Haweeney 73 jir ah oo mataano dhashay

Tabintan tooska ah kaga bogo wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Tebin toos ah

  1. Zambia oo rabshadaha ka taagan Koonfur Afrika dartood u qaadacday ciyaar saaxibtnimo

    Ciyaarta waxaa lagu waday in Sabtida ay ka dhacdo garoon ku yaalla caasimadda Zambia ee Lusaka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciyaarta waxaa lagu waday in Sabtida ay ka dhacdo garoon ku yaalla caasimadda Zambia ee Lusaka

    Xiriirka kubadda cagta ee dalka Zambia ayaa qaadacay ciyaar saaxibtinimo oo ay la dheeli rabeen xulka qaranka ee Koonfur Afrika, ciyaartaas oo Sabtida la qorsheeyay inay ka dhacdo garoon ku yaalla caasimadda Zambia ee Lusaka.

    Go’aanka Zambia ay ku qaadacday ciyaarta ayaa ka dambeeyay kaddib weerarada ka dhanka ah dadka ajaanibta ee ka dhacay Koonfur Afrika.

    Shacabka reer Zambia waxay baraha bulshada soo dhigayeen hadallo ay ugu baaqayeen ururka xiriirka kubadda cagta ee dalkaas in ciyarata ay meesha ka saaraan si loo muujiyo carada ka dhalatay rabshadaha ka socda Koonfur Afrika.

    Madaxa xiriirka kubadda cagta Zambia, Adrian Kashala waxaa uu xaqiijiyay in ciyaartii u dhexeeysay kooxaha Chipolopolo iyo Bafana Bafana la joojiyay tan iyo wakhti dambe oo ay wadatashi kala yeelan doonaan xiriirka kubadda cagta ee Koonfur Afrika.

    Dhanka kale, dowladda Zambia waxay ka codsatay darawaliinta baabuurta xamuulka ee dalkaas in aysan u safrin Koonfur Afrika tan iyo inta amniga dib looga soo celinayo.

    Waxaa dalka Koonfur Afrika maalmihii lasoo dhaafay ka socday rabshado horseeday in la boobo dukaamo dhowr ah halka dab la qabadsiiyay dhismooyin iyo baabuur.

  2. Kheyre: Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka kama wada tirsanaan kartiin

    Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa tababarka usoo xiray ciidammadii horey uga tirsanaa ururka Ahlu Sunna ee hadda kusoo biiray ciidanka xoogga

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa tababarka usoo xiray ciidammadii horey uga tirsanaa ururka Ahlu Sunna ee hadda kusoo biiray ciidanka xoogga

    Ra'iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo tababar usoo xirayay ciidammo horey uga tirsanaa ururka Ahlu Sunna ayaa sheegay in dowladda waajib uu ka saaran yahay xaqiijinta xuquuqda ciidammada iyo waxkasta ay u baahan yihiin.

    Xasan Kheyre waxaa uu kula dardaarmay ciidammada in hadda ay si rasmi ah ugu biireen dowladda isla markaasna la xoojiyay qarameyntooda.

    "Idinka waxaad kasoo wareegteen urur soomaaliyeed oo Ahlu Sunna ah oo dalkan kasoo shaqeeyay oo amniga kasoo shaqeeyay oo maamul soo ahaa laakin hadda waxaad usoo wareegteen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed" ayuu yiri Ra'iisul wasaare Kheyre oo la hadlayay ciidammada.

    Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda wixii ka dambeeyo ciidammadan ay mas'uuliyad ka saaran tahay gudashada shaqooyinka loo igmaday.

    " Laga bilaabo saacaddan waxaa idiin lagula xisaabtamaya waajibkaada la i diin ku leeyahay meeshii aad ka tirsanaan jirteen iyo dowladda Federaalka kama wada tirsanaan kartiin, mana aqbalayo" ayuu yiri Kheyre.

    Ururka Ahlusunna ayaa bishii Juun ee sannadkan heshiis la gashay dowladda dhexe ee Soomaaliya halkaasina lagu soo afjaray khilaaf ka dhexeeyay, waxay dowladda ku wareejiyeen ciidamo si loo qarameeyo.

