Britain oo safaarad ka furanaysa Jabuuti

Warbixintan iyo kuwo kalaba kaga bogo tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Tebin toos ah

  1. Dhallin yaro reer Qaza ah “oo la dilay iyaga oo bam dhigaya”

    Maydadka saddexda dhallinyarada ah ayaa la dhigay goob maydadka la geeyo oo  ku taalla Qaza

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Maydadka saddexda dhallinyarada ah ayaa la dhigay goob maydadka la geeyo oo ku taalla Qaza

    Saddex dhallinyaro ah oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqaymo ay Isra’iil ka gaysatay meel u dhaw xadka Marinka Qaza iyo Israa’iil, sida ay sheegeen saraakiil Falastiiniyiin ah.

    Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in da’da wiilsha dhintay ay u dhaxayso 13 iyo 14.

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen dad malayshiyo looga shakisan yahay oo soo qaabilay dhanka xayndaabka xadka “kuwaas oo u muuqday in ay dhigayeen” bam.

    Xamaas oo inta badan gacanta ku haysa Qaza ayaa Israa’iil ku eedaysay in ay shacab bartilmaameedsanayso.

    Dhacdadan ayaa ka dambaysay dhacdooyin kale oo dhacay Sabtidii iyo Axaddii.

    Habeennimadii Jimcaha ayay malayshiyadu Gaza ka rideen 30 gantaal, iyaga oo bartilmaameedsaday Israa’iil.

    Milatariga Israa’iil ayaa kaga jawaabay duqaymo dhanka cirka ah oo ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsadeen 80 goobood oo milatari oo marinka ku yaalla.

  2. Wiilashii bohosha Thailand ku xayirmay oo guusha Manchester goobjoog ka ahaa

    Samato bixinta wiilashan iyo tababarahooda ayaa qabsatay saxaafadda caalamka

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Samato bixinta wiilashan iyo tababarahooda ayaa qabsatay saxaafadda caalamka

    Labo iyo tobankii wiil ee yaryaraa ee labada toddobaad ku xayirmay bohosha dhulka hoosteeda ah ee dalka Thailand ayay riyadoodu u rumawday waxayna garoonka Old Trafford ku daawadeen ciyaartii Manchester United ee Axaddii.

    Sheekadda wiilashan iyo tababarahooda ayaa qabsaday adduunka bishii Luulyo ka dib markii ay bohol dhulka hoostiisa ah ku xayirmeen, waxaase markii dambe soo badbaadiyay koox biyaha mukhuurata.

    Ciyaartan ayaa lagu marti qaaday in ay daawadaan ka dib markii sida cajiibka ah loo soo badbaadiyay wakhtigaas.

    Balse warka imaanshahooda waxaa qariyay geerida ku timid mulkiilaha kooxda Leicester City ee reer Thailand.

    Vichai Srivaddhanaprabha, labo ruux oo u shaqaynaysay, duuliye iyo qof kale oo la socday ayaa ku dhintay shil ay gashay diyaaraddii ay saarnaayeen oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo ku dhacday bannaanka garoonka kubbadda ee kooxda.

  3. Ciidammo Itoobiyaan ah oo qarax lala beegsaday

    Sawir hore oo ciidammada Itoobiya laga qaaday

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sawir hore oo ciidammada Itoobiya laga qaaday

    Warrarka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo ciidammo Itoobiyaan ah oo marayay deegaanka Ceel Gaal oo qiyaastii 15 km bari kaga beegan magaalo madaxda gobolka ee Baladweyne.

    Dad ku sugan Ceel Gaal ayaa sheegay inay maqleen qarax isla markaana ay arkeen qiiq iyo uuro hawada isku shareertay, iyagoo intaa ku daray in ciidammadii la qarxiyay ay wali fadhiyaan halkii uu qaraxu ka dhacay.

    Qaraxa ayaa loo malaynayaa inuu ahaa nooca wadooyinka hareerahooda la galiyo ee meelaha fogfog laga hago.

    Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa, waxyna intaa ku dartay in ay qaraxaasi ku dishay kuna dhaawacday sodon askari.

    Ma jiro war madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegay inaanay garan karin khasaaraha gaaray ciidanka maadaama aan loo dhawaan karin aaga qaraxu ka dhacay oo ay ciidammadu xireen.

    Wixii warrara ee ka soo kordha qaraxa iyo khasaarihiis waan idinla socod siin doonaa.

  4. Bilyan dheer geeridiisa la xaqiijiyay

    Bilyan dheer geeridiisa la xaqiijiyay

    Xigashada Sawirka, PA

    Mulkiilihii kooxda Leicester City ayaa geeriyooday ka dib markii ay garoonka kubadda bannaankiisa ku burburtay diyaaraddii qumaatiga u kacasay ee wadday, sida ay kooxdu xaqiijisay.

    Vichai Srivaddhanaprabha, labo ka mid ah shaqaalihiisa, duuliyihii iyo qof weheliyay ayaa ku dhintay burburka diyaaradda Sabtidii.

