You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iran waxay sheegtay inay mas’uul ka noqon doonto Hormuz, Putin-na wuxuu yiri waxaan ka shaqaynayaa danaha Tehran iyo gobolka

Ruushka iyo Iiraan ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka Bariga Dhexe, iyadoo Putin uu sheegay in uu ka shaqeynayo xal u helidda mushkiladda gobolka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Leavitt ayaa tiri "Runtii Trump wuxuu ahaa mid aan cabsi dareemin" ka dib weerarkii hoteelka Washington

    Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in wixii la filayay inuu noqdo habeen madadaalo leh uu “farageliyay qof waalan oo xun oo damacsanaa inuu dilo madaxweynaha isla markaana uu laayo inta ugu badan ee suurtagal ah ee saraakiisha sare ee maamulka Trump.”

    Leavitt ayaa qoraal ay ku daabacday X ku sheegtay in ay la joogtay madaxweynaha meel gadaal ah “kadib markii si degdeg ah ay noo badbaadiyeen ilaada gaarka ah,” iyadoo ku dartay in uu ahaa madaxwaynaha “mid aan ayasan cabsi ka muuqan.”

    Waxay mar kale ku celisay hadalkii Trump ee ahaa in “rabshadaha siyaasadeed ay tahay inay dhammaadaan,” waxayna u mahadcelisay “hay’adaha ammaanka sida ay noogu suurtageliyeen inaan dhammaanteen badbaadno.”

  2. Dowladda Pakistan oo u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters in ciidamada Mareykanka ay ka soo qaateen Islamabad qalabkii ammaanka

    Ilo ka tirsan dowladda Pakistan ayaa u sheegay Reuters in ciidamada United States ay ka qaadeen qalab amni caasimadda Islamabad, taas oo muujinaysa in aysan u badnayn in wafdi Mareykan ah uu si dhow ugu soo laabto wadahadallo.

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shalay ku dhawaaqay inuu baajiyay safar uu qorsheynayay wafdi Mareykan ah oo ku wajahnaa Pakistan.

    Dhankiisa, Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa intii lagu jiray wada hadal taleefoon oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ku adkeeyay in Tehran aysan geli doonin “wadaxaajood lagu qasbo” oo lagu wado hanjabaad ama go’doomin, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda Iran.

  3. Warbaahinta Axios: Israa'iil ayaa Imaaraadka geysay gantaalada Iron Dome intii uu socday dagaalka Iran

    Websaytka Mareykanka ee Axios ayaa daabacay warbixin sheegaysa in Israa’iil ay u dirtay nidaamka difaaca hawada ee Iron Dome dalka Imaaraadka, iyada oo ay la socdaan ciidamo ka shaqeeya, marxaladihii hore ee dagaal lala galay Iran, sida laga soo xigtay saraakiil Israa’iili ah iyo sarkaal Mareykan ah.

    Sida warbixintu tilmaamayso, tani waa markii ugu horreysay ee Israa’iil ay nidaamka “Iron Dome” ka hawlgeliso dal kale. Waxa kale oo ay Imaaraadka noqoday dalkii ugu horreeyay ee ka baxsan Israa’iil iyo Mareykanka ee isticmaala nidaamkan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Israa’iili ah.

    Warbixintu waxay sidoo kale xustay inImaaraadku ahaa dalka gobolka ugu nugul weerarrada Iran muddadaas, iyadoo Tehran—sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Imaaraadka—ay ku riday qiyaastii 550 gantaallo ballistic iyo cruise ah, iyo in ka badan 2,200 diyaaradood oo aan duuliye lahayn.

    Sida laga soo xigtay saraakiil Israa’iili ah, Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa go’aansaday in la diro hal cutub oo Iron Dome ah oo wata gantaallo difaac iyo tobanaan hawlwadeen, kadib wada-hadal uu la yeeshay madaxweynaha Imaaraadka.

    Ilaa hadda, ma jiro wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay dowladaha Imaaraadka iyo Israa’iil oo ku saabsan warbixintan.

  4. Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo ka hadlay arrinta Hurmuz ee cakiran

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa Axaddii wadahadallo ku yeeshay Muscat, halkaas oo uu kala hadlay arrimaha amniga ee marinka Strait of Hormuz iyo biyaha Gacanka, iyo sidoo kale dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran.

