Xisbullah
ayaa diiday eedeynta Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu oo ahayd
inay halis gelinayso xabad joojinta waxayna sheegtay inay sii wadi doonto inay
ka jawaabto xadgudubyada xabad joojinta ee Israa'iil iyo qabsashada koonfurta
Lubnaan.
Kooxda
ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarradeeda bartilmaameedyada
Israa'iil ee koonfurta Lubnaan iyo waqooyiga Israa'iil ay ahaayeen "jawaab
sharci ah oo ku aaddan xadgudubyada joogtada ah ee cadawgu ku hayo xabbad
joojinta tan iyo maalintii ugu horreysay ee ku dhawaaqista xabbad joojinta ku
meel gaarka ah."
War-saxaafadeedka
ayaa u qornaa sidan: "Xisbullah si cad oo adag ayay u xoojinaysaa in
xadgudubka joogtada ah ee xabbad joojinta ee cadowga, gaar ahaan qabsashada
joogtada ah ee dhulka Lubnaan iyo ku xadgudubka madaxbannaanideeda, uu la kulmi
doono jawaab iyo iska caabin diyaar u ah idifaaca dhulkeeda iyo dadkeeda."
Horay,
ra’iisul wasaare Netanyahu wuxuu ka
sheegay shirkii golaha wasiirada: "Jabinta Xisbullaah ee xabbad joojinta
ayaa dhab ahaantii burburinaysa xabbad joojinta," wuxuuna ku nuuxnuuxsaday
in Israa'iil ay ku dhaqmayso "xoog iyo waafaqsan heshiisyada lala galay
Mareykanka iyo Lubnaan."
Sida
ku cad shuruudaha xabbad joojinta, oo dhaqan galay Abriil 17 oo dhawaan loo
kordhiyay saddex toddobaad oo kale, Israa'iil waxay xaq u leedahay inay ka
jawaabto "weerarrada la qorsheeyay iyo kuwa socda." Si kastaba ha
ahaatee, waxay sii wadday inay weerarro khasarae dhaliyay ka geysato Lubnaan,
ciidamadeeduna waxay ku sugan yihiin meel loogu yeero "khadka cas" oo
u dhow xuduudda. Israa'iil waxay uga digtay dadka deggan Lubnaan inaysan ku soo
laaban goobahaas.
Xisbullah
waxay sidoo kale ku eedeysay dowladda Lubnaan inay ka aamustay weerarrada
Israa'iil iyo inay ku guuldareysatay inay gudato waajibaadkeeda aasaasiga ah ee
difaaca dhulka iyo dadkeeda.