  3. War deg deg ah, Diyaaraddii Tanzania ee lagu xayiray Koonfur Afrika oo loo fasaxay inay kasoo ambabaxdo dalkaas

    Maxkamad ku taalla Koonfur Afrika ayaa meesha ka saartay go'aan ay horey u soo saartay oo ahaa in dalkaas lagu xannibo diyaarad ay leedahay dowladda Tanzania oo la mamnuucay inay kasoo ambabaxdo garoon ku yaalla dalkaas, sida ay ku warrameyso weriye BBC ka tirsan oo ku sugan maxkamadda.

    24-tii bishii Agoosto ayay aheyd markii diyaaradda Tanzania ee Airbus 220-330 loo diiday inay kasoo dhaqaaqdp magaalada Johannesburg markii uu amar kasoo baxay maxkamadda.

    Qareen u dhashay dalkaas ayaa ku dooday in nin beeraley ah oo Koonfur Afrikaan ah uu ugu yaraan $13m doolar oo magdhaw ah uu ku lahaa Tanzania markii dowladda Tanzania ay dhulkiisa ka qaadatay sannadihii siddeetamaadkii.

    Mas'uuliyiinta Tanzania waxay sheegeen in ninkaas ay magdhawda siin doonaan balse qareenkooda uu rumeysan yahay in South Africa aysan go'aan ku laheyn muranka.

  4. Duufaanta Dorian oo burbur ka geeystay Pahamas

    TERRAN KNOWLES/OUR NEWS BAHAMAS/VIA REUTERS

    Xigashada Sawirka, TERRAN KNOWLES/OUR NEWS BAHAMAS/VIA REUTERS

    Waxaa socdaa dadaallada gurmadka loogu fidinayo dadka ay saameeyeen duufaanta Dorian oo ku dhufatay waqooyiga Bahamas, sawirro la baahiyay waxay muujinayaan khasaaraha ka dhashay duufaanta.

    Ra’iisul wasaaraha Pahamas Hubert Minnis ayaa sheegay in deegaanada qaar ay burburiyeen duufanada isla markaasna laga casbi qabo in tirada dhimashada ay sare u kacdo.

    Duufaantan ayaa noqotay middii ugu weyneyd ee ku dhufata halkaas, waxaana halkaas ka dhacay roobab mahiigan ah oo wata daadad.

    Duufaanta ayaa ku wajahan waqooyiga dalkaas, waxaa ay halis ku heysaa deegaanada dhaca xeebaha bari ee Mareykanka.

    Ra'iisul wasaaraha Hubert Minnis ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dufaanta

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Hubert Minnis ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dufaanta

    Mareykanka oo looga digay inuu hubka nuclear-ka u adeegsado joojinta Duufaanta

    Seynisyahannada Mareykanka ayaa sheegay inaysan fikrad fiican ahayn in hubka wax gumaada ee nuclear-ka loo adeegsado joojinta duufaanta, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu doonayo in awood kama dambeys ah loo isticmaalo ka hor tagidda musiibadaas dabiiciga ah.

    Warbaahinta Axios ayaa tabisay in Mr Trump uu ka dalbaday saraakiil dhowr ah oo ka tirsan amniga qaranka Mareykanka inay u sharraxaan sida ay tallaabada noocaas ah ku suurtagali karto.

    Hase ahaatee, ururka ay ku bahoobeen seynisyahannada Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo (NOAA ) ayaa sheegay in adeegsiga nuclearka "uu horseedi karo burbur baahsan oo ka daran midka ay sababeyso duufaanta".

    Laakiin madaxweyne Trump ayaa beeniyay inuu hadalkaas yiri.

    "Sheekada ay sameysay warbaahinta Axios ee ku saabsan in madaxweyne Trump uu doonayo inuu duufaanta ku qarxiyo bambo waa war been abuur ah. waligey sidaas ma dhihin", ayuu Trump ku yiri bartiisa twitter-ka

    Duufaannada ayaa sanad walba saameeya xeebaha bari ee dalka Mareykanka, waxayna inta badan sababaan khasaare baahsan.

