Dal si cajiib ah da'yarta ugu dhiirigalinaya xirfad aan la jeclayn

Tabinta tooska ah kaga bogo wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Tebin toos ah

  1. Dal si cajiib ah da'yarta ugu dhiirigalinaya xirfad aan la jeclayn

    Rwanda education Board

    Dawladda Rwanda oo isku dayaysa in ay ardayda ku dhiirigaliso in ay macallinimada xirfad ka dhigtaan ayaa ku dhawaaqday in ay bilaash uga dhigi doonto ardayda doonaysa in ay macallimiin noqdaan.

    Sidoo kalena ardayda dugsiga sare dhigta ee sheegaya in ay rajaynayaan in ay macallimiin noqdaan ayaa sidoo kale kala bar laga saamixi doonaa lacagta iskuulka.

    Guddiga waxbarashada Rwanda ee magaciisa loo soo gaabiyo REB ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay dhaqan galin doonaan sannadka soo socda.

    Irenée Ndayambaje oo madax u ah guddiga waxbarashada ee REB ayaa BBC-da u sheegtay in ardayda dugsiyada sare dhamaystay ee doonaya in ay fursaddan ka ka faa’iidaystaan si ay dhigriiga bilaashka ah u qaatan looga baahan yahay in ay saddex sano macallimiin noqdaan marka ay waxbarashada dhameeyaan, marka ay shuruuddaas ka soo baxaan ka dibna shahaadadooda lagu wareejin doono.

    Balse su’aasha la is waydiinayo ayaa ah dadku maka faa’iidaysan doonaan?

    “Mushaarka yar ee macallinnimada ayaa dadka niyad jabin kara,” ayuu yiri arday dugsiga sare ka qalin jabiyay oo magaalada Kigali kula hadlay BBC.

    Dawladda ayaa dhawaan kor u qaadday mushaarka macallimiinta 10%, balse qaar badan ayaa wali sheegaya in mushaarkoodu uu wali yar yahay.

  2. 100 jir dil u xirnaa oo la sii daayay

    Nigeria

    Xigashada Sawirka, Global Society for Anti Corruption

    Nin 100 jir ah oo u xirnaa in uu dil gaystay ayaa xabsiga laga siidaayay ka dib markii uu cafis ka helay dawladda.

    Ninkan ayay dadku ugu yeeri jireen “maxbuuska ugu da’ wayn Nigeria”

    Ninkan ayaa xabsiga ku jiray 18 sano ka dib markii lagu helay in uu dil maleegay.

    Egbunuche waxaa xabsiga aadka loo ilaaliyo ee Enugu ku hor qaabishay gabadhiisa iyo hay’adda Global Society for Anti Corruption oo u ol’olaysay siidayntiisa.

    “Illaahay baan arrintaas uga mahadcelinayaa” ayay tiri Chisom Celestine oo la hadashay BBC.

    “Banii-aadanka adduunka ugu farxad badan ayaan ahay,” ayay tiri Celestine.

    Egbunuche oo qaba xanuunno ay ka mid yihiin macaan iyo aragga oo liita ayaa la geeyay isbitaal si baaritaan loogu sameeyo, balse waxaa jira walaac laga qabo waxa uu mutaysan doono.

    Gabadhiisa ayaa sheegtay in aysan haynin dhaqaale ay ku daryeesho aabaheed.

    Intii uu xabsiga ku jiray waxaa gacan qaban jiray wiilkiisa Paul oo isna isla dilkaas loola xukumay. Cafiska ma uusan helin wuxuuna ku sii jirayaa xabsiga.

    Maamulkii gobolka ee cafiyay Egbunuche ayaa la badalay, mana cadda in masuuliyiinta cusub ay wax gacan qabasho ah u fidin doonaan ninkan da’da ah.

  3. Shirkad Uganda ku taalla oo dumarka umula siinaysa lix bilood fasax ah

    Shirkad gaar loo leeyahay oo ku taalla Uganda ayaa meelmarisay sharci dumarka umula u ogolaanaya lix bilood oo fasax ah oo mushaarkeeda ay qaadanayaan iyo hal bil oo ragga la siinayo.

