Iran waxay sheegtay inay mas’uul ka noqon doonto Hormuz, Putin-na wuxuu yiri waxaan ka shaqaynayaa danaha Tehran iyo gobolka

Ruushka iyo Iiraan ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka Bariga Dhexe, iyadoo Putin uu sheegay in uu ka shaqeynayo xal u helidda mushkiladda gobolka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Faahfaahin weli ka soo baxaysa ninka lagu tuhunsanyahay inuu weeraray xaflad ka socotay meel u dhow Aqalka Cad

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, @realDonaldTrump/ Truth Social

    Ilo ka tirsan hay’adaha fulinta sharciga ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ee CBS News oo bah-wadaag la ah BBC-da in ninka looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay toogashada ka dhacday Washington uu hadda ku jiro gacanta booliska, laguna hayo saldhigga Metropolitan Police Department ee waqooyi-galbeed Washington, DC.

    Sida ay sheegeen, waxaa loo wareejin doonaa xarun lagu hayo maxaabiista oo ku taalla koonfur-bari caasimadda, ka dibna maata oo ah Isniin ayaa la hor keeni doonaa maxkamad federaal ah.

    Waxaa xusid mudan in dhacdada toogashadu ay dhacday xilli casho loo sameeynayay weriyeyaasha Aqalka Cad ee Washington, halkaas oo madaxweyne Donald Trump iyo xaaskiisa ay sidoo kale joogeen, kuwaas oo si nabad ah loogala cararay goobta.

  2. Kulanka maanta la filayo inuu ka dhaco Moscow iyo qodobbada looga hadlayo

    Putin iyo Caraqji

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa booqasho ku jooga Ruushka, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin magaalada Moscow.

    Macluumaadkan waxaa bixisay wakaaladda wararka Iiraan, iyadoo soo xiganaysa safiirka Iiraan u fadhiya Ruushka, Kazem Jalali.

    Kazem Jalali ayaa sidoo kale sheegay in kulanka uu dhici doono maanta oo Isniin ah. Wuxuu intaas ku daray in Caraqji uu wadahadallo la yeelan doono mas’uuliyiinta Ruushka, iyagoo ka wada hadli doona xaaladdii ugu dambeysay, xabbad joojinta, iyo arrimaha la xiriira.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sidoo kale Axaddii xaqiijisay in Caraqji uu imaan doono Moscow si uu wadahadallo u yeesho mas’uuliyiinta dalkaas.

    Waxaa xusid mudan in Cabbaas Caraqji uu horeyu booqday Pakistan iyo Cumaan, halkaas oo looga hadlay xaaladda ugu dambeysay ee Bariga Dhexe.

  3. War deg deg ah, Marinka Hormuz oo laga wadahadlayo

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran: Wadahadallada ka dhacay Cumaan waxay diiradda saareen sidii loo xaqiijin lahaa Marinka Hormuz, sidii uu noqon lahaa marin ammaan ah.

    Mareykanka ayaa xanibaad saaray Marinka, iyadoo dhowr markab oo ka yimd Iiraan oo saliid wada la qabtay.

  4. War deg deg ah, Weerar dad ku dhinteen oo ka dhacay Koonfurta Luban

    Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta dalka ay ku dileen ugu yaraan 14 qof Axaddii, isla markaana ay ku dhaawaceen ku dhowaad 40 kale, inkastoo ay jirto xabbad-joojin wali ka jirta dalka.

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in uu beegsaday waxa uu ku tilmaamay “unugyo argagixiso oo gantaallo ridaya iyo goobo lagu kaydiyo hubka” oo ay isticmaasho Xisbullah.

    Sida ku cad shuruudaha heshiiska xabbad-joojinta, oo dhowaan la kordhiyay, Israa’iil waxay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarro degdeg ah ama socda, waxayna beegsanaysay bartilmaameedyo ku yaalla Lubnaan ku dhowaad maalin kasta.

    Horrey Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in mid ka mid ah askartooda la dilay, lix kalena lagu dhaawacay weerar diyaaradda aan duuliyaha lahayn oo ay Xisbullah ka fulisay koonfurta Lubnaan Axaddii.

    Labada dhinacba waxay midba midka kale ku eedeeyeen jebinta soo noqnoqotay ee heshiiska xabbad-joojinta.