    Intii uu wadahadallada la lahaa Suldaanka Cumaan, Haitham bin Tariq, Araqchi wuxuu sheegay in joogitaanka milatari ee Mareykanka ee Bariga Dhexe uu sii hurinayo “xasillooni-darro iyo kala qaybsanaan,” isagoo ku baaqay in la dhiso hannaan amni oo gobolka ah oo ka madax bannaan faragelin shisheeye.

  5. Sideed ku ogaan kartaa in ilmahaagu maskax ahaan fiyow yahay iyo in kale?

    In aad aragto ilmo xanaaqsan ma ahan wax lagu farxo, gaar ahaan haddii aad tahay waalid, macallin ama mas'uul, goob caruurta lagu xanaaneeyo.

    Hadaba sidee ku ogaan kartaa in ilmahaagu maskaxiyan caafimaad qabo.

    Ku dhufo lifaaqa hoose si aad faahfaahinta u akhriso

  6. Netanyahu: Xisbullah waxay "jabisay" heshiiskii xabad joojinta ee Lubnaan

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa maanta sheegay in ficillada kooxda Xisbullah ee Lubnaan ay “horseedayaan jebinta” heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.

    Netanyahu ayaa intii lagu jiray shirkii toddobaadlaha ee golaha wasiirrada ku yiri: “Waa in la fahmaa in ku xadgudubka Xisbullah uu si dhab ah gacan uga geysanayo jebinta xabbad-joojinta.”

    Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale Axaddii amray in dadka laga daadgureeyo toddoba tuulo oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, iyagoo sheegay inay ka jawaabi doonaan waxa ay ku tilmaameen “xadgudubyo” ay sameysay Hezbollah oo ka dhan ah heshiiska xabbad-joojinta ee dhawaan dib loo cusbooneysiiyay.

    Xaaladdan waxay muujinaysaa in xiisadda xuduudda Israa’iil iyo Lubnaan ay weli aad u kacsan tahay, inkastoo ay jiraan dadaallo xabbad-joojin ah.

  7. Orodyahan Kenyan ah ayaa dhigay rikoor cusub oo marathon ah wax ka yar laba saacadood

    Arintaan ayaa lagu sheegay inay tahay mid ku cusub qarnigan 21-aad.

    Orodyahanka Kenyanka ah ee Sebastian Sawe ayaa dhigay rikoor cusub kadib markii uu ku dhameystay orodka Marathon-ka London in ka yar labo saac – 01:59:3.

    Dhanka haweenka, Orodyahanda Tigisti Asaffa ayaa ku guuleysatay orodka Marathon-ka London, iyadoo wadata rikoor cusub.

    Rikoorkii hore ee Marathon-ka ragga waxa uu ahaa Orodyahanka Kenya ee Eliud Kipchoge.

    Orodyahanka reer Kenya Ilud Kipchoge ayaa dhigay rikoor cusub oo Marathonka Adduunka ah

  8. - CBS: Ninka lagu eedeeyay toogashada waxa uu ahaa macalin

    Qofka looga shakisan yahay toogashada lagu qaaday xafladda aqalka cad ee cashadii wariyayaasha ayaa lagu sheegay inuu yahay macallin ku soo jeeda California oo wax ka bixin jiray adeeg tababar, sida ay werisay CBS News oo ah la-hawlgalaha BBC ee Mareykanka.

    Eedeysanaha—oo warbaahinta Mareykanka amagaciisa ku sheegtay Cole Tomas Allen—ayaa ka shaqeyn jiray shirkad bixisa adeegyo waxbarshada ah oo ku taalla Torrance, sida ay CBS u sheegeen laba sarkaal oo ka tirsan hay’adaha sharci-fulinta.

    Hase yeeshee lama caddeyn haddii uu wali ka shaqeynayay shirkaddaas.

    Machadka California Institute of Technology ayaa ugu xaqiijiyay CBS qaab email ahaan in Allen uu ka qalin jabiyay 2017, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Xafladda cashada wariyayaasha waa munaasabad sanadle ah oo lagu qabto Washington, D.C., halkaas oo warbaahinta iyo siyaasiyiintu isugu yimaadaan.

