Leavitt ayaa tiri "Runtii Trump wuxuu ahaa mid aan cabsi dareemin" ka dib weerarkii hoteelka Washington

Xigashada Sawirka, Reuters
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in wixii la filayay inuu noqdo habeen madadaalo leh uu “farageliyay qof waalan oo xun oo damacsanaa inuu dilo madaxweynaha isla markaana uu laayo inta ugu badan ee suurtagal ah ee saraakiisha sare ee maamulka Trump.”
Leavitt ayaa qoraal ay ku daabacday X ku sheegtay in ay la joogtay madaxweynaha meel gadaal ah “kadib markii si degdeg ah ay noo badbaadiyeen ilaada gaarka ah,” iyadoo ku dartay in uu ahaa madaxwaynaha “mid aan ayasan cabsi ka muuqan.”
Waxay mar kale ku celisay hadalkii Trump ee ahaa in “rabshadaha siyaasadeed ay tahay inay dhammaadaan,” waxayna u mahadcelisay “hay’adaha ammaanka sida ay noogu suurtageliyeen inaan dhammaanteen badbaadno.”










