TOOS, Xuutiyiinta Yemen oo weerar ku qaaday markab marayay Marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo shaqaalihii qaar oo ku dhintay weerarka

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarka ka dhacay Marin-biyoodka Bab al-Mandab, waxaana la sheegayaa in shaqaalihii saarnaa qara la badbaadiyay halka qaarna ay dhinteen

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Dalka Canad duulimaad loo baajiyay ilmo yar dartii

    Canada

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Duulimaad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Porter Airlines ee Canada ayaa la baajiyay kadib markii ilmo yar uu diiday inuu kursigiisa fariisto isagoo xiranaya suunka badbaadada xilli diyaaradda ay diyaar u ahayd inay kacdo.

    Diyaaraddu waxay ka duulaysay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Victoria International Airport ee gobolka British Columbia, markii shaqaalaha diyaaradda ay ogaadeen in wiilku diiday inuu kursigiisa fariisto.

    Shirkadda diyaaradaha ayaa sheegtay in waalidka ilmaha iyo shaqaalaha diyaaradda ay isku dayeen inay ku qanciyaan inuu fariisto, balse dadaalladaasi aysan guulaysan. Ugu dambayn, diyaaraddii waxay dib ugu soo laabatay garoonka si ay ilmaha, waalidkiis iyo alaabtooda uga dejiso diyaaradda.

    Dib-u-dhacaas awgiis, duulimaadkii ayaa la baajiyay, maadaama runway-ga garoonka la xiray 12:30 duhurnimo.

    Sidaas darteed, rakaabkii saarnaa diyaaradda oo ka koobnaa 132 qof ayaa habeenkii ku qaatay garoonka diyaaradaha, halkii ay ka gaari lahaayeen magaalada Toronto. Da’da ilmaha iyo tirada saxda ah ee rakaabka saarnaa diyaaradda lama shaacin xilligaas.

    Shirkadda diyaaradaha ayaa raalli-gelin ka bixisay wixii dhacay, waxayna xaqiijisay in rakaabkii loo qorsheeyay duulimaad kale oo baxay maalintii xigtay.

    Xeerarka shirkadaha diyaaradaha ayaa rakaabka ku waajibinaya inay kuraastooda fariistaan oo ay xirtaan suumanka badbaadada, gaar ahaan xilliyada diyaaradda ay kacayso ama soo degayso.

  2. War deg deg ah, Iran oo gantaallo ku weerartay xarun ku taalla Kurdistaan

    Kooxda Komala Zahmatkeshan ayaa sheegtay in dowladda Iran ay saddex gantaal ku weerartay mid ka mid ah xarumaheeda ku yaalla Gobolka Kurdistaan ee Ciraaq.

    Wararka ayaa sheegaya in dhowr xubnood oo ka tirsan kooxda ay ku dhaawacmeen weerarka.

    Tan iyo markii uu billowday duullaanka Mareykanka iyo Israa’iil, dowladda Iran ayaa dhowr jeer weerarro ku qaaday xarumaha xisbiyada Kurdiyiinta Iran ee ku yaalla Gobolka Kurdistaan ee Ciraaq.

    Weerarada Iran ee ka dhanka ah kooxaha mucaaradka Kurdiyiinta ee ku sugan Gobolka Kurdistaan ee Ciraaq ayaa sii socday xitaa kaddib markii bishii Abriil lagu dhawaaqay xabbad-joojin u dhexeysa Iran iyo Mareykanka.

  3. War deg deg ah, Tahriibayaal la ogaaday in godod qoteen si ay u gaaraan Yurub

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Latvia ayaa bilowday hawlgal cusub oo ballaaran oo lagu wajahayo qulqulka muhaajiriinta sharci-darrada ah ee dalka uga soo galaya dhinaca Belarus.

    Hawlgalka ayaa lagu kordhin doonaa tirada shaqaalaha iyo ciidamada ku sugan xuduudda, waxaana sidoo kale la adeegsan doonaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwa qumaatiga u ee helikobtarro iyo diyaarado kale.

    Isniinta, dowladda Latvia ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay ogaatay god laga qoday dhulka hoostiisa ooo xuduudda ah, kaas oo ay muhaajiriin sharci-darro ah u qodeen si ay uga gudbaan xuduudda.

    Midowga Yurub ayaa Belarus iyo Ruushka ku eedeeyay nooc ka mid ah dagaal isku-dhafan (hybrid warfare), iyagoo sheegay in labada dal ay ka caawinayaan muhaajiriinta inay ka gudbaan xuduudaha Belarus ee la wadaago Latvia, Lithuania iyo Poland.