    Magaalada Torrance ayaa sidoo kale lagu sheegay warbixinta iyadoo la xiriirinayo shaqada iyo degganaanshaha eedeysanaha.

  9. Militariga Israa'iil oo soo saaray digniin ku saabsan Koonfurta Lubnan

    Afhayeenka ciidanka Israa’iil ayaa soo saaray digniin degdeg ah oo uu ku wajahay dadka ku nool koonfurta Lubnaan, isagoo ugu baaqay inay u hoggaansamaan tallaabooyinka amniga ayna ka fogaadaan dhaq-dhaqaaqyada meelaha qaarkood, maadaama xiisaduhu ay weli socdaan inkastoo ay jirto heshiis xabbad-joojin ah.

    War-saxaafadeedka ayaa sheegay in ciidanka Israa’iil ay weli ku sugan yihiin jagooyinkooda koonfurta Lubnaan, “iyagoo wajahaya waxa ay ku tilmaameen hawlgallada argagixisada ee sii socda ee ururka Xisbullah.”

    Wuxuu mar kale ku celiyay digniinta, isagoo sheegay in dadka deegaanka looga baahan yahay, ilaa amar dambe, inaysan u dhaqaaqin koonfurta xadka tuulooyinka loo asteeyay iyo agagaarkooda, “si ay u badbaadaan naftooda iyo xubnaha qoysaskooda.”

    War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in laga fogaado aagga Webiga Litani, Wadi al-Salhani, iyo al-Salouqi, wuxuuna ka digay in aan la gudbin ama lagu laaban tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla aagga xadka.

    Waxaa ka mid goobaha ay digniintu quseyso magaalooyiinka Naqoura, Bint Jbeil, Maroun al-Ras, Aita al-Shaab, Mays al-Jabal, Kfar Kila, al-Adisa, al-Taybeh, Khiam, iyo Deir Siryan, iyo sidoo kale tuulooyin kale oo badan.

    War-saxaafadeedka ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan loo qaaday si loo ilaaliyo amniga gobolka inta lagu jiro xabbad-joojinta.

  10. Ururka Xisbullah oo ku dhawaaqay in la beegsaday ciidamada Israel ee ku sugan magaalada Taybeh

    Ururka Hezbollah ee dalka Lebanon ayaa maanta ku dhawaaqay inay fuliyeen laba weerar oo kala duwan oo ay ku adeegsadeen “drones is-miidaamin ah”, kuwaas oo lagu beegsaday dhaq-dhaqaaqyo ka tirsan ciidanka Israel ee ku sugan magaalada xuduudda ah ee Taybeh.

    Laba bayaan oo ay soo saareen, kooxda ayaa ku sheegtay in weerarka koowaad lagu bartilmaameedsaday cutub ka tirsan ciidanka Israel oo howl daadgureyn ah ku jiray, halka weerarka labaadna lagu beegsaday askar ku urursan isla magaaladaas.

    Warbixinta ay kooxda soo saartay ayaa sidoo kale xaqiijisay in ay jiraan “khasaare la hubo” oo ka dhashay labada weerar.

  11. Trump:Dhacdadani aad bay uga naxday Melania

    Donald Trump ayaa sheegay in munaasabadda dib loo qaban doono waqti dambe, isagoo intaas ku daray in dhacdadani ay u ahayd “waayo-aragnimo naxdin leh” oo ku dhacday xaaskiisa Melania Trump.

    “Ma ogolaan doonno in qofna uu la wareego bulshadeenna,” ayuu yiri.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu markii hore ka caga jiiday inuu goobta ka tago: “Waxaan si aad ah isku dayay inaan sii joogo,” balse waxaa lagula taliyay inuu ka baxo goobta iyadoo la raacayo habraacyada amniga, maadaama aysan caddayn in uu jiro hal qof oo kaliya oo wax toogtay.

  12. Hogaamiyayaasha dunidu oo fariimo diirran u fidiyaTrump ka dib rasaastii ka dhacday Aqalka Cad

    Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ka falceliyay toogashadii ka dhacday cashadii wariyayaasha ee Aqalka Cad.

    Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa sheegay inuu “nafis dareemayo” maadaama Madaxweyne Donald Trump iyo marwada koowaad, iyo sidoo kale dadkii goobta joogay, ay bad qabaan. Wuxuu intaas ku daray: “nayadahena waxay la jiraan dhammaan kuwa ay ruxday dhacdadan naxdinta leh.”

    Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa sidoo kale sheegay inuu “ku faraxsan yahay” in dadka goobta joogay ay bad qabaan. “Waxaan bogaadineynaa shaqada Adeegga adeegga qaranka iyo hay’adaha fulinta sharciga,” ayuu yiri.

    Kaja Kallas, oo ah diblomaasiga ugu sarreeya ee Midowga Yurub, ayaa muujisay taageeradeeda madaxweynaha Mareykanka, marwada koowaad iyo dhammaan ka qeybgalayaasha, iyadoo raacisay in “rabshadaha siyaasadeed aysan meel ku lahayn dimuqraadiyadda.”

    Ku-simaha madaxweynaha Venezuela, Delcy Rodríguez, ayaa “si adag u cambaareysay weerarka la isku dayay”.

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa sheegay inuu “si qoto dheer uga naxay” toogashada, wuxuuna u diray “ duco iyo niyad wanaag”.

    Ra’iisul Wasaaraha India, Narendra Modi, ayaa sheegay isna ka mid ah madaxda muujisay sida ay dhacdadan uga xun yihiin.

    “Waxaan diraynaa xushmadeyna,” ayay tiri madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, iyadoo raacisay in “rabshaddu aysan waligeed noqon karin waddada saxda ah.

  13. Trump oo sheegay in Iran aysan ku lug lahayn dhacdadii toogashada intii lagu guda jiray cashada wariyaasha Aqalka Cad

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in rasaastii ka dhacday cashadii aqalka xilli lagu guda aysan ka joojin doonin qorshihiisa dagaal uu la galo Iran, inkastoo uu aaminsan yahay in dhacdadu u badan tahay inaysan xiriir la lahayn arrintaas.

    “Ma iga hor istaagi doonto inaan ku guuleysto dagaal aan la galo Iran,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha Aqalka Cad kadib dhacdada. “Ma garanayo haddii ay wax xiriir ah la leedahay, mana u maleynayo sida aan hadda ognahay.”

    Si kastaba, Trump ayaa hore u yiri: “Waligeen si buuxda uma ogaan karno” haddii dhacdadu la xiriirto dagaalka Iran, isagoo xusay in baarayaashu ay wali wadaan dadaallo lagu ogaanayo ujeeddooyinka qofkii wax toogtay, kaas oo uu ku tilmaamay “fal kaligiis-uu ku ahaa”.

  14. waaxda ilalada gaarka ah 'Fulay ayaa isku dayay inuu abuuro masiibo qaran' -

    Waxaan goor-dhaw bayaan ka soo baxay waaxda ilaalada gaarka ee madaxwaynaha, kuwaas oo joojiyay tuhmanihii rasaasta furay xilli lagu guda jiray casho uu ka qaybgalayay Madaxweyne Donald Trump xalay.

    “Caawa, qof fulay ah ayaa isku dayay inuu abuuro musiibo qaran. Wuxuu dhayalsaday awoodaha ilaalinta ee Adeegga Sirdoonka Mareykanka, waxaana la joojiyay isla markiiba markii uu isku dayay weerarka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Ku-xigeenka Agaasimaha, Matthew Quinn.

    “Adkeysiga iyo xoogga nidaamkayaga amni ee lakabyada badan leh ayaa si cad u muuqday,” ayuu yiri Quinn, isagoo xusay in ay jireen “xeelado iyo tallaabooyin badan oo ka hortag ah oo weli diyaar ahaa.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan uga mahadcelineynaa ragga iyo dumarka geesiyaasha ah ee Adeegga Sirdoonka iyo la-hawlgalayaashayada qiimaha leh ee fulinta sharciga.”

  15. War deg deg ah, Eedeysanaha ayaa sheegay inuu doonayay inuu beegsado mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Donald Trump – CBS

    CBS News, oo ah la-hawlgalaha BBC ee Mareykanka, ayaa soo warisay in ninka lagu tuhunsan yahay toogashada uu u sheegay mas’uuliyiinta in uu beegsanayay saraakiil la xiriira Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Iyadoo laga soo xiganayo laba ilo oo aan la magacaabin, CBS ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan shan illaa sideed xabbadood la riday intii uu dhacdadu socotay.

