Britain oo safaarad ka furanaysa Jabuuti

Warbixintan iyo kuwo kalaba kaga bogo tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Tebin toos ah

  1. Dad ku dhintay dab ka kacay kayn ku taalla Koonfur Afrika

    Kooxaha dab damiska oo la daala dhacaya daminta dabka

    Xigashada Sawirka, WORKING ON FIRE

    Qoraalka sawirka, Kooxaha dab damiska oo la daala dhacaya daminta dabka

    Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay kayn caan ah oo ku taalla dalka Koonfur Afrika, sida ay sheegayaan saraakiisha dalkaasi.

    Haweeney xaamilo ah iyo saddex carruur ayaa kamid ah dadka ay waxyeellada kasoo gaartay dabka.

    Kaynta ayaa ku taalla gobolka Western Cape, waxaana dhex martaa waddo ay maraan dalxiisayaasha.

    Maamulka magaalada George waxay sheegeen in ugu yaraan 200 qof laga daad gureeyay deegannada ku dhaw kaynta.

    In ka badan 400 oo kamid ah kooxaha dab damiska ayaa la daala dhacaya inay damiyaan dabka qabsaday kaynta dheereerkeedu gaarayo 450 kilomitar oo ku taalla bariga magaalada Cape Town.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  2. Ergodan: Waa in la sheegaa cidda uu kasoo fulay amarka ah in la dilo Khaashogji

    Jamaal Khaashogji

    Xigashada Sawirka, AFP/GETTY

    Qoraalka sawirka, Jamaal Khaashogji

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dacwad oogaha guud ee Sucuudiga inuu baaritan ku sameeyo ciddii uu kasoo fulay amarka ah in la dilo weriye Jamaal Kaashogji.

    Erdogan wuxuu sheegay in dacwad oogaha Sucuudiga laga doonayo inuu shaaca ka qaado ciddii soo dirtay 15-ka qof ee lagu tuhunsan yahay inay Jamaal Khaashogji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

    Hadalka madaxweynaha Turkiga ayaa imaanaya xilli dacwad oogaha guud ee Sucuudiga uu booqasho ku tegayo qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

    Dilka weriyaha kaddib, Sucuudiga wuxuu xabsiga dhigay dad lagu tuhunsan yahay dilka iyo sidoo kale waxaa shaqada laga ceeyriyay saraakiil sar sare.

    Balse mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay beeniyeen in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Jamaal Khaashogji.

  3. Wiil imtixaan gabdho laga qaadayay galay oo Kenya lagu xiray

    Wiil hibo u leh muusigga oo isaga oo gabadh iska dhigaya ku baasay imtixaan lagu qaadayay duqgsi sare oo Kenya ku yaalla ayaa la xiray, sida ay ku warramayso warbaahinta Kenya.

    Wuxuu xirtay yunifoomka gabdhaha wuxuuna soo jiitay dareenka ardayda markii uu muusigga garaacayay, isaga oo si dhammaantood ka duwan u garaacay, sida uu qoray wargeyska Daily Naition.

    Wiilka arrintan ku lugta lahaan magaciisa lama shaacinin.

    Arintani waxay ka dhacday dugsiga sare ee gabdhaha ee Makuyu oo ku yaalla deegaanka Kakamega oo galbeedka Kenya dhacda.

    Muusikiistahan ayaa arday ka ahaa deegaanka ay dariska yihiin Uasin Gishu

    Maamulihii iskuulka gabdhaha iyo macalinkii muusiga ayaa lala xiray wiilka.

    Dawladda ayaa dhawaanahan aad ugu hawlanayd sidii ay wax uga qaban lahayd qishka imtixaannada

    Xigashada Sawirka, iStock

    Qoraalka sawirka, Dawladda ayaa dhawaanahan aad ugu hawlanayd sidii ay wax uga qaban lahayd qishka imtixaannada
  4. Gabadh lakala dooran siiyay mansabkeeda boqortooyo iyo jacaylkeeda

  5. Soomaali qaxooti ku ahayd Yemen oo Berbera gaaray

    Berbera

    Xigashada Sawirka, UNSOM

    Soomaali qaxooti ku ahayd dalka Yemen ayaa laga dajiyay dekkadda magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

    Dadkaas waxaa qaabilay Hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay iyo hay’adda Socdaalka ee IOM.

    Waa kuwan qaar ka mid ah sawirrada laga qaaday dadkaas.