    Ma aha markii ugu horreysay ee lasoo jeediyo fikradda ku saabsan in nuclear loo adeegsado ka hor tagista duufaanta.

    Seynisyahan ka tirsanaa dowladda ayaa 1950-meeyadii ku taliyay in bambada nuclear-ka lala dhaco duufaanta.

  5. Rabshado iyo boob maalintii labaad ka socdo Koonfur Afrika

    Booliska Koonfur Afrika ayaa kala eryay dad dhac ka geysanayo degmada Alexandra oo hoostagto magaalada ganacsiga ee Johannesburg maalin uun kaddib markii rabshado khasaare dhaliyay ay ka dhaceen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan magaaladaas.

    Taliyaha booliska gobolka Elias Mawela, waxaa uu sheegay in 7 qof lagu xiray degmada Alexandra.

    Muuqaallo baraha bulshada lasoo geliyay ayaa muujinaya waddooyinka oo maran isla markaasna ay daadsan yihiin dhagaxaan.

    Qalalaasihii shaley ka dhacay Koonfur Afrika ayaa waxaa uu horseeday in la boobay dukaamo dhowr ah halka dab la qabadsiiyay dhismooyin.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  6. Eritrea oo albaabada isugu dhufatay Iskuulada ay maamulaan ururada diiniga ah

    Mid kamid ah Iskuulada la xiray

    Xigashada Sawirka, DK

    Qoraalka sawirka, Mid kamid ah Iskuulada la xiray

    Mas’uuliyiinta dalka Eritrea ayaa la wareegay toddobo Iskuul oo ay gacanta ku hayaan ururo diini ah.

    Waxaa lagu amaray ururada diiniga ah ee Isugu jiro Kiristaanka iyo Muslimka inay maamulka dugsiyada sare kusoo wareejiyaan dowladda.

    Ilo wareedyo ayaa BBC u sheegay in laamaha amniga Eritrea ay la wareegeen Iskuulada, waxaana lagu arkayay iyagoo ku sugan halkaas.

    Wararka qaar ayaa sheegaya inta badan ardeyda wax ka dhigta Iskuuladaas aykasoo jeedaan qoysaska saboolka ah.

    Dowladda waxay difaacday amarka ay ku xireyso Iskuulada oo ay ku sheegtay inuu waafaqsan yahay xeerka dalkaas laga dhaqan geliyay sannadkii 1995-kii oo faray in hoos loo dhigo dhaqdhaqaaqyada ururada diiniga ah.

    Bishii June, Eritrea waxay la wareegtay dhammaan isbitaalladii ay maamuli jireen kaniisadaha qaar ee dalkaas, waxaa ay tallaabadaas horseeday in kumanaan bukaan ah ay dareyeel la’aan noqdaan.

    Tallaabadaas ayaa loo arkay mid ka dhan dhaleeceenta ay qaar kamid ah ururada diiniga ah ay u jeedinayeen madaxweyne Isaias Afwerki.

  7. Digniino laga soo saaray rabshadaha ka dhacay Koonfur Afrika

    Dukaamo badan ayaa Isniintii lagu boobay magaalada Johannesburg

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dukaamo badan ayaa Isniintii lagu boobay magaalada Johannesburg

    Qaar kamid ah dalalka Afrikaanka ayaa waxay walaac ka muujiyeen isla markaasna waxay uga digeen muwaadiniintooda ku sugan Koonfur Afrika rabshadaha lagu beegsaday dadka ajaanibta ah.

    Safaaradda Itoobiya ee Koonfur Afrika ayaa ugu baaqday muwaadintooda ku sugan dalkaas inay albaabada isugu dhuftaan xarumahooda ganacsi xilli dhawaan ay socdeen qulqultooyin lagu boobay dukaamo ku yaalla magaalada Johannesburg halka dhowr dhismooyin ah dab la qabadsiiyay.

    Waxay safaaradda Itoobiya sidoo kale ugu baaqday muwaadiniinteeda inay ka fogadaan goobaha halista ah ay rabshadaha ka dhici karaan.