    Sidoo kale akhri:

  16. Rasaas laga riday xafladda Cashada Weriyeyaasha Aqalka Cad – Soo koobid

    Rasaas ayaa laga riday xafladda Cashada Weriyeyaasha Aqalka Cad ee ka dhacday Washington DC habeenkii Sabtida. Eedeysanaha waa la qabtay, halka askari la toogtay, balse jaakaddiisa ka hortagga rasaasta ayaa badbaadisay.

    Halkan waxaan idinkugu soo koobeynaa waxa dhacay:

    • Xafladda sanadlaha ah waxaa lagu qabtay hoteelka Washington Hilton, iyadoo Donald Trump uu ka qeyb galay markii ugu horreysay isagoo madaxweyne ah
    • Marwada Koowaad Melania Trump, Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance, iyo boqollaal wariyeyaal, dad warbaahin ah iyo mas’uuliyiin dowladeed ayaa sidoo kale goobta joogay
    • Nin la tuhunsan yahay ayaa galay hoolka hore ee hoteelka, isagoo isku dayay inuu dhaafo ciidamada ammaanka iyo qalabka baaritaanka biraha, qiyaastii 00:45 GMT
    • Dhawaqyo rasaas ah ayaa la maqlay, taasoo keentay in ciidamada ammaanku ay goobta si degdeg ah uga saaraan madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale goobta
    • Boqollaal marti ah ayaa halkaas ku haray ku dhowaad saacad ka hor inta aan hoolka la nadiifin
    • Trump ayaa baraha bulshada ku wadaagay sawirro iyo muuqaalka eedeysanaha
    • Cole Tomas Allen, 31 jir ah, ayaa la rumeysan yahay inuu yahay eedeysanaha
    • Waxaa la filayaa in Isniinta lagu soo oogo dacwado dhowr ah, oo ay ku jiraan isticmaalka hub intii lagu guda jiray fal rabshado ah

    Trump ayaa markii dambe wariyeyaasha u sheegay: “Ma qiyaasi karo xirfado badan oo ka khatar badan,” isagoo ka hadlayay isku dayo toogasho oo dhacay sanadihii u dambeeyay.

  17. Waa kuma eedeysanaha, maxaase lagu soo oogay?

    Ninka lagu tuhunsan yahay weerarka toogashada ayaa lagu sheegay inuu yahay Cole Tomas Allen, oo 31 jir ah kana soo jeeda Torrance, California, sida ay sheegtay CBS oo ah la-hawlgalaha wararka Waqooyiga Ameerika ee BBC.

    Donald Trump ayaa sheegay in FBI-da iyo Sirdoonka ay fulinayaan amarro baaritaan oo ka socda cinwaan ku yaalla California.

    Taliyaha ku-meelgaarka ah ee booliiska Washington DC, Jeffery W Carroll, ayaa sheegay in eedeysanuhu uu ahaa marti deggan hoteelka lagu qabanayay munaasabadda, isla markaana uusan jirin sabab loo aaminsan yahay in qof kale uu halis ku jiro.

    Inkasta oo hay'adaha ammaanku xaqiijiyeen in rasaas la riday, haddana lama oga tirada saxda ah. Booliiska ayaa sheegay in ay rasaas isweydaarsadeen eedeysanaha iyo saraakiisha ammaanka.

    Carroll ayaa sheegay in eedeysanaha uu "ku hubeysnaa qori, bastoolad, iyo mindiyo badan".

    Jeanine Pirro, oo ah xeer ilaaliyaha Mareykanka ee Washington, ayaa sheegtay in eedeysanaha wajahayo laba dacwadood oo la xiriira adeegsiga hub intii lagu guda jiray fal rabshado ah, iyo weerar lagu qaaday saraakiil federaal ah iyadoo la adeegsanayo hub halis ah.

    Waxay intaas ku dartay in si rasmi ah dacwad loogu soo oogi doono Isniinta.

    Sababta ka dambeysa weerarka wali ma cadda, balse Trump ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu bixiyo war cusub Axadda maanta ah.

