Warbaahinta Axios,
oo soo xiganeysa sarkaal sare oo Mareykan ah, ayaa sheegay in maamulka
madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu diyaar u yahay inuu tixgeliyo soo
jeedinta ah in Iran loogu oggolaado inay sameyso "kordhinta astaanta
ah" waa haddii aysan ka tagayn waddo suurtagal ah oo lagu dhisayo hubka
nukliyeerka.
Wasiirka arrimaha
dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi ayaa shalay sheegay in wadahadaladii Iran iyo
Mareykanka ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Geneva, aysan Iran midkoodna
soo jeedin in la joojiyo tayeynta Yuraaniyaamka, sidoo kale Mareykanku ma dalbanin
gebi ahaanba inaan tayeyn lagu sameyn.
Iran oo ka jawaabtay hanjabaadda Mareykanka ee inuu dilayo Khamenei
Xigashada Sawirka, EPA
Jimcihii,
safiirka Iran iyo wakiilka joogtada ah ee Qaramada Midoobay, Amir Saeed Irvani,
ayaa warqad u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka, iyo
Madaxweynaha Golaha Guud, isagoo si adag u cambaareeyay hadallada Mareykanka
iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.
Wakaalladda
Wararka Iran ee Tasnim oo soo xiganeysa Farriinta Irvani ayaa lagu yiri
“Fariintani waxay ku timid cambaareynta iyo diidmada hadallada sharci-darrada
ah ee hurinaya rabshadaha, laguna dhiirigelinayo argagixisada, ee ay dhawaan
soo saareen saraakiil sare oo ka tirsan Mareykanka iyo [Israa’iil], kuwaasoo
isugu jira hanjabaado cad oo soo noqnoqda oo lagu dilayo Hoggaamiyaha Kacaanka
Islaamiga ah ee Iran,” sida lagu sheegay qoraalka.
Warqadda ayaa
lagu sheegay in hanjabaadahaas oo ay ku sifeeyeen kuwo “ku-talo-gal ayna ka
dhigan yihiin xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah qodobka 2-aad, farqadiisa 4-aad
ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo mamnuucaya in hanjabaad iyo awood loo
adeegsado ka dhanka ah madaxbannaanida dhuleed ama madaxbannaanida siyaasadeed
ee dowlad kasta.”
Marka la gaadho bilowga bisha Ramadaan, Muslimiinta ku nool daafaha dunida Islaamka waxay bilaabaan cibaadada soonka, taas oo ah mid ka mid ah tiirarka diinta Islaamka, isla markaana u baahan in laga soomo cuntada iyo cabbitaanka laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax dhaca bisha oo dhan.
Inkasta oo soonku leeyahay faa'iidooyin caafimaad, haddana qaar ka mid ah dadka ayaa la kulma dhibaato ku saabsan la qabsiga isbeddelka degdegga ah ee caadooyinkooda cunto inta lagu jiro bisha, halka qaar kalena ay dareemaan daal iyo tabar-darro ka dhalata ka fogaanshaha cuntada iyo cabbitaanka muddooyin dheer. Mararka qaarkood arrintan waxaa la socon kara dhibaatooyin caafimaad sida kuwa qaba sonkorowga ama dhiig-karka.
Qoraalkan, waxaan ku iftiiminaynaa talooyin muhiim ah oo ay soo jeediyaan khubarada nafaqada si loo helo soon caafimaad leh. BBC Af-Carabi ayaa la hadashay dad dhowr ah si loo soo bandhigo waayo-aragnimadooda gaarka ah oo laga yaabo inay dad badan ka caawiso qorsheynta sida ay u qaadanayaan waqtigooda bisha Ramadaan, iyadoo ay barbar socdaan khubarada nafaqada oo soo jeedinaya hababka iyo xeeladaha ugu waxtarka badan ee la raaco si loo helo caafimaad wanaagsan.
Ugu yaraan shan mayd oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan labo
haween ah, ayaa laga helay xeebta Qasr al-Akhyar, oo ah magaalo xeebeed
dhacda bariga caasimadda Liibiya ee Tripoli, sida uu sarkaalka booliiska ah u
sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Hassan Al-Ghawil, oo ah madaxa baarista ee xarunta booliiska
Qasr Al-Akhyar, ayaa sheegay in sida ay sheegeen dadka deegaanka, uu jiray
maydka ilmo yar oo xeebta soo caariyey balse hirarka badda oo kacsan awgeed uu
dib ugu noqday badda, iyadoo la codsaday in ciidanka ilaalada xeebaha ay raadiyaan.
