Dowladda Mareykanka ayaa sii daysay qaybtii afraad ee diiwaannada ku saabsan maqluuqaadka aa la aqoonsanayn ee (UAPs), taasoo calaamad u ah tallaabadii ugu dambeysay ee dadaal lagu doonayo in qarsoodiga looga saaro faylalka dowladda ee UFO-ga.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in faylalka muddada dheer la qarinayay ay taariikh ahaan sii kordhiyeen "male-awaal dheeraad ah," isagoo sheegay in dadka Mareykanka ay xaq u leeyihiin inay iyagu arkaan macluumaadka.
Nin diyaarad hawada ku jirta daaqadeeda madax kala baxay iyo go'aanka diyaaraddu qaadatay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah rakaabkii saarnaa diyaarad ka duushay Thessaloniki oo Giriigga ah kuna socotay Memmingen oo Jarmalka ah ayaa loo fidiyay daryeel caafimaad kadib markii daaqad ka mid ah kuwa diyaaradaha ay furantay intii ay hawada ku jirtay.
Wararku waxay sheegayaan in ninkaasi oo 61 jir ah kana soo jeeda Serbia uu qayb ahaan madaxa kala baxay daaqadda furantay ka hor inta aysan diyaaradda, oo ay maamulaysay Malta Air, aysan , si nabad ah u degin.
Dabka ka kacay duurka Spain oo dilay 12 qof.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dab aad u weyn oo ka kacay koonfur-bari Spain ayaa dilay 12 qof, oo ay ku jiraan afar muwaadin Ingiriis ah, halka 23 qof la sheegay in la la'yahay.
Dabkan ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu weynaa abid ee lagu arko Spain.
Boqolaal dab-damis ah iyo khabiiro kale ayaa la geeyay magaalada Bidar ee koonfur-bari Spain si ay isugu dayaan inay xakameeyaan dabka ka kacaya kaymaha.
Mas'uuliyiinta aagga Los Gallardos ee gobolka Almeria ayaa ka digay in tirada dhimashadu ay kordhi karto.
Spain waxay sii waddaa inay la kulanto heerkul aad u sarreeya, iyadoo gaartay heerkul gaaraya 40 darajo Celsius, taasina waxay keentay in dab-damis laga soo sheego meelo kala duwan oo ku yaal koonfurta Yurub, gaar ahaan Faransiiska, Portugal iyo Spain.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin looga shakisanaa dilka xildhibaan hore oo British ah oo la sii daayay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliska Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in nin 26 jir ah oo loo xiray tuhun ah inuu dilay xildhibaan hore Anne Widdicombe la sii daayay, isla markaana aan hadda lagu hayn baaritaan booliis.
Booliisku waxay sidoo kale sheegeen in ninku uu ahaa muwaadin cadaan ah oo u dhashay Britain oo Jimcihii lagu xiray Devon.
Meydka wasiirkii hore ee dowladda Conservative-ka iyo afhayeenka xisbiga dib-u-habaynta Ingiriiska oo 78 jir ah ayaa laga helay gurigeeda subaxnimadii Khamiista, waqtiga UK, iyadoo qabta dhaawacyo halis ah.
War deg deg ah, Iran oo shaacisay tirada dadkii ku dhintay weerarradii ugu dambeyay ee Mareykanka
Madaxa Xarunta Warfaafinta ee
Wasaaradda Caafimaadka Iran ayaa sheegay in kadib weerarradii dhowaan ay
Mareykanku ka geysteen lix magaalo ay ku dhinteen “17 qof”, oo ay ku jirto
haweeney.
Hossein Kermanpour ayaa sheegay in
weerarradii Mareykanka ee dhacay 8-da iyo 9-ka Luulyo ay sidoo kale ku
dhaawacmeen 115 qof.
Sida uu sheegay, qaar ka mid ah
dadka dhaawacmay ayaa laga saaray isbitaallada kaddib markii la siiyay daaweyn
caafimaad.