    Sidoo kale akhri:

  18. Toogashada maanta waxay ka dhacday isla goobtii 1981 ay halis ku gashay nolosha Reagan

    Dhacdada rasaasta ee maanta ayaa ka dhacday hoteelka Washington Hilton ee ku yaalla Connecticut Avenue — isla hoteelkii lagu toogtay laguna dhaawacay madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan sanadkii 1981.

    Weerarkaas wuxuu dhacay 30-kii Maarso 1981, markaas oo dambiilaha John Hinckley Jr uu rasaas ku furay Reagan xilli uu ku sii socday gaarigiisa limuusinka ahaa kadib khudbad uu ka jeediyay gudaha hoteelka.

    Reagan wuu ka badbaaday, balse si xun ayuu u dhaawacmay kadib markii xabbad ay ka soo boodday dhinaca gaariga madaxweynaha oo ay kaga dhacday laabtiisa, taasoo jebisay feer dhaawacna gaarsiisay mid ka mid ah sambabbadiisa. Waxaa si degdeg ah loo geeyay George Washington University Hospital, waxaana ugu dambeyn laga saaray 11-kii Abriil.

    Afhayeenkii Aqalka Cad ee xilligaas, James Brady, ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, sidaas oo kale waxaa dhaawacmay sarkaal ka tirsan Sirdoonka iyo askari ka tirsan Booliiska Magaalada Washington DC.

    Brady wuxuu la kulmay dhaawac maskaxeed oo culus, wuxuuna naafo noqday inta ka dhiman noloshiisa. Dhaawacyadiisa ayaa sii saameeyay ilaa geeridiisii sanadkii 2014.

    Sannadkii xigay, Hinckley waxaa lagu waayay dambi sabab la xiriirta xaalad maskaxeed oo heysatay, balse waxaa lagu hayay qayb amni sare leh oo ka tirsan St Elizabeths Hospital ilaa laga sii daayay 2016.

    Illaa maanta, calaamad ayaa weli ku taalla darbiga hoteelka, taas oo xusaysa goobtii uu weerarku ka dhacay.

  19. Faahfaahin kasoo baxeysa ninka rasaasta riday

    Eedeysanaha ayaa lagu sheegay inuu yahay Cole Tomas Allen, 31 jir ah, kana soo jeeda Torrance, California, sida ay warbaahinta Mareykanka sheegtay.

    Taliyaha booliiska Washington DC, Jeffery W Carroll, ayaa sheegay inuu ahaa marti deggan hoteelka lagu qabanayay munaasabadda, isla markaana qolkiisa la xiray iyadoo qayb ka ah baaritaanka.

    Waxaa la weydiiyay haddii ay jiraan wax isbeddel ah oo dhinaca ammaanka ah oo lagu sameeyay dhacdooyinka la xiriira caasimadda Mareykanka ee inta badan lagu qabto munaasabaddan oo kale.

    Wuxuu sheegay inaysan jirin sabab loo aaminsan yahay in qof kale uu halis ku jiro, balse ay jiraan ciidamo dheeraad ah oo lagu arkayo goobaha dhacdooyinka sida xafladaha ka dambeeya munaasabadda.

  20. Trump oo sheegay inuu diyaar u ahaa inuu jeediyo khudbad “aan aad u habboonayn” intii cashada socotay

    Trump ayaa sheegay in uu gebi ahaanba diyaar u ahaa inuu khudbaddiisa ka jeediyo cashada, ka hor inta aysan rasaastu dhicin.

    “Waxaan diyaar u ahaa inaan si dhab ah u dhaliilo, waxaanan ku iri dadkayga, ‘tani waxay noqon lahayd khudbaddii aan ugu habbooneyn ee abid la jeediyo’ haddii aan sidaas sameeyo,” ayuu yiri.

    Wuxuu intaas ku daray in uu hadda ka shakisan yahay inuu mar kale sidaas u adkaan karo: “Ma garanayo haddii aan mar kale sidaas u adkaan karo caawa.”

    Marka laga hadlayo khudbadda munaasabadda dib loo qaban doono, wuxuu sheegay: “Waxaan u malaynayaa inaan noqon doono mid aad u deggan. Waxay u badan tahay inaan noqon doono caajis marka xigta, laakiin waxaan qaban doonnaa munaasabad aad u wanaagsan.”