Ghawil ayaa xusay in maydadka la helay ay dhammaantood
yihiin dad Afrika kasoo jeed. Maydadkan ayaa laga helay xeebta Emhamid Al-Sharif ee
qaybta galbeed ee magaalada, waxaana soo sheegay dad deegaanka ah oo la xiriiray
saldhigga booliiska.
Libya waxay noqotay marin ay maraan muhaajiriinta ka
baxsanaya colaadaha iyo faqriga ee u socda Yurub iyagoo sii dhex maraya badda
Mediterranean-ka, tan iyo markii uu dhacay nidaamkii kaligii-taliye Mucammar
Al-Qadaafi sannadkii 2011 kadib kacdoon ay taageerayeen gaashaanbuurta NATO.
Colaadaha kooxaysiga ah ayaa dalka u qaybiyey dhinacyada bari iyo galbeed tan
iyo sannadkii 2014-kii.
Qasr al-Akhyar waa magaalo xeebeed qiyaastii 73 kiiloomitir
(45 mayl) dhanka bari ka xigta magaalada Tripoli.
Sawirro lagu baahiyey internet-ka, oo ay sidoo kale
aragtay Reuters, ayaa muujinayey maydadka muhaajiriinta oo yaalla xeebta,
iyadoo qaar ka mid ah ay weli ku dhex jireen agabka sabbaynta.
Taliban oo digniin dirtay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Pakistan ayaa
sheegtay in ay bartilmaameedsatay "toddobo goobood iyo xero
argagixiso" oo ku yaalla xadka Pakistan iyo Afgaanistaan, iyadoo la
tixraacayo sirdoon.
Dhanka kale,
afhayeen u hadlay xukuumadda Taliban ee dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in tobaneeyo qof oo ay ku
jiraan haween iyo carruur lagu dilay duqeymaha ay diyaaradaha Pakistan ka
fuliyeen Nangarhar iyo Pakistan.
Isla mar
ahaantaana, Wasaaradda Difaaca ee xukuumadda Taliban ayaa ka digtay aargoosi
'waqtiga ku habboon'.
Sida laga soo
xigtay BBC Pashto, Wasaaradda Difaaca ee xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan ayaa soo saartay bayaan ay ku
cambaareynayso weerarrada Pakistan ay dhawaan ku qaadday 'goobaha rayidka' ee
gobollada Nangarhar iyo Paktika.
Sida laga soo xigtay BBC Pashto, afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Afgaanistaan Inayatullah Khawarizmi, ayaa hadal uu soo saaray oo lagu sii daayay mareegaha xiriirka bulshada ee X, wuxuu ku tilmaamay duqeymaha Pakistan inay yihiin "kuwo xadgudub ku ah madaxbannaanida qaranka Afgaanistaan" wuxuuna sheegay in Afgaanistaan ay u aragto tallaabadan mid si cad u jabinaysa sharciga caalamiga ah, mabaadi'da deris wanaagga iyo qiyamka Islaamka.
Daawo: Maxaa ka socda Iiraan?
BBC-da ayaa xaqiijisay muuqaalka dad mudaaharaadayaal ah oo Sabtidii shalay socod ku maray dhismaha jaamacadda Sharif ee caasimadda Tehran. Markii dambe waxaa la arkayay gacan ka hadal dhexmaray iyaga iyo taageerayaasha dowladda.
Lifaaqa hoose ka daawo:
Qoraalka Muuqaalka, Jaamacadda Sharif University ee Tehran
Xamaas oo dib u qabsatay qeybo badan oo Qasa ah
Xigashada Sawirka, EPA
Markii xabbad-joojin ay soo rogtay dowladda Maraykanka oo ay
hakinaysay dagaalkii Qasa bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, dagaalkii Xamaas ee
ka dhanka ahaa Israa'iil wuxuu isu beddelay loollan ay ugu jirto xukunka
gudaha.