Kadib markii Mareykanku
bartilmaameedsaday saddex markab oo ku sugnaa Marin-biyoodka Hormuz, wuxuu
weerarro ka fuliyay Bandar Abbas, Qeshm, Sirik, Chabahar iyo Bushehr.
War deg deg ah, Iran iyo Cummaan oo ka wadahadlaya xaalada Marinka Hormuz
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo,
booqashadan waxay qayb ka tahay wadatashiyada laba geesoodka ah ee u dhexeeya
Iran iyo Cumaan, kuwaas oo looga hadlay arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan
xaaladda marin-biyoodka Hormuz.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee
Iran iyo Cumaan ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan “dejinta habab ku habboon
oo lagu xaqiijinayo marinka ammaankiisa ee maraakiibta dhex marta
Marin-biyoodka Hormuz, iyadoo lagu salaynayo Qodobka 5-aad ee Is-afgaradkii
Islamabad,” isla markaana ay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan arrimahaas.
Booqashadan waxay ku soo
beegmaysaa xilli xiisadaha ka taagan Marin-biyoodka Hormuz ay kordheen
maalmihii la soo dhaafay, kaddib weerarro is-daba-joog ah oo ay isku qaadeen
Mareykanka iyo Iran.
Dhanka kale, wafdi ka socda Qadar
oo wada dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in dib loogu bilaabo
wadaxaajoodyada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, isla markaana lagu yareeyo
xiisadda labada dhinac, ayaa u safray Iran.
War deg deg ah, Qiimaha shidaalka Mareykanka oo kor u kac weyn ku yimid iyo Trump oo wajahaya culeys
Xigashada Sawirka, Photo by Kevin Dietsch/Getty Images
Reuters ayaa soo warisay in
qiimaha shidaalka ee Mareykanka uu mar kale kor u kacay kadib dhowr toddobaad
oo uu hoos u sii dhacayay, iyadoo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ay
mar kale sii xoogeysatay, isla markaana qiimaha saliidda uu kacay.
Sida laga soo xigtay xogta Ururka
Baabuurta Mareykanka (AAA), celceliska qiimaha shidaalka ayaa toddobaadkan kor
u kacay lix senti, isagoo gaaray $3.88 halkii liitar, taasoo ah kororkii ugu
weynaa ee toddobaadle ah tan iyo bartamihii bishii May.
Weeraradii lagu qaaday dhowr
booyadood oo shidaal qaada oo marayay Marin-biyoodka Hormuz iyo is-weydaarsiga
weerarrada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa sababay in qiimaha saliidda
Brent uu ku socdo koror toddobaadle ah oo ku dhow 5.5%. Gaadiidka shidaalka ee
mara Marin-biyoodka Hormuz ayaa weli aad uga hooseeya heerarkii ka hor intii
uusan khilaafku bilaaban.
Kororka qiimaha shidaalka xilli
bartamaha xagaaga ay dadku safarro badan sameeyaan ayaa noqday arrin
siyaasadeed oo saameyn ku leh Donald Trump. Wuxuu ku eedeeyay shirkadaha
shidaalka inay si xad-dhaaf ah u iibinayaan, halka dowladdiisuna ay ku baaqday
in arrintaas baaritaan lagu sameeyo.
War deg deg ah, Iran oo si adag uga hortimid war gordhowed uu Trump shaaciyay
Xigashada Sawirka, isna
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in Tehran aysan wax codsi ah u dirin
Mareykanka oo ku saabsan wadahadallo, balse ay aqbashay codsi uga yimid
dhexdhexaadiye goboleed oo doonayay inuu soo booqdo Iran si looga wada hadlo
xaaladdii ugu dambeysay.