    Berbera

    Xigashada Sawirka, UNSOM

    Berbera

    Xigashada Sawirka, UNSOM

  6. Saddex Shiico ah oo mudaaharaadaya ayaa Nigeria lagu dilay

    Shiico

    Xigashada Sawirka, AFP

    Saddex ruux oo Shiico ah ayaa lagu dilay isku dhac dhex maray laamaha ammaanka ee caasimadda dalka Nigeria ee Abuja, sida uu milatariga xaqiijiyay, afar askari ayaana sidoo kale dhaawacantay.

    Afhayeen u hadlay ururka Shiicada ee magaciisa loo soo gaabiyo IMN ayaa BBC-da usheegay isu soo bax taariikhi ah ay dhigayeen marka ay milatarigu soo weerareen Isniintii.

    Isku dhacan u dambeeyay ayaa yimid rabshadihii Sabtida iyo Axaddii dhacay ka dib.

    Milatarigu waxay sheegeen in ciidammadu ay wadeen rasaas iyo gantaallo ay ka qaadeen Abuja oo ay u wadeen Kaduna marka galinkii dambe ee Sabtidii ay soo warareen xubno ka tirsan IMN.

    IMN ayaa mudaaharaadyo badan ku qabtay Abuja sannadkii hore iyaga oo dalbanaya in la sii daayo hogaamiyahooda Ibrahim Zakzaky.

    Xabsiga dawladda ayuu ku jiray tan iyo markii uu qarxay dagaal dhex maray taageerayaashiisa iyo milatariga bishii Diseembar ee sannadkii 2015.

  7. Walaac laga muujiyay Shiinaha oo dabciyay ka ganacsiga wiyisha

    Wiyil

    Xigashada Sawirka, CARL DE SOUZA

    Dadka arrimaha xayawaanka u ol’oleeya ayaa dareen ka muujiyay go’aanka uu Shiinuhu qayb ahaan uga laabtay mamnuucitaankii ka ganacsiga lafaha shabeelka iyo geeska wiyisha.

    Wiyisha iyo shabeelka ayaa ka mid ah xayawaannada duurjoog ta ah ee halista ku jira, Shiinaha ayaana ka ganacsigooda mamnuucay sannadkii 1993dii.

    Balse Isniintii ayuu sheegay in qaybo ka mid ah xubnaha xayawaanka in uu u fasixi doono arrimo cilmi baaris iyo kuwo dhaqan awgood.

    Khuburadu waxay ka walwal san yihiin in tani ay sare u qaaddo dalabka xayawaankaas, ayna wax u dhinto dadaalladii lagu ilaalinayay.

    Wiyisha iyo qaybo ka mid ah shabeelka ayaa ah dawo dhaqameedyo aad looga qiimeeyo Shiinaha kuwaas oo lagu dabiibo xannuuno aad u badan, inkastoo aan la haynin marag dhanka sayniska ah.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  8. Beer, shinni iyo geel meel qudha la isugu wada geeyay

    Beeralleyda qaarkood ayaa waxay beryahan danbe ku soo kordhiyeen beerahooda saraca ka sokow inay shinnida malabka samaysa iyo geel ku dhaqaan beerta dhexdeeda.

    Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tagay beer wayn oo ku taalla gobolka Gabiley oo uu ku soo arkay saracii beerta oo kala duwan, shiinidii oo malabkii samaynaysa iyo weliba geel fara badan oo aan la foofineyn oo xerada beerta ku dhergaya oo baarqabkiina ku ag dabran yahay.

    Hoos ka dhagaysto Cige oo arrintaas ka warramaya.

  9. Hooyo reer Canada ah oo dib ula midawday wiilkeeda oo laga afduubtay 1987

    Hooyo reer Canada ah ayaa dib ula midawday wiilkeeda oo laga afduubtay 1987-dii isaga oo yar.

    Jermaine Allan Mann aabihii ayaa lagu eedeeyay in uu la tagay wiilka yar oo 21 bilood jira, markaas oo ay qorshaynayeen in ay Toronto booqdaan.

    Wiilka iyo aabihii ayaa magac aan kuwoodii rasmiga ahaa ahayn ku joogay Maraykanka wixii toddobaadkii hore ka horreeyay, ka dib markii aabaha lagu eedeeyay in uu isticmaalayo dokumanti been abuur ah.

    Xiritaankii la xirayna wuxuu dhaliyay in la soo afjaro dadaal ay booliiska labada dal ku baadigoobayeen wiilka yar ee la waayay 31 ka hor.

