Haweeney 73 jir ah oo mataano dhashay

Tabintan tooska ah kaga bogo wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Tebin toos ah

  1. Weriye ka shekeynayo waayihii saaxibtinnimo ee uu la lahaa Mugabe

    Weriye Wilf Mbanga (Midig) iyo Robert Mugabe (Bidix)

    Xigashada Sawirka, BESTER KANYAMA

    Qoraalka sawirka, Weriye Wilf Mbanga (Midig) iyo Robert Mugabe (Bidix)

    Wilf Mbanga oo ah weriye reer Zimbabwe ah ayaa BBC uga warbixiyay saaxibtinimadii iyo xiriirkii ka dhexen jiray isaga iyo madaxweynihii geeriyooday Robert Mugabe.

    Waxay saaxibo ahaayeen sanadihii toddobaatamaadkii iyo Siddeetamaadkii balse waxaa uu khilaaf soo kala dhexgalay sannadkii 1999-kii markii uu weriyahan aasaasay wargeys madaxbanaan oo lagu magacaabo The Daily News paper.

    "Waxaa uu ahaa madaxweynaheygii, mar waxaan aheyn saaxibo" ayuu yiri weriye Mbanga oo la hadlayay barnaamijka BBC ee Newsday.

    "Waxaan aheyn saaxibo isku dhaw laga bilaabo sannadkii 1974-tii ilaa xilliggii aan ka aasaasay wargeyska madaxabanaan,wixii xilliggaas ka dambeeyay ma uusan dooneyn inuu wax ila qabto"

    Weriyahan ayaa sidoo kale sheegay in markii dambe la xiray isla markaasna lasoo istaajiyay maxkamad.

    "Wuxuu ahaa astaanta xoriyadda, waa arrin dhab ah balse dad badan ayaa ku dhintay gacanta maamulkiisa" ayuu yiri Wilf Mbanga.

    Mbanga oo hadalkiisa si wata wuxuu yiri " Xiriir wanaagsan ayaa naga dhexeeyay xilliggii aan ahaa weriye da' yar, waxaan ku wehlin jiray safarada uu ku tegi jiray dalalka dibadda....sidoo kale, waxaan soo xusuustaa dhibaatooyinkii uu geystay iyo kuwo uu geystay tiro dad ah oo dhintay...waxaan ka naxay geeridiisa balse waxaa neceb yahay waxa uu ku sameeyay dalkeyga"

  2. Madaxweynaha Nigeria oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Robert Mugabe

    Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo ku tilmaamay nin inta badan noloshiisa kusoo qaatay howsha dowladda.

    Waxaa uu amaanay kaalintii uu ka qaatay halgankii ay xoriyadda ku qaadatay Zimbabwe.

    Buhari waxaa uu rumeysan yahay in Mugabe uu shacabka Zimbabwe u horseeday inay gaaraan guulo dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha.

  3. Mugabe "Waxaa lagu xasuusan doonaa geesinimadiisa"

    Robert Mugabe (Bidix) iyo Joshua Nkomo(Midig) oo sannadkii 1979-kii ku sugnaa dalka Ingiriiska

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Robert Mugabe (Bidix) iyo Joshua Nkomo(Midig) oo sannadkii 1979-kii ku sugnaa dalka Ingiriiska

    Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid madaxweynihii hore ee Zimababwe Robert Mugabe.

    Kenyatta waxaa ku tilmaamay halgamaa usoo dagaallamay xoriyadda iyo mideynta Afrika kaaso oo kasoo kaalin weyn ka qaatay xoojinta danaha qaaradda.

    "Waxaan ku xusuusan doonaa Mugabe geesinimadiisa isla markaasna uusan weligii ka cabsan inuu dagaal u galo ka dhabeynta waxa uu rumeysnaa" ayuu yiri Madaxweynaha Kenyatta.

    Dhanka kale, madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaa sheegay in Afrika ay waaysay mid kamid ah hogaamiyeyaasha ugu halyeysan ee ka hor yimid dhaqdhaqaaqyadii guumeystaha.

  4. Haweeney 73 jir ah oo mataano dhashay

    .

    Haweeney 73 jir ah oo ku nool gobolka koonfurta ku yaalla Andhra Pradesh ee Hindiya ayaa waxay dhashay labo gabdhood oo mataano ah.