  4. War deg deg ah, Iran iyo Pakistan oo ka wadhadlaya arrimo badan

    Pakistan iyo Iran

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi, ayaa gaaray magaalada Tehran, halkaas oo uu kulan kula yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Iran.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Iran, Sikandar Momeni, ayaa ku soo dhaweeyay Naqvi Tehran. Intii uu booqashada ku guda jiray, Naqvi wuxuu sidoo kale la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Pakistan iyo Iran, iyo arrimo kale oo ay labada dal dan wadaag ka leeyihiin.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iran ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Pakistan iyo Iran, iyadoo sidoo kale la filayo in laga wada hadlo arrimo ay labada dal si wadajir ah u danaynayaan.

    Dhanka kale, sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Pakistan ayaa BBC u sheegay in Mohsin Naqvi uu Tehran u tagay isagoo sida farriin ka timid dowladda Pakistan. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in dib loo soo nooleeyo wadaxaajoodyada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

  5. War deg deg ah, Taliyihii sirdoonka Liibiya oo qarax lagu dilay

    Liibiya

    Xigashada Sawirka, Libya National Army / X

    Taliyihii sirdoonka milatariga ee Ciidanka Qaranka Liibiya, oo gacanta ku hayay bariga iyo koonfurta Liibiya, ayaa lagu dilay qarax gaari loo adeegsaday, sida uu ciidanka Liibiya ku sheegay bayaan uu soo saaray maanta.

    Fawzi Mansouri ayaa la khaarijiyay Isniintii, kaddib markii bam lagu xiray gaarigiisa uu qarxay xilli uu habeenkii ka soo baxayey masaajid ku yaalla deegaanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

    Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Benghazi ee bariga Liibiya.

    Liibiya waxaa ka jiray dagaal sokeeye iyo xasillooni-darro bulsho tan iyo markii taliskii hoggaamiyihii hore Muammar Gaddafi la riday sannadkii 2011.

    Hadda waxaa jira laba dowladood oo ku loollamaya gacan ku haynta Liibiya: dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee fadhigeedu yahay Tripoli, oo uu hoggaamiyo Abdelhamid Dhaiba, iyo Ciidanka Qaranka Liibiya oo fadhigiisu yahay Benghazi, kaas oo uu hoggaamiyo Khalifa Haftar.

    Ciidanka Qaranka Liibiya ayaa bayaankooda ku tilmaamay dilka Mr. Mansouri “fal fulaynimo iyo dambiyeed”, iyagoo carrabka ku adkeeyay sii wadista “dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo amniga Liibiya.”

  6. Tirada dadka la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhulgariir ka dhacay Colombia oo korortay

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Dhulgariirka oo cabbirkiisu ahaa 7.4 marka loo eego cabbirka lagu eego dhulgariirrada, ayaa Isniintii ku dhuftay galbeedka dalka. Shaqaalaha gurmadka ayaa habeenkii oo dhan ku jiray hawlgallo ay ku raadinayeen dad ka badbaaday oo ku hoos xanniban tobannaan dhisme oo dumay.

    Magaalooyinka Cali iyo Pereira ayaa ka mid ahaa meelihii sida aadka ah uu dhulgariirku u saameeyay.

    Madaxweynaha cusub ee Colombia, , ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, halka dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Ecuador iyo Venezuela ay soo bandhigeen inay soo diraan kooxo gurmad iyo samatabbixin ah.

  7. War deg deg ah, Mareykanka oo weerar Markab ka dhaga adeygay amarradiisa

    Sida laga soo xigtay Vanguard, oo ah hay’ad ka shaqaysa soo-celinta iyo samatabbixinta maraakiibta, ayaa horey u sheegtay in markab xamuul ah oo uu ka babayay calanka Panama lagu dhuftay gantaal laga soo tuuray helikobtar, xilli uu ku safrayay dhinaca galbeed una socday dhinaca bari, isagoo ka soo gudbayay Badda Cumaan kuna dhowaa xeebaha Pakistan.

    Hadda, Wall Street Journal ayaa soo xigatay sarkaal Mareykan ah oo sheegay in helikobtar milatari oo Mareykan ah ay rasaas ku furtay isteerinka markabka, kaddib markii shaqaalaha markabka xamuulka ay dheg jalaq u siin waayeen digniino loogu sheegay inay ka fogaadaan jebinta go’doominta badda ee lagu soo rogay dekedaha Iran.

    Shookaanta markabku waa baal toosan oo ku yaalla qaybta hoose ee dambe ee markabka, gudaha biyaha, waxaana loo isticmaalaa hagidda jihada markabka.

