Cabdi Maxamuud Cumar oo cafis dalbaday

Warbixintan iyo kuwo kaleba kaga bogo tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Tebin toos ah

  1. Dhaleecayn loo jeediyay $450,000 ee dalka Benin ku xiray murashaxiinta

    Madaxweynihii hore ee Benin ayaa si wayn u dhaliilay sharci cusub oo murashaxiinta madaxweynaha ku xiraya in ay bixiyaan lacag u dhiganta $450,000.

    Nicephore Soglo oo madaxweyne ahaa 1990-yadii ayaa sharcigan dhawaan la meelmariyay ku tilmaamay mid arxan darro ah oo qaab daran.

    Wuxuu sheegay in xukuumadda madaxweyne Talon ay meesha ka saarayso dhallinyarada iyo dadka aan dhaqaalaha haysanin.

    Haddii maxkamadda dastuurku ay xaqiijiso sharcigan xisbiyadu waxay lacag $450,000 u dhiganta ka bixin doonaan murashaxiinta xildhibaannada u tartamaya.

    Doorashada xigta ayaa ku beegan sannadka 2020.

    Nicephore Soglo ayaa madaxweyne ahaa intii u dhaxaysay 1991 illaa 1996

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Nicephore Soglo ayaa madaxweyne ahaa intii u dhaxaysay 1991 illaa 1996
  2. Iskuul Rwanda ku yaalla oo wiilasha bara siday dumarka u garab istaagi lahaayeen

    Iskuul ku yaalla tuulo ka agdhaw magaalda caasimadda u ah Rwanda ee Kigali ayaa koox wiilal ah baraya sida loo istaajiyo rabshadaha jinsiga ku salaysan iyo isu dheeli tir la’aanta ragga iyo dumarka marka ay timaaddo difaacidda dumarka.

    Iyada oo gabdhuhu baranayaan maalgashiga iyo sida loo gaaro madax bannaani maaliyadeed, wiilasha ayaa fasalka ku xiga ku baranaya sida looga war bixiyo tacaddiyada iyo sida loo ixtiraamo gabdhaha iyo nolosha dumarka.

    Waxbarashada noocan ah ayaa billaabata marka ay soo idlaadaan duruusta rasmiga ah ee iskuullku bixiyo.

    Maalin kaste oo wax barashada iskuulku jirto gabdhaha iyo wiilasha ayaa lakala qaybiyaa waxaana la baraa habab kala duwan oo sare loogu qaadi karo nolosha dumarka Rwanda.

    “Haddii aan aragno dhib noocaas ah oo dhacaya, waan sheegnaa, waxaana xaqiijinnaa in dacwad lagu soo oogo dadkii “rabshadda gaystay” ayuu yiri Rini Mutijima oo 18 jir ah oo BBC-da la hadlay isaga oo iskuulka ku sugan.

    Rwanda

    Xigashada Sawirka, Care

  3. Madaxweynaha Turkiga oo taageero u muujiyay Mesut Ozil

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa difaacay Mesut Ozil oo ah ciyaartoy Jarmal ah balse asal ahaan ka soo jeeda Turkiga kaas ee dhaleecayn kala kulmay in uu sawir la galay hoggaamiyaha Turkiga.

    Ozil oo 29 jir ah ayaa ciyaaraha qaranka ee kubbadda cagta ka fariisatay bishii Luulyo, isaga oo ku sababeeyay "in la midab takooray ixtiraam darrana looga muujiyay" dalka Jarmalka sawirrada uu galay awgeed.

    Balse madaxweyne Erdogan ayaa yiri "Ma marjinaa ciyaartooygii Jarmal ah ee dalkeena ka ciyaara marka uu sawir la galo Hogaamiye Angela Merkel?"

    Erdogan ayaa toddobaadkan booqan doona Jarmalka si uu isugu dayo in uu hagaajiyo calaaqaadka labada dal ee sii xumaanaya.

    Erdogan ayaa masuuliyiinta Jarmalka barbar dhigay Nazi-gii bishii Maarso ee sannadkii 2017, hadalkaas gafka ah ayaana ka dambeeyay markii masuuliyiinta Jarmalku aybaajiyeen isu soo baxyo loo qaban lahaa dadka asal ahaan Turkida ah ee dhalashada Jarmalka haysta ka hor aftidii uu ku guulaystay.

