Cabdi Maxamuud Cumar oo cafis dalbaday

Warbixintan iyo kuwo kaleba kaga bogo tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Tebin toos ah

  1. Maxamed Salaax oo ku guulaystay abaalmarinta gool qureexa Fifa

    Ciyaaryahanka dalka Masar iyo kooxda Liverpool afka hore uga dheela ee Maxamed Salaax ayaa ku guulaystay abaalmarinta Puskas oo Fifa ay siiso qofka ugu gool qurux badan ciyaartoyda kubbadda cagta.

    Xalfadda Salaax lugu gudoon siiyay abaalmarinta ayaa xalay ka dhacday magaalada London.

    Gooshii uu Salaax ka dhigay kooxda Everton ee ay ka wada dheelaan Horyaalka Ingiriiska ayay taageerayaashu u codeeyeen in uu ahaa midkii ugu wanaagsanaa.

    Gooshaas ayuu bishii Disembar ee sannadkii hore ku dhaliyay garoonka Anfield.

    Luka Modric oo reer Croatia ayaa noqday ciyaar yahanka ugu wanaagsan, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo ku moorgaysan jiray ayuuna ka faro bixiyay.

    Maxamed Salaax

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  2. Talyaaniga oo meel mariyay shuruuc adag oo soo galootiga ka dhan ah

    Dawladda Talyaaniga ayaa meelmarisay sharci sahlaya in la tarxiilo dadka soo galootiga ah iyo in dhalashada Talyaaniga lagala laaban karo.

    Dadka soo galootiga ah ayaa dalka laga eryi karaa haddii lagu helo dambiyada halista ah sida kufsiga iyo tacaddiyada.

    Arrintaas ayaa markii hore suurta galikartay oo kali ah haddii la maro nidaam dheer oo racfaanno badan laga qaadan karo.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Matteo Salvini ayaa arrintan ku tilmaamay "tallaabo horay loo qaaday, si Talyaaniga looga dhigo goob ka ammaansan sida uu hadda yahay". Si uu sharcigani u dhaqan galo wuxuu u baahan yahay taageerada xildhibaannada.

    Sharcigan cusub ayaa dhigaya in dadka magan galyo doonka ah aan codsiyo laga aqbali doonin haddii lagu eedeeyo in ay daroogo ku lug leeyihiin, sida uu sheegay Salvini.

    Talyaani

    Xigashada Sawirka, Reuters

  3. Maraykanka oo Taiwan ka iibinaya agab milatari

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa meelmarisay suurtagalnimada in Taiwan laga iibiyo alaabo lagu dayactiro diyaaraddaha dagaalka ee F-16 iyo diyaarado kale oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahay Taiwan, alabaadaas oo qiimahooda lagu qiyaasay adduun dhan 330 milyan oo doolar.

    War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda iskaashiga ammaanka u qaabilsan wasaaradda Gaashaan dhigga ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in iibkan usan wax u dhimaynin isu miisaamidda aas aasiga ah ee milatari ee gobolka.

    Balse waxaa cad in go'aankaas uu ka caraysiin doono Shiinaha oo Taiwan ay ka mid tahay dalkeeda.

    Sannadkan horraantiisiina Washington ayaa meelmarisay in tiknoolajiyadda Maraykanka laga gado Taiwan si ay ugu suuragasho in ay iyagu u samaysataan markabyada biyaha quusa.

  4. Raggii aasaasay Instagram oo shaqada ka tagay

    Kevin Systrom iyo Mike Krieger oo ah Raggii aasaasay shirkadda sawirrada la iskula wadaago ee Instagram ayaa labadooduba ka tagay shirkadda.

    Systrom oo ahaa madaxa Instagram ayaa sheegay in ay shaqada uga tagayaan si ay “ugu kanshaystaan hal abuurkooda iyo isku daygooda”.

    Instagram oo ay shirkadda Facebook ku gadatay hal bilyan doolarka Maraykanka ah oo caddaan iyo saamiyo isugu jira sannadkii 2012 ayay hadda isticmaalaan in kabadan hal bilyan oo ruux.

    Shaqo ka tagitaankooda ayaa yimid iyadoo ay jireen xiisad ay dhextaalay raggan Instagram-ka aasaasay iyo hoggaanka Facebook.

    Kevin Systrom iyo Mike Krieger

    Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

  5. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga dalaacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Talaado ah oo ay taariikhdu tahay 25 bisha Sebtembar sannadka 2018.

  6. Tebinta tooska ahayd oo saaka oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

  7. Mustafe Cumar: Tallaabo ayaan ka qaadi doonaa cid kasta oo lagu arko calanka urur aysan horey uga tirsanaan jirin

    Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar

    Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in muddo shan cisho gudahood lagu soo dhisi doono maamulada degmooyinka kaddib markii uu dib u dhac ku yimid dhamaystirka howlaha magaacibadda hoggaanka maamulka.