  5. Bashar al-Assad iyo qaar ka mid ah dadkii la shaqeynayay oo dacwado lagu soo oogay

    Suuriya

    Xigashada Sawirka, Bashar al-Assad,

    Maxkamad ayaa ka bilaabatay Suuriya, iyadoo lagu maxkamadeynayo madaxweynihii xilka laga tuuray Bashar al-Assad, oo dibadda ah iyo qaar ka mid ah saaxiibbadiis, kuwaas oo lagu eedeeyay xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

    Intooda badan, oo ay ku jiro Mr Assad iyo walaalkiis, ayaa la maxkamadeynayaa iyagoo maqan, halka qaar kale ay maxkamadda ka soo muuqdeen.

    Qofka ugu caansan ee maanta maxkamadda ka soo muuqday wuxuu ahaa Atef Najib, oo hore u ahaa sarkaal sare oo amniga ka tirsan, laguna eedeeyay “dembiyo ka dhan ah qaranka Suuriya.”

    Waxyaabah loo haysto waxaa ka mid ah jirdilka dhalinyaro mucaarad ahaa oo lagu hayay magaalada koonfureed ee Deraa sanadkii 2011.

    Rabshadihii halkaas ka dhacay ayaa ahaa kuwa kiciyay kacdoonkii Suuriya iyo dagaalkii sokeeye ee dalkaas.Wasiirka caddaaladda ee dowladda Islaamiga ah ee hadda Suuriya ka talisa ayaa sheegay in maxkamadahan ay gogol xaar u tahay “cadaalad ” . Dhageysiga xiga ayaa lagu balansan yahay 10-ka May.

  6. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan oo faahfaahiyay qodobbo uu kala hadlay dhigiisa Iiran

    Caraqji iyo Badr

    Xigashada Sawirka, @badralbusaidi

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan Badr Al Busaidi ayaa sheegay isagoo adeegsanaya bartiisa X, in habeenkii Axadda, saacado ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Cabbaas Caraqji uu ka dhoofay Muscat,: “Waxaan wada yeelanay dood wanaagsan oo ku saabsan Marinka Hormuz aniga iyo Caraqji, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran.”

    Al-Busaidi, oo horey uga qayb qaatay dhexdhexaadinta wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, ayaa intaas ku daray: “Annaga oo ah dal xeebeed, waxaan aqoonsanahay mas’uuliyaddeenna wadajirka ah ee beesha caalamka iyo baahida degdegga ah ee bani’aadannimo ee ah in la sii daayo badmaaxiinta muddo dheer ku xaniban halkaa.”

    Wuxuu adkeeyay baahida loo qabo “diblomaasiyad dheeraad ah,” iyo sidoo kale helidda xalal wax ku ool ah oo dammaanad qaadaya xorriyadda joogtada ah ee maraakiibta iyo socodka ganacsiga.

  7. War deg deg ah, Xisbullaah oo si adag ugu jawaabtay Netanyahu

    Xisbullah ayaa diiday eedeynta Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu oo ahayd inay halis gelinayso xabad joojinta waxayna sheegtay inay sii wadi doonto inay ka jawaabto xadgudubyada xabad joojinta ee Israa'iil iyo qabsashada koonfurta Lubnaan.

    Kooxda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarradeeda bartilmaameedyada Israa'iil ee koonfurta Lubnaan iyo waqooyiga Israa'iil ay ahaayeen "jawaab sharci ah oo ku aaddan xadgudubyada joogtada ah ee cadawgu ku hayo xabbad joojinta tan iyo maalintii ugu horreysay ee ku dhawaaqista xabbad joojinta ku meel gaarka ah."

    War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: "Xisbullah si cad oo adag ayay u xoojinaysaa in xadgudubka joogtada ah ee xabbad joojinta ee cadowga, gaar ahaan qabsashada joogtada ah ee dhulka Lubnaan iyo ku xadgudubka madaxbannaanideeda, uu la kulmi doono jawaab iyo iska caabin diyaar u ah idifaaca dhulkeeda iyo dadkeeda."

    Horay, ra’iisul wasaare Netanyahu wuxuu ka sheegay shirkii golaha wasiirada: "Jabinta Xisbullaah ee xabbad joojinta ayaa dhab ahaantii burburinaysa xabbad joojinta," wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in Israa'iil ay ku dhaqmayso "xoog iyo waafaqsan heshiisyada lala galay Mareykanka iyo Lubnaan."

    Sida ku cad shuruudaha xabbad joojinta, oo dhaqan galay Abriil 17 oo dhawaan loo kordhiyay saddex toddobaad oo kale, Israa'iil waxay xaq u leedahay inay ka jawaabto "weerarrada la qorsheeyay iyo kuwa socda." Si kastaba ha ahaatee, waxay sii wadday inay weerarro khasarae dhaliyay ka geysato Lubnaan, ciidamadeeduna waxay ku sugan yihiin meel loogu yeero "khadka cas" oo u dhow xuduudda. Israa'iil waxay uga digtay dadka deggan Lubnaan inaysan ku soo laaban goobahaas.

