Tebintii tooska ahayd ee doorashada madaxweynaha

Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay madaxweyne ka dib markii xassan Sheekh uu qirtay guul darro markii uu dhammaaday wareegii labaad ee codbixinta. Haddba waa kuma Farmaajo?.

Tebin toos ah

  1. Musharrixiinta u gudbay wareega labaad

    Waxaa wareega  labaad u gudbay sida uu shaaciyay  guddoomiyaha  baarlamaanka

    • Xasan Sheekh maxamuud 
    • Maxamed Cabdullahi Farmaajo 
    •  Sheekh Shariif Sheekh Axmed 
    • Cumar Cabdiriashiid Sharmarke 
    BBC
  2. Tirinta codadka ayaa socota

    Waxaa socota tirinta codadkii lagu dhiibtay wareega koobaad. Haddii la waayo murashax hela 2/3 codadka oo ah 219 cod, waxaa loo gudbayaa wareegga labaad, waxaana u gudbaya afarta murashax ee ugu codka badan.  

    BBc
  3. Wareegii koobaad ee codaynta oo dhamaaday

    Waxaa la soo gabogabeeyay wareegii koobaad ee codaynta, waxaana billaaban doonta tirinta codadkii la dhiibtay.

    codayn
  4. Musharixiinta oo sugaya natiijada wareega koobaad

    21 musharrixiin ayaa soo hartay ka dib markii seddax musharrax ay tanaasuleen.

    Qaar ka mid ah msuahrrixiinta oo fadhiyo safka hore
    Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah msuahrrixiinta oo fadhiyo safka hore
    BBC

    Xigashada Sawirka, BBc

  5. Halkan ayaad si toos ah uga dawan kartaa codeynta xildhibaanada

    Halkan ayaad si toos ah uga daawan kartaa wareega koobaad codeynta xildhibaanada oo wali socota

    Ka bood YouTube boggan
    Oggolow Google YouTube macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay Google YouTube. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Google YouTube xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan YouTube Waxaa laga yaabaa inay ku jirta xayasiis

    Dhammaadka YouTube boggan

  6. Talow ma lagu kala bixi doonaa wareega koobaad?

    Weriyaha BBC-da Faaarax lamaane oo ku sugan goobta codeynta wuxuu leehay haddii la waayo murashax hela 2/3 codadka oo ah 219 cod, waxaa loo gudbayaa wareegga labaad, waxaana u gudbaya afarta murashax ee ugu codka badan.

    UNSOM

    Xigashada Sawirka, UNSOM

  7. Codeynta wareega koobaad ayaa socota

    Weli codbixinta wareegga 1aad ayaa socota.  328 xildhibaan oo labada gole ka tirsan ayaa hoolka ku sugan oo codaynaya.

    BBC
    BBC
  8. , Jawaari oo noqday qofkii u horeeyay ee codeeya

    Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa noqday qofkii u horeeyay ee codka dhiibtay

    Jawaari
  9. Codaynta oo billaabanaysa

    Gudoomiyaha gudiga doorashada Cabdiraxmaan Bayle ayaa sheegay in ay billaabayaan codaynta

    Bayle
  10. 328 xildhibaan ayaa xaadir ku ah hoolka codeynta

    Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay  in 328 xildhibaan ay joogana hoolka oo uu hal xidhibaan oo xanuusan uu maqan yahay.

    BBc
    Qoraalka sawirka, 328 xildhibaan ayaa xaadir ku ah hoolka codeynta
    BBc
  11. , Faroole oo xildhibaanada ka hor cadeeyay in uu tartanka ka haray

    Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo xildhibaanada la hadlay ayaa caddeeyay in uu ka haray doorashada madaxtinimada.

    Faroole
  12. 21 musharax oo isu soo haray

    21 Murashax ayaa isugu soo haray loolanka doorashada madaxtinimada ka dib markii ay tanaasuleen saddex ka mid ah murashaxiinta, sida uu sheegay Afhayeenka baarlamaaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

    Jawaari
  13. Magaca Ilaahay lacag ha ku gadaninina

    Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay'adda Culumada Soomaaliyeed ayaa kalmad wacdi ah u jeedinaya xildhibaanada. Wuxuu ugu baaqay inay dalka u dooreen hoggaan fiican. Wuxuu xasuusiyay xildhibaanada dhaartii ay u dhaarteen inay umadda u shaqeyn doonaan, wuxuna ugu baaqay in dhaartii ay magaca eeba ku dhaarteen aysan ku gadanin lacag.

    Sheekh Bashiir
  14. Ololaha doorashada waxaa hareeyay eedaymo Musuqmaasuq

    Intii lagu guda jiray ololaha musharixiinta waxaa soo baxayay warar sheegayay in codadka la kala iibsanayay. Halkan ka daawo warbixin uu Faarax lamaane ka diyaariyay doorashadan.

    Qoraalka Muuqaalka, Daawo:Ololaha doorashada waxaa hareeyay eedaymo Musuqmaasuq
  15. Waddooyinka Muqdisho ayaa xiran

    Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaqan galay go'aan lagu joojiyay socodka gaadiidka ee wadooyinka waawayn, iyadoo ay maanta dhacayso doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya  

    BBc
    Qoraalka sawirka, Weriyaha BBCda ee magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan wuxuu ku soo waramayaa in hadalhayntu u badan aysan ahayn gaadiidka istaagay ee ay tahay cidda masiirka umadda qaban doonta
  16. Kurastii way buuxsameen

    Hoolka ayaa iminka buuxsamay, kuraasta fadhiga loogu tala galayna way buuxaan, welina dad ayaa soo galaya kuwaasoo inay istaagaan mooyee aan fadhi haysan. 

    BBC
  17. Lamaane oo ku sugan hoolka doorashada

    Weriayayaal ka tirsan BBC-da oo uu ku jira Faarax Lamaane ayaa ku sugan hoolka ay ka dhaceysa doorasahada.

  18. 8 xildhibaan ayaan wali imaanin

    321 xildhibaan ayaa ilaa hadda saxiixday liiska is xaadirinta.  8 xildhibaan ayaa ka dhiman tirada guud ee labada gole oo ah 329

  19. Murashaxiinta qaar ayaan weli soo gaarin hoolka

    Murashaxiinta qaar ayaan weli soo gaarin hoolka, waxaana socota nidaaminta iyo kala hufka goobta shirka.  Ugu yaraan ilaa 4 bar koontarool ayaa adadka oo dhan lagu baarayey ayadoo aan la kala soocin.  Waxaa dhici karta in qorshaha doorashada la bilaabo marka kooramku buuxsamo.

    BBC
  20. Wali ma billaabanin doorashada

    Weli waxaa socota imaatinka ka qayb galayaasha doorashada, kuwaasoo isugu jira xidhibaannada, saxafiyiinta iyo korjoogtada caalamiga ah.

    ��.

    BBC
    Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya
    Guddiga qabanqabaada doorashada oo ka codsanaya xildhibaanada inay fariistaan
    Qoraalka sawirka, Guddiga qabanqabaada doorashada oo ka codsanaya xildhibaanada inay fariistaan