    Baarliin (Berlin) ayaa sidoo kale Erdogan ku eedaysay hawlgallada ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda ka dib afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sannadkii 2016kii.

    Ozil iyo Erdogan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  4. Beeralay Kenyan ah oo abaal marin ka helay shirkadda Facebook

    Qof beeralay ah oo dalka Kenya u dhashay ayaa ka mid noqday 5 ruux oo dunida oo dhan ka kala socda oo Facebook ka heli doona min hal milyan oo doolar.

    Abaalmarintan ayaa qayb ka ah barnaamij ay Facebook ku taageerto bulshada.

    Noah Nasiali oo ah beeraley Kenyan ah ayaa sameeyay bar Facebook-ga ah oo lagu magacaabo 'Africa Farmers Club', waana Afrikaanka keliya ee ka mid noqday dadka ku guulaystay abaalmarinta milyanka dollar ah ee ay bixisay shirkadda Facebook.

    Barta uu Facebook ka sameeyay ayaa ka caawisa beeraleyda qaaradda Afrika sidii ay u heli lahaayeen xog ku saabsan beeraha taasoo saameyn wanaagsan ku yeelatay, sare-na u qaaday wax soo saarkooda iyo faa'iidadooda.

    Shan qof oo kale oo Kenya u dhashay ayaa ka mid ahaa 14 Afrikaan ah oo midkiiba uu abaalmarin u helay 50 kun oo dollar.

    Dadkaasi ayaa sameeyay bogag Facebook ah oo lagu xalliyo arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin ayuuto, iyo wacyigelinta haweenka dilanka soo mara.

    Shirkadda Facebook ayaa dadkaasi guulaystay bisha Oktoobar isugu geyn doonta gobolka California ee dalka Maraykanka, halkaasi oo lagu siin doono tababar ay ku wanaajin karaan howsha ay u hayaan bulshada.

    Telefoonnada internet-ka leh ayaa saameyn ballaaran oo dhanka wanaagsan ah ku yeeshay bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka inta badan dalalka qaaradda Afrika.

    Noah Nasiali

    Xigashada Sawirka, .

  5. Ciidammada ilaalada xeebaha Morocco oo xabado ku furay dooni ay saarnaayeen muhaajiriin

    Ciidammada ilaalada xeebaha dalka Morocco ayaa rasaas ku furay dooni ay saarnaayeen muhaajiriin xilli ay marayeen xeebaha dalkaasi.

    Rasaasta ay cidammada fureen waxaa ku dhintay haweeney 22 jir ah oo dalkaasi u dhalatay halka saddex qof ay ku dhaawacmeen.

    Mas’uuliyiinta dalka Morocco waxay sheegeen ninkii waday doonta oo kasoo jeeda Spain iwuxuu diiday inuu joojiyo doonta isla markaasna muhaajiriinta ay doonta isku qarinayeen taaso horseeday in ciidammada ilaalada xeebaha ay ku adkaatay inay arkaan doonta.

    Hay’adda caalamiga ee socdaalka adduunka ayaa sheegtay in ka badan 38,000 muhaajiriin ah ay gaareen dalka Spain iyagoo marayo dhulka saxaraha iyo badda sannadkiiba labo jeer.

  6. Muslimiin u abaal guday kiristaan dalka Itoobiya

    Muslimiinta Goondhar oo nadiifinaya goobta

    Xigashada Sawirka, Addis Standard

    Qoraalka sawirka, Muslimiinta Goondhar oo nadiifinaya goobta

    Dadweynaha muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Goondhar ee dalka Itoobiya ayaa nadiifiyay goob dadka kristaanka ah ee ku nool halkaasi ay maanta kusoo bandhigayaan munaasabadda loo yaqaano ‘Dab shidka’ ee sida wayn halkaasi looga xuso.

    Waxayna u tahay sida maalin ciid ah oo ay dabaldegayaan dadweynaha Kristaanka ee Goondhar.

    Ciiddii Arafa ayay Kristaanka ku nool magaalada Goondhar ay u nadiifiyeen fagaaraha ugu wayn ee shacabka muslimiinta salaadaha ciidda ku tukadaan.

    Muslimiinta Goondhar waxay sheegeen in sababta ay tallaabadan u qaadeen ay tahay inay uga mahad naqayaan abaalka ay kiristaanka u galeen horraan.