    Xisbullah waxay sidoo kale ku eedeysay dowladda Lubnaan inay ka aamustay weerarrada Israa'iil iyo inay ku guuldareysatay inay gudato waajibaadkeeda aasaasiga ah ee difaaca dhulka iyo dadkeeda.

  8. Trump oo yiri: "Shaqadan in sidaan ay khatar u tahay ma ogeyn"

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in loo baahan yahay hool ammaan ah oo Aqalka Cad ku yaalla, si looga fogaado dhibaatooyin amni ee dhici kara.

    Markii la weydiiyay haddii uu ka walaacsan yahay in xafladda dib loo qorsheeyo oo lagu qabto hoteelka Washington Hilton, Trump wuxuu yiri:“Mar walba way adag tahay marka aad haysato kun qol.”

    Wuxuu sidoo kale ku celiyay hadalkiisii hore ee ahaa in loo baahan yahay hool ammaan ah oo Aqalka Cad laga dhiso, wuxuuna sheegay in mashruucaasi la dhisi doono si ka dhakhso badan sidii la filayay.

    Mar uu ka hadlayay toogashadii ka dhacday xafladda cashada, wuxuu ku tilmaamay inay ahayd “arrin diimeed” isla markaana “uu jiro naceyb xooggan oo ka dhan ah Masiixiyiinta”.Trump wuxuu sidoo kale sheegay in markii uu u tartamayay madaxweynaha uusan si buuxda u fahamsaneyn sida shaqadiisu ay khatar u noqon karto.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka qeybgalayay casho uu la lahaa suxufiyiinta Aqalka Cad oo ka dhacaysay hoteel abbaare 8:30 fiidnimo waqtiga Mareykanka ee xalay, markaas oo rasaas la maqlay.Ciidamadiisa ammaanka ayaa markaas si degdeg ah ugala cararay goobta si ay u badbaadiyaan.

  9. Ra'iiusl Wasaaraha Israa'iil oo loo tashaday

    Netanyahu

    Xigashada Sawirka, EPA

    Laba siyaasi oo horey u soo noqday ra’iisul wasaareyaal Israa’iil Bennett iyo Lapid ayaa go’aansaday inay iskaashadaan. Ujeedkoodu waa inay ka adkaadaan Ra’iisul Wasaaraha hadda jooga Netanyahu doorashada soo socota.

    Doorashadaas waxaa la filayaa inay dhacdo dabayaaqada sanadkan.Labadan nin waxay sidoo kale sheegeen inay isku darayaan xisbiyadooda siyaasadeed si ay u xoogaystaan. Lapid wuxuu yiri:

    “Waxaan tan u sameyneynaa mustaqbalka carruurteena, Israa’iilna waxay u baahan tahay isbedel.”Labadan siyaasi ayaa iskaashanaya si ay u helaan awood badan oo ay ku beddelaan dowladda hadda jirta.

  10. Xaalad jaha-wareer ah oo ka taagan Mali iyo faahfaahin laga helayo qaraxyo mas'iiliyiin lagu dilay

    Mali

    Xigashada Sawirka, Azawad Liberation Front via AP

    Ehelada wasiirkii difaaca ee Mali, Sadio Camara, ayaa sheegaya in Sabtidii lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay gurigiisa oo ku dhow caasimadda Bamako.

    Waxay sheegeen in dhowr ka mid ah qoyskiisa ay sidoo kale dhinteen. Dhimashadoodu waxay timid xilli ay socdeen weeraro isku xiran oo ay dagaalyahannada jihaadiyiinta iyo gooni-u-goosadka Tureg ay ku qaadeen dhowr magaalo oo Mali ka tirsan.

    Hoggaamiyaha militariga ee Mali, Jeneraal Assimi Goïta, lama arag laakiin waxaa la sheegay inuu badqabo ka dib markii gurigiisa oo ku yaal Kati la weeraray.

    Dagaalku wuxuu ka socday aagagga qaraxyadu ka dhaceen iyo Kidal oo ku taal waqooyiga dalkaas. Ururka gobolka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, oo Mali ay ka baxday laba sano ka hor, ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen "weerarrada argagixisada".

  11. Rag badan oo mucaarad ah ayaa xabsiga la dhigay

    Chad

    Xigashada Sawirka, EPA

    Mas’uuliyiinta dalka Chad ayaa xiray sagaal hoggaamiye oo mucaarad ah oo u dhashay dalkaas.