Dagaalku wuxuu dhimay cutubyadii milatari ee caadiga ahaa ee
kooxda, kuwaas oo isu beddelay xoogag dhuumaalaysi ah oo firirsan, waxaana la
dilay inta badan hoggaamiyayaashoodii; dhismooyinkii iyo kaabayaashii Qasa
intooda badan waa la burburiyay, dadkeediina waa la barakiciyay,
dhaqaalaheeduna wuxuu noqday mid la ragaadiyay. Wasaaradda Caafimaadka ee ay
maamusho Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 72,000 oo reer Qasa ah lagu dilay
dagaalka iyo weerarrada Israa'iil.
Afar bilood ka dib xabbad-joojinta, dadka deggan Qasa waxay
leeyihiin Xamaas waxay mar kale ballaarinaysaa xukunkeeda dhinacyada amniga, daqliga
canshuuraha iyo adeegyada dawladda, taasoo keenaysa su'aalo ku saabsan qorshaha
fog ee kooxda iyo inay diyaar u tahay inay wareejiso hubkeeda iyo awoodda,
sidii looga baahnaa wejiga labaad ee qorshaha nabadda ee Donald Trump.
“Xamaas waxay dib u la wareegtay xukunka in ka badan 90
boqolkiiba aagagga ay joogaan,” ayuu yiri Maxamed Diab oo ah u dhaqdhaqaaqe xuquuqda
aadanaha oo ku sugan Qasa.
Wiil lagu dilay masaajid hortiisa
Nin 18 jir ah
ayaa dhintay ka dib markii lagu tooriyeeyay bannaanka masjid ku yaalla gobolka
West Midlands ee dalka Ingiriiska.
Booliisku waxay
sheegeen in wiilal 19 jir iyo 20 jir sidoo kale loo qaaday isbitaalka ka dib
rabshado ka dhacay bannaanka dhismaha Oldbury Road ee Smethwick wax yar ka hor
21:00 GMT Jimcihii.
Magaca qofka
dhintay galabnimadii Sabtida waa Zeshan Afzal oo ka yimid Smethwick, ciidamada
West Midlands ayaa xaqiijiyay in baaritaan dil uu socdo.
Waxa ay sidoo
kale sheegeen in dhacdadan aan loola dhaqmin mid diimeed iyo mid isir ahaanba.
Dhaawaca labada
nin ee kale ma ahayn kuwo nafta halis gelinaya, ayuu booliisku intaas ku daray.
Ciidanka ayaa
sheegay inay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen, isla
markaana la arki doono ciidamo booliis ah oo deegaanka ku sugan si ay shacabka
u qanciyaan.
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ku soo rogi doono canshuur dhan 15%
caalamka, xilli uu sii waday eedeynta uu uga soo horjeedo go’aanka maxkamadda
sare ee lagu baabi’iyay canshuurihii uu horay u soo rogay.
Trump ayaa
jimcihii sheegay in uu ku baddali doono canshuuraha ay meesha ka saartay
maxkamadda 10% oo la saarayo dhammaan badeecadaha soo gala Maraykanka.
Laakiin Sabtidii,
wuxuu kaga dhawaaqay bartiisa Social Truth in tan la kordhin doono 15%.
Maamulka Tigray oo beeniyay in ciidamada federaalka lagu amray inay galaan gobolka
Xigashada Sawirka, Office of the President-Tigray
Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Gobolka Tigray ayaa sheegay in
xogta lagu baahiyay in ciidamada Difaaca Itoobiya ay dawladda federaalku ku
amartay inay galaan gobolka Tigray ay tahay mid “gebi ahaanba been abuur
ah.”
Maamulka kumeel-gaarka ah oo uu hoggaaminayo Letenant
Janaraal Tadesse Werede ayaa arrintan ku shaaciyay bayaan maanta lagu daabacay
bogga Facebook ee Xafiiska Madaxweynaha.
Maalmihii u dambeeyay, waxaa baraha bulshada ku wareegayay
macluumaad sheegaya in dawladda federaalku ay ku wargelisay maamulka kumeel-gaarka
ah in ciidamada difaaca ay geli doonaan gobolka Tigray. Shalayna, waxaa xigay
qoraal kale oo sheegayay in heshiis lagu gaaray in ciidamada difaaca la dejiyo
xeryo ku yaalla gobolka dhexdiisa.
