ku dhinteen 800 oo kun oo u badan dadka Tutsiga ah.

    Ciidanka Congo ayaa mudooyinkii dambe dagaal kula jiray xooggaga Hutu-ga Rwandese-ka ah ee dalkaasi ku sugan, si dowladda ay ula wareegto dhulka ay jabhadaha ka taliyaan.

  14. War deg deg ah, Tiro carruur ah oo ku dhimatay dab ka kacay dugsi Qur'aan dalka Liberia

    Ugu yaraan 23 carruur ah ayaa ku geeriyootay dab ka kacay dugsi Qur'aan oo ku yaalla duleedka caasimadda Liberia ee Monrovia.

    Carruurta waxay jiifeen dhismo ku ag yaalla misaajid markii uu dabka kacay subaxnimadii saaka.

    Booliska ayaa BBC u sheegay in saraakiisha gurmadka deg deg ah ay raadiyaan meydad kale.

    Madaxweynaha Liberia, George Weah oo booqday dugsiga uu dabka ka kacay ayaa tacsi u diray ehelada carruurta ku dhimatay dabka.

    Saraakiisha in carruurta Qur'aanka ka dhiganeysay dugsiga ay da'ddoodu u dhexeeysay 10 ilaa 20 jir.

    Afahayeen u hadlay booliska Liberia oo lagu magacaabo Moses Carter ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dabka uu ka dhashay cilad ku timid korontada balse ay weli wadaan baaritaanno ku aadan arrintaas.

    .
  15. Tanzania oo soo baadbaadisay Jebiso 'la rumeysan yahay inay leedahay awood ruuxi ah'

    .

    Mas'uuliiyiinta dalka Tanzania ayaa soo badbaadiyay Jebiso weyn oo ay kusoo xoomeen dadka deegaanka oo rumeysan in Jebisadu ay leedahay awood ruuxi ah.

    Dadka deegaanka waxay isugu uruureen keymaha Kasala oo ay Jebisadu lagu arkay.

    Jebisada ayaa lagu qiyaasay dheereerkeedu 3 Miitar, waxaana labo toddobaad ka hor lagu arkay waqooy galbeed dalka Tanzania.

    Dadka waxay Jebisadu u geynayeen xoolo nool si ay u cunto isla markaasna ay rumeysan yihiin in Jebisadu ay daweyn karto cudurada qaar , roob ay keeni karto, iyo in Sheeydaanka ay ka eryi karto.

    .

    Dadka deegaanka waxay BBC u sheegeen in cadooyinka noocan ah lagu arko gobolka waqooy galbeed ku yaalla ee Geita halkaas oo laga sameeyo howlaha macdan qodista.

    Dadka deegaanka waxay Jebisadu geeyeen geed hoostiis halkaas oo ay ku duceysanayeen.

    Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska ayaa markii dambe xaaladda soo faragelisay isla markaasna waxay Jebisadu geeysay goob lagu xannaaneeyo xayawaanada oo ku taal halkaas.

    .
  16. Zimbabwe oo dhaqaatiir militari ah geeysay isbitaallada dowladda

    Shaqo joojinta ay ku dhaqaaqeen dhaqaatiirta Zimbabwe

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Shaqo joojinta ay ku dhaqaaqeen dhaqaatiirta Zimbabwe

    Dowladda Zimbabwe ayaa dhaqaatiir militari ah geeysay isbitaallada ay dowladda maamuusho kaddib markii shaqaalaha caafimaadka dalkaas ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Talaadadii, dhaqaatiirta waxay dibadbaxyo ka dhigeen dallkaas iyagoo ka careysan hogaamiyaha ururka dhaqaatiirta Peter Magombeyi oo la sheegay in la afduubtay.

    Peter Magombeyi waxaa uu garwadeen ka ahaa shaqo joojinta ay dhaqaatiirta kaga cabanayaan mushaar yarida iyo xaaladda nololeed ay ku jiraan.

    Dhaqaatiirta waxay wacad ku mareen in aysan shaqada dib ugu laaban doonin tan iyo inta laga helayo Dr Magombeyi.

    Wasiirka caafimaadka Zimbabwe Obadiah Moyo ayaa sheegay in dhaqaatiirta militariga ah ay adeegyada caafimaadka ah u fidin doonaan shacabka balse ay kuwo si kumeel gaar ah ku howlgalayo.

    Dhaqaatiirta waxay rumeysan yihiin in hogaamiyahooda ay afduubteen laamaha amniga maadama uu horkacayay shaqo joojinta.

  17. Midowga Yurub oo ka hadlay weeraradii dhawaan ka dhacay Balcad

    Ciidamada dowladda Federaalka ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay sameeyay howlgallo ay dad badan kusoo xireen

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, Ciidamada dowladda Federaalka ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay sameeyay howlgallo ay dad badan kusoo xireen

    Midowga Yurub ayaa ka hadlay weerarkii dhawaan lagu qaaday mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo weerarkii ay ku dhinteen tiro kamid ah ciidammada Burundi ee nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya.

    Midowga Yurub waxay tacsi u direen dhammaan ehalada dadkii ku geeriyoodaay weeraradaas ayna si weyn uga xun yihiin.