    Warbixintu waxay sheegtay in markabku u muuqday inuu isku dayay inuu shaqaalihiisa ku wareejiyo markab kale oo rayid ah kaddib markii la weeraray.

  8. War deg deg ah, Xuutiyiinta Yemen oo la ogaaday in weerarka gaysteen

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Weerarka lagu qaaday markab xamuul ah marayay meel ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandeb, kaas oo la sheegay inuu sababay dhimashada laba qof, ayaa weli si weyn looga hadal hayaa warbaahinta.

    “Markabka waxaa weeraray Xuutiyiinta Iran ay taageerto, xilli uu ku sugnaa iridda laga galo Badda Cas,” ayay AFP ka soo xigatay ilo ka tirsan Ilaalada Xeebaha Yemen, iyadoo intaas ku dartay: “Waxaan ku guuleysannay inaan badbaadinno xubnihii kale ee shaqaalaha markabka.”

    Ilo kale ayaa AFP u sheegay in dhacdadu ay dhacday, iyagoo sheegay in markabka mar kale la weeraray xilli ay socotay hawlgalkii samatabbixinta.

    Dhacdadan ayaa timid kaddib markii dhowaan uu burburay xabbad-joojin sannado socotay oo ku saabsaneed dagaalka sokeeye ee Yemen, taas oo u dhexeysay Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, uuna taageero Sacuudigu, xilli uu sii xoogeysanayay khilaafka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

  9. War deg deg ah, Faahfaahin ka soo baxaysa weerarka Marin-biyoodka Bab al-Mandab

    Laba shaqaale oo la socday markab xamuul ah oo lagu weeraray meel u dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab ayaa “la dilay”

    Horaan u soo sheegnay in markab xamuul ah lagu weeraray koonfurta Badda Cas. Hadda, shirkad amniga badda oo laga leeyahay Britain ayaa sheegtay in ugu yaraan laba qof lagu dilay weerar lagu qaaday markabka meel u dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ka baxsan xeebta koonfureed ee Yemen.

    Shirkadda Vanguard ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ahaayeen “laba shaqaale oo markabka ka tirsanaa, mid u dhashay Pakistan iyo mid u dhashay Indonesia.”

    Sida warbixintu sheegtay, afar qof oo kale ayaa sidoo kale dhaawacmay, kuwaas oo saddex ka mid ahi yihiin muwaadiniin Pakistani ah, halka qofka kalena uu yahay muwaadin Indonesian ah.

    Shirkaddu waxay sheegtay: “Kadib weerarka, ciidamada badda Yemen ayaa u gurmaday markabka si ay u caawiyaan, balse rasaas ayaa lagu furay, taas oo sababtay in hal qof oo kale uu dhinto ama dhaawacmo.”

  10. War deg deg ah, Iran iyo Mareykanka oo ku dhow in ay heshiis gaaraan

    .

    Warbaahinta Bloomberg ayaa soo warisay in Pakistan ay sheegtay in Iran iyo Mareykanka ay ku dhow yihiin inay gaaraan nooc heshiis ah.

    Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif, oo la hadlay Bloomberg, ayaa sheegay in tilmaamihii jiray labadii ama saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay muujinayeen in labada dhinac ay ku dhow yihiin inay gaaraan “heshiis ama is-afgarad” lagu doonayo nabad, sida ay Reuters soo werisay.

    “Xaaladdu waxay mar kale u muuqataa inay u jihaysan tahay heshiis nabadeed ama heshiis dhex mara labada dhinac,” ayuu yiri.

    Warkan ayaa soo baxay iyadoo Iran ay dhawaan sheegtay in aysan jirin wada-hadallo toos ah oo ay Mareykanka la waddo, balse farriimo la is dhaafsanayo iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyayaal.

  11. War deg deg ah, Degdeg: Weerar dad lagu laayay oo ka dhacay Marin-biyoodka Bab al-Mandab

    Waxaan horay uga soo warrantay laba shil oo badeed oo ka dhacay Badda Cumaan. Hadda waxaa soo baxay war cusub oo sheegaya in markab xamuul ah lagu weeraray meel u dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ku yaalla xeebta koonfureed ee Yemen.

    Hay’adda Ingiriiska ee Hawlgallada Ganacsiga Badda, oo warbixintan soo saartay, ayaa sheegtay in tiro aan la cayimin oo ka mid ah dadka saarnaa markabka la dilay ama la dhaawacay.