    Mustafe Cumar ayaa amar ku siiyay booliska inaysan u dul qaadan cid kasta oo carqaladeynayso ammaanka isla markaasna sharciga lala tiigsado dadka doonaya inay amni darrada abuuraan.

    Madaxweynaha ayaa sheegay inay iska ilaalinayaan inay xadgudub sameeyaan balse tallaabo laga qaadani doono cid kasta oo wadata calanka urur aysan horey uga tirsanaan jirin.

    Hadalka madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa imaanaya xilli maanta uu iska hor imaad aan waynayn uu ka dhacay halkaasi oo dhexmaray dhalinyaro sita calanka ONLF iyo kuwo kasoo horjeedo, waxaana ku dhaawacmay hal qof, booliska ayaa markii dambe xaaladda dejiyay.

  8. Waaberi oo caawa ku guulaystay cayaarta kama dambaysta ee tartanka

    Kooxda Waaberi ayaa caawa ku guulaystay cayaaraha tartanka degmooyinka gobolka Banaadir.

    Waxayna 1-0 kaga badiyeen kooxda Shibis.

  9. Waxaa dhamaatay qaybtii koowaad ee cayaarta

    Kooxda Waabeeri ayaa gool ka dhalisay kooxda Shibis oo ay caawa isugu soo baxeen cayaarta kama dambaysta ee tartanka degmooyinka gobolka Banaadir sannadka 2018-ka.

    Cayaaryahan Cismaan Bashiir Aadan ayaa goolka u dhaliyay Waabeeri.

    Waxaa la filaya in gordhaw laisku soo noqdo.

    Cayaaryahanka goolka dhaliyay

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Cayaaryahanka goolka u dhaliyay Waaberi
  10. Kooxda Wabeeri oo gool dhalisay

    Kooxda Wabeeri ayaa gool ku horumartay daqiiqaddii 23 aad, waxaana goolka u dhaliyay cayaaryahan Cismaan Bashiir Aadan oo u dheela Waaberi.

    Hadda cayaarta waxay mareysaa 1-0

    Goolka ay kooxda Waaberi dhaliyeen daqiiqaddii 23aad

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Qoraalka sawirka, Goolka ay kooxda Waaberi dhaliyeen daqiiqaddii 23aad
  11. Cayaarta Waaberi iyo Shibis

    Cayaarta oo maraysa daqiiqaddii 13aad ee qaybta hore

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Cayaarta oo maraysa daqiiqaddii 13aad ee qaybta hore

    Cayaarta Waaberi iyo Shibis ee kama dambaysta ah ayaa hadda toos uga socota garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

    Taageerayaal iyo dad cayaaraha jecel ayaa garoonka aad u soo buuxiyey.

    Labada kooxood waxay bilaabeen in khidadahooda ay la soo baxaan.

    Daqiiqaddii 13aad ayey maraysaa. Weli wax gool ah la iskama dhalin.

    Halkan kala soco wixii ku soo kordha.

  12. Cayaarta kama dambaysta ee Waaberi iyo Shibis oo bilaabanaysa

    Labada Kooxood oo isu diyaarinaya ciyaarta

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Labada Kooxood oo isu diyaarinaya ciyaarta

    Cayaarta kama dambaysta ah ee u dhaxaysa degmooyinka Waaberi iyo Shibis ayaa hadda ka bilaabanaysa garoonka Banaadir Stadium.

    Waaberi ayaa difaacanaysa koobka loo tartamayo, halka shibis ay tahay markii ugu horraysay ee ay 40 sano soo gaarto cayaar kama dambays ah.

    Cayaar ka horraysay, ayaa degmada Hodan waxay 6-1 ku maquunisay degmada Shangaani, ayadoo sidaasna kaalinta seddexaad ku gashay.

    Natiijada iyo hadba wixii ku soo kordha halkan kala soco.

  13. Barasaab loo xirey ‘dilka’ haweenay xaamilo ah

    Barasaab ka taliya maamulka Migori ee dalka Kenya , Okoth Obado ayaa lasoo taagay maxkamad ku taalla Nairobi isaga oo loo heysto dacwad la xiriirta haweenay uu xiriir ka dhaxeeyay oo xaamilo ah, taas oo la dilay.

    Balse barasaabka ayaa beeniyay in uu ku lug lahaa dilka lammaanihiisa.

    Xarigga Mr Obado ayaa ka dambeeyay kadib todobaadyo carro dadweyne , taas oo ka dambeysay kadib markii la heley meydka Sharon Otieno oo 26 jir ah, meel kayn ah.

    Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in gabadha la kufsaday, islamarkaasna toori lagu dhuftay 8 jeer.

