Dal si cajiib ah da'yarta ugu dhiirigalinaya xirfad aan la jeclayn
Tabinta tooska ah kaga bogo wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Tebin toos ah
Ciidda deegaanno ka tirsan dhulka soomaalida
Magaalooyinka Garowe,Muqdisho iyo Jigjiga ayaa waxay kamid yihiin magaalooyinka ka tirsan deegaanada soomaalida oo maanta si weyn looga cidaya.
Dadweyne badan ayaa saaladda ciidda ku tukaday meelo kala duwan oo ka tirsan magaalooyinkaas.
Qoraalka sawirka, Dadweyne salaadda Ciidda ku tukanaya fagaare ku yaalla magaalada Garowe ee maamulka Puntland
Qoraalka sawirka, Dad salaadda Ciidda ku tukanaya magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya
Qoraalka sawirka, Dadweyne ku sugan goob loo damaashad tego oo ku taalla Muqdisho si ay farxdooda Ciidda ugu dhameystaan
Qoraalka sawirka, Dadweyne isugu jiro carruur iyo dad waaweyn oo ku ciidaya magaalada Muqdisho
Sawirro: Ciidda magaalada Nairobi
Xilli muslimiinta ay maanta u dabaaldegayaan munaasabadda Ciiddul Fitriga, muslimiin badan ayaa saaka saaladda Ciidda ku tukaday meelo kala duwan oo ka tirsan caalamka.
Deegaannada Soomaalida ayaa kamid ah meelaha maanta laga ciidaya, xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxay dadweyne badan saaka ku tukadeen goobo dhowr ah.
Waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa sawirrada dadka saaka isugu soo baxay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi si ay saaladda ciidda u tukadaan.
Qoraalka sawirka, Dadweyne ku tukanayaa dugsiga sare ee xaafadda Islii
Militariga Suudaan oo war hor leh kasoo saaray xaaladda dalkaas
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Labadii bilood ee lasoo dhaafay Suudaan waxaa ka socday dibadbaxyo isbaddallo lagu raadinayo
Hoggaamiyeyaasha
militariga Suudaan waxay sheegeen inay meesha ka saareen dhammaan heshiisyadii
ay la galeen isbaheysiga mucaaradka ugu weyn ee dalkaas.
Militariga waxay
ka dhawaajiyeen in dalka ay ka qaban doonaan doorasho muddo 9 bilood gudahood.
Hadalka militariga ayaa imaanaya xilli ay wajahayaan
cambaareyn caalami ah kadddib markii la laayay ugu yaraan 30 qof oo ka qeyb
qaadanayay dibadbaxyo gudaha magaalada Khartuum.
Mareykanka
waxaa ku tilmaamay weerarka mid ‘gurucan oo loo geystay shacab’
Midowga Afrika
waxaa uu dhaleeceyay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay isla markaasna
waxaa uu ugu baaqay dalalka gobolka in aysan fargelin xaaladda.
Dad badan oo ku sugan Suudaan waxay ka careysan yihiin
tallaabada dalalka Sucuudiga, Imraatka Carabta iyo Masar ay taageerada ugu
fidiyeen golaha sare ee militariga dalkaas.
Howlgalka ka
dhanka shacabka ayaa imaanaya golaha militariga iyo dadka horkacayay
dibadbaxyada ay wada gaareen heshiis ku saabsan qaabkii xukunka loogu wareejin
lahaa dowlad rayid ah.
Madaxa golaha sare ee militariga Suudaan, Janaraal
Cabddel Fataax Al Burhaan ayaa waxaa uu telefishinka dalkaas ka sheegay inay
joojiyeen wadahadalladii ay la yeelanyeen mucaaradka islamarkaasna meesha laga saaray qodobadii lagu heshiiyay.
Waxaa uu
intaasi ku daray in doorashada ay qaban doonaan 9 bilood gudahood ay kormeeri
doonaan dalalka gobolka iyo beesha caalamka.
Waa Talaado taarikhda waxay ku beegantahay 4-ta bisha June sannadka 2019-ka.
Ruushka oo waxba kama jiraan ka soo qaaday dalab uga yimid Trump
Ruushka
ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday dalabka ka yimid Madaxweyne Trump ee
shaagaya in diyaaradahoodu ay duqaynta ka daayaan gobolka Idlib ee dalka
Suuriya.