    Dhanka kale, Zambia ayaa ugu baaqday darawalada baabuurta xamuulka ee kasoo jeedo dalkaas in aysan u safrin Koonfur Afrika tan iyo inta amniga dib loo soo celinayo.

    Dowladda Nigeria waxay ku celcelisay in ganacsatada reer Nigeria ee ku sugan South Africa la bartilmaameedsaday markii ay rabshadaha ka socdeen dalkaas.

  8. Jabuuti oo soo dhaweysay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey oo laga soo daadgureeyay Yemen

    Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee gaaray Jabuuti
    Qoraalka sawirka, Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee gaaray Jabuuti

    Qaramada Midoobey ayaa qaar kamid ah shaqaalaheeda ka howlgala dalka Yemen kala soo baxday halkaas, waxay ay shaqaalahan soo gaareen dalka Jabuuti.

    Saraakiil ka tirsan dowladda Jabuuti ayaa saaka kusoo dhaweeyay shaqaalaha dalkaas.

    Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee saaka laga soo daadgureeyay dalka Yemen waxay gaarayaan 30 qof oo ka kala soo jeedo ilaa 23 waddan, sida uu kusoo warramaya Weriye Maxamuud Cismaan Bulxan.

    Yemen waxaa ka socday dagaal tan iyo sannadkii 2015, markaas oo Xuutiyiintu ay ku qasbeen madaxweyne Cabdulrabah Mansuur Haadi iyo golahiisa wasiirrada in ay isaga cararaan magaalada caasimadda ah ee Sanca. Sacuudiga ayaa tageera madaxweyne Haadi, waxayna hoggaamiyaan xulafo gobolka ah oo weerarro dhanka cirka ah ku qaada jabhadaha.

    Xulafada ayaa weerarro badan qaada waxayna qarka u saaran yihiin in ay maalin walba weerro dhanka cirka ah gaystaan, dhanka kalana Xuutiyiintu waxay badanaa gantaalo ku garaacaan Sacuudi Carabiya.

  9. Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobey oo cambaareeyay howlgallada ka dhanka ah Shiicada Nigeria

    Nigeria waxaa ka dhacay isku hor imaad u dhexeeya laamaha amniga iyo taageerayaasha Shiicada

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Nigeria waxaa ka dhacay isku hor imaad u dhexeeya laamaha amniga iyo taageerayaasha Shiicada

    Sarkaalka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan baaritaanada la xiriira dilalka ka baxsan sharciga ayaa cambaareysay awoodda xadh dhaafka ah ay ciidammada ammaanka Nigeria u adeegsadeen dadka taabacsan Shiicada oo dibadbaxyo ka dhigayay halkaas.

    Agnes Callamard waxay ugu baaqday dowladda Nigeria inay tallaabo ka qaado kuwo geeystay dilalka ka baxsan sharciga isla markaasna ay ka shaqeyso sidii caddaaladda ay u heli lahaayeen dhibanayaasha.

    Ms Callamard ayaa warbaahinta la wadaageysay kaddib markii labo toddobaad ay baareysay dhacdooyinka la xiriira dilalka iyo kuwo ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhacay Nigeria.

    Ururka Shiicada Nigeria ayaa laga mamnuucay dalkaas bishii Luulyo kaddib markii bilooyin ay dhaceen dibadbaxyo ballaaran oo lagu codsanayay in lasii daayo hogaamiyaha Shiicada, Ibraahim Zakzaky kaas oo xirnaa isaga iyo xaaskiisa tan iyo sannadkii 2015-kii.

  10. Ciyaaryahankii hore ee kooxda Inter Milan oo u tartamaya xildhibaanimo dalka Kenya

    McDonald Mariga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, McDonald Mariga

    Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe uga dheeli jiray kooxda Inter Milan, McDonald Mariga una dhashay dalka Kenya ayaa u tartamaya xildhibaanimo mid kamid ah kuraasta doorashada baarlamaanka ee magaalada Nairobi.

    McDonald Mariga waxaa uu kamid noqday dadka u hanqal taagayo kursiga baarlamaaniga ee Kibra oo ay ku yaallaan xaafadaha isu raranka ugu weyn bariga Afrika.