    War saxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu yiri " EU waxay bogaadineysaa geesinimada ay muujiyeen ciidammada Burundi ee naftooda u huray sidii Soomaaliya ay nabad u noqon laheyd"

    Al Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeysay weerarada ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

    Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka

    Waddadaas ayaa hadda noqotay jidka ay dhimashada ugu badan kala kulmaan ciidamada howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

    • Intii lagu guda jiray bishan Sitembar, 10 qarax ayaa ka dhacday waddada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
    • Maalintii Jimcada ahayd, 3 qof ayaa ku dhimatay Qarax ka dhashay miido waddada dhinaceeda lagu aasay.
    • Maalintii Sabtida ahayd, Al-Shabaab ayaa weerar ku dishay 12 askari.
    • Maalintii Axadda ahayd, saddex Qarax ayaa laga fuliyay waddada u dhaxeysa Balcad iyo Muqdisho.
  18. Trump oo qaabilay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Mareykanka

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qaabilay safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya Cali Shariif Axmed kaas oo u fadhiyo dalkaas, waxaa uu Trump ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee danjirinimo.

    Cali Shariif Axmed ayaa horraan loo magacaabay safiirka soomaaliya ee dalka Mareykanka.

    Bayaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiir Cali Shariif uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga danaha labada dal.

    Cali Shariif ayaa horey usoo noqday safiirka Soomaaliya u fadhin jiray dalalka Itoobiya iyo Faransiiska.

  19. 'Caasimadda Nigeria oo noqotay goobaha ugu nabdoon caalamka'

    Falal afduub ah ayaa ka dhacay caasimadda Nigeria
    Qoraalka sawirka, Falal afduub ah ayaa ka dhacay caasimadda Nigeria

    Madaxa booliska ee Nigeria ayaa sheegay in caasimadda Abuja ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga badan dunida.

    Maxamed Adamu taliyaha booliska, waxaa uu soo saaray bayaan uu kaga jawaabayo eedeymaha ah inay sare u kaceen falal afduubka ah iyo dhibaatooyinka ay geeystaan burcadda.

    Waxaa uu qiray in magaalada ay ka taagan yihiin dhibaatooyin dhanka amniga ah balse waxaa uu sheegay in qiimeyn lagu sameeyay magaalooyinka dunida ay muujineyso in falal dambiyeedka ee ka dhaco magalaada ay aad u hooseeyaan isla markaasna magaalada ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga badan caalamka.

    Sida laga soo xigtay wargeyska Punch ee kasoo baxa Nigeria, shan qof ayaa Sabtidii lagu afduubtay magaalada Abuja.

    Kooxaha afduubka ka geeysata Nigeria ayaa codsadaa in la siiyo madax furasho, waana caqabadaha ugu weyn ee heysta dowladda Nigeria.

  20. Eritrea oo loogu baaqay inay sii deyso maxaabiis la xiray 18 sanno ka hor

    Wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea,Berhane Abrehe waxaa la xiray sannadkii 2018-kii

    Xigashada Sawirka, SHERIFO AND ASTER FAMILY

    Qoraalka sawirka, Wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea,Berhane Abrehe waxaa la xiray sannadkii 2018-kii

    Ha'yadda Amnesty International waxay codsaday in lasii daayo 28 maxaabis ah oo 18 sanno ka hor lagu xiray dalka Eritrea oo aan wax maxkamad ah lasoo taagin.

    Dadkaas xiran waxay isugu jiraan 11 qof oo siyaasiyiin ah iyo 17 weriyeyaal ah oo la xiray sannadkii 2001-dii markii ay dhaleeceeyeen madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kaas oo xilka hayay tan iyo markii uu dalkaas xoriyadda qaatay sannadkii 1993-dii.

    Siyaasiyiinta waxaa la xiray markii ay warqad u qoreen madaxweynaha oo ay uga codsanayeen inuu qaddariyo dastuurka si waddada loogu xaaro doorashooyin dalkaas ka dhaco.

    Ibraahim Sherifo (Midig), hadda waa 31 jir, hooyadiis (Bidix) waxay xabsiga ku jirtaa muddo 18 sanno ah

    Xigashada Sawirka, Saleh Yunis/Amnest

    Qoraalka sawirka, Ibraahim Sherifo (Midig), hadda waa 31 jir, hooyadiis (Bidix) waxay xabsiga ku jirtaa muddo 18 sanno ah

    Weriyeyaasha waxaa iyagana xabsiga la dhigay markii ay ka warrameen warqadda ay siyaasiyiinta ay madaxweynaha u direen.

    "Caddaalad darrada dowladda madaxweyne Isaias Afwerki ay ku heyso maxaabiista waa mid si weyn looga walaacsan yahay" ayuu yiri Seif Magango oo ah agaasimaha ha'yadda Amnesty ee gobolka.

    Sannadkii lasoo dhaafay, BBC waxay wareysi la yeelatay Ibraahim Sherifo oo waalidkiisa ay kamid yihiin dadkii lagu xiray Eritrea sannadkii 2001-dii xilliggaas oo uu jiray da'da 13.

    Hooyadiisa Aster Fissehatsion, iyo aabihiis Maxamuud Axmed Sherifo waxay kamid ahaayeen siyaasiyiinta ugu caansan Eritrea.