Donald Trump oo noqday madaxweynaha 45 ee Mareykanka

Donald Trump ayaa maanta la caleema saaray. Halkan kala eeg sida ay u dhacday dhaarinta Donald Trump.

Tebin toos ah

  1. "Xagjirnimada Islaamka"

    "Waxaan mideyndoonnaa dunida ilbaxday si ay ula dagaasho islaamka xagjirka ah, taas oo dunida aan ka sifeyn doono". ayuu yiri Trump

  2. Twitter-kii rasmiga ahaa oo Trump lagu wareejiyay

    Iyadoo ay socoto khudbadda madaxwayne Trump, waxaa rasmiyan loogu wareejiyay Twitterkii rasmiga ahaa ee madaxtooyada, waxaana durba la tirtiray kuwii Obama uu qorijiray oo dhan.

    Twitter
  3. Shaqa siinta Amerikaanka

    "Dadka waxaan ka celindoonnaa ceyrta, waxaana ku celineynaa shaqada. Waxaan raaceynaa sharciyo fudud. Amerikaanka shaqo sii waxna ka iibso."

  4. "Awooda shacabka ayaan ku celineynaa"

    Madaxweynaha mareykanka ayaa sheegay "Waxaan awoodda ka qaadeynaa Washington, waxaana dib ugu celineynaa shacabka.

    Trump ayaa intaas ku daray "Washington way camiran tahay balse shacabka lameysan wadaagin dhaqaalaha".

    Donald trump

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Donald trump
  5. Gaariga madaxwaynaha ma shidaalkaa laga tijaabinayaa?

  6. Funaanado

    Magaalada Washington waxaa buux dhaafiyay dad badan oo funaanado qaba oo qaarkood ay Trump taageersan yihiin, qaarna ay ka soo horjeedaan.

    funaanad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  7. Trump oo u mahadceliyay Obama

    Donald Trump, Madaxweynaha mareykanka ayaa u mahadceliyay madaxweynihii hore Barack Obama. 

  8. War deg deg ah, Donald Trump oo la dhaariyay

    Donald Trump ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha Mareykanka ee 45-naad.

    Wuxuu xilka kala wareegay Obama oo tan iyo 2008-dii ahaa madaxweynaha Mareykanka 

  9. Mike Pence oo la dhaariyay

    Madaxwayne ku xigeenka la doortay Mike Pence ayaa xilka loo dhaariyay.

  10. Dhaarinta madaxweyne ku xigeenka

    Garsooraha maxkamadda sare ee cadaaladda Clarence Thomas, waa qofka keli ah ee madow ee ka qeybgalay dhaarinta madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.

  11. Helikobtar lagu sii qaadi doono Obama

    In kastoo Obama uu kol dhow ka tagi doono shaqada taliyaha guud ee ciimada ayaa weli helaya soo dhoweyn wanaagsan, wuxuuna isticmaalayaa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah.

  12. Trump oo kala qaybin lagu bartay ayaa la filayaa in uu midnimo ku baaqo

    Madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka ayaa aqalka cad la wareegaya isaga oo taageeradiisu yartahay, Sidee Trump ku midayn karaa dadka Maraykanka isaga oo lagu bartay kala qaybin?.

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  13. Melania oo sii fuulaysa masraxa

    Xaaska Trump Melania ayaa sii fuulaysa masraxa iyada oo uu weheliyo askari Maraykan ah.

    Iyada iyo wiilkeeda Barron, durba uma wareegi doonaan Washington Dc, waxayna sugi doonaan inta uu sanad dugsiyeedku uga dhamaanayo wiilkan toban jirka ah.

    Melania

    Xigashada Sawirka, Pool

  14. Arrinta nukliyerka iyo amniga Aasiya

    Madaxtinimada Trump waxay su'al weyn gelisay amniga Aasiya.

    Madaxweynaha cusub, hadalladiisa kuma goobneyn Shiinaha oo keli ah, balse xoghayihiisa cusub wuxuu sheegay in Shiinaha ay ka mamnuucayaa Jasiiradda lagu muransan yahay.

    Wuxuu ka digay in isku dhac militari uu ka dhici karo halkaasi, 

    Japan iyo Kuuriyada Koofureed waxay si weyn ugu tiirsan yihiin Mareykanka. 

    Trump wuxuu sheegay inay si weyn uga faa'ideen Mareykanka oo ay xittaa heleen nukliyer u gaar ah.

    Waxaa sidoo kale jirto in dowladda Kuuriyada Waqooyi ay dhwoaanahan hormarineysay hubkeeda Nukliyerka.

    Macadda sida uu u wajahaayo arrimahaasi iyo inuu la hadlaayo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

    Mr Kim ayaa dhowaantan sheegay inuu diyaar yahay inay helaan kantaal riddo dheer taas oo Trump uu ku tilmaamay "inaysan weligeed dhicidoonin".

    Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo eegaya nukliyerka dalkiisa

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo eegaya nukliyerka dalkiisa
  15. Trump iyo Obama ka hor inta aysan ka bixin Aqalka Cad

    Qoraalka Muuqaalka, Qoysaska Trump iyo Obama oo ku kulmay Aqalka Cad
  16. Trump iyo Obama oo sii socda

    Madaxwaynaha xilkiisu dhamaaday ee dalka Maraykanka Barack Obama iyo madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka baxay Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka iyaga oo ku sii jeed xalfadda caleemo saarka.

    Obama iyo Trump
    Obama iyo Trump
  17. Obama oo mar soo horreysay ka soo baxay xafiiskiisa

    Qoraalka Muuqaalka, Obama oo xafiiska Oval-ka soo baxay
  18. Digniin loo diray dadka Maraykanka ah ee Kanada ku sugan

    Qunsuliyadda dalka Maraykanka ee Montreal ayaa soo saartay “fariin ammaaan” muwaadiniinta Maraykanka ayaana loogu baaqayo in ay feejignaadaan maadaama oo la qorshaynayo in ay dibad baxyo dhacaan.

    Dalka Kanada oo dhan ayaa laga qorshaynayaa dibad baxyo Trump lagaga soo horjeedo oo kala dhici doona Jimcaha iyo Sabtida.

    Boqolaal dad ah ayaa dibad baxyo ka dhigay magaalada Toronto ka dib marii la doortayTrump, bishii Nofembar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  19. Jimmy Carter iyo xaaskiisa oo gaaray goobta dhaarinta

    Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, Jimmy Carter, iyo xaaskiisa ayaa gaaray US Capitol oo ah goobta lagu dhaarin doono Trump.

    Carter, oo ah  kan ugu da'da weyn madaxweynayaasha hore ee nool oo dhawaan ka soo kabtay cudurka kansarka ayay weriyayaashu weydiiyeen talada uu u hayo Trump, wuxuu ku jawaabay. 

    ''Shaqa fiican ayaan ka filayaa, iyo inuu runta ka hadlo''.

  20. 'Qof walba ma noqon karo sida aad rabto in uu noqdo', Weriyaha BBC, Tara McKelvey ayaa su'aalo waydiinaya dadka kusugan wadooyinka DC.

    "Waxaan rajaynayaa in madaxwaynaha cusub uu adduunka dhanka nabadda u jihayn doono" ayuu yiri Chanty Sem oo reer Kambodhiya ah oo ku sugan Phoenix.

    Wadooyinka aagaas ka dhawna waxaa ka soo uraya marijuana. 

    Chanty Sem