    Shirkadda Uganda Breweries Limited ayaa noqonaysa middii u horraysay ee dalkaa ku taalla ee qaadda tallaabo noocan oo kale ah.

    “Waa tallaabo wanaagsan,” ayay tiri Manuela Pacutho oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka, waxayna sidaa u sheegtay barnaamijka Newsday ee BBC.

    Dumarka Uganda ayaa marka ay dhalaan xaq u leh in la siiyo labo bilood oo fasax ah oo mushaarka ay qaadanayaan.

    Manuela ayaa sheegtay in tallaabada ay qaadday shirkadda UBL ay tahay mid wanaagsan oo ay tahay in shirkadaha kalana ay kaga daydaan.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  4. Madaxweynaha Zimbabwe oo xaaqin qaatay

    Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa ka qayb qaatay qorshaha lagu nadiifinayo qaybaha ay dan yartu dagaan ee magaalada caasimadda ah ee Harare.

    Madaxweynaha ayaa markii uu wasakhda xaaqayay xirtay waxyaabo boorka ka celiya.

    Muuqaal ay baahisay wasaaradda warfaafinta ayaa laga arki karaa madaxweynaha oo qashin xaaqaya.

    Wajigiisa waxaa qariyay shay uu afka ku xirtay si uu boorka uga difaaco,balse waxaa lagu aqoonsan karaa marada uu caanka ku yahay ee uu qoorta saarto.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  5. Koonfur Afrika oo baadigoobaysa 14 libaax oo baxsaday

    Dadka ku dhaqan waqooyiga bari ee dalka Koonfur Afrika ayaa loogu baaqay in ay taxadar muujiyaan, iyadoo dawladduna ay baadigoobayso 14 libaax oo ka baxsaday beerta xayawaanka ee Kruger National Park.

    Masuuliyiinta gobolka Limpopo ayaa shaaciyay war qoraal ah oo ay ku sheegayaan in dadku ay markasta “feejignaadaan”.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  6. Ra'iisulwasaaraha Itoobiya oo Khartuum ka dagay

    Ra'iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka dagay magaalada Khartuum ee xarunta u ah dalka Suudaan, waxaana la filayaa in uu dhexdhexaadin doono hoggaamiyeyaasha milatariga iyo hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha.

    Xafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa Twitterka soo dhigay sawirrada markii uu ka dagay Khartuum.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  7. Mudaaharaad looga soo horjeedo George Weah

    Liberia

    Xigashada Sawirka, AFP

    Kumannaan ruux oo mudaaharaadeyaal ah ayaa la filayaa in ay Jimcaha isugu soo baxaan waddooyinka dalka Liberia, iyaga oo muujinaya carada ay u qabaan madaxweyne George Weah.

    Waxay ku eedeeyeen in uu si xun u maaraynayo dhaqaalaha iyo waliba sida uu u arko musuqmaasuqa.

    Guddiga Waddaniyiinta oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiin, arday iyo kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku baaqay in la isu soo baxo iyaga oo sheegay “in dalka la badbaadiyo” waa sida ay hadalka u dhigeen ee.

    “Waddooyinka ayaan ku sii sugnaan doonnaa tan iyo inta dalabkanaga laga fulinayo… Waddooyinka ka tagi mayno tan iyo inta aan natiijo ka helayno" ayay wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay Henry Costa oo ah madaxa dibad baxayaasha.

    Dadka ayaa cuntooyin kayd ah sii gadanaya ka hor mudaaharaadyada, iyaga oo ka cabsi qaba in dhibaato dhacdo maalmaha foodda inagu soo haya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Carada dadkan ayaa salka ku haysa lacago ay dawladdu lahayd oo la waayay.

    Waxaana u xoog badan labadan fadeexadood.

    1. Sannadkii hore waxaa soo baxday fadeexad sheegaysa in la waayay 104 milyan oo doolar oo dekedaha lagu ogaa.

    2. Lacag dhan 25 milyan oo doolar oo si xun loo maareeyay, taas oo loogu talagalay in lagu kabo dhaqaalihii sannadkii hore.

  8. Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo dhexdhexaadinaya Suudaan

    Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa in uu maanta booqdo Suudaan si uu u dhexdhexaadiyo milatariga talada maroorsaday iyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka ee mudaaharaadka wada.