    Dhaqaatiirta waxay sheegeen in hooyada iyo ilmaha ay xaaladdooda wanaagsan tahay.

    Haweeneydan oo lagu magacaabo Mangayamma Yaramati waxay sheegtay in ninkeeda oo 82 jir ah ay hadda ka hor ilmo la'aan ahaayeen balse hadda ay heleen labo gabdhood oo mataano ah.

    "Si weyn ayaan u faraxsanahay" ayuu yiri Sitarama Rajarao oo ah aabaha dhalay mataanaha.

    Waxaa uu sheegay in xaaskiisa ay uur qaaday markii muddo 2 bilood loo bilaabay daweynta ukxaanteeda.

    "Marar badan ayaan isku daynay in aan helno carruur, waxaana la kulanay dhaqaatiir badan, maanta, waa maalinkii ugu farxadda badnaa nolosheyda" ayay tiri Mangayamma Yaramati.

    Waxay sheegtay in hadda ka hor ay dhibaatooyin kala kulantay dadka deegaanka gaar ahaan in dadka kale laga soocay xita mararka waxay sheegtay in laga hor istaagay ka qeyb galka goobaha bulshada ay isugu yimaadaan maadama aysan wax carruur ah laheyn.

    "Waxay ugu oran jireen haweeneydii aan carruurta laheyn"

    Sannadkii 2016-kii ayay aheyd markii haweeney u dhalatay Hindiya oo 70 jir ah ay dhashay wiil.

  5. Madaxweynaha Zambia: Mugabe waxaa uu ahaa nin difaaci jiray Afrika

    Madaxweynaha Zambia, Edgar Lungu waxaa uu sheegay in madaxweynihii geeriyooday ee Zimbabwe, Robert Mugabe lagu xasuusan doono dadaalladii uu ku difaacay qaaradda.

    Waxaa uu yiri "Mugabe waxaa uu ahaa nin aan ka cabsanin u doodidda danaha qaaradda"

    Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Edgar Lungu waxaa uu ku tilmaamay Mugabe "Aasaasihii Zimbabwe ee u doodi jiray midnimada Afrika".

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  6. Golaha wasiirada Suudaan oo lagu dhawaaqay

    Ra'iisul wasaaraha Suudaan waxaa ka go'an xoojinta amniga iyo soo afjaridda qalalaasaha

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Suudaan waxaa ka go'an xoojinta amniga iyo soo afjaridda qalalaasaha

    Ra'iisul wasaaraha cusub ee dalka Suudaan, Cabdalla Xamdook ayaa shaaca ka qaaday magacyada golaha wasiirada cusub ee uu dalkaas yeelanayo tan iyo markii la sameeyay dowlad kumeel gaar ah oo saddex sanno awoodda heyn doonto taas oo ay hogaaminayaan mucaaradka iyo militariga.

    Asmaa Cabdallah ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda, waana markii ugu horreysay ay haweeneey wasiir arrimo dibadeed ka noqoto Suudaan.

    Golaha wasiirada cusub oo gaarayo 18 xubnood ayaa waxaa dumar ka ah afar.

    Jamaal Cumar oo janaraal ka tirsan ciidammada ayaa noqonayaa wasiirka gaashaandhigga halka El-Trafi Dafallah oo horey u ahaa sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha.

    Ibraahim Axmed Al Badawi waxaa isagana loo magacaabay wasiirka maaliyadda ee Suudaan.

    Ra'iisul wasaare Xamdook waxaa uu kasoo shaqeeyay guddiga dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey.

    Waxaa uu sheegay markii uu ku dhawaaqayay golaha wasiirada in sababta loo sameeyay dowladda kumeel gaarka ah ay tahay soo afjaridda qalalaasaha iyo xoojinta nabadda Suudaan.

    Dalka Suudaan waxaa tan iyo bishii April ka taagnaa qalalaase ka dhashay dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday madaxweynihii xukunka laga tuuraay, Cumar Xasan Al Bashiir.