    Mar sii horeysay, dacwad oogaha guud ee Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in uu bixiyay ammaro ah in lasoo xiro labo ka mid ah kaaliyeyaasha Obado.

  14. Degmada Hodan oo gashay kaalinta 3aad ee tartanka degmooyinka

    Makhribnimadii xilliga Muqdisho ayey cayaartu dhamaatay
    Qoraalka sawirka, Makhribnimadii xilliga Muqdisho ayey cayaartu dhamaatay

    Kooxda K/cagta ee degmada Hodan ayaa goor dhoweyd 6-1 kaga badisay kooxdii ay u loollamayeen kaalinta 3aad ee koobka degmooyinka gobolka Banaadir.

    Cayaarta ayaa ka dhacday Garoonka Banadir stadium.

    Kooxda degmada Hodan ayaa sannadkii hore u soo baxday cayaarta kama dambaysta ah.

    Taageerayaasha oo cayaarta daawanaya
    Qoraalka sawirka, Taageerayaasha oo cayaarta daawanaya

    Cayaarta kama dambaysta ah ayaa la filayaa in ay goor dhow ka bilaabato isla garoonka Banaadir Stadium.

    Waxaa isaga hor imaan doona kooxaha Waaberi oo koobka difaacanaysa iyo Shibis oo 40 sano markii ugu horraysay cayaar kama dambays ah u soo baxday.

    Amniga garoonka iyo agagaarkiisa ayaa aad loo adkeeyey.

    Madax dawladda ka tirsan oo uu hor kacayo ra'iisul wasaaraha ayaa la filayaa in garoonka ay yimaadaan.

  15. Ruushka oo gaantaallo casri ah siinaya Suuriya

    Mid kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka oo dul mareysa hawada waqooy galbeed dalka Suuriya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Mid kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka oo dul mareysa hawada waqooy galbeed dalka Suuriya

    Ruushka ayaa gantaallada dagaalka oo cusub siinaya dalka Suuriya sii loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah mucaaradka toddobaadyo uun kaddib markii ciidammada Suuriya ay soo rideen diyaarad militari uu Ruushka leeyahay.

    Wasiirka difaaca dalka Ruushka Sergei Shoigu ayaa sheegay in gantaallada la yiraahdo S-300 ay siinayaan xukuumadda Suuriya muddo labo toddobaad gudahood.

    Wasiirka wuxuu sheegay in hubkan la siina rabay Suuriya sannadkii 2013-kii balse la hakiyay kaddib codsi ka yimid Israa’iil.

    Gantaalladan ayaa ciidammada ka caawin doona inay bartilmeedsadaan goobaha gaarka ah ay howlgallada ka fulinayaan, wuxuu sidoo kale ogaan karaan diyaaradaha Ruushka ee ku sugan hawada Suuriya.

    Ruushka ayaa saldhiga militari ku leh dalka Suuriya halkaaso ay ka wadaan howlagallo ay ku taageerayaan ciidammada xukuumadda Bishar Al Asad oo howlgal ka wado goobaha ay ku xoogan yihiin mucaaradka.

  16. Dadweynaha reer Liberia oo ka dibadbaxay lacag malaayin ah oo la waayay

    Dadweynaha waxay dibadbaxyo ka dhigayeen agagaarka safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Liberia

    Xigashada Sawirka, Jonathan Paye Layleh/BBC

    Qoraalka sawirka, Dadweynaha waxay dibadbaxyo ka dhigayeen agagaarka safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Liberia

    Boqolaal ka tirsan shacabka dalka Liberia ayaa dibadbaxyo maanta ka dhigay magaalada caasimmada ah ee Monrovia, waxaya ka careysan yihiin lacagta caddaanka ah ee la waayay oo gaaraysay100 milyan oo doolar.

    Lacagtan oo ahayd mid cusub oo dibadda lagu soo daabacay ayaa la garan waayay halka ay ka baxday markii ay kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee dalkaasi.

    Dibadbaxyaasha ayaa ku qaylinayay "Lacagteena hala soo celiyo"

    Xigashada Sawirka, Jonathan Paye Layleh/BBC

    Qoraalka sawirka, Dibadbaxyaasha ayaa ku qaylinayay "Lacagteena hala soo celiyo"

    Lacagtan ayaa ku socotay bangiga dhexe ee dalka Liberia si dalkaasi looga isticmaalo.

    Dowladda Liberia ayaa 15 qof uu u kamid yahay wiilka haweenaydii madaxweynaha ka ahayd dalkaasi Ellen Johnson Sirleaf ka mamnuucday inay u safraan dalalka dibadda ilaa baaritannada socda la dhamaystirayo.