    Booqashadiisan ayaa imaanaysa iyadoo laamaha ammaanku ay toddobaadkan laayeen dad mudaaharaadayay oo dimuqraadiyad doon ahaa.

    Khamiistiina Midawga Afrika ayaa xubinnimadii ka saaray Suudaan wuxuuna ka digay in tallaabo intaas dheer uu qaadi doono haddii aan xukunka lagu wareejin maamul rayid ah oo ku meelgaar ah.

    Ciidammada gacanta kulul ee sida milatariga u tababaran oo lagu eedeeyay in ay shacabka tooganayaan ayaa wali ka hawlgala qaybo badan oo Suudaan ah, waxaana lagu warramay in ay shacabka tacaddiyo u gaystanayaan, cabsina abuurayan.

    Wasaaradda caafimaadka ee Suudaan ayaa sheegtay in ay 61 ruux ku dhinteen rabshadaha, balse dhakhaatiir lala xiriiriyay mucaaradka ayaa sheegay in toogasho lagu dilay in ka badan 100 ruux.

    Marka laga soo tago Abiy, xubno ka socda dawladda Masar ayaa la filayaa in ay booqdaan Suudaan, waxaa isna lagu wadaa in uu booqdo madaxa guddiga ammaanka iyo nabadda ee Midawga Afrika Smail Chergui.

  9. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 07 bisha Juunyo sannadka 2019.

  10. Boqollaal qof oo ka qaxaya musiibo ka dhacday Uganda

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Cabsi xoog leh ayaa wali jirta

    Saraakiisha ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 ruux ay dhinteen 17 kalena ay ku dhaawacmeen dhul go’ aroornimadii hore ee Arbacada ka dhacay qeybaha bari ee dalka Uganda, gaar ahaan degmada Bududa.

    Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay sii kororto maadaama wali ay jiraan dad la la’yahay oo qoysaskoodu ay raadinayaan.

    Musiibooyinka dhul go’a ayaa ku badan aaggaas, oo u dhow buurta caanka ah ee lagu magacaabo Elgon, taasoo u dhow xadka kala qeybiya Uganda iyo Kenya.

    Dad ka badan 300 oo ruux ayaa ku dhintay musiibo noocaas ah oo isla deegaankaas ka dhacday sanadkii 2010-kii.

    Dhul go’ii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay xaafado lagu kala magacaabo Butebulo iyo Bunamwamba ka dib markii ay da’een roobab mahiigaan ah oo socday 3 maalmood.

    Mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa qiyaasay in boqollaal ruux ay ka barakaceen guryahooda, ayna hoy ka dhiganayaan kaniisadaha iyo masaajidyada, ama guryaha kale ee qaraabadooda.

    Xaafad kale ayuu dhulku ka dillaacay, kooxaha gurmadka deg degga ah ayaana hadda qiimeynaya waxyeellada ka dhalan karta.

    Wilson Watila oo ah guddoomiyaha degmada ayaa sheegay in musiibadu ay sii socon karto haddii ay roobab kale da’aan, isagoo intaasna ku daray in xaafado badan ay khatar ugu jiraan inuu dhulku la go’o.

    Dowladda ayaa laga soo xigtay in deegaannadaas ay ku nool yihiin dad kor u dhaafaya 100,000(boqol kun) oo ruux.

    Dhul go’ sanadkii lasoo dhaafay dhacay ayaa dilay ugu yaraan 40 ruux.

  11. Nin Caddaan ah oo qoys Soomaali ah biyo ku weeraray

    .

    Xigashada Sawirka, Google Maps

    Qoraalka sawirka, Magaalada Faribault ee gobolka Minnesota

    Nin ka soo jeeda magaalada Faribault ee gobolka Minnesota ee wadanka Mareykanka oo lagu tilmaamay inuu cunsuri yahay ayaa lagu eedeeyay inuu biyo rusheeyay gabadh 15-jir ah iyo walaalaheed oo Soomaali ah.

    Ninkan ayaa tubo biyo ah oo xowli ku socotay ka galiyay daaqadda guriga qoyskaas, isagoo ka qooyay kuraastii fadhiga.