    Muslimiinta Goondhar ayaa markii la gubay kaniisadihii ku yaalla Jigjiga lacago ugu deeqay dadka Kristaanka ah.

    Magaalada Goondhar waxaa ku nool musliimin badan, waxaana ku yaalla masaajidyo.

    Goondhar waxay ku taalla gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

  7. Ururrada bulshada rayidka oo baaq u jeediyay dowladda Soomaaliya, Ibraahim Maxamed Aadan, BBC Muqdisho

    Shirka ururrada bulshada iyo dowladda
    Qoraalka sawirka, Shirka ururrada bulshada iyo dowladda

    Ururrada Bulshada rayidka ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay’adaha Dawladda Federaalka inay xoojiyaan hirgalinta sharciga iibka iyo qanddaraasyada qaranka ee la ansixiyay 2015 kii si loo horumariyo hannaanka isla xisaabtanka loogana hortago xatooyada hantida dadweynaha.

    Shir hal maalin ah oo ay ka qaybgaleen xubno ka socday dawladda iyo ururrada bulshada rayidka ayaa lagu falanqeeyay sida ugu haboon ee dawladda looga caawin karo sidii si buuxda loogu dhaqangalin lahaa sharciga iibka Qaranka.

    Shirka intii uu socday waxa kaloo lagu lafaguray heerka uu musuq maasuqa gaarsiisanyahay iyo sida hay’adaha dawladda looga nadiifin karo iyadoo loo marayo sharcigan.

    Wasaaradda maaliyadda ayaa horey u joojisay dhawr heshiis oo hay’ado dawladda ka tirsan ay la galeen hay’ado kale sababo la xiriira inaan sharciga iibka qaranka la marin.

  8. Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Qaramada Midoobey

    Wasiirka arrimmaha dibadda ee xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka qaybgalay shirka sannadlaha ah ee golaha guud ee Qaramada Midooobay ee ka socda dalka Mareykanka.

    Wuxuu dalka Soomaaliya usoo saxiixay heshiisyo dhowr ah intii uu joogay shirkaasi.

    BBC-da ayuu uga warramay waxyaabaha ay ku saabsan yihiin heshiisyadaasi.

    Qoraalka Codka, Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
  9. Malqabeen Ruushka u dhashay oo loo diiday deganaashaha Switzerland

    Roman Abramovich

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Roman Abramovich

    Bilyooneerka Ruushka u dhashay ee Roman Abramovich ayaa loo diiday deganaashaha dalka Switzerland ka dib markii ay booliska federaalka ee dalkaasi uga shakiyeen inuu khatar ku yahay ammaanka wadankaaso.

    Booliska ayaa diidday codsiga Abramovich maadaama ay uga shakiyeen inuu ku lug leeyahay lacagaha sida sharci darrada ah lagu kala wareejiyo iyo inuu xiriir la leeyahay ururo burcad ah.

    Roman Abramovich waa milkiilaha kooxda Chelsea, waxaana uu rabay inuu deganaanshiyo ka helo dalkaasi Switzerland.

    Balse wargeys dalkaasi ka soo baxa ayaa booliska ka soo xigtay inuu jiro tuhun ah in ninkaasi uu ku lug leeyahay falalka sharciga khilaafsan, sidaa awgeedna ay ku diiddeen codsigiisa.

    Abramovich waa uu beeniyay inuu wax khalad ah galay ama uu xiriir la leeyahay kooxo burcad ah.

    Ka dib wuxuu isku dayay inuu wargeyska Tamedia ka horjoogsado daabicidda warkaasi, balse maxkamad ayaa go'aamisay in warkaasi la faafin karo.

    Wargeyska ayaa warbixintiisa ku daray in booliska ay Abramovich u arkeen inuu khatar ku yahay ammaanka iyo sumcadda Switzerland.

    Dhawaan ayuu muran ka taagnaa dal ku galkiisa Britain , horraantii sanadkan ayaa Roman Abramovich wuxuu la laabtay codsigiisii ahaa in loo cusbooneysiiyo dal ku galka Britain, waxaana uu Fiiso la'aantaasi ku seegay fiinaalkii koobka FA-ga ee ay Chelsea ka qaaday Manchester United.