Wareysi laga sii daayay
telefishinka, Mr. Baghaei wuxuu yiri:
“Annagu ma aanan codsan wax
wadahadal ah oo aan la galno Mareykanka, laakiin iyadoo la raacayo habka
mas’uuliyadda leh ee aan mar walba qaadanno, ma aanan diidin codsiga mid ka mid
ah dhexdhexaadiyeyaasha gobolka ee ahaa inuu u soo safro Iran oo uu kala hadlo
xaaladda ugu dambeysay. Safarkan wuxuu ka dhacay Mashhad, waxaana dhinaca Qadar
u gudbinnay aragtiyadeenna iyo mowqifyadeenna.”
Isagoo xusay in ay kaliya 21 ama
22 maalmood ka soo wareegeen markii la saxiixay is-afgaradka (MoU), ayuu yiri:
“Mareykanku muddadan gudaheeda
wuxuu si joogto ah u jebiyey qodobo kala duwan.”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda ayaa sidoo kale ku daray:
“Dhacdooyinka Arbacadii iyo
Khamiistii waxay ahaayen xadgudub cad oo ka dhan ah qodobada koowaad iyo labaad
ee heshiiskan, halka ka noqoshada ruqsadda shidaalka Iran ay si weyn u jebisay
mid ka mid ah qodobbadii kale ee heshiiska.”
Sida uu sheegay, cunaqabateynta
cusub ee Mareykanka uu soo rogay waxay ka hor imaanayaan qodobka sagaalaad ee
heshiiska is-afgaradka.
War deg deg ah, Sawirrada qabriga Ayyatullah Cali Khamenei oo la baahiyay
Xigashada Sawirka, x/FarsNews_Agency
Warbaahinta Iran ayaa daabacday
sawirro iyo muuqaallo laga qaaday qabriga hoggaamiyihii hore ee ugu sarreeyay
Iran, Cali Khamenei. Cali Khamenei iyo afar xubnood oo kale oo qoyskiisa ka
tirsan ayaa lagu aasay goobta barakeysan ee Reza ee magaalada Mashhad.
Cali Khamenei ayaa la sheegay inuu
ku dhintay 28-ka Febraayo, saacadihii hore ee subaxnimo, kadib weerarro cirka
ah oo ay Iran ku qaadeen Maraykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo lagu
bartilmaameedsaday dhisme uu deganaa.
Waxaa la sheegay in lala aasay
afar xubnood oo kale oo qoyskiisa ka tirsan, kuwaas oo kala ah:
Bushra Khamenei, gabadhiisa;
Zahra Mohammadi Golpaygani, gabar uu awoowe u yahay;
Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem
Gharibabadi, ayaa ka falceliyay go’aanka Wasaaradda Ganacsiga Maraykanka ee kor
loogu qaaday heerka dhoofinta ee Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay
arrintaas inay tahay calaamad muujinaysa taageerada Imaaraadka ee hawlgallada
milatari ee Maraykanka ee ka dhanka ah
Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu ku yiri:
"Qirashadan rasmiga ah ee ka timid Washington iyo
dukumentiga fadeexadda ah ee Abu dubai waxay leeyihiin mas’uuliyad caalami ah
iyo saameyn sharci oo toos ah. Imaaraadka waa in lala xisaabtamaa."
Iran ayaa dhowr jeer intii uu dagaalku socday weerarro ku
qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Imaaraadka Carabta.
Mas’uuliyiinta Iran ayaa weerarradaas ku sababeeyay iyagoo
tilmaamay in Imaaraadku martigeliyo xarumaha milatari ee Maraykanka isla
markaana uu iskaashi la leeyahay Israa’iil.
War deg deg ah, Degdeg: Trump oo ka walaacsan in Iran ay disho iyo waxa dhici kara
Xigashada Sawirka, Aqalka Cad
Madaxweynaha Maraykanka, Donald
Trump, ayaa u hanjabay dowladda Iran, isagoo sheegay in Maraykanku uu qaadi
doono weerarro ballaaran oo ka dhan ah Iran haddii ay isku daydo ama ay fuliso
qorshe lagu doonayo in lagu khaarijiyo isaga.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa
bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ku yiri:
"Kun gantaal ayaa loo
diyaariyey, laguna beegsaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Haddii
hanjabaadda dowladda Iran ee lagu doonayo in lagu dilo madaxweynaha Maraykanka
la fuliyo, kumannaan gantaal oo kale ayaa isla markiiba la ridi doonaa."