  7. Ramaphosa: Mashaakilka kufsiga waa in xaalad degdeg ah loo aqoonsado

    BUKELWA MOERANE

    Xigashada Sawirka, BUKELWA MOERANE

    Madaxweynaha Koonfur Afrika Ramaphosa ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin adadag oo ka dhan ah dambiyada kufsiga la xiriira, ku dhawaaqitaankan ayaa imaanaya iyadoo qaybo ka mid ah dalkaas ay ka taagan tahay caro ka dhalatay dilal dhawaan loo gaystay dumar.

    Ramaphosa oo khudbad aan la sii qorshayn u jeediyay kumannaan ruux oo isugu soo baxay bannaanka dhismaha baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo wakhtigii ay dawladdiisu qaadi lahayd tallaabooyin degdeg ah oo ay wax uga qabanayso kufsiyada iyo dilalka dumarka loo gaysanayo.

    Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ay ka dhacaan rabshadaha ugu badan ee dumarka lagu bartilmaameedsado.

    Maalmihii u dambeeyay kumannaan dumar ah ayaa baraha bulshada adeegsanayay iyaga oo dawladda ka dalbanayay in ay ficil samayso, waxayna astaan ka dhigteen #AmINext ama ma anigaa ku xiga.

    Ugu yaraan 137 dambi oo galmo la xiriira ayaa maalin walba ka dhaca Koonfur Afrika, badankooduna dumarka ayay ku dhacaan, sida ay muujinayso xogta rasmiga ah ee dawladda.

    Ramaphosa ayaa sheegay in loo baahan yahay in xaalad degdeg ah lagu dhawaaqo, balse ma cadda sida arrintaasi ay gacan uga gaysan doonto wax ka qabashada dhibaatada ka taagan dalkiisa. Xukunkii midab takoorka markii uu jiray xaaladda degdegga ah waxaa ka mid ahaan jirtay bandaw iyo in la mamnuuco in dad badan isu soo ururaan.

    Balse marka ay timaaddo dhibaatada dumarka lagu hayo khuburadu waxay sheegayaan in inta badan ay is yaqaannaan dhibanaha iyo qofka dhibka gaysta.

  8. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Jimce ah oo taariikhdu tahay 6 bisha Samteembar sannadka 2019.

  9. Ra'iisul wasaaraha UK oo walaalkiis xilka wasiirnimo iska casilay

    Jo Johnson

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Jo Johnson

    Jo Johnson oo la dhashay ra'iisul wasaaraha Ingriiska Boris Johnson ayaa shaaca ka qaaday inuu xilka wasiirnimo iyo xildhibaanimo iska casilayo xilli UK uu ka taagan tahay muranka ku aadan ka bixidda Midowga Yurub.

    Wuxuu sheegay in uu culeys xad-dhaaf ah ka dareemay sidii uu isugu dheelli tiri lahaa ka shaqeynta danaha qoyskiisa iyo tan qaranka.

    Jo Johnson oo ahaa wasiirkii ganacsiga ayaa sheegay in shaqadiisa ay lasoo deristay dhibaatooyin la xallin waayay.

    Jo Johnson ayaa sannadkii 2016-kii u codeeyay in UK aysan ka bixin Midowga Yurub halka walalkiis oo ah Ra'iiusl wasaare Boris Johnson uu hoggaaminayay ololaha Ingiriiska uu kaga baxayo EU.

    Wuxuu horey xilka iska casilay sannadkii lasoo dhaafay isaga oo ka careysan heshiiskii Theresa May ee ka bixidda Ingiriiska ee Midowga Yurub.

    Balse wuxuu dib ugu biiray dowladda xaggaagan markii xisbiga Conservative ay walaalkiis u doorteen Ra'iisul wasaaraha UK.

  10. Dhaqamo cajiib ah oo haweenka gaajo ku dila markuu seygooda dhinto

    .

    Xigashada Sawirka, KATIE HORWICH

    In haweeney uu seygeeda ka dhinto waa musiibo ku filan burburka nolosheeda, laakiin dalalka caalamka qaarkood waxaa ka jiro dhaqamo uga sii daraya xaaladda dumarka carmalka noqda.

    Qaar ka mid ah dhaqamadan, dumarka carmaloowa waxaa laga qadiyaa raashinka, waxaana laga mamnuucaa inay cunaan cuntada dhadhanka leh ee macaan.