    Ka dib wuxuu codsaday dhalashada Israa'iil, maadaama uu yahay nin asal ahaan Yuhuud ah, isla markaana aanay dal ku gal looga baahneyn dadka baasaboorka Israa'iil haysta ee galaya Britain.

    Ninkan oo u dhashay Ruushka ayaa ka mid ah maalqabeennada ugu magaca dheer dalkaasi.

  10. Mareykanka oo digniin u jeediyay Iiraan

    John Bolton

    Xigashada Sawirka, AFP/GETTY

    Qoraalka sawirka, John Bolton la taliyaha ammaanka Mareykanka

    La taliyaha arrimaha ammaanka ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, John Bolton ayaa jeediyay hadal adag oo uu ku weerarayo Iiraan, shir uu ku qabtay magaalada New York ayuu Boltonku tilmaamay Iiraan inay tahay rajiimka dilaagaah ee Mullaayaasha Iiraan,

    John Bolton wuxuu sheegay in Iiraan ay wajahi doonto cawaaqib xumo waa haddii ay sii waddo beenta, qayaanada iyo dhagarta, waa sida uuhadalka u dhigay.

    wuxuu sheegay in Iiraan ay ka shaley doonto haddii ay sii waddo tallaabo kasta oo ay ku waxyeelenayso Mareykanka, muwaadiniintiisa iyo xulafadiisa.

    Hadalka Bolton ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku eedeeyay Iiraan inay gobolka ka abuurayso qalalaase.

    “ Iiraan waxay gobolka ka abuurtay qalalaase, dhimasho iyo burbur” ayuu yiri Trump.

    Mareykanka ayaa dhawaan Iiraan kuso roggay cunaqabatayn kaddib markii uu ka baxay sannadkii 2015-kii heshiiskii nukliyerka.

    Madaxweyne Trump ayaa rumaysan in cunaqabataynta cusub ay Iiraan ku khasbi doonto inay la gasho wadaxaajood hor leh.

  11. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga dalaacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Arbaco ah oo ay taariikhdu tahay 26 bisha Sebtembar sannadka 2018.

  12. Tebinta tooska ahayd oo saaka oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

  13. Sucuudiga oo daah furay tareen casri ah oo ka howlagli Maka iyo Madiina

    Tareenka ayaa ka shaqayn doonaa Maka, Jiddah iyo Madiina

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Tareenka ayaa ka shaqayn doonaa Maka, Jiddah iyo Madiina

    Boqorka Sucuudiga ayaa maanta xariga ka jaray tareen dheereeyo oo casri ah oo ka howlgali doono labada magaalo ee bareykan ee Maka iyo Madiina.

    Dhisitaanka khadka tareenka waxaa ku kacay 6.7 bilyan oo doolar.

    Khadkan tareenka ayaa sacaaddiiba jari doonaa 300 kilomitar.

    Saraakiisha Sucuudiga ayaa sheegay in tareenka uu qaadii doono sannadkiiba 60 miliyan oo rakaab ah isla markaasna uu fududayn doono saxmadda ay la kulmaan xujayda min Maka ilaa Madiina.

    Waxaana la filaya inuu si rasmi ah u howlgalo Isniinta nagu soo aadan.

    Wasiirka gaadiidka dalka Sucuudiga Nabil Al-Camuud ayaa sheegay in sacaado yar loo qaadan doono waddada isku xirta Maka iyo Madina.

    Wuxuuna sheegay in xukuumadda ay ka go’antahay u adeegidda shacabka muslimiinta.

    Halkii tareen wuxuu qaadi doonaa 417 rakaab ah

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Halkii tareen wuxuu qaadi doonaa 417 rakaab ah
  14. Diblumaasi Amerikaan ah oo maydkiisa laga helay Madagascar

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxay sheegtay inay socdaan baaritanno lagu ogaanayo sababta ka dambaysay dhimashada diblumaasi sare oo Amerikaan oo maydkiisa laga helay dalka Madagascar.

    Sarkaalkan dhintay oo aananmagaciisa la sheegin ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla dalkaasi.

    Bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay inay Mareykanka iyo Madagascar ay iska kaashanayaan baaritannada isla markaasna gacanta lagu hayo qof looga shakisan yahay dhacdadaasi.

    Afahayeen u hadlay booliska Madagascar ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in la qabtay nin isku dayay inuu ka boodo deerka guriga diblumaasiga.

