Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in Tehran aysan wax codsi ah u dirin
Mareykanka oo ku saabsan wadahadallo, balse ay aqbashay codsi uga yimid
dhexdhexaadiye goboleed oo doonayay inuu soo booqdo Iran si looga wada hadlo
xaaladdii ugu dambeysay.
Wareysi laga sii daayay
telefishinka, Mr. Baghaei wuxuu yiri:
“Annagu ma aanan codsan wax
wadahadal ah oo aan la galno Mareykanka, laakiin iyadoo la raacayo habka
mas’uuliyadda leh ee aan mar walba qaadanno, ma aanan diidin codsiga mid ka mid
ah dhexdhexaadiyeyaasha gobolka ee ahaa inuu u soo safro Iran oo uu kala hadlo
xaaladda ugu dambeysay. Safarkan wuxuu ka dhacay Mashhad, waxaana dhinaca Qadar
u gudbinnay aragtiyadeenna iyo mowqifyadeenna.”
Isagoo xusay in ay kaliya 21 ama
22 maalmood ka soo wareegeen markii la saxiixay is-afgaradka (MoU), ayuu yiri:
“Mareykanku muddadan gudaheeda
wuxuu si joogto ah u jebiyey qodobo kala duwan.”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda ayaa sidoo kale ku daray:
“Dhacdooyinka Arbacadii iyo
Khamiistii waxay ahaayen xadgudub cad oo ka dhan ah qodobada koowaad iyo labaad
ee heshiiskan, halka ka noqoshada ruqsadda shidaalka Iran ay si weyn u jebisay
mid ka mid ah qodobbadii kale ee heshiiska.”
Sida uu sheegay, cunaqabateynta
cusub ee Mareykanka uu soo rogay waxay ka hor imaanayaan qodobka sagaalaad ee
heshiiska is-afgaradka.