    Sidoo kale waxaa lagu khasbaa cunnooyin halis galin kara naftooda.

    Waddanka Ghana, dhibaatada noocan ah waxay inta badan aad u saameysaa, haweenka kasoo jeeda qoysaska saboolka ah.

    Inkastoo waddankan uu isku dayay inuu meesha ka saaro dhaqamada waxyeellada u geysta haweenka garoobbada ah, haddana wali waxaa jira haween badan oo dhibaatadaas wajahaya.

    Waxyaabaha qaar ee lagu khasbo ee ka mid ah dhaqankanka noocan ah waa kuwo niyad jab weyn ku abuura.

    Haweeneyda uu ninkeeda dhinto waxaa lagu amraa inay cabto maraq laga sameeyay "qeybo ka mid ah jirka ninka ka dhintay".

  11. Tiro dad ah oo ku dhintay roobab mahiigan ah oo ka da'ay Niger

    Khasaaraha ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee ka da'ay Niger

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Khasaaraha ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee ka da'ay Niger

    Ugu yaraan 42 qof ayaa ku dhimatay dadaad ku dhuftay bariga dalka Niger ee galbeeedka Afrika.

    Roobabka mahiigaanka ah ee ka da'ay dalkaas ayaa bilaawday bishii Juun balse toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii uu webiga Niger ku fatahay halkaas, waxaana ka dhashay khasaare ballaaran.

    Fataahadaha webigaas waxaa ka barakacay kumanaan qof halka 5,000 guri ay biyaha la wareegeen, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

    In ka badan 65,000 qof ayaa ku xaniban goobaha ay dadaadka saameeyeen.

    Ha'yadda Caafimaadka Adduunka waxay ka digtay in shacabka dalkaas ay halis ugu jiraan in cudurka Daacuunka uu halkaas ka dilaaco.

  12. Nigeria oo diyaarad u direysa muwaadiniinteeda ku sugan Koonfur Afrika

    Booliska oo la tacaalayay rabshadaha

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Booliska oo la tacaalayay rabshadaha

    Shacabka reer Nigeria ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa la siiyay fursad ay si bilaash ah uga soo raaci karaan diyaarad dalkaas kaddib markii Koonfur Afrika ay ka dhaceen weeraro ka dhanka dadka ajaanibta ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Nigeria.

    Milkiilaha shirkadda diyaaradaha Air Peace wuxuu ku rajo weyn yahay inuu soo daadgureeyo shacabka reer Nigeria ee ku nool South Africa iyado aan wax lacag ah laga qaadi doonin.

    "Shacabka reer Nigeria arrintaas hakala xiriiraan safaaradda Pretoria iyo qunsuliyadda Johannesburg si tallabadaas laisku la meel dhigo" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda Nigeria.

    Dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay rabshado lagu bililiqeystay dukaamo dhowr ah halka dab la qabadsiiyay dhismooyin.

    Waxaa dhibataadaas ka dhalatay cambaareyn ay jeedinayaan dalalka gobolka, waxay dowladda Koonfur Afrika ugu baaqeen inay xaqiijiso amniga ajaanibta ku nool dalkaas.

  13. Qarax ruxay bartamaha caasimadda Afqanistaan

    Kabul horraan waxaa ka dhacay weeraro ay ku dhinteen dad badan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Kabul horraan waxaa ka dhacay weeraro ay ku dhinteen dad badan

    Saraakiisha dalka Afaqanistaan waxay sheegeen in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen qarax ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Kapul.

    Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday bar kontrool oo ku taalla halkaas.

    Nasrat Raxiimi oo ah afahayeen u hadashay wasaaradda arrimaha gudaha Afqanistaan waxay sheegtay in ka badan 40 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa.

    Qaraxan ayaa ka dhacay deegaan is weyn ammaankiisa loo adkeeyay oo ay ku yaallaan dhismooyin ay dowladda leedahay iyo safaarado.

    Ururka Taalibaan ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka isla markaasna ay bartilmaameedsanayeen kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen ciidamo shisheeye.

    Magaalada Kabul waxaa horey uga dhacay weeraro dhowr ah tan iyo markii ay heshiis wada gaareen Mareykanka iyo Taalibaan kaas oo lagu soo afjarayay dagaallada ragaadiyay dalkaas.

  14. Koonfur Afrika oo xirtay safaaraddii ay ku laheyd Nigeria

    Ciidammada Nigeria oo ilaalanaya xarumo ganacsi oo ay leeyihiin Koonfur Afrikaanka

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Ciidammada Nigeria oo ilaalanaya xarumo ganacsi oo ay leeyihiin Koonfur Afrikaanka

    Dowladda Koonfur Afrika ayaa albaabada isugu dhufatay safaaradda ay ku leedahay caasimadda Nigeria ee Abuja iyo qunsuliyadda xarunta ganacsiga ee magaalada Lagos kaddib weeraro lagu qaaday xarumaha ganacsi ay Koonfur Afrikaanka ku leeyihiin halkaas.

    Waxay arrintaas aheyd tallaabo ah argoosi ah markii horraantii bishan magaalada Johannesburg lagu boobay dukaamo ay muwaadiniin Nigerian ah ku lahaayeen Koonfur Afrika.

    "Markii aan helnay digniino ka imaanaya qaar kamid ah shacabka Nigeria, waxaan go'aansannay in si kumeel gaar ah albaabada isugu dhufanno safaaradda anaga oo qiimeyn ku sameyneyno xaaladda" ayuu yiri afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Lunga Ngqengelele.

    Labadan dal waxaa soo kala dhexgalay khilaaf diblumaasiyadeed kaddib markii Koonfur Afrika ay ka dhaceen qulqulatooyin laga boobay xarumo ganacsi oo ay leeyihiin dad ajaanibta ah oo ay kamid yihiin muwadiniinta kasoo jeeda Nigeria.

    Nigeria ayaa shalay isaga baxday shirkii dhaqaalaha ee ka furmay magaalada Cape Town ee dalkaas.

  15. Wiil uu dhalay Maxamed Mursi oo u dhintay wadne istaag

    Cabadallah Maxamed Mursi

    Xigashada Sawirka, TWITTER

    Qoraalka sawirka, Cabadallah Maxamed Mursi

    Warbaahinta Masar ayaa tebisay in uu wadne xanuun ku soo booday uu u geeriyooday, Cabdallah Maxamed Mursi, oo ahaa ka ugu yar wiilasha uu dhalay Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi.

    Warbaahinta iyo bogaga kuwa bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka ah oo u janjeedha dhanka ururka Ikhwaan Al-Muslimiin ayaa sheegay in Cabadallah Maxamed Mursi uu ku dhintay Isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal degmada Xadaa’iq Al-Ahraam ee gobolka Al-Jiisa.

    Sida ay wararku sheegeen wiilkaa uu dhalay madaxweynihii hore isaga oo baabuur wata ayaa si lama filaan ah wadne xanuun ugu soo booday dhakhaatiirtuna way badbaadin kari waayeen.

    Geeridiisa ayaa imaaneysa xilli bishii Juun uu aabihiis Maxamed Mursi uu geeriyooday xilli uu ku sugnaa maxkamad ku taalla magaalada Al Qaahira.

  16. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay rabshadaha ka taagan Koonfur Afrika

    Rabshadaha ka dhacay Koonfur Afrika waxaa lagu beegsaday dadka ajaanibta ah ee ku nool halkaas

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Rabshadaha ka dhacay Koonfur Afrika waxaa lagu beegsaday dadka ajaanibta ah ee ku nool halkaas

    Dowladda Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalalkii ugu dambeeyay ee qaaradda ee dhaleeceeyo rabshadaha ka taagaan Koonfur Afrika ee dhaca iyo dhibaatada loogu geystay ganacsatada ajaanibta ah ee ku sugan dalkaas.

    Waxay dowladda ugu baaqday muwaadiniinta soomaalida ee ku nool Koonfur Afrika inay feejignaadaan isla markaasna ay xaaladdooda ku wargeliyaan safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika.

    Dowladda waxay sidoo kale sheegtay inay si weyn uga xun tahay boobka iyo dhibaateynta lagu hayo muwaadiniinteeda ku nool dalkaas.

  17. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegan tahay 5-ta bisha September sannadka 2019-ka.