    Madagascar oo ah jasiirad ku taalla koonfur bari qaaradda Afrika waxaa ka dhacay amni darro ay dhaliyeen qalalaase siyaasadeed, dalkan ayaa kamid ah dalalka ugu saboolsan qaaradda.

  15. Kiisaska cudurka Ebola oo laga soo sheegay xadka Uganda

    Ha’yadda arrimaha gargaarka ee Save the Children ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay kiisaska cudurka Ebola ee laga soo sheegayxadka dalka Uganda.

    Labo qof ayuu soo ritay cudurka Ebola oo ku nool xadka u dhexeeya Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

    Deegaankan ayaa 200 kilomitar u jiraa bariga Jamhuuriyadda Dimuraadiga ee Congo oo faro ba’an uu ku hayo cudurka Ebola.

    Ha’yadda waxay sheegtay in xarumo caafimaad ay ka hergelinayso Uganda iyo goobo tabbabar lagu siiyo shaqaalaha caafimaadka.

    Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxay sheegtay in Uganda ay wajahayso halista Ebola.

  16. Xaaladda Jigjiga oo maanta degan

    Waxaa maanta degan xaaladda magaalada Jigjiga kaddib iska hor imaadyo shalay halkaasi uu ku dhexmaray dhalinyaro taageersan ONLF iyo kuwa kasoo horjeedo.

    Maamulka Deegaanka Soomaalida ayaa ku eedeeyay dad taabacsan nidaamkii hore inay ka dambeeyeen rabshadaha shalay ka dhacay Jigjiga oo uu ku dhawaacmay ugu yaraan hal qof.

    Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa booliska ammar ku siiyay inay tallaabo ka qaadaan cid kasto oo amniga carqaladeeynayso.

    Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam oo inooga soo warrama Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ka warramaya sida ay tahay maanta xaaladda guud ee Jigjiga.

  17. Dareen ka dhashay muuqaalka tacaddiyada Cameroon oo ay BBC-da xaqiijisay

    Muuqaalka naxddinta leh ayaa bishii July ku baahay baraha bulshada
    Qoraalka sawirka, Muuqaalka naxddinta leh ayaa bishii July ku baahay baraha bulshada

    Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa si wayn uga hadlay muuqaalka ay BBC-da qaybta dabagalka ay xaqiijisay oo muujinayay askar Cameroon u dhalatay oo dilayo 2 haween ah iyo 2 carruur ah.

    Dadka qaar ayaa soo dhaweeyay shaqada ay BBC-da qabatay.

    Ugu yaraan 1.4 milyan qof ayaa daawaday muuqaalka BBC-da ee Africa Eye kaaso lagu xaqijiyay muuqaalka tacaddiyada ee Cameroon, goobta iyo xilliga dilka uu dhacay iyo gaar ahaan dadkii ka dambeeyay.

    Siyaasiyiin, wareyiyaal iyo shakhsiyaad magac ku leh warbaahinta ayaa kamid ahaa 42,000 qof oo sii faafisay muuqaalka BBC-da ay gelisay Twitter-keeda.

    Dowladda Cameroon ayaa horraan beenisay tacadiyadda ka dhanka ah isla markaasna waxay ku tilmaantay ‘warar been abuur ah’.

    Cameroon waxay xabsiga dhigtay 7 kamid ah ciidammada dalkaasi oo lala xiriirinayo dilka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  18. Amnesty oo dhaleeceysay dhacdo dad badan lagu xiray Itoobiya

    Tageerayaasha ururka Oramada ee OLF oo dabbaaldegyo ka dhigay Addis Ababa oo ay kusoo dhawaynayeen hoggaamiyahooda oo muddo dalka ka maqnaa

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Tageerayaasha ururka Oramada ee OLF oo dabbaaldegyo ka dhigayay Addis Ababa oo ay kusoo dhawaynayeen hoggaamiyahooda oo muddo dalka ka maqnaa

    Ha’yadda caalamiga ah ee Amnesty ayaa cambaareysay howlgal kumannaan qof lagu xiray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

    Amnesty waxay sheegtay in xiritaanka dadka shacabka ah ay halis ku tahay horumarada haatan laga gaaray ilaalinta xuquuqqul insaanka dalkaasi oo uu garwadenka ka yahay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

    Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen in booliska ay xabsiga dhigeen dad badan kaddib marki dhawaan Addis Ababa ay ka dhaceen rabshado u dhexeeyay qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada, tiro dad ah ayaa ku dhintay qalalaasaha ka dhacay degmada Buraya.

    Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xigatay illo wareedyo ayaa ku warrantay in 65 qof ay ku dhintay rabshadiihii dhawaan ka dhacay deeganno ku yaalla magaalada Addis Ababa.

    Warbaahinta Fana ayaa ku warrantay in 3,200 qof la xiray.

    Madaxa booliska ee Addis Ababa, Degfie Bedi ayaa sheegay in dad gaarayo 1,200 qof oo lala xiriirinayo rabshadaha la xiray isl markaasna 107 qof dacwad laga gudbiyay.

    Warbaahinta Fana ayaa sidoo kale sheegtay in 2,000 qof oo kale laga qabtay goobo lagu caweeyo oo ay kamid yihiin meelo lagu cabbo shiishadda iyo goobo lagu cuno jaadka.

  19. Nin 74 jir ah oo isaga oo nool laga helay guri gubtay 5 maalmood ka hor

    Nin 74 jir ah ayaa isaga nool oo xaaladdiisu wanaagsan tahay la helay shan maalmood ka dib markuu gubtay dhismihii lagu xannaanaynayay oo Washington DC ku yaalla.

    Shaqaalaha ayaa ninkan ka helay guriga Subaxnimadii Isniinta, halkaas oo la rumaysan yahay in uu ku xayirnaa tan iyo Arbacadii.

    In kabadan 100 ruux oo da’ ah ayaa la soo daad gureeyay, waxaana loo qaatay in la soo badbaadiyay qof kaste oo dhismahaas ku noolaa, sida ay sheegtay Muriel Bowser oo ah duqa magaalada.

    Waxay sheegtay in ninka loo sii qaaday isbitaalka isaga oo laga soo dawaynayo dhaawacyo aan naftiisa halis galinaynin.

    Shaqaale tijaabinayay tayada dhismaha oo qayb ka mid ah ay duntay ayaa maqlay nin qaylyaya.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Allyn Kilsheimer oo ah injineer ayaa saxafiyiinta u sheegay in duqa la soo badbaadiyay uu ahaa “nin kaftan badan” wuxuu sheegay in markii ay codkiisa maqleen ay ku dhaheen “waan kuu soo soconaa” isaguna uu ugu jawaabay meelna uma socdo.”

    Ka dibna waxay xoog ku fureen albaabkii guriga, waxayna u tageen isaga oo ku fadhiya kursigiisa.

    Duqa magaalada waxay sheegtay “in shaqaaluhu ay kursi ku fariisiyeen ka dibna iyaga oo wada sidaa kaga soo saareen dhismaha”

    Saraakiisha dabka ayaa toddobaadkii hore sheegay in dab uu qabsaday dhismaha Arthur Capper Senior Housing Center.

    Toban ruux ayaa ku dhaawacmay waxaana la arki karay qiiq samada isku shareeray.

    Dadkii dhismaha degenaa waxay sheegeen in aysan maqlin dhawaaqa digniin taha ee yeera marka dab kaco, taas badalkeedase waxaa war galiyay ciidammada badda ee dalka Maraykanka iyo dad daris la ahaa oo albaabada ku garaacay.

    Arthur Capper Senior Housing Center.

    Xigashada Sawirka, THE WASHINGTON POST/GETTY

  20. Dakhtar Suudaanta Koonfureed u dhashay oo abaal marin ka helay Qamaramada Midoobay

    Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa dhakhtar Evan Atar oo qalliinka ku takhasusay una dhashay Koonfurta Suudaan gudoon gudoonsiisay abaalmarinta.

    Abaalmarintan ayaa la siiyaa shaqsiyaadka ay hay’addu sheegto in ay sameeyaan wax ka baxsan hawshii loo idmaday isaga oo caawinaya dadka qaxootiga ah ee istikhiyaar la’aanta uga firxada guryahooda.

    Dr Atar ayaa ka hawlgala isbitaalka kali ah ee adeeg bixiya ee ku yaalla gobolka Bunj ee dhaca waqooyiga bari ee Suudaanta Koonfureed.

    Xaruntaas caafimaad ayaa adeeg siisa 250,000 oo ruux.

    Waxaa la siin doonaa $150,000 si uu u dhamaystiro mashruuca uu hadda wado.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan