Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan oo ka haday xiririka Ruushka iyo Iiraan
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya Mosko iyo Tehraan uu yahay "iskaashi istiraatiijiyadeed" kaas oo "sii xoogaysan doona," sida laga soo xigtay hadallo laga baahiyay telefiishanka qaranka ee Ruushka.
Wafdiga Iiraan ee Putin kula kulmaya dalka Ruushka waxaa sidoo kale qayb ka ah Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Kazem Gharibabadi iyo danjiraha Iiraan u fadhiya Mosko, Kazem Jalali.
Af-hayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay inuu bixiyo "niyad-sami ama adeegyo dhexdhexaadin ah oo ay aqbali karaan labada dhinac" wadahadallada mustaqbalka ee lagu raadinayo xal lala gaaro.
"Waxaan diyaar u nahay inaan samayno wax kasta si aan u xaqiijino in nabadda, nabad dammaanad leh, ay ugu dambeyntii guulaysato, iyo inaan marnaba dib loogu laaban colaad," ayuu raaciyay.