Trump ayaa sidoo kale sheegay in
amaradii lagama maarmaanka ahaa hore loo bixiyay, isla markaana ciidamada
Maraykanku ay diyaar u yihiin inay "si buuxda u burburiyaan dhammaan
goobaha Iran" muddo hal sano ah, iyadoo ay jirto suurtagalnimada in
muddadaas la kordhiyo.
Wuxuu farriintiisa ku soo
gabagabeeyay:
"Mahad oo dhan waxaa iska leh
Alle."
Hanjabaaddan ayaa timid kadib
markii ay soo baxeen warar sirdoonka Israa’iil ay sheegeen oo ku saabsan qorshe
cusub oo la sheegay in Iran ay ku doonayso inay ku disho Trump, iyo sidoo kale
sawirro iyo halku-dhegyo lagu soo bandhigay intii lagu jiray aaska Ayatollah
Cali Khamenei.
Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda
Islaamiga ah ee Iran ayaa hore u beeniyay eedeymaha sheegaya inay qorsheynayeen
in la khaarijiyo Donald Trump.
War deg deg ah, Muxuu yahay codsiga Iran Trump u dirtay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka, Donald
Trump, ayaa sheegay in Iran ay codsatay in la sii wado wadaxaajoodyada.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa
bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ku yiri:
Hase yeeshee, madaxweynaha
Maraykanka ayaa sheegay inuu si cad ugu sheegay Iran in xabbad-joojintii ay
dhammaatay.
Mar sii horeysay wakaaladda
wararka caalamiga ah ee Reuters ayaa sheegtay in wada-xaajoodayaal ka socda Qadar
ay ku sugnaayeen Iran, halkaas oo ay kula kulmayeen mas’uuliyiin Iraniyiin ah.
Reuters, oo soo xiganaysa ilo
xog-ogaal ah, ayaa sheegtay in dadaalladaasi ay ujeeddadoodu tahay in la dejiyo
xiisadda u dhexeysa Iran iyo Maraykanka iyo in loo gogol xaaro wadahadallo
ballaaran oo u dhexeeya labada dhinac.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran,
Cabbaas Caraqji, ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu jebiyay is-afgaradkii ay
labada dal gaareen, isagoo sheegay in Iran ay weli u hoggaansan tahay qodobada
heshiiskaas.
Qoraal uu ku baahiyay barta X,
ayuu Caraqji ku sheegay in Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka uu ku xadgudbay Qodobka
9-aad ee is-afgaradka.
Wuxuu ku dooday in tallaabadaasi
ay qayb ka tahay xadgudubyo iyo khaladaad isdaba joog ah oo uu Maraykanku ku
kacay.
Sida ku cad Qodobka 9-aad ee
is-afgaradkii ay Maraykanka iyo Iran kala saxiixdeen bishii hore, Maraykanku
wuxuu oggolaaday inuu bixiyo fasaxyo u saamaxaya Iran inay dhoofiso
saliiddeeda, shidaalka iyo adeegyada la xiriira, sida adeegyada bangiyada iyo
gaadiidka, isla markaana aanu soo rogin xayiraado cusub.
Hase yeeshee, maalmo ka hor, kadib
weerarradii lagu qaaday maraakiibta maraysa Marinka Hormuz, Wasaaradda
Maaliyadda Maraykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay qaar ka mid ah xarumaha
sarifka lacagaha iyo shirkado Iraniyiiin ah, tallaabadaas oo Tehran ay ku
tilmaantay mid jebinaysa heshiiska labada dhinac.