    Dowladda Liberia ayaa ka codsatay ha’yadda lacagta adduunka ee IMF iyo waaxda sirddoonka Mareykanka FBI inay ka caawiyaan baaritannada lagu baadigoobao lacagta maqan.

  17. Bosaaso: Weerar lagu qaaday ciidammo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Puntland

    .

    Xigashada Sawirka, PUNTLAND GOVERNMENT

    Weerar ayaa maanta lala beegsaday ciidammo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Puntland oo ku sugnaa magaalada Bosaaso. Waxaana ku dhintay hal askari halka 2 qof ay ku dhaawacmeen.

    Askartan aya la sheegay in bartmaha magaalada ay ka gadanayeen aalab ay leeyihiin gaadidka madaxtooyada.

    Dadka dhaawaca ah ayaa hadda lagu dawaynaya isbitaalka guud ee magaalada Bosaaso.

    Madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku sugan magaalada Bosaaso, ciidammo badan ayaa ku sugan halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay waday baaritanno lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada.

    Magaalada Bosaaso waxaa horraan ka dhacay dilal kala duwan oo lagu dilay dad rayid ah.

    Maamulka Puntland weli kama aysan hadlin weerarka balse saraakiisha madaxtooyada ayaa BBC-da uu sheegay inay jiraan dad looga shakisan yahay weerarka oo ay soo qabteen.

  18. Eedaymo horleh oo loo soo jeediyay nin uu Trump magacaabay

    Kavanaugh

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Waxaa soo baxday haweenay labaad oo eedaymo tacaddiyo galmo la xiriira u soo jeedisay Brett Kavanaugh oo madaxweyne Donald Trump uu u magacaabay maxkamadda ugu sarraysa dalka Maraykanka.

    Deborah Ramirez oo xaakimkan magacaaban ay isku fasal ahaayeen markii ay dhiganayeen jaamacadda Yale ayaa eedaynta ay soo jeedisay ku faahfaahisay jariidadda New Yorker.

    Kavanaugh ayay ku eedaysay in uu xubinta tarankiisa taabsiiyay wajigana kaga xoqay iyaga oo ka wada qayb galay xalfad lagu qabtay qol ay ardaydu daganaayeen, arrintaasina ay dhacday iyadoo uusan wax ogolaansho ah ka helin.

    Xaakimkan ayaa diiday eedaymahaas, wuxuuna ku tilmaamay isku day sumcaddiisa lagu dilayo.

    Christine Blasey Ford

    Xigashada Sawirka, UNKNOWN

    Barafasoor Christine Blasey Ford ayaa toddobaadkii hore sheegtay in Kavanaugh uu tacaddi galmo u gaystay 1982, waxayna ogolaatay in ay Khamiista hor tagto guddiga caddaaladda ee aqalka Senate Maraykanka si ay uga horcaddayso eedaymaha ay soo jeedisay.

    Dianne Feinstein oo jamhuuriga ka tirsan guddigaasna xubin ka ah ayaa ku baaqday “in si degdeg ah dib loogu dhigo tallaabo kaste oo horay loogu sii qaadayo” magacaabidda Kavanaugh, waraaq ay arrintaas uga hadlayso ayayna u dirtay gudoomiyaha guddiga oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsan.

  19. Hay'addo Talyaaniga ku dhaliilay arrin muhaajiriin la xiriirta

    Markab samatobixinta ka shaqaynayay oo ka hawlgalayay badda Mediterranean-ka ayaa diiwaan galintii lagala laabtay, arrintaas oo carqaladaynaysa hawlihii samato bixinta ee uu mustaqbalka fulin lahaa.

    Marka markabkaasi uu xirto waa in uu dhigaa taarikadiisa ama diiwaangalintiisa dalka Panama, mana safri karo isagoon mid cusub helin.

    Waa markabkii u dambeeyay ee gaar loo leeyahay ee ka hawlgalayay aaga Liibiya looga tallaabo Yurub.

    Hay'addii maamulaysay markabka ayaa dawladda Talyaaniga ku eedaysay in ay caddaadis saartay Panama si ay diiwaangalinta ugala noqoto.

    Labadan kooxood oo heshiis kula jira hay'adaha Médecins Sans Frontières iyo SOS Mediterranée ayaa sheegay in go'aanka diiwaanka lagala noqonayo ay ka heleen Wasaaradda Arrimaha Badda ee Panama Sabtidii.

    Karline Kleijer oo madax ka ah xaaladaha degdegga ah ayaa hogaamiyeyaasha Yurub ku eedaysay in ay adeegsanayaan xeelado guracan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Karline Kleijer oo madax ka ah xaaladaha degdegga ah ayaa hogaamiyeyaasha Yurub ku eedaysay in ay adeegsanayaan xeelado guracan
  20. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Isniin ah oo ay taariikhdu tahay 24 bisha Sebtembar 2018.