    Zachariah Joseph Manahan oo 18 jir ayaa geysatay falkaasi, waxaana intaa u sii dheereyd inuu caayay caruurtaasi, isagoo ku caayay Soomaalinimadooda.

    Hay’adda nabad sugidda ayaa Zachariah ku soo oogtay dambi cunsurinimo iyo nacayb ah, isagoo sidoo kalena wajahaya dacwad ku saabsan inuu geystay dhaawac iyo burbur hantiyeed.

    War saxaafadeed ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda islaamka ee CAIR, ayaa lagu soo dhaweeyay tallaabada ay qaadday hay’adda nabad sugidda ka dib markii uu falkaas isir nacaybka ah dhacay.

    Jeylani Maxamed Xussein oo ah madaxa fulinta ee hay’adda CAIR ayaa BBC-da yiri "Waxaan aad u soo dhaweyneynaa arinka ay soo bandhigtay maxkamadda oo ah in ninkani la xukumo, laguna xukumay inuu handadaad ku sameeyay caruurtaasi Soomaalida ah, taas oo loo arkayo wax aan sahlaneyn oo dhaawac aad u weyn gaarsiiyay bulshada ".

    Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa wadamada reer Galbeedka ku sii xoogeysanayay Islaam nacaybka.

    Jeylani ayaa ugu baaqay dadweynaha deggan Mareykanka inaysan dhayalsannindhacdooyinka noocani ah oo ay mar waliba u gudbiyaan hay’addaha nabad sugidda, kuwaas oo tallaabo ka qaadaya dhibaatada uu islaam nacaybka ku haayo dadka Muslmiinta ah ee Mareykanka deggan.

  12. "Vladimir Putin waa saaxiibkeyga ugu fiican"

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Madaxweyneyaasha Shiinaha iyo Mareykanka

    Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ku qeexay inuu yahay "saaxiibkiisa ugu fiican" xilli uu booqasho saddex maalmood ah ku tagay magaalada Moscow.

    "Lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaan kulannay ku dhawaad 30 jeer. Ruushka waa waddanka aan booqashooyinka ugu badan ku tagay, madaxweyne Putin isagana waa saaxiibkeyga ugu fiican", ayuu yidhi Xi.

    Putin oo soo dhaweeyay hadalkaas ayaa sheegay "inuu ku faraxsan yahay in xiriirka Ruushka iyo Shiinaha uu gaaray heer aad u sarreeya".

    Mr Jinping ayaa halkaas u tagay wadahadallo diiradda lagu saarayo xiriirka ganacsi iyo kan diplomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada waddan.

    Labada madaxweyne ayaa Moscow ku saxiixday heshiis dhaqaale oo wadajir ah.

    Booqashada madaxweynaha Shiinaha ayaa timid xilli uu meeshii ugu xumeyd gaaray xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka, kaasoo qoonsaday dagaalka kharaaraaday ee dhinaca ganacsiga.

    Ruushka ayaa dhowr sano kahor go’aansaday inuu la bahoobo reer bariga ka dib markii uu sii xumaaday xiriirkii uu la lahaa reer galbeedka, sababo la xiriira qalalaasihii Ukraine iyo farogalintii uu ku sameeyay.

  13. Madaxda Suudaan oo qiray in la dilay mudaharaadeyaal

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Mudaharaadeyaasha ayaa xiray waddooyin

    Mas’uuliyiinta dalka Suudaan ayaa sheegay in 46 ruux lagu dilay isku dayga lagu doonayay in lagu kala eryo mudaharaadeyaasha u doodaya dimuqraadiyadda.

    Tiradaas ay qirteen ayaana aad uga yar 100-ka ruux ee ay dhakhaatiirta sheegeen in lagu dilay howlgalladaas ay ciidamada ammaanka fuliyeen.

    Arrintan ayaa u muuqata tallaabadii ugu horreysay ee lagu aqoonsaday xaddiga khasaaraha ka dhashay qalalaasaha.

    Saraakiisha ayaa markii hore ka gaabsan jiray wararka ku saabsan dhimashada rayidka, iyadoo ciidamada amaanka lagu eedeynayay inay rasaas ku fureen dad aan hubeysneyn.