    Sida lagu sheegay warbixinta, markabka xamuulka ah ayaa lagu bartilmaameedsaday Badda Cas ee koonfurta.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  12. War deg deg ah, Israa'iil oo duqeyn la beegsatay gaari kuwa gurmadka degdeg ah

    Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa Israa’iil ku eedeysay inay weerartay gaari ambalaas ah oo ku sugnaa koonfurta dalka, weerarkaasi oo dhaawacay laba qof isla markaana waxyeello gaarsiiyay gaariga.

    Sida ay wasaaraddu sheegtay, shaqaalaha gurmadka ayaa gaaray goobta weerarka ee magaalada Nabatieh, balse weerar labaad ayaa lagu qaaday, kaas oo waxyeello u geystay ambalaaskii siday bukaannada.

    Wasaaraddu waxay cambaareysay weerarrada joogtada ah ee lagu hayo shaqaalaha gargaarka, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

    Hay’adda Ilaalinta Rayidka ee Lubnaan ayaa sidoo kale sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil leedahay ay weerartay shaqaalaheeda xilli ay isku dayayeen inay damiyaan dab ka kacay kayn ku taalla deegaanka Nabatieh. Shaqaalihii ayaa lagu qasbay inay goobta ka baxaan, inkastoo aan cidna ku dhaawacmin.

    Weerarkii ugu dambeeyay ayaa dhacay iyadoo ay jirto heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.

  13. Faahfaahin laga helay kulan dhexmaray madaxweynaha Iran iyo hoggaamiyaha dalkaas

    Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeenka dowladda Iran, Fatemeh Mohajerani, ayaa sheegtay in kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha dalka, Masoud Pezeshkian, uu ahaa astaan muujinaysa taageerada joogtada ah ee dalka uu u hayo dowladda.

    Mohajerani waxay sharraxday in kulanku uusan ahayn oo keliya jawaab laga bixiyay wararka xanta ah ee la faafiyay, balse uu ahaa caddeyn ku saabsan xiriir ku dhisan kalsooni, iskaashi iyo taageero.

    Waxay tilmaantay wararka beenta ah ee baahay ee ku saabsanaa suurtagalnimada in madaxweynuhu iscasilo, iyo falcelintii Mojtaba Khamenei, oo markii dambe Pezeshkian iyo hoggaamiyaha Iran ay beeniyeen, kuna tilmaamay been iyo warra aan wax ka jirin.

    Arrintan ayaa timid xilli la ogaaday in madaxweynuhu uu hoggaamiyaha Iran la yeeshay kulan socday toddobo saacadood, iyadoo qaybo ka mid ah dalka ay dhaliilayeen sida dowladda Pezeshkian u maareysay dagaalka iyo wada-hadallada diblomaasiyadeed.

    Mohajerani waxay sidoo kale sheegtay in hoggaamiyaha diinta ee dalka uu marar badan muujiyay taageeradiisa madaxweynaha iyo dowladda, xilliyo kala duwan.

    Waxay intaas ku dartay in loo baahan yahay in la kala saaro dadka mucaaradka ah iyo tallaabooyinka sababa kalsooni-darrada isla markaana kordhiya kala qaybsanaanta siyaasadda dalka.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  14. War deg deg ah, Bishaar al Assad oo lala xukumay nin ay qaraabo yihiin

    Assad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maxkamad ku taalla Suuriya ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas, Bishar al-Assad, ku xukuntay dil, kadib markii lagu helay dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la xiriira dagaalkii sokeeye ee Suuriya.

    Bishar al-Assad, oo isaga iyo qoyskiisu u baxsadeen Ruushka sannadkii 2024, ayaa sidoo kale maxkamaddan lagu helay inuu galay dil.

    Atef Najib, oo qaraabo la ah Mr. al-Assad, isla markaana madax ka ahaa amniga siyaasadda ee gobolka Daraa, ayaa sidoo kale lagu xukumay dil.

    Gobolka Daraa ayaa ahaa halkii ay ka bilaabatay kacdoonkii dibadbaxayaasha ee ka dhanka ahaa taliskii Bishaar al-Assad.

    Atef Najib, oo la xiray sannadkii hore, ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dilka carruur iyo jirdil sababay dhimasho.

    Mas’uuliyiinta dowladda ku-meelgaarka ah ee Suuriya ayaa isku dayaya inay maxkamadeeyaan xubno ka tirsanaa dowladdii hore, qaar iyagoo maxkamadda hortooda jooga, qaarna iyagoo maqan.