Maamulka kumeel-gaarka ah ayaa labadan eedeymoodba ku
beeniyay bayaan uu soo saaray maanta. Qoraalka ayaa lagu xusay in la
wareejinayo macluumaad leh: “dawladda federaalku waxay amartay ciidamada
difaaca Itoobiya inay galaan Tigray.”
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu yiri: “Maamulka kumeel-gaarka
ah ee Tigray waxaa lagu geynayaa (ciidamada) siyaabo kala duwan, sidii horay
loogu heshiiyay xeryihii hore ee Taliska Waqooyiga.”
Maamulka kumeel-gaarka ah, oo qoraallada baraha bulshada ku
tilmaamay kuwo “qalloocan oo marin-habaabin ah,” ayaa sheegay in
“istiraatiijiyadda, isha, iyo ujeeddada laga leeyahay” faafinta xogtan ay tahay
mid cad.
"Maamulka kumeel-gaarka ah ee Tigray wuxuu rabaa inuu
caddeeyo in xogta la faafinayo ay tahay mid gebi ahaanba been ah," ayuu
raaciyay bayaanka.
Xafiiska Madaxweynaha iyo Letenant Janaraal Tadesse ayaa soo
saaray bayaankan xilli ay jirto cabsi laga qabo inay sii xumaato xiisadda u
dhaxaysa dawladda federaalka iyo ciidamada Tigray, taasoo horseedi karta
iskahorimaad.
Bishii Janaayo, ciidamada federaalka iyo kuwa Tigray ayaa ku
dagaalamay deegaanno xuduud la leh gobollada Amxaarada iyo Canfarta. Isla
markaasna, waxaa la soo wariyay weeraro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
(drones) ah oo ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Tigray,
kuwaas oo uu ku dhintay hal qof. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dawladda
federaalka oo ku saabsan weerarradaas.
Mareykanka iyo Iiraan oo dagaal qarka u saaran
Xigashada Sawirka, Reuters
Iiraan iyo Maraykanka ayaa si xowli ah ugu sii siqaya iska
horimaad milatari iyadoo ay sii yaraanayso rajooyinka laga qabo xal
dublamaasiyadeed oo laga gaaro ismari-waaga ka dhashay barnaamijka nukliyeerka
ee Tehran, sida ay sheegayaan mas'uuliyiin ka tirsan labada dhinac iyo
diblomaasiyiin ku sugan Khaliijka iyo Yurub.
Dalalka Khaliijka ee dariska la ah Iiraan iyo cadowgeeda
Israa'iil ayaa hadda aaminsan in dagaalku uu ka dhow yahay heshiis, sida ay
sheegayaan ilahan, iyadoo Washington ay dhisayso mid ka mid ah saameynteedii
milatari ee ugu weynayd ee gobolka tan iyo duullaankii Ciraaq ee 2003-dii.
Xukuumadda Israa'iil ayaa aaminsan in Tehran iyo Washington
ay marayaan meel adag, waxayna diyaargarow ugu jirtaa suurtogalnimada hawlgal
milatari oo ay wada jiraan Maraykanka, inkastoo aan weli wax go'aan ah laga
gaarin in la fulinayo hawlgalkaas iyo in kale, sida uu sheegay il xog-ogaal u
ah qorshaynta.
Tani waxay noqonaysaa markii labaad oo Maraykanka iyo
Israa'iil ay weeraraan Iiraan muddo ka yar sanad gudaheed, ka dib duqeymihii
cirka ee Maraykanka iyo Israa'iil ay bishii Juun ee la soo dhaafay ku qaadeen
xarumaha milatariga iyo kuwa nukliyeerka.
Mas'uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in dalalka Khaliijka ee
soo saara saliidda ay u diyaar garoobayaan iska horimaad milatari oo suurtagal
ah, kaas oo ay ka baqayaan inuu faraha ka baxo oo uu carqaladeeyo xasiloonida
Bariga Dhexe.
Xiisadda US-Iran: Maxay Iran dagaal uga dooraneysaa in ay 'isdhiibto'?
Sii socoshada iyo sii kordhinta joogitaankiisa millatari ee Maraykanku ka wado gobolka ayaa hadda u muuqataa mid ka baxsan fariin diris (signalling), isla markaana u janjeedha diyaargarow dhab ah.
Imaanshaha markabka dagaalka ee USS Abraham Lincoln meel ku dhow biyaha Iiraan waa tallaabo muhiim ah oo la dareemi karo.