    Jermaine Allan Mann oo hadda 33 jir ah ayaa hooyadii u sheegay in loo sheegay in hooyadii ay dhimatay isaga oo sabi ah, balse Sabtidii iyo Axaddii midkeed ayay hooyadii Lyneth Mann-Lewis u duushay Maraykanka si ay wiilkeeda ula midawdo.

    Isniintii ayayna faahfaahin ka bixisay la kulanka wiilkeeda la helay.

    "Erayo laguma cabiri karo sida aan dareemay," ayay tiri, "erayada ah wiilkaagii wuu nool yahay oo waan helnay neecaw ayay ahaayeen."

    Canada

    Xigashada Sawirka, COURTESY MISSING CHILDREN SOCIETY OF CANADA

  10. Bulgaria “oo meesha ka saartay baasaboorro been abuur ah”

    Dacwad oogeyaal reer Bulgaria ah ayaa sheegay in ay meesha ka saareen baasaboorro si sharci darro ah loo bixiyay kaas oo horseeday in dhalashada Bulgaria si sharci darro ah loo helo iyadoo arrintaasina ay keensatay in dadkaasi ay si sharci ah ugu dhex safri karaan ugana shaqaysan karaan dalalka Midawga Yurub.

    In kabadan 20 ruux ayaa la xiray, waxaana ka mid ah masuuliyiin.

    Dadka ayaa la sheegay in ay bixiyeen 5,690 doolarka Maraykanka ah si ay u helaan dhalashooyinka Bulgaria oo sax ah.

    Booliiska ayaa hawlgallo ka fuliyay xafiiska qurbajoogta Bulgaria.

    Masuuliyiinta hay’addaas ayaa lagu eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen dhalashooyin been abuur oo laga gaday dad u dhashay dalalka aan Midawga Yurub ka tirsanayn balse dariska la ah.

    Bulgaria

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  11. Kalkaaliye caafimaad oo loo haysto in uu dilay 100 ruux

    Khariidad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Nin kalkaaliye caafimaad horay uga ahaan jirtay dalka Jarmalka oo lagu eedeeyay in uu dilay 100 ruux oo bukaan ah ayaa hortagi doona maxkamad ku taallamagaalada Oldenburg ee dhanka waqooyiga ku taalla.

    Baareyaasha ayaa sheegay in Niels Hoegel oo 41 jir ah uu dawooyin ka badan qiyaastii dadka loo qoray uu siin jiray bukaannada oo ku jiray isbitaallada Jarmalka.

    Waxay sheegeen in ujeedadiisu ay ahayd in uu ka cajibiyo shaqaalihii ay isla shaqaynayeen uuna iska dhigo in uu badbaadinayo bukaannada uu laayay.

    Hoegel ayaa haddaba xabsi ugu jira in uu dilay bukaanno ay ahayd in uu baxnaaniyo.

    Dacwadan u dambaysay ayaa la filayaa in ay socoto ilaa bisha May, waxayna daba socotaa maydad la soo qufay oo laga helay in ay ku sumoobeen dawooyin laga tan badiyay.

    Hoegel ayaa hadda la sheegay in uu dilay 36 bukaan ah oo ku sugnaa Oldenburg iyo 64 kale oo ku sugnaa Delmenhorst oo aan ka fogayn, arrintaasina ay dhacday intii u dhaxaysay 1999 ilaa 2005.

    Wariyaha BBC Jenny Hill ku sugan Berlin ayaa shegaysa in arrintan ay xasaasi ka dhex tahay masuuliyiinta caafimaadka ee Jarmalka, kuwaas oo qaraabada dadka dhintay ay ku eedaynayaan in ay indhaha ka daboosheen dilalka uu gaysanayay Hoegel.

    Haddii lagu helo in dadkaas oo dhan uu laayay, wuxuu noqon doonaa ninkii dilkii ugu badnaa ka gaysta jarmalka dagaalladii ka dib.

    Baareyaashu waxay sheegayaan in ay macquul tahay in uu dilay dad intaas ka badan, balse dadka ay u badan tahay in ay arrintaas u dhinteen ayaa diiradda la saarayaa.

    "Waxaan rajaynayaa in dambi kaste lagu helo, si dadkii ay eheladoodu dhinteen hawshu uga soo afjaranto,” ayuu yiri Petra Klein oo isku duba rida koox caawisa dhibaneyaasha.

    Qaraabada dadkii la sheegay in la laayay ayaa la filayaa in ay yimaadaan maxkamadda.

