Maalmihii dunida ay qarka u saarnayd in lagu garaaco hubka nukliyeerka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Cuba, waxaa bisha October ka dhaca dabaaldegyo badan oo ku saabsan dagaalkii xurnimo-doonka iyo 'halyaayadii' uga dhintay dagaalkaas. Dadkii ka dhintay qaarkood oo saraakiil sare ahaa, waxaa la aaminsan yahay in CIA-da Mareykanka ay dileen.
Sannadkii 2022-kii, Donald Trump wuxuu la kulmay koox horey uga qeybgashay dagaalkii ka dhacay jasiiradda Cuba, wuxuuna khudbad uu u jeediyay ku sheegay in uu qaddarinayo kooxdaas ka qeyb gashay howlgalkii la oran jiray 'Bay of Pigs'.
Haddaba, muxuu ahaa howlgalkan horseeday halista weyn oo dhanka nukliyeerka ah, xilliggii uu socday dagaalkii qaboobaa, kaas oo sababay in dunida ay ku dhawaatay in ay dhacaan weeraro hubka Nukliyerka la isu adeegsado.
Bishii Oktoobar ee sannadkii 1962-dii, waxaa bilowday dagaalkii Cuba, waana meesha ay sida weyn uga taagneyd xiisadda dagaalkii qaboobaa, waxayna u muuqatay in dunida uu ka dhici karay dagaalka 13 maalmood qaata oo la isku adeegsado hubka nukliyerka.
Horu-dhaca
Jasiiradda Cuba waxay 90 Miles u jirtaa xeebaha gobolka Florida ee dalka Mareykanka, sanadkii 1959-kii Cuba waxay xiriir dhaw la yeelatay Mareykanka xilligii uu hogaaminayay jasiiraddaas maamulkii garabka midig ee diktaatooriga ahaa ee uu horkacayay Jeneraal Batista. Mareykanka wuxuu maalgeliyay Cuba, Mareykanka wuxuu ahaa macmiilka ugu weyn ee soo dhoofsan jiray wax soo saarka Cuba sida sigaarka iyo sokorta.