  18. "Jiir ayaa cunay lacagtii aan sanado u aruurinayay arooskeyga"

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Nin u dhashay dalka Pakistaan oo in muddo ah isku diyaarinayay inuu aroos galo ayaa waxaa ku dhacday arrin masiibo ah kaddib markii lacagtii uu u uruurinayay arooskiisa uu ka cunay Jiir.

    Maxamed Asif ayaa waxaa uu lacagta muddo sanado ah ku aruursanayay Armaajo ku dhextaallay gurigiisa.

    Waxaa uu kasoo jeedaa gobolka waqooy galbeed ku yaalla ee Khyber Pakhtunkhwa, lacagta uu aruursaday ee uu Jiirka ka cunay ayaa waxay gaareysay 3000 oo doolar.

    Maxamed Asif ayaa markii ay maalmo ka hareen xilliggii uu aqal geli lahaa dib u furay Armaajadii in muddo ah uu lacagta ku keydsanayay balse waxaa uu la kulmay arrin la yaab leh markii uu Jiirka ka cunay dhammaan lacagtii uu arooska u diyaarinayay.,

    Warbaahinta Pakistaan ayaa ku warrantay in Asif uu in muddo ah u shaqeysanayay sidii uu u heli qarash uu ku maareeyo arooskiisa.

    Hadda waxaa la gudboon Asif in dib u raadsado lacag kale uu ku fuliyo howshiisa.

  19. Itoobiya oo cambaareysay rabshadaha ka socda Koonfur Afrika

    Rabshadaha waxay ka dhaceen Johannesburg

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Rabshadaha waxay ka dhaceen Johannesburg

    Itoobiya ayaa kamid ah dalkii ugu dambeeyay ee Afrikaan ah oo dhaleeceeyo rabshadaha iyo weerarada lagu beegsanayo ganacsatada ajaanibta ah ee ku sugan Koonfur Afrika.

    Qoraal ay barta Facebook soo gelisay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu yiri “Waxaan cambaareyneynaa falalka gurucan oo lagula kacay dadka ajaanibta ah oo ay kamid yihiin muwaadiniinteena ku sugan Koonfur Afrika”

    Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxay soo dhaweysay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Koonfur Afrika ee uu ku caambaareeyay qalalaasaha.

    Rabshadaha ayaa Axaddii ka bilaawday magaalada ganacsiga ah ee Johannesburg, halkaas oo lagu boobay dukaamo ay leeyihiin dadka ajaanibta ah halka kuwo kalena dab la qabadsiiyay.

    Shan qof ayaa ku dhimtay rabshadaha balse booliska Koonfur Afrika wax faafaahin ah kama aysan dhimashadaas.

  20. Jabuuti oo sheegtay in aysan ka hari doonin tartanka ay kulan jirto Kenya ee Golaha Amniga

    Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf
    Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf

    Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in ay weli ku dheggan tahay hammigeeda ah in ay u tartanto xubinnimada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

    Codeyntii lagu qabtay Addis Ababa ayaa Jabuuti lagaga adkaaday, waxaana ku guuleysatay Kenya.

    Jabuuti ayaa u muuqata in aysan ku qanacsaneyn natiijadii ka soo baxday codeynta Midowga Afrika.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in ay go’aan ku gaareen in ay tartanka sii wadaan. “Waxaan hubnaa in uu nasiibkeenu weyn yahay”.

    “Jabuuti waxaa lagu yaqaanaa dal nabaddoon ah oo kaalin weyn ka geystay sidii gobolkeena loo dejin lahaa”, ayuu yiri wasiirka.

    “Kolkaan adeegsano wax qabadkeena, waxaan isleenahay kursigaa aan raadineyno waxaan u leenahay xaq”.

    Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in “Kenya ay kursigaas ay labo jeer horey u qabatay, Jabuutina hal mar”.

    Dowladda Jabuuti ayaa xubin ka ahayn golaha amniga, sannadkii 1993-dii, sida uu wasiirka xaqiijiyay.

    “Tartankaa kama hareyno. Waxaan taageero buuxda ka helnay Jaamacadda Carabta. Waxaan taageero buuxda ka helnay ururka Iskaashiga Islaamka, waxaanna fileynaa in aan taageero kale soo hooyino”, ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yusuf.