    Hoegel ayaa markii u horraysay la qabtay 2005 isaga oo bukaan ku duray irbad aan dakhtar qorin. Sannadkii 2008 ayaana lagu xukumay toddobo sano oo uu ku mutaystay isku day dil.

    Maxkamad labaad oo la saaray 2014-2015 ayaa ku heshay in uu labo ruux dilay labo kalana isku dayay in uu dilo, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.

    Wuxuu sheegay “in run ahaantii uu ka xun yahay” uuna rajaynayo in qoysaska uu qalbigu u qaboobo. Wuxuu sheegay in go’aanka uu dambiyadaas ku galay ay ahaayeen “kuwo aan sii qorshaysnayn”. Intii maxkamadayntu socotay ayuuna qirtay in uu soddon bukaan dilay.

    Baareyaasha ayaa markaas ballaariyay baaritaannadooda waxayna soo qufeen maydadka 130 bukaan oo uu horay u daaweeyay, iyaga oo eegaya in uu adeegsaday dawooyin keeni kara in wadnuhu istaago. Waxay sidoo kale baaritaan dib ugu sameeyeen diiwaannadii isbitaalka.

    Khariidadda Jarmalka
  12. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka. Waa maalin Talaado ah oo ay taariikhdu tahay 30 bisha Oktoobar sannadka 2018.

  13. Tebinta tooska oo saaka inoo soo bilaabatay intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

  14. Ciidammada Nigeria oo rasaas ku furay shiicada dalkaasi oo dibadbaxyo dhigayay

    Militariga Nigeria ayaa rasaas ku furay dad aamisan madhabta shiicada oo ku dibadbaxayay degmo ku taalla duleedka magaalada Abuja ee dalka Nigeria, sida goob jooge uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Goob joogayaasha ayaa sidoo kale ku warramay in qaar kamid ah dadka dibadbaxyay ay dhagaxaan ku tuurayeen ciidammada.

    Dibadbaxyada ay dhigaan dadka aaminsan madhabta shiicada ee Nigeria ayaa isu baddallaa mid khasaare leh.

    Sannadkii 2016-kii, goob joogayaal ayaa BBC-da u sheegay in ciidammada Nigeria ay dileen tiro kamid ah shiicada dalkaasi xilli ay howlgal wadeen.

  15. Doorashooyinka iyo tallaabooyinka ammaanka Maamul Goboleedyada qaar

    Tallaabooyin ay qaadeen madaxda maamul goboleedyada Koonfur galbeed iyo Puntland ee Soomaaliya ayaa loo arkaa iney u muuqdaan kuwo faragalin noqon kara, oo horseedi kara majara habaabinta doorashooyinka maamulladaas ka dhici doona.

    Magaalooyinka Baydhabo iyo Garoowe waxaa si xowli ah uga socda ololaha doorashooyinka madaxda maamul goboleedyada Koonfur galbeed iyo Puntland oo ka tirsan federaalka Soomaaliya.

    Waxaa labada magaalaba dhaqdhaqaaqyo ka wada murashaxiinta ku loollami doona kursiga ugu sarreeya, kuwaasoo mid walba uu raadinayo taageero siyaasadeed oo dhinacyada kala duwan ah.

    17-ka bisha Nofeembar ee foodda nagu soo haysa ayaa lagu wadaa iney qabsoonto doorashada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, halka doorashada Puntland iyana la qorsheeyay iney dhacdo bisha Janaayo ee sannadka soo socda.

  16. Dad ku dhaawacmay qarax ka dhacay Tunisia

    Tunisia

    Xigashada Sawirka, .

    Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay bartamaha caasimadda Tunisia ee Tunis, sida ay ku warrantay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi.

    Inta badan dadka dhaawacmay waxay marayeen waddada Xabiib Bourquiba ee bartamaha magaalada Tunis.

    Dadka ku dhaawacmay qaraxa waxay u badan yihiin ciidammada ammaanka dalkaasi.

    Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku tilmaantay qaraxa in inuu ahaa weerar argagixiso.

    Haweeney aya isku qarxisay halkaasi, ilaa hadda wax dhimasho lama soo tebinin.

  17. War deg deg ah, Haweeney isku qarxisay bartamaha caasimadda Tunisia

    Haweeneey ayaa lagu soo warramaya inay isku qarxisay bartamaha caasimadda dalka Tunisia ee Tunis, sida uu ku warramay Raadiyaha dowladda.