    Wadahadallo u dhaxeeyay mucaaradka iyo golaha ku meel gaarka ah ee Milatariga maamulka haya ayaa burburay horaantii isbuucan.

    Madaxda mucaaradka Suudaan ayaa ku gacan seyray wada xaajood ay mar kale soo bandhigeen golaha Milatariga, iyagoo sheegay inaysan kalsooni ku qabi karin yaboohaas, maadaama uu wali socdo qalalaasaha sida qallafsan loola tacaalayo.

  14. Meydad laga soo saaray webiga Nile ee Suudaan

    Waddooyinka magaalada caasimadda Khartuum oo maran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Waddooyinka magaalada caasimadda Khartuum oo maran

    Wararka ka imaanaya dalka Suudaan waxay sheegayaan in meydad gaarayo 40 laga soo saaray webiga Nile ee mara bartamaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum kaddib markii howlgal rabshado horseeday lagu qaaday dad dibadbaxyo dhigayay, sida ay sheegeen u ololeeyaasha mucaaradka.

    Dhakhaatiir lala xiriiriyay mucaaradka ayaa waxay sheegeen in meydadka ay kamid yihiin 100 qof oo la rumeysan yahay inay dileen laamaha ammaanka Suudaan tan iyo Isniintii oo ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dibadbaxyaasha.

    Wararka waxay sheegayaan in laga cabsi qabo in kooxaha sida militariga u tababaran ay weerarayaan shacabka dalkaas.

    Golaha saree e militariga Suudaan waxay sheegeen inay baarayaan dhacdooyinka shacabka badan lagu laayay.

    Shacabka ku sugan magaalada Khartuum ayaa BBC u sheegay inay cabsi soo wajahday xilli ciidammada gaarka ee RSF lagu arkayo waddooyinka magaalada.kooxdan sida militariga u tababaran ayaa waxaa horaan la oran jiray maleeshiyaadka ‘Janjaweed’, waxaa ay soo ifbaxeen dagaalkii Darfuur ee ka dhacay galbeedka Suudaan sannadkii 2003-dii.

    Isniintii, laamaha ammaanka Suudaan ayaa xoog ku galay goob ay dibadbaxyo ka dhigayeen dibadbaxyaasha reer Suudaan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Isniintii, laamaha ammaanka Suudaan ayaa xoog ku galay goob ay dibadbaxyo ka dhigayeen dibadbaxyaasha reer Suudaan

    “Meydad 40 ah oo ah shuhadadeena sharafta leh ayaa shaley laga helay webiga Nile” ayaa lagu yiri qoraal barta Facebook ay kusoo qoreen guddiga dhakhaatiirta Suudaan.

    Sarkaal ka tirsan dhakhaatiirta ayaa BBC u xaqiijiyay meydadka ay heleen islamarkaasna tirada dhimashada ku sheegay inay gaarayaan 100 qof.

  15. Milatariga Suudaan oo diyaar u ah wada xaajood

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Taliska Milatariga ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal

    Taliska Milatariga Suudaan ee maamulka gacanta ku haya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xalka dhibaatada ka aloosan dlakaas.

    Guuddoomiyaha golaha Cabdul Fataax Al-Burhaan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in miiska wada hadalka la isugu imaado.

    "Annagoo ah golaha ku meel gaarka ah ee milatariga, waxaan diyaar u nahay gacmo furanna kusoo dhaweyneynaa inaan wada xaajood galno annagoon wax shuruud ah ku xireynin, ujeeddada kaliya ee aan ka leenahayna waa danta qaranka, taasoo aan u mari karno inaan ku yagleelno maamul sharci ah oo ka turjumaya rabitaanka kacaanka Suudaan dhammaan dhinacyadiisa kala duwan", ayuu yidhi.

    Maalmihii lasoo dhaafay xiisadda Suudaan ayaa cirka isku shareertay, waxaana mudaharaadyada socda lagu dilay in ka badan 60 ruux, sida ay sheegeen dhakhaatiirka mucaaradka.

  16. Qalab 2.6 malyan oo sano jiray oo laga helay Itoobiya

    .

