Donald Trump oo noqday madaxweynaha 45 ee Mareykanka
Donald Trump ayaa maanta la caleema saaray. Halkan kala eeg sida ay u dhacday dhaarinta Donald Trump.
Tebin toos ah
Didbedbaxayaal jabiyay daaqad
Xiisada ayaa ka taagan caasimadda Washington. Dibedbaxayaal madow ah oo wato burar ayaa jbaiyay daaqadaha dukaamo ku yaalla Washington.
Dibedbaxayaasha ayaa ku qeylinayay hakudhagyo ka dhan ah Trump. Booliska ayaa kala dhexgalay taagerayaasha trump iyo kuwa diidan Trump
Saameynta Trump uu ku yeelan karo ganacsiga furan ee xorta ah
Siyaasadaha ganacsiga e Donald Trump waxay noqon kartaa mid ka mid ah is bedelka ugu weyn ee ku dhaca habka ganacsiga Mareykanka uu ula sameeyo qeybaha kale ee caalamka.
Wuxuu ku caga jugleeyay inuu ka baxaayo heshiiska ganacsiga xorta ah ee Waqooyiga Aemrika, kaas oo u dhexeeya Mareykanka, Kanada, iyo Mexico. Wuxuu ku eedeeyay inuu shaqo la'aan sababay.
Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in Mareykanka uu ka baxo ururka ganacsiga dunida ee WTO.
Tan iyo markuu ku guuleystay doorashada, wuxu u hanjabay shirkado, gaar ahaan kuwa telefoonada sameeya.
Shiinaha si gaar ah ayuu madaxa ugula jiraa ee ganacsiga oo keli ah iskuma maandhaafin.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Waxaa jiro dad aad u badan oo ka soo horjeeda heshiiska ganacsiga xorta ah
Hillary Clinton ayaa gaartay US Capitol
Hillary Clinton,oo ahayd musharrixii xisbiga Dimuqraadiga ee uu Trump uga adkaaday doorashada ayaa gaartay goobta lagu dhaarin doono Donald Trump. Waxay dagaal adag u gashay sidii ay u noqon lahayd qofka maanta xilkan loo dhaarinaya balse way ku guuldarreysatay
Caqabadaha NATO ay Trump kala kulmi karto
Mr Trump ayaa si aad ah uga soo hor jeedo NATO, oo Mareykanka uu ka mid ahaa in ka badan 60 sano.
Wuxuu weerar afka ah ku qaaday gaashaan-buurta sida ay u dhaqanto, wuxuuna ku sheegay inay yihiin mahad laawayaal ka faa'iida Mareykanka.
Maalmo ka hor dhaarintiisa, wuxuu markale ku celyay eedaha wuxuuna yiri "Dalalka NATO ee 28-da ah ma bixinayaan saamiga laga doonayo taas oo xaqdaro ku ah Mareykanka".
Arrintaas ayaa ka dhalatay 3,000 oo askar Mareykan ah oo la geeyay Poland, taas oo qeyb ka ah qorshaha Obama uu sheegay inuu kaga hortagaayo daandaansiga Ruushka.
Ayadoo hadalladaas uu sheegay ayuu marar badan tilmaamay in NATO muhiim ay u tahay asiga.
Hase yeeshee, taasi ma aysan keenin kalsooni, waxaana Yurub oo dhan ay shaki ka qabtaa hadalladiisa.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka wuxuu sheegay in hadalka Trump uu sababay walaac ka dhex taagan isbeheysiga.
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Kullanka wasiirada difaaca ee NATO, hadana calanka US malaga saari doonaa halkan
Shan arrimood oo Trump uu ku sheegay Soomaalida
Donald Trump ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu jeediyay haddallo badan oo ku saabsanaa Soomaalida iyo Muslimiinta. Waxaan halkan ku soo koobeyna shan arrimood oo Soomalida ka sheegay
Asigoo la hadlaayay wakaaladda wararka ee Ruushka, afhayeenka madaxweyne Putin wuxuu beeniyay in dalkiisa uu door ka ciyaaray guushii Trump ee doorashada.
Wuxuu dalalka reer galbeedka ku eedeeyay inay marin habaabinayaan dadka.
"Ninkaan anaga ma wadano, waxaa wato Mareykanka," ayaa laga soo xigtay asigoo sidaas u sheegaya wakaaladda.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Putin
Diyaargarawgii u dambeeyay oo ka socda Capitol Hill
Kuraas badan ayaa la diyaariyay iyadoo aan ku sii siqayno xalfadda caleemo saarka madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump.
Madaxweynaha la doortay ayaa salaam sharafeed ka guddoomay asker ka tirsan ciidammada Marines-ka oo ku sugan Aqalka cad. Hadda waxay ku suganyihiin Aqalka Cad.
Ku soo dhawaada wararka caleema saarka Donald Trump
Trump wuxu ka qayb gelay duco lagu dhigi doono kaniisadda St John's Episcopal oo u dhaw Aqalka Cad.
Trump iyo afadiisa Melania ayaa shaaha aroornimo la qabi doona madaxweyne Obama iyo marwada koowaad Michelle Obama. Ka dibna labada qoys waxa kolonyo baabuur ah lagu geyn doonaa Capitol.