Gobolkaas
oo ay jabhaduhu gacanta ku hayaan ayaa laga soo sheegayaa in ay dad badan ku
dhinteen.
Afhayeen
u hadlay aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin ayaa sheegay in kooxaha
argagixisada ah ay weerarro aan loo dulqaadan karin ka soo qaadayaan goobaha ay
ku xoog badan yihiin, iyaga oo bartilmaameedsanaya shacabka iyo ciidammada
Ruushka ee agaas jooga.
Idlib
waxaa ku xoogan badan koox jihaaddoon ah oo lala xiriirin jiray Al Qaacidda.
Twitter
uu horay u qoray ayuu Trump ku sheegay in Ruushka, Suuriya iyo Iiraan ay si aan
kala sooc lahayn Idlib ugu laynayaan dad aan waxba galabsan, wuxuuna sheegay in
dunidu ay fiirsanayso wax uu ugu yeeray kawaan.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Mudaaharaadayaasha Suudaan oo xiriirkii u jaray milatariga
Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaamiyeyaasha
mudaaharaadayaasha Suudaan ayaa sheegay in ay xiriirka u jarayaan milatariga,
ka dib rabshadihii Isniinta ka dhacay Khartuum, kuwaas oo la sheegay in ay ku
dhinteen ugu yaraan 12 ruux oo mudaaharaadeyaal ah.
Qolyaha dimuqraadiyadda
u ol’oleeya ayaa wadahadal kula jiray milatariga iyaga oo ka arrinsanaya sidii loo
soo dhisi lahaa maamul dusha kala socda sidii dalku uu dimuqraadiyadda ugu
guuri lahaa.
Siddeed ruux oo ku dhimatay Khartuum
Ugu yaraan siddeed
may iyo dad badan oo dhaawac ah ayaa la geeyay isbitaalka ugu wayn magaalada
Khartuum ee dalka Suudaan, sida uu BBC u sheegay qof isbitaalka ku sugan.
Laamaha ammaanka ayaa
rasaas ku furay mudaaharaadayaasha Isniintan, balse masuuliyiin u hadlay
ciidammada ayaa diiday in ay isku dayeen in ay kala eryaan mudaaharaadayaasha
hor dagay xarunta ugu wayn ee milatariga.
Golaha Milatariga Suudaan ayaa diiday in uu xoog adeegsaday
Golaha Milatariga Suudaan ee haya awoodda dalkaas ayaa diiday in
uu awood u adeegsaday kala eryidda mudaaharaadayaasha ku sugan bannaanka
saldhigga ciidammada ee ugu wayn dalkaas oo ku yaalla magaalada caasimadda ah
ee Khartuum.
“Milatariga Makala eryin mudaaharaadayaasha fariisinka ka
samaysay bannaankka saldhigga ugu wayn ee ciidammada, balse goob kale oon ka
fogayn ayay bartilmaameedsadeen, taas oo halis ku ahayd ammaanka muwaadiniinta”
sida uu sheegay Sarreeye Guud Shams
al-Din Kabbashi oo la hadlay Sky News Arabia TV oo fadhigiisu yahay Imaaraadka.
Wararku
waxay sheegayaan in shan ruux ay ku dhimatay rabshadihihii dhacay subaxii.
Hadda
waxaa na soo gaaray sawirro Khartuum laga qaaday iyadoo mudaaharaadayaashu ay
samaysanayaan jidgooyooyin.
Mar
sii horraysayna Ururka Xirfadleyaasha Suudaan ee hoggaaminaya mudaaharaadyada
ayaa ku baaqay in dadku ay waddooyinka u soo baxaan, ka dib markii ay
ciidammadu rasaas ku fureen dibadbaxayaasha.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Rasaas
ayaa laga maqlay Khartuum dhimasho ayaana la soo sheegay, balse qiyaasta dadka
dhintay ayaa lagu kala duwan yahay.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xigashada Sawirka, Getty Images
Suudaan
waxaa hoggaminayay Gole Milatari tan iyo markii ay xukunka ka maroorsadeen
madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir bishii Abriil.
Mudaaharaadayaasha
ayaa dalbanaya in xukuumad rayid ah lagu wareejiyo talada.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Suudaan oo loogu baaqay in rasaasta la joojiyo
Safiirka Britain u
fadhiya dalka Suudaan ayaa walaaca uu ka qabo rasaaasta khartuum ka dhacaysa ku
soo qoray Twitterka.
“Waxaa waajib ah in
hadda la joojiyo.” Ayuu soo qoray.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Rasaas ka dhacaysa Khartuum oo muuqaal laga duubay
Benjamin Strick oo ah saxafi khibrad u leh xaqiijinta run
ahaanshaha muuqaallada Twitterka ayaa soo dhigay muuqaallo laga duubaay
caasimadda Suudaan ee Khartuum.
Waxaa ka mid ah midkan oo aad si isdaba joog ah uga maqli karto
dhawaqa rasaasta iyadoo ay dadku kala cararayaan.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Qiiq ka baxay goobta ay fariisinka ka dhigteen mudaaharaadayaasha
Xigashada Sawirka, Aljazeera
Sawirro toos looga baahiyay magaalada Khartuum
ee caasimadda dalka Suudaan ayaa muujinaya qiiq ka baxaya goobta fariisinka u
ah mudaaharaadayaasha.
Qof goobjooge ah ayaa xaaladda halkaa ka jirta
ku tilmaamay mid qasan, wuxuu intaas ku daray in dad mudaaharaadaya oon
hubaysnayn lagu qaaday weerar degdeg ah oo abaabulan, laamaha ammaanka ayuuna
ku eedeeyay in ay rasaas adeegsadeen.
Qof goobjooge ah ayaa sheegay in dadku ay billaabeen in ay dab
qabadsiiyaan taayiradii iyo jidgooyooyinkii, si ay laamaha ammaanka ugu xannibaan,
ugu yaraan hal qof ayaa la sheegay in uu ku dhintay, dad badan oo kalana way dhaawacmeen.
Rasaas lagu furay fariisinka mudaaharaadayaasha Sudan
Xigashada Sawirka, AFP
Warar kala duwan ayaa sheegaya in rasaas
laga maqlay fariisinka mudaaharaadayaasha Suudaan ee ku yaalla bartamaha
magaalada caasimadda ah ee Khartuum.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo
xiganaysa telefeshinnada Carabiga ku hadla ayaa sheegtay in laamaha ammaanku
ay galeen goobta ay mudaaharaadayaashu fadhiyaan.
Dadka xuquuqda aadanaha u dooda ayaa
sheegay in tallaabadaas lagu doonayo in lagu kala diro mudaaharaadayaasha.
Muuqaal la soo dhigay Twitterka ayaa u
muuqda dad dhaawac ah balse lama xaqiijin.
Maraykanka oo dabacsanaan u muujiyay Iiraan
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Mike Pompeo
Wasiirka
arrimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in Marakanku diyaar u
yahay wadahadallo uu Iiraan la yeesho oo bilaa shuruud ah.
Pompeo
ayaa hadalkaa ka sheegay dalka Switzerland oo uu booqasho rasmi ah ku marayo,
dalkaas oo danaha Maraykanka wakiil uga ahaa Iiraan tan iyo sannadkii 1979.
Hadallada
Pompeo ayaa u dhadhamayay sidii kuwo nabadeed, ka dib toddobaadyo ay cirka isku
sii shareeraysay xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran.
Balse
baaqa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ma u qalmaa in la dhoho waa mid
aan shuruud lahayn, maadaa oo uu sheegay in Iiraan looga baahan yahay in ay
caddayso in ay u dhaqmayso sidii dal caadi ah, isaga oo intaas ku daray in
Maraykanku uusan joojinayn dadaallada uu wax uga qabanayo wax uu Pompeo ku
tilmaamay tallaabooyinka halista ah ee Iiraan.
Xitaa
haddii ay labada dhinac kulmaan, ma cadda waxa ay ka wada hadli doonaan.
Madaxweyne
Trump ayaa isaga baxay heshiis uu sixiixay Obama oo muddo sannado laga
xaajoonayay, kaas oo loogu talagalay in lagu xakameeyo barnaamijka Nukliyeerka
ee Iiraan.
Iiraan
ayaa sheegtay in aan loo baahnayn in heshiiskaas dib wada hadal looga galo.
Switzerland
ayaa sheegtay in ay rajaynayso in ay mar kale dhexdhexaadiye noqoto, balse
wasiirka arrimaha dibadda ee Switzerland ayaan la gaban sida dawladdiisu ay uga
walaacsan tahay saamaynta ay shacabka Iiraan ku yeelan karto cunaqabataynta uu
Maraykanku saaray dawladda.
Pompeo
ayaanse sheegin wax bidhaaminaya in Washington ay rabto in ay dabciso
cunqabataynta Iiraan.
Diyaaradii Trump oo cago dhigatay Britain
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka dagay Britain,
isaga oo booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku joogi doona halkaas.
Diyaaradda madaxweynaha ee Air Force One ayaa caga dhigatay
garoonka Stansted Airport waxyar uun ka
hor 11:00 barqinimo saacadda geersa Afrika.
Trump ayaa la kulmi
doona qoyska boqortooyada.
Wadahadalka uu la
yeelan doono ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ayaa la filayaa in ay iskula
soo qaadi doonaan arrimo ay ka mid yihiin isbadalka cimilada adduunka iyo
shirkadda dhanka tiknoolajiyadda ee Huawei oo Shiinaha laga leeyahay.
Trump intii uusan
caga dhigan wuxuu weeraray duqa magaalada London Sadiq Khan oo ay horay isugu
dhaceen.
Diyaarad rakaab oo la sheegay in ay bam wado oo lagu dalbay diyaarado dagaal
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidammada cirka ee Singapore ayaa labo diyaaradood oo kuwa
dagaalka ah u diray diyaarad soo socoto oo wadda rakaab shacab ah ka dib markii
la sheegay in bam uu saaran yahay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Bamkaas ayaase markii dambe la ogaaday in uu been yahay.
Diyaaradda oo ay saarnaayeen 144 ruux oo rakaabka ah waxaa lahayd
shirkadda Scoot, duulimaad lambarkeeduna wuxuu ahaa TR385, waxay ka soo duushay
Philippines Axaddii, markaas oo booliiska lagu wargaliyay halis ammaanka ku soo
foolleh.
Wiil 13 jir ah oo
aan magaciisa la shaacin ayaa lagu eedeeyay in uu bamka beenta ah ka dambeeyay,
sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Hadda booliiska ayuu
kala shaqaynayaa baaritaanka ay wadaan, sida ay wararku sheegayaan.
Afhayeen u hadlay shirkadda Scoot ee laga leeyahay Singapore ayaa warbaahinta The Straits Times u sheegay in 144 ruux ee rakaabka ahayd iyo lix shaqaale ah ay si nabad ah u cago dhigreen garoonka Changi Airport.
Wasiirka difaaca ee dalka Singapore Ng Eng Hen ayaa mardambe sheegay “in Singapore ay hanjabaad kaste ay run u qaadan doonto inta laga xaqiijinayo in ay been tahay”.
“Labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ayaa hareeraha ka maray diyaaradda, balse waxaa markii dambe caddaatay in waxa digniinta laga soo diray ay been ahayd” ayuu Facebook ku soo qoray Ng
“Sikastaba ha ahaatee, Ciidammada Cirka ee Jamhuuriyadda Singapore markaste heegan ayay ku jiri doonaan” ayuu intaas ku sii daray.
Diyaaradda madaxweyne Trump oo ku sii jeedda Britain
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Trump ayaa ku sii jeeda Britain halkaas oo ay uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah.
Arrintaas ayuuna ku tilmaamay safar aad muhiim u ah, dhanka kalana Ra'iisulwasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in ay tahay fursad lagu sii xoojin karo calaaqaadka aadka u wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya.
Balse siyaasadaha labada dal ayaa kala duwan marka ay timaaddo xaaladda Iiraan iyo isbadalka Cimilada Adduunka.
Iyadoo arrinta booqashaduna ay taagan tahay, safiirka Maraykanka u fadhiya Britain ayaa ka digay in London ay la macaamisho shirkadda Huawei ee Shiinaha laga leeyahay, gaar ahaanna marka ay timaaddo khadka casriga ah ee 5G loo yaqaanno.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Donald Trump iyo Theresa May
Dhanka kalana intii uusan duulin madaxweyne Trump wuxuu sheegay in uu soo dhawaynayo wadahadal uu lagalo Mexico, balse uu doonayo in dawladdaasi ay qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah oo ay ku joojinayso soogalootiga ku qulqulaya Maraykanka.
Mexico ayuu markale ku eedeeyay in ay Maraykanka ka faa'iidaysanayso, wuxuuna ugu baaqay in ay arrintaas ka waantawdo.
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Isniin ah oo ay taariikhdu tahay 03 bisha Juunyo sannadka 2019.