Markab kale oo isna kuwa diyaaradaha dagaalka qaada ah, USS Gerald R. Ford, ayaa markii ugu dambeysay isna lagu arkay meel u dhow Marinka Gibraltar, wuxuuna u jihaystay bariga si uu u taageero hawlgallo suurtagal ah. Qalab iyo cutubyo kale oo milatari ayaa sidoo kale loo wareejiyay gobolka, taasoo sii xoojinaysa aragtida ah in Washington ay diyaarinayso ikhtiyaarro milatari oo isdaba joog ah.
Howlgelinnada noocan oo kale ah waxay noqon karaan cadaadis diblomaasiyadeed. Hase yeeshee marka la isu geeyo, waxay sidoo kale muujin karaan in wadahadalladii dadbanaa ee u dhexeeyay Tehran iyo Washington ay gaadheen xaalad ismari waa ah, taas oo keeni karta tallaabo milatari haddii midkoodna uusan mowqifkiisa beddelin.
Tani waxay dhalinaysaa su'aal aasaasi ah: maxay hoggaamiyeyaasha Iiraan, ugu yaraan si fagaare ah, weli u muujiyaan adkaysi iyagoo wajahaya dalka milatari ahaan ugu awoodda badan dunida iyo xulafadiisa ugu xooggan ee Bariga Dhexe?
Israa'iil oo dishay sarkaal sare oo Xisbullah ka tirsan
Xigashada Sawirka, EPA
Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha
Israa’iil ka fuliyeen bariga Lubnaan, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.
Kooxda mintidka ah ee ay Iran taageerto ayaa bayaan ay soo
saartay ku sheegtay in sarkaal sare oo Xisbullaahi ah uu ka mid ahaa dadka
dhintay.
Milatariga Israa'iil ayaa sheegay inay beegsanayeen goobo ay
kooxdu ku leedahay dooxada Bekaa, iyagoo ku eedeeyay inay taasi ka dhigan tahay
"xad-gudub lagu sameeyay isfahamka u dhexeeya Israa'iil iyo Lubnaan".
Duqeymahan ayaa ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee ka
dhaca Lubnaan tan iyo markii xabbad-joojin lagu soo afjaray dagaalkii dhexmaray
Israa’iil iyo Xisbullaahi bishii November 2024.
Weerarka Bekaa ayaa yimid saacado kadib markii Israa'iil ay
duqaysay xero ay deggan yihiin qaxootiga Falastiiniyiinta oo ku taal koonfurta
Lubnaan.
Bayaan lagu baahiyay barta X, ayuu milatariga Israa'iil ku
sheegay inay "ku dhufteen xarun ay Xamaas ku leedahay oo ay ka hawlgali
jireen" oo ku taal agagaarka Ain al-Helweh.
Labo qof ayaa lagu dilay duqeyntaas ka dhacday xerada dadka
badan ay deggan yihiin, taasoo ku taal duleedka magaalada dekedda leh ee Sidon.
Israa'iil ayaa fulisay weerarro ku dhowaad maalinle ah oo ka
dhacay Lubnaan tan iyo markii ay dhaqangashay xabbad-joojinta bishii November
2024, ka dib 13 bilood oo colaad ah.
Todobo xaaladood oo dhici kara haddii Maraykanku weeraro Iiraan
Maraykanku wuxuu u muuqdaa mid isu diyaarinaya inuu weeraro Iiraan.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Washington waxay kordhinaysay ciidamadeeda Bariga Dhexe haddana waxay u muuqataa inay doonayso inay ku uruuriso awood cirka ah oo ka badan tii ay halkaas ku lahayd wakhti kasta tan iyo duullaankii Ciraaq ee sanadkii 2003.
Dabcan, tani weli waxay noqon kartaa khiyaano istiraatiiji ah oo loogu talagalay in lagu cadaadiyo nidaamka Iiraan si ay u aqbalaan heshiis aysan rabin.
Xulafada Carbeed ee Khaliijka ee Maraykanka ayaa la og yahay inay ka digeen weerar Maraykan ah oo keeni kara cawaaqib xumo aan la saadaalin karin.
Sidaas darteed, inkastoo bartilmaameedyada suurtagalka ah ee weerar Maraykan ahi ay si weyn loo qiyaasi karo, natiijadu ma cadda.
Muslimiin iyagoo Ramadaanka cunto cunaya la arkay oo lasoo xiray
Xigashada Sawirka, Sani Maikatanga
Booliska
Islaamiga ah ee gobolka Kano ee woqooyiga Nigeria ayaa xiray sagaal qof oo
Muslimiin ah, kuwaas oo la arkayay iyagoo cunto cunaya maalintii koowaad ee
Soonka Ramadaanka ee sanadkan.
Kano waxaa ku
badan dad Muslimiin ah, halkaas oo nidaamka sharciga Islaamka - Shareecada - uu
ka barbar shaqeeyo sharciga cilmaaniga ah.
Booliska
Islaamiga ah ee loo yaqaanno Hisbah ayaa sanad walba bisha Ramadaan baara
goobaha lagu shaaho, maqaayadaha iyo suuqyada si ay dadka Muslimiinta ah ugu
xaqiijiyaan in ay ku adkeysanayaan saacadaha soonka. Dhismayaasha qaarkood
waxay maqaayadaha ka furan yihiin meelaha ay ku nool yihiin Masiixiyiinta.
Muslimiinta,
cunista waa ka mamnuuc inta u dhaxaysa qorrax ka soo baxa iyo qorrax dhaca.
Soonku waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, kuwaas oo saldhig u ah sida
Muslimiinta looga baahan yahay inay noloshooda u noolaadaan.
Trump oo ku dhawaaqay tallaabada militari ee uu ka qaadayo Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo weerar militari oo
xaddidan oo lagu qaado Iran si uu ugu cadaadiyo hoggaamiyayaasheeda inay
heshiis ku gaaraan heshiiska lagu xakameynayo barnaamijka Nukliyeerka.
Madaxweynaha ayaa
hadalkan ka sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay wariye saacado ka
dib markii ay mas’uuliyiintu soo jeediyeen suurto-galnimada weerar lagu qaado.
Khamiistii, Trump
wuxuu sheegay in dunidu ay ogaan doonto "xilliga soo socda, malaha, 10
maalmood" haddii heshiis la gaari doono ama Mareykanka uu qaadi doono
tallaabo militari. Mareykanka ayaa sii kordhiyay joogitaankiisa militari ee
gobolka toddobaadyadii la soo dhaafay.
Maraykanka iyo
xulafadiisa reer Yurub ayaa ka shakisan in Iran ay u dhaqaaqayso sameynta hubka
Nukliyeerka ah, taasoo ay Iran waligeed beenin jirtay.
Saraakiisha Mareykanka iyo Iran ayaa arrintan kulan kaga yeeshay Switzerland, waxayna sheegeen in horumar laga gaaray wadahadallada.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi oo jimcihii hadlay ayaa sheegay in Iran ay diyaarinayso "qabyo-qoraalka heshiiska suurtogalka ah" ayna ku wareejin doonto ergayga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff maalmaha soo socda.
Wadahadallada ka socda Geneva ayaa dhacay iyadoo ciidamada Mareykanka ay sii xoojiyeen joogitaankooda agagaarka Iran.
War deg deg ah, Trump oo ka hor yimid go'aanka maxkamadda sare cansuuro cusubna soo rogay
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo rogay cashuur
cusub oo 10% ah oo caalami ah si uu u beddelo kuwa Maxkamadda Sare horey u
joojisay, isagoo go’aankaas ku tilmaamay “mid xun” isla markaana garsoorayaasha
diiday siyaasaddiisa ganacsi ugu yeeray kuwo “doqonn” ah.
Madaxweynaha ayaa qorshahan shaaca ka qaaday isla markiiba ka dib markii
garsoorayaashu joojiyeen inta badan cashuurihii caalamiga ahaa ee Aqalka Cad ku
dhawaaqay sanadkii hore.
Go’aanka Maxkamadda, oo ahaa 6-3, wuxuu muujiyay in madaxweynaha uu ka
tallaabay awooddiisa.
Go’aankan wuxuu guul weyn u ahaa ganacsiyada iyo gobolada Maraykanka ee ka
soo horjeeday cashuuraha, isagoo albaabka u furey suurtogalnimada in balaayiin
doollar oo cashuur dib loo celiyo, isla markaana abuuray hubanti la’aan cusub
oo ku saabsan ganacsiga caalamiga ah.