    Mariga waxaa uu ka socda xisbiga Jubilee ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana la guddoonsiiyay shahaadada xisbiga ee u horseeday inuu loolanka ka qeyb qaato.

    Waxaa uu ahaa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee ka socda dalalka Bariga Afrika ee u dheelo ciyaaraha horyaalka Yurub, Talyaaniga.

    Ciyaaryahanka 32 jirka ah waxaa uu wariyeyaasha u sheegay in sababta uu ugu biiray siyaasadda ay tahay inuu u adeego bulshadiisa.

    Bisha Nofembar ayaa doorasho laga qabanayaa deegaan baarlamaaneedka Kibra kaddib markii uu dhawaan geeriyooday ninkii xildhibaanka ka ahaa deegaankaas.

    Qaar kamid ah ciyaaryahanada caanka ah ee Afrikaanka ah ayaa ku biiray siyaasadda, George Weah oo horey u noqday ciyaaryahanka ugu wanaagsan xiriirka kubadda cagta adduunka ayaa hadda madaxweyne ka ah dalka Liberia.

  11. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Talaado taarikhda waxay ku beegan tahay 3-da bisha September sannadka 2019-ka.

  12. Qaramada Midoobey oo ka digtay "Cunno la'aan soo food saarto 2 milyan qof oo ku nool Soomaaliya"

    Shirka  kooxda la socota sugnaanta cuntada ee hay’adda cunnada aduunka ee FAO ee maanta lagu qabtay Mudisho
    Qoraalka sawirka, Shirka kooxda la socota sugnaanta cuntada ee hay’adda cunnada aduunka ee FAO ee maanta lagu qabtay Mudisho

    In ka badan 2 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa inay wajahaan cunno yari aad daran, nafaqo darro baahsan iyo inay hanti beelaan iyadoo la saadaalinayo qiyaastii hal milyan oo carruur ah inay nafaqo darro ku dhacdo illaa bartamaha sanadka soo socda ee 2020-ka sida ay sheegayso kooxda la socota sugnaanta cuntada ee hay’adda cunnada aduunka ee FAO.

    Shir jaraa’id oo lagu qabtay Muqdisho ayay kooxdu ka sheegtay in loo baahan yahay gurmad caalami ah si looga baaqsado in arintu gaarto meel khatar ah.

    Abaaraha ayaa si weyn saameyn ugu yeeshay nolosha dadka reer guuraaga iyo beeraleyda.

    Daniel Mola oo ah la taliyaha dhinaca farsamada ee Kooxda Sugnaanta cuntada ee hay’adda cunnada aduunka ee FAO ayaa sheegay in aad u yaraadeen dalaggii soo go'ayay sababo la xiriira abaaraha ka taagan Soomaaliya

  13. Faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxday qaraxii ka dhacay Muqdisho

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay bar kontrool oo ay ciidammada amniga ku leeyihiin isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

    Ilo wareedyo ka tirsan ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 3 qof ay qaraxa ku dhinteen halka11 qofna ay ku dhaawacmeen.

    Dadka dhintay ayaa isugu jiraa shacab iyo askar.

    qaraxa ayaa waxay sidookale waxyeelleen kasoo gaartay gaadid kale oo marayay waddada.

    Ciidammada amniga ayaa doonayay inay hubiyaan baabuurka qarxay.

    Booliska waxay sheegeen in qaraxaas loola dan lahaa magaalada balse ay hor istaageen.

  14. Booliska Koonfur Afrika oo xiray tiro dad ah oo lala xiriirinayo falal dhac ah

    Booliska Koonfur Afrika ayaa xabsiga u taxaabay 14 qof oo la sheegay inay boobeen isla markaasna ay ku lug lahaayeen dhacdooyin lagu burburiyay dhismooyin iyo baabuur, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay booliska.

    Rabshadaha waxay ka dhaceen degaanka Jeppestown oo ku dhaw magaalada ganacsiga ah ee Johannesburg.

    Booliska Koonfur Afrika in la boobay xarumo ganacsi halka dab la qabadsiiyay dhismooyin iyo baabuur.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Afahayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Mavela Masondo ayaa sheegay in dadka qaar ay ka faa’ideysteen xaaladda isla markaasna ay boobeen dukaamo ku yaalla goobta.