    Qaraxa ayaa ka dhacay waddada Xabiib Bourquiba oo ku taalla bartamaha magaalada.

    Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in qaraxa uu ka dhacay goob ay ka ag dhawaayeen tiro saraakiil boolis ah.

    Wakaaladda wararka ee AFP waxay ku warrantay in tiro kamid ah baabuurta gurmadka deg deg ah ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay.

  18. Angela Merkel oo sheegtay inay xilka ka dageyso sannadka 2021-ka

    Merkel waxay maanta qabtay shir jaraa'id

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Merkel waxay maanta qabtay shir jaraa'id

    Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa lagu soo warramaya inay ku rajo wayn tahay inay isaga degto hoggaaminta xisbiga ay majaraha u hayso kaddib markii dhawaan ay guuldarro kala kulantay doorashadii gobollada ee dalkaasi ka dhacay.

    Angela Merkel ayaa marwaliba ku adkeysataa inay sii ahaaneyso hoggaamiyaha Jarmalka iyo sidoo kale inay ahaato hoggaamiyaha xisbiga.

    Xukuumaddeeda bahwadaagta ah ayaa mar waliba wajaheysay xasarado kala duwan.

    Xisbigeeda ayaana lumiyay codad badan markii loo eego xisbiyada yar yar ee sida xisbiga diidan dadka soo galootiga ah iyo xisbiga Liberal green.

    Taageerayaasheeda ayaa la daala dhacayay guuldarro lixaad leh oo shalay kasoo raacday doorashadii ka dhacday gobolka qaniga ah ee Hesse.

    Xubnaha ka tirsan xukuumaddeeda bahwadaagta ah ayaa ku eedeeyay Markel guuldarrada doorashada isla markaasna waxay ku hanjabeen inay isaga bixi doonaan xisbiga.

  19. WHO: Carruurta ku nool dunida waxaa dhibaata ku haysaa hawada wasakhaysan

    Warbixin cusub oo kasoo baxday ha’yadda caafimaadka adduunka ayaa muujinaysaa in boqolkiiba 90 carruurta ku nool dunida ay qaataan hawo waskhaysan.

    WHO waxay sheegtay in carruurta ay si gaar ah ugu nugul yihiin wasakhda hawada.

    Jirka iyo maskaxda carruurta aya ah kuwa sii koraya waxayna si ka badan sida dadka waawayn ay u qaataan hawada.

    Balse sidoo kale caawaqib xumada caafimaad ee arrintan ka dhalata ayaa ah mid mustaqbalka fog sii jirta.

    Waxaa ka mid ah cudurada mustaqbalka fog ku dhica kara marka ay caruurta weynaadaan sida neefta iyo cudurada kale ee halista ah sida kuwo ku dhaca saableyda .

    Hay’adda WHO waxay sheegtay in boqolkiiba 93 caruurta ay da’doodu ka hooseyso 15 jirka ay qaataan hawo wasakhaysan.

  20. Madxafka qaran ee Suuriya oo dib loo furay

    Madxafka waxaa si rasmi loo furay sannadkii 1920-kii balse wuxuu xirnaa 6 sanno ee ugu dambeeysay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madxafka waxaa si rasmi loo furay sannadkii 1920-kii balse wuxuu xirnaa 6 sanno ee ugu dambeeysay

    Qaybo kamid ah madxafka qaran ee dalka Suuriya ayaa dib loo furay lix sanno kaddib ay dagaallada horseedeen in la xiro madxafka.

    Madxafka caanka ah ee ku yaalla magaalada Dhimishiq ayaa la xiray sannadkii 2012-kii si loo ilaaliyo waxyaabaha taarikhiiga ah.

    Inta badan waxyaabaha taarikhiga ah waxaa loo daaabulay meelo kale si uusan burbur usoo gaarin.

    Go’aanka dib loogu furay madxafka ayaa imaanaya xilli dowladda Suuriya ay sheegtay in xasiloonida ay dib ugu soo laabaneyso qaybo kamid ah dalka ay dagaallada burburiyeen.

    Ku dhawaad 300,000 oo waxyaabaha taarikhiga ah ayaa lagu ilaaliya madxafka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ku dhawaad 300,000 oo waxyaabaha taarikhiga ah ayaa lagu ilaaliya madxafka
    Munaasabadda dib loogu furay madxafka waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradaha dalxiiska iyo dhaqanka Suuriya

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Munaasabadda dib loogu furay madxafka waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradaha dalxiiska iyo dhaqanka Suuriya