    Xigashada Sawirka, Arizona State University

    Qoraalka sawirka, Qalab jiray 2.6 malyan oo sano

    Seynisyahannada caalamiga ah iyo kuwa Itoobiya ayaa helay wax ay ku tilmaameen qalabkii labaad ee ugu xilliga horreeyay ee la arko, sida uu qoray wargeyska ka faallooda arrimaha taariikhda iyo dabiiciga ee Nature World News.

    Qalabkan oo ka kooban dhagaxyo ayaa lagu arkay gobolka Canfarta ee ku yaalla waqooyiga-bari ee dalka Itoobiya, waxaana la sheegay in da’dooda ay tahay 2.6 malyan oo sano.

    David R Braun, oo qeyb ka ah cilmi baaristan ayaa warbaahinta Itoobiya ugu sheegay in "qalabkan dhagxyada ah waa hore la adeegsan jiray" ayna 100,000 oo sano ka weyn yihiin qalabyadii kale ee laga helay Itoobiya, sida ay warbaahinta maxalliga ah kasoo xigteen isaga qudhiisa.

    Dhagaxyadii ugu da’da weynaa ee abid la arkay ayaa laga helay dalka Kenya waxaana da’dooda lagu sheegay 3.3 malyan oo sano.

  17. "Dastuurka uu madaxweynaha ku yimid hala ixtiraamo haddii kale nin laga xoog badan yahay ma jiro"

    .

    Xigashada Sawirka, Jubbaland Tv

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Madoobe" ayaa khudbaddii uu munaasabadda Ciidda ka jeediyay uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka kusoo fool leh iyo ismariwaaga u dhaxeeya maamulkiisa iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Waxa uu mar kale ku celiyay in Jubbaland ay xaq u leedahay fulinta doorashadeeda, cid kusoo faragalin kartana aysan jirin.

    "Waxa lagu dhaqmayo waa dastuurka ay leedahay Jubbaland, cid faragalin ku sameyn kartana ma jirto. Warqadda maalin dhaweyd uu qorayay wasiirka arrimaha gudaha waxay ahayd howshii looga baahnaa markii maamul goboleedyada la dhisayay, marka waxaa fiicnaan lahayd dhaqankaas inaad iska deysaan," ayuu yidhi.

    Dhanka kale, Axmed Madoobe oo u muuqday inuu ka careysan yahay sida ay dowladda Federaalka u dooneys in doorashada loo maareeyo ayaa sheegay in dhammaan madaxda Soomaaliya ay ku imaadeen dasturka, "sidaas awgeedna uu dastuurka federaalka iyo kan maamul goboleedkaba xaq u siinayo in Jubbaland ay qabsato doorashadeeda".

    Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayuu u diray farriin u muuqatay hanjabaad.

    "Madaxda dowladda Federaalka waxaan dhihi lahaa waddankan booguu leeyahay, walina ma bogsanin waxay u baahan yihiin in la dhayo iyo in sharci lagu dhaqo, balse laguma wada joogi karo 'anaa idhi', qaacidadii aan shalay Shabaab ku diiday ma aqbalayo in Villa Soomaaliya laga soo yeeriyo, ha u hoggaansamaan sharciga ay ku joogaan, haddey u hoggaansami waayaanna qof walba irridiisa ayaa loo baneynayaa. waxaan oran lahaa dowladda dhexe ha ilaaliso waxa heshiiska lagu yahay, dartuur baa lagu wada yimid, madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, afhayeenka baarlamaanka, xiildhibaanada, dhammaan waxay ku imaadeen dastuur, haddii isaga la waayo Soomaaliya way is garatay oo nin ka xoog badan nin kale ma jiro", ayuu yidhi Axmed Madoobe.

    .

    Xigashada Sawirka, Jubbaland Tv

    Qoraalka sawirka, Axmed Madoobe oo ka qeyb galay Munaasabaddii ciidda ee Kismaayo
  18. Hooyo cunugeeda afka ka toshay oo la doon doonayo

    .

    Xigashada Sawirka, CORBIS NEWS

    Qoraalka sawirka, Booliska ayaa raadinaya haweeneyda la tuhunsan yahay

    Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa wada howlgal ay ku doon doonayaan haweeney ay sheegeen inay isku toshay bishimaha cunugeeda, sida uu sarkaal ka tirsan dowladda u xaqiijiyay BBC-da.