    Muuqaallo baraha bulshada lasoo geliyay ayaa muujinaya khasaaraha ka dhashay rabshadaha.

    Taliyaha booliska gobolka Guateng ayaa sheegay in kuwo doonayo in gobolka ay ka geeystaan falal dambiyeed gacanta lagu dhigi doono isla markaasna sharciga la horgeen doono.

  15. Somaliland iyo Seychelles oo isku maandhaafay sii deynta maxaabiista

    Maxaabiista lasii daayay

    Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka M JSL

    Qoraalka sawirka, Maxaabiista lasii daayay

    Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa ku adkeysanaysa inay sifo sharci ah u martay sii deynta 19 maxbuus oo burcad badeednimo ugu xirnaa Hargeysa, kuwaas oo dhammaadkii bishii Luulyo uu cafis u fidiyay madaxweyne Muse Biixi Cabdi.

    Dowladda Seychelles ayaa horay u sheegtay in Somaliland ay si aan sax ahayn usii daysay maxaabiistaasi oo qaarkood ay ku xukunnaayeen sanado badan.

    Arrintan ayaa la sheegay in mar kale lagu soo qaaday kulankii waddamada Afrika iyo Japan ay toddobaadkii hore ku yeesheen magaalada Yokohama.

    Garyaqaanka guud ee Somaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa BBC u sheegay in sii deynta maxaabiista ay u mareen heshiiska ay kala saxiixdeen Seychelles iyo xeer wareejinta maxaabiista ee Somaliland.

    "Isfahamkan lagala saxeexday waxaa uu sheegaya qaabka ama maqaamka ay yeelanayaan maxaabiista lala soo wareegay.....markii ay iyagu gacanta ku hayeen xeerarkooda ayay ku dhaqayeen...waxay u madaxbanaanayeen inay ku qaadan xeerarkooda, markii lasoo wareejiyay mas'uuliyaddii iyo maamulkooda anaga ayay nagu soo wareegeen" ayuu yiri Cabdisamad Cumar Maal oo uu warramayay weriyaha BBC Cabdullaahi Jaamac.

    Waxaa uu sidoo kale sheegay in xeerka wareejinta maxaabiista Somaliland uu dhigaya in madaxweynaha uu cafis u fidin karo.

  16. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo ballan qaaday 'taageeridda ciidammada Jahmuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo'

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo booqasho ku tegay dalka DRC

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo booqasho ku tegay dalka DRC

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ballan qaaday inuu taageero joogto ah uu fidin doono ciidammada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo si meesha looga saaro maleeshiyaadka dagaalka ka wado halkaas.

    Xilli uu booqasho ku joogay magaalada Beni ee dalkaas, waxaa uu ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in la ballaariyo gulufka ka dhanka ah kooxaha fallaagada.

    Ciidammada nabad ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobey oo gaarayo 16,000 ayaa joogaa dalkaas.

    Howlgalka Qaramada Midoobey ee DRC waxaa sannad kasta waxaa ku baxaa qarash dhan $1bn oo doolar.

    Guterres waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in ciidammada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ay si dhaw ula shaqeyn doonaan militariga iyo booliska Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

    Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale booqday xarumaha caafimaadka ee lagu daweynayo bukaanada uu ku dhacay Ebola, waxaa uu ugu baaqay shacabka inay tegaan goobahaas si loo daweeyo intii ay is qarin lahaayeen si looga hortaggo faafidda cudurka.

  17. Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay isgoyska Ex-Control Afgooye kaddib markii booliska ay joojiyeen baabuurka.

    Booliska iyo dableydii weerarka soo qaaday ayaa rasaas isweedaarsaday.

    Wararka waxay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay khasaare balse makala cadda dhibaatada rasmiga ah ee uu geeystay qaraxa.

    Wixii warar dheeraad ah oo ku saabsan weerarkaas, halkan ayaan idiin kuugu soo gudbin doonaa:

  18. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Isniin taarikhda waxay ku beegan tahay 2-da bisha September sannadka 2019-ka.