  15. War deg deg ah, Degdeg: Qiimaha saliidda dunida oo sare u kacay mar kale

    Saliidda cayriin ee Brent, oo ah cabbirka caalamiga ah ee qiimaha saliidda, ayaa dhaaftay $90 halkii foosto, kaddib markii ay yaraatay rajadii laga qabay in Maraykanka iyo Iran ay heshiis gaaraan.

    Qiimaha saliidda ayaa maanta oo Talaadada ah sii wada kororkiisii, iyadoo rajadii laga qabay in dib loo furo Marinka Hormuz ay sii yaraanayso. Arrintan ayaa dhalisay walaac ku saabsan in sicir-bararku mar kale sare u kaco.

    Qiimaha saliidda cayriin ayaa toddobaadkii la soo dhaafay kor u kacay qiyaastii 10%. Inkastoo Aqalka Cad uu horraantii bishan soo saaray hadallo rajo-gelin leh, haddana Maraykanka iyo Iran ayaa u muuqda inay weli ka fog yihiin inay heshiis ka gaaraan mustaqbalka marin-biyoodkan muhiimka ah.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  16. War deg deg ah, Ra'iisul Israa'iil oo diiday qorshe Trump wado

    Netanyahu

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    In kasta oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu si cad u diiday qorshe cusub oo ka kooban 15 qodob oo ay soo jeediyay “guddiga nabadda” kaas oo looga gol leeyahay in Xamaas hubka looga dhigo gudaha Gaza, haddana arrintani uma muuqato inay tahay dhammaadka doodda ama mowqifka kama dambaysta ah ee qorshaha.

    Aqalka Cad weli si rasmi ah ugama uusan hadlin arrintan. Si kastaba ha ahaatee, wararku waxay tilmaamayaan in Aqalka Cad uusan si weyn uga walaacsanayn hadallada Netanyahu, isla markaana uu hadalladaas u arko kuwo ku saabsan hal-ku-dhigyada ololaha iyo mowqifyada siyaasadeed ee xilli doorashooyinka guud ee xasaasiga ahi ay soo dhow yihiin.

    “Waxaan fahamsanahay baahiyaha siyaasadeed ee Bibi,” ayuu weriyaha reer Israa’iil Barak Ravid ka soo xigtay sarkaal sare oo Mareykan ah. Sarkaalka ayaa intaas ku daray: “Ilaa iyo inta uu sameynayo waxa aan ka codsanno inuu sameeyo, wax dhib ah kuma qabno mowqifyadan, gaar ahaan marka ay timaaddo xakamaynta weerarrada Qasa.”

    Maalmihii u dambeeyay, weerarrada Israa’iil ee Qasa ayaa u muuqda inay istaageen ama si weyn hoos ugu dhaceen. Tani waxay ahayd mid ka mid ah shuruudihii Xamaas ku xirtay ku biirista qorshaha 15-ka qodob ah ee uu taageerayo Maraykanku.

    Waxaa jira calaamad kale oo muujinaysa in Israa’iil ay diyaar u tahay inay horumariso qorshaha nabadeed ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee Qasa, iyadoo la diyaarinayo in la geeyo Ciidanka Caalamiga ah ee Xasilinta.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  17. War deg deg ah, Madaxweynihii hore ee Suuriya oo dil lagu xukumay

    Suuriya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maanta garsoorka Suuriya ayaa madaxweynihii hore ee Bashar al-Assad ku xukumay dil isagoo maqan, iyagoo ku eedeeyay inuu galay dambiyo u dhigma "dambiyo dagaal" iyo "dambiyo ka dhan ah aadanaha" ka dib markii uu qarxay iskahorimaadkii uu dalku soo maray tan iyo 2011.

    Xukunkan ka dhanka ah Assad, oo isaga iyo qoyskiisa iyo saaxiibbadiis dhow u cararay Moscow ka dib markii xukunkiisii ​​la riday bishii Diseembar 2024, waa kii ugu horreeyay ee ay soo saaraan mas'uuliyiinta ku-meel-gaarka ah ka dib markii ay bilaabeen sannadkan inay maxkamadeeyaan mas'uuliyiin ka tirsan nidaamkii hore iyagoo maqan iyo shaqsi ahaanba.

    Warkan degdegga ah ayaa hadda soo baxay.

    Faahfaahin dheeraad ah la soco dhawaan.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  18. Washington Post: Trump ayaa si qarsoodi ah uga soo laabtay Turkiga isagoo diyaarad kale raacay, sababo la xiriira walaaca laga qabo khatarta Iran

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad milatari, markii uu ka soo laabanayay shirkii u dambeeyay ee NATO ee lagu qabtay Ankara, iyadoo sababta lagu sheegay walaac laga