    Afhayeen u hadlay isbahaysiga mucaaradka ee GCAP ayaa sheegay in raggan la qabtay oo la xiray subaxnimadii Sabtida.

    GCAP waxay qorshaynaysay isu-soo-bax ay ku tilmaantay muujin caro ah oo ka dhici lahaa N’Djamena, caasimadda, toddobaadka soo socda ka hor inta aan la hakinin.Maxkamadda ugu sarreysa Chad ayaa ku dhawaaqday in isbahaysigaasi sharci-darro yahay.

    Afhayeenka xisbiga talada haya ee MPS, Abdel-Nasser Garboa, ayaa sheegay in tallaabadaan loo qaaday si looga hortago qalalaase.Dalka Chad, oo ku yaalla bartamaha Afrika, waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan dunida.

  12. Safiirka cusub ee Israa'iil u magacowday Somaliland oo ka hadlay magacaabistiisa

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa arrinta la xiriirta safiirka ay dhawaan u magacaabeen Somaliland ku tilmaantay “tallaabo macno leh oo lagu xoojinayo saaxiibtinimada iyo iskaashiga ka dhexeeya Israa'iil iyo Somaliland”. Qoraal wasaaraddu ku baahisay barteeda Facebooka ayay intaasi ku dartay “Waxaan u rajeynayaa guul weyn oo uu ka gaaro doorkiisa cusub”.

    Michael Lotem oo ah safiirka dhawaan Israa’iil u magacowday Somaliland ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu noqdo safiirkii ugu horreyay ee Israa’iil uga wakiil ah Somaliland. Qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray ayuu sidaan ku yiri: “Waxaan ku faraxsanahay oo sharaf weyn ii ah in aan helo oggolaanshaha dowladdayda, taas oo ii magacawday inaan noqdo Safiirkii ugu horreeyay ee Israa’iil u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland,”.

  13. War deg deg ah, Iiraan oo farriin adag u dirtay Mareykanka uguna dhiibtay Pakistan

    Iiraan iyo Mareykan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wakaaladda wararka ee Fars ee Iran ayaa sheegtay in Tehran ay fariimo qoraal ah u dirtay Maraykanka iyadoo u sii marsiinaysa Pakistan, kuwaas oo ku saabsan wax lagu tilmaamay “qad cas oo gaar ah oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran leedahay, oo ay ka mid yihiin arrinta nukliyeerka iyo marin-biyoodka Hormuz.”

    Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in farriintaani aysan ku jirin wax wadaxaajood rasmi ah la xiriira.

    Islamabad ayaa martigelisay wareeg wadahadallo ah oo u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran horraantii bishan, balse kama soo bixin wax natiijo ah.

  14. Trump oo yri "Iiraaniyiintu way nala soo xiri karaan"

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dagaalka Iran uu dhowaan dhammaan doono isla markaana ay guulaysan doonaan.

    Wareysi uu siiyay Fox News, ayuu madaxweynuhu ku yiri: “Haddii Iiraaniyiintu rabaan wada hadal, way nala soo xiriiri karaan.”

    Isagoo ka hadlayay dhacdadii rasaasta ee ka dhacday hoteel ku yaal Washington, D.C., ayuu madaxweynuhu sheegay in xalay ay ahayd habeen murugo leh, balse isaga iyo Marwada Koowaad ay badqabaan.

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay in qofka lagu tuhunsan yahay falkaasi “uu qalbigiisa nacayb ka buuxay isla markaana uu ahaa Masiixi ah been a”

    Sidoo kale, wuxuu sheegay in hoolka xafladaha ee Aqalka Cad loo baahan doono si looga fogaado dhibaatooyin amni oo mustaqbalka dhaca.

    Marka laga hadlayo booqashada Boqorka Britain, Charles, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu u imanayo Maraykanka sidii hore loo qorsheeyay.

  15. War deg deg ah, Warar dheeraad ah oo laga helayo ninkii rasaasta ku riday goob uu Trump joogay

    Ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeyay toogashadii ka dhacday Washinton meel u dhow Aqalka Cad ayaa hadda lagu hayaa saldhig boolis oo ku yaalla waqooyi-galbeed Washington, DC, sida ay ilo ka tirsan laamaha amniga u sheegeen warbaahinta Mareykanka ee CBS News oo bah-wadaag la ah BBC-da.

    Waxay sheegeen in saacadaha soo socda loo wareejin doono xarun lagu hayo maxaabiista oo ku taalla koonfurta-bari ee caasimadda, ka hor inta aan Isniinta la horgeyn maxkamad federaal ah.