War deg deg ah, Iran oo qiratay in weerarrada Maraakiibta Marinka Hormuz ay tahay tallaabo "khalad ah"
Xigashada Sawirka, Getty Images
CBS News ayaa, iyadoo soo
xiganaysa mas’uuliyiin sare oo Maraykan ah, sheegtay in mas’uuliyiin Iranian ah
ay si gaar ah ugu sheegeen la-taliyeyaasha Madaxweyne Donald Trump in
weerarradii lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee Marinka Hormuz ay ahaayeen “khalad”,
isla markaana ay fuliyeen xubno ka tirsan garabka mayalka adag ee Iran, kuwaas
oo doonayay inay carqaladeeyaan wadaxaajoodyada.
Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen,
Iran waxay doonaysaa in wadaxaajoodyadu sii socdaan, balse Aqalka Cad wuxuu ka
dalbanayaa Tehran inay si cad u qirato mas’uuliyadda weerarradaas, kuwaas oo
maamulka Trump u arko inay jebiyeen heshiiskii xabbad-joojinta.
Warbixintu waxay intaas ku dartay
in Madaxweyne Donald Trump uu faray kooxdiisa wadaxaajoodka, oo ay ka mid
yihiin J.D. Vance, Jared Kushner, Steve Witkoff, iyo Marco Rubio, inay sii
wadaan wadaxaajoodyada. Wareegga xiga ee wada-hadallada ayaa la qorsheeyay inuu
maanta uu ka dhaco Urdun.
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa
sidoo kale sheegay in haddii Iran ay sii waddo tallaabooyinka ay Washington u
aragto kuwo colaad ah, Maraykanku uu uga jawaabi doono tallaabooyin milatari
iyo kuwo dhaqaale.
War deg deg ah, Degdeg: Mareykanka oo Iran u qabtay saacado kooban in ay ku joojiso weerarrada maraakiibta Hormuz
Xigashada Sawirka, Reuters
Warbaahinta Axios ayaa, iyadoo soo
xiganaysa saddex mas’uul oo Maraykan ah, sheegtay in maamulka Madaxweyne Donald
Trump uu Iran ka dalbaday inay maanta oo Sabtida ah si rasmi ah ugu dhawaaqdo
in Marinka Hormuz uu u furan yahay isu-socodka maraakiibta, isla markaana ay
joojinayso weerarrada lagu hayo maraakiibta ganacsiga.
Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen,
Washington ayaa farriintan si toos ah ugu gudbisay Tehran iyada oo adeegsanaysa
dhexdhexaadiyeyaal gobolka ka socda. Maraykanku wuxuu ku doodayaa in
weerarradii dhowaan lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ay jebiyeen heshiis ay
labada dhinac kala saxiixdeen saddex toddobaad ka hor, isla markaana ay
xiisaddu gaarsiisay heshiiskaas jilicsanaa heer uu qarka u saaran yahay inuu
burburo.
Warbixintu waxay intaas ku dartay
in Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, la filayo inuu maanta oo
Sabtida ah magaalada Muscat kula kulmo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan, Badr
Al Busaidi, si ay uga wada hadlaan qalalaasaha ka taagan Marinka Hormuz iyo
amniga isu-socodka maraakiibta. Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa filaya in Iran
ay kulanka kaddib si cad u shaacin doonto mowqifkeeda ku saabsan joojinta
weerarrada iyo dib u furista marinnada maraakiibta.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta
Maraykanka ayaa ka digay in haddii Iran ay diido codsigan, ay la kulmi doonto cawaaqib
culus.
Dhanka kale, Afhayeenka Wasaaradda
Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in Tehran ay aqbashay inay
qaadato mas’uuliyad gaar ah oo ku aaddan dib u soo celinta isu-socodka caadiga
ah ee maraakiibta ee Marinka Hormuz, isla markaana ay arrintaas kala shaqayn
doonto dowladda Cumaan. Hase yeeshee, wuxuu caddeeyay in Iran ay diidday
codsiga ku saabsan inay wadahadal toos ah la yeelato Maraykanka.