    Madaxa ciidanka amniga ee ismaamulka Nakuru Julius Nyaga ayaa sheegay in cunuga yar oo dhigta dugsiga hoose uu macallinkiisa u diray inuu hooyadiis u sheego inay usoo iibiso qalin qori iyo goomaha lagu tirtiro.

    Laakiin sida la aaminsan yahay, markii uu guriga tagay oo uu hooyadiis sidaas u sheegay ayay ka dalbatay inuu ku noqdo macallinka uuna u sheego in qudhiisu uu u iibiyo qalabka, markii uu dalabkaas labaad diidayna ay haweeneyda ku dhaqaaqday falka.

    Mr Nyaga ayaa intaas ku daray inay tuhunsan yihiin in hooyada ay qeybo kamid ah bishimaha wiilkeeda isku toshay maalintii Jimcada ahayd.

  19. Tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada Suudaan oo labanlaab noqotay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Mudaharaadeyaasha ayaa xiray waddooyin

    Dhakhaatiirta mucaaradka ee dalka Suudaan ayaa sheegay in tirada dadka mudaharaadeyaasha ah ee la dilay ay gaartay 60 ruux, taasoo labanlaab ka dhigeysa tiradii markii hore la shaaciyay ee ahayd 30 ruux.

    Ciidamada ammaanka ee Suudaan ayaa hadda si weyn isugu fidiyay magaalo madaxda dalkaas ee Khartuum.

    Mudaharaadeyaasha ayaa lagu soo warramay in lagu dilay howlgallada lagu faarujinayay xero ay ku jireen dibadbaxayaasha aan hubeysneyn ee u ol’oleynaya dimuqraadiyadda.

    Mudaharaadeyaasha ayaa dib ugu gurtay xaafado la dagan yahay, iyagoo xiraya jidadka, halka kooxo maleyshiyaad ah oo laga cabsi qabo inay dowladda taageersan yihiin ay iyaguna ku gaaf wareegayaan magaalada.

    Tirada dhimashada ee korortay ayaa timid 2 maalmood ka dib markii ay rabshadaha billowdeen, iyadoo ciidamada milatariga lagu eedeeyay in ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal aan hubeysneyn.

    Isku day ay dowladaha Ingiriiska iyo Jarmalka ku doonayeen inay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku soo hor dhigaan qaraar milatariga Suudaan ku khasbaya inay xal deg deg ah helaan ayaa waxaa is-hortaagay Shiinaha oo taageero ka helayay Ruushka.

    Suudaan ayaa qalalaase lugaha la gashay markii mudaharaadyo bishii Disembar looga cabanayay sare u kaca qiimaha maciishadda ay isu baddaleen kuwo looga soo hor jeedo dowladda.

  20. Qeylo dhaan culus soo saaray dagaalka ganacsiga ee Mareykanka iyo Shiinaha

    .

    Xigashada Sawirka, BBC/YOUTUBE

    Qoraalka sawirka, Dagaalka ganacsiga ee Mareykanka iyo Shiinaha ayaa sii xoogeysanaya

    Bangiga adduunka ayaa soo saaray qeylo dhaan ku saabsan in habsami u socodka dhaqaalaha caalamku uu sannadkan ku yimid hoos u dhac 2.6% ah.

    Habacsanaantan ayaa waxaa qeyb ahaan sabab u ah dagaalka dhinaca dhaqaalaha ee sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka.

    Labada dal ayaa qaaday tallaabooyin uu mid walba ku adkeynayo dhankiisa, balse waxaa laga cabsi qabaa in arrintan ay khasaare weyn gaarsiiso dhaqaalaha caalamka.

    Wasaaradda ganacsiga ee dalka Mareykanka ayaa dalbatay in la xoojiyo wax soo saarka maxalliga ah ee macdanta loo adeegsado sameynta taleefannada casriga ah iyo diyaaradaha, si loo xaqiijiyo in adeeggaas uu sii socdo.

    Shiinaha ayaa ku hanjabay inuu joojin doono macdanta dhif iyo naadirka ah ee uu u dhoofiyo Mareykanka, tallaabadaas oo qeyb ka ah dagaalka dhinaca ganacsiga ee ka dhex aloosan labada waddan.