  16. Ruushka iyo Iiraan oo ka wadahadlaya xaaladda Bariga Dhexe

    Caraqji

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Cabbaas Caraqji ayaa u ambabaxay Ruushka, isagoo sii wada booqashadiisa caadiga ah, isagoo ay weheliyaan diblomaasiyiin kale.

    Mr. Caraqji ayaa lagu wadaa inuu berri kula kulmo oo uu wadahadallo la yeesho Madaxweyne Vladimir Putin magaalada Moscow.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa hore ula kulmay mas'uuliyiinta Pakistaan ​​iyo Cumaan intii uu ku guda jiray safarkiisa Islamabad iyo Muscat.

  17. War deg deg ah, Degdeg: Mareykanka oo gacanta ku dhigay hanti Iiraan leedahay oo gaaraysa 380 milyan oo doollar

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Bar dhanka Inteernedka ah oo xil saran la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta caalamiga ah ayaa sheegtay in sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday ay muujinayaan in shixnado saliid ceeriin ah oo qiimahoodu gaarayo 1.05 bilyan oo doollar ay dib ugu laabanayaan Iran, kaddib markii si degdeg ah ay u qabteen Ciidanka Badda Mareykanka.

    TankerTrackers ayaa qoraal ay ku daabacday barta X, ku sheegat in Ilaalada Xeebaha Mareykanka ay qabteen saliid Iran leedahay oo lagu qiyaasay 380 milyan oo doollar taasoo lagu qabtay gudaha Badweynta Hindiya, iyadoo la xusay in shixnaddaasi “u muuqatay mid loogu talagalay inay gaarto Mareykanka.”

    Madasha “TankerTrackers” waa ilo ay adeegsadaan shirkadaha caymiska maraakiibta, soo saarayaasha saliidda iyo ganacsatada si ay ula socdaan shixnadaha saliidda ee adduunka oo dhan.

  18. Ciidamada Israel ayaa ku dhawaaqay dhimashada mid ka mid ah askartooda koonfurta Lubnaan.

    Milatariga Israa’iil ayaa Axaddii sheegay in askari lagu dilay koonfurta Lubnaan.

    Ciidanku waxay faahfaahiyeen in Aidan Fox, oo 19 jir ah, lagu dilay “intii uu socday dagaal” ka dhacay koonfurta Lubnaan.

    Waxay sidoo kale sheegeen in “sarkaal iyo saddex askari oo kale ay si daran u dhaawacmeen, halka hal askari uu qabo dhaawac dhexdhexaad ah, mid kalena uu qabo dhaawac fudud.

  19. Trump: Dagaalka Iran "wuxuu dhamaan doonaa dhawaan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo wareysi siinayay Fox News ayaa sheegay in dagaalka Iran uu soo afjari doono dhawaan, islamarkaana dalkiisa uu guulo ka gaari doono.

    Trump waxa uu carabka ku adkeeyay in hadii Iraniyiintu ay rabaan inay wada hadlaan, ay "na soo wici karaan".

  20. Trump oo bixiyay wareysigii ugu horreeyay tan iyo markii la nin hubeysan uu rasaas ku furay xaflad aqalka cad ka socotay

    Trump iyo Xaaskiisa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump iyo Xaaskiisa

    Waxaan hadda heleynaa warar ku saabsan Donald Trump oo bixiyay wareysigiisii ugu horreeyay tan iyo toogashadii xalay. Halkan waxaa ku qoran soo koobidda qodobbada ugu muhiimsan:

    • Trump wuxuu sheegay in isaga iyo marwada koowaad ay nabad qabaan, inkastoo ay ahayd “habeen murugo leh siyaabo badan.”
    • Wuxuu sheegay in ninka la tuhunsan yahay uu lahaa “nacayb qalbigiisa ku jira” isla markaana uu ahaa “mid si adag uga soo horjeeda diinta Masiixiga” — iyadoo la xasuusinayo in booliisku hore u sheegeen in sababta weerarka weli aan la ogeyn.
    • Wuxuu ammaanay waaxda ilaalada gaarka ah ee madaxwaynaha, isagoo sheegay in tuhunsuhu uu u soo orday sida “ciyaaryahan NFL ah,” isla markaana ay “si degdeg ah u joojiyeen.”
    • Wuxuu ku celiyay hadallo uu hore ugu qoray Truth Social, isagoo sheegay in loo baahan yahay hool cusub oo Aqalka Cad ah si looga hortago dhibaatooyin amni mustaqbalka.
    • Marka laga hadlayo booqashada rasmiga ah ee soo socota, wuxuu sheegay in Boqor Charles III uu weli iman doono, isla markaana “waan wada qaadan doonaa waqti fiican.