    Qof goobjooge ah ayaa sheegay in diyaaraddu ay kontoroolka lumisay waxyar uun ka dib markii ay garoonka waydaaratay ayna dhacday oo dab qabsaday.

    Tobannaan kun oo ubaxyo iyo marooyin tacsi ah ayaa la dhigay meeshii uu shilkaasi ka dhacay.

    Booliiska Leicester ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in dadka dhintay ay kala yihiin:

    Mulkiilihii kooxda Leicester Vichai Srivaddhanaprabha

    Labo ka mid ah shaqaalihiisa oo kala ah Nursara Suknamai iyo Kaveporn Punpare

    Duuliye Eric Swaffer Iyo Izabela Roza Lechowicz oo wehelisay.

  5. Al Shabaab oo duqayn lagaga dilay 11 xubnood

    Kow iyo toban xubnood oo Al Shabaab ah ayaa lagu dilay duqaymo laga gaysay habeenkii Axadda deegaanka Kamsuuma ee Jubbada Hoose, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

    Masuulkii uu ururkaasi dhawaan u magacaabay gobolka Banaadir ayaa ka mid ahaa xubnahaas duqaynta lagu laayay, sida ay ku warrantay Radio Muqdisho.

  6. Itoobiya iyo culimada Islaamka oo ka arrinsanaya nidaamka ribo la'aanta ah ee bangiyada

    Magaalada Addis Ababa waxaa lagu qabtay shir ay ka soo qayb galeen Xukuumada faderaalka Itoobiya iyo qaar ka mid ah Culimaa u diinka Muslimiinta Itoobiya waxaana lagaga wadahadlyay sidii loo hormarin lahaa Bangiyada ku shaqeeya qaabka Islaamka waafaqsan, waxaa jira ilaa 10 bangi oo u shaqeeya qaabka aan ribada lahayn.

    Hadaba Dr Nuur Cabdi Gudaal oo bare ka ahaan jiray in badan jaamacada Salangoor kuna takhasusay Dhaqaalaha Islaamka ah ayaa wariyaha BBC-da ee Jigjiga Abdinaasir Sheekh Maxamed Xikam uga warramay waxyaabaha shirka looga hadlay iyo faa'iidadiisa, wuxuuna ugu horryn waydiiyay sababta loo xiray Bangi la oran jiray Zamzam Banki oo qaab Islaamka waafaqsan u shaqayn jiray.

  7. Bolsonaro oo madaxweynenimada Brazil ku guulaystay

    Jair Bolsonaro

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Jair Bolsonaro

    Jair Bolsonaro oo ahaa murashax ay siyaasaddiisu garabka midig ee fog tahay ayaa ku guulaystay doorashada madaxweynenimada ee dalka Brazil.

    Bolsonaro ayaa ku guulaystay 55.2% codadkii la dhiibtay wuxuuna ka guulaystay Fernando Haddad oo helay 44.8% kaas oo u taagnaa xisbiga shaqaalaha, sida uu shaaciyay guddiga doorashada ee dalka Brazil.

    Bolsonaro markii uu ol’olaha waday ballan qaaday in uu dabar goyn doono musuqmaasuqa, uuna hoos u dhigi doono falal dambiyeedyada Brazil ka dhaca.

    Ol’olihii doorashada ayaa ahaa mid aad dadka u kala qaybiyay, qola walbana waxay ku andacoonaysay in haddii kuwa ka soo horjeeda ay guulaystaan ay Brazil burburi doonto.

    Fernando Haddad

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Fernando Haddad
  8. Diyaarad rakaab oo ku dhacday Indonesia

    Diyaarad

    Xigashada Sawirka, AFP

    Diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 oo ay leedahay shirkadda Lion Air oo ay saarnaayeen 188 ruux ayaa ku dhacday badda dalka Indonesia wax yar uun ka dib markii ay ka kacday magaalada caasimadda ah ee dalka Indonosea ee Jakarta.

    Duulimaadkan oo lambarkiisu ahaa JT 610 ayaa ku sii jeedday Pangkal Pinang oo ah magaalada ugu wayn jasiiraddaha Bangka Belitung.

    Xiriirkii dhulka ay la samaynaysay ayaa lumay waxyar ka dib markii ay kacdayba, waxyar ka dibna badda ayaa laga helay, mana cadda in ay dad ka badbaadeen.

    Diyaaraddan ayuu nooceedu ahaa Boeing 737 MAX 8, wayna cusbayd.

    “Diyaaradda ayaa badda hoos u gashay 30 ilaa 40 mitir,” sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay Yusuf Latif oo ah afhayeenka Hay’adda Gurmadka. Wuxuuna intaas ku daray in ay wali baadigoobayaan burburka diyaaradda.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Qaraabada

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qaraabada dadkii rakaabka ahaa ayaa gaaray goob garoonka Jakarta laga furay oo loogu talagalay in laga helo xogta diyaaradda
  9. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa Maalin Isniin ah oo ay taariikhdu tahay 29 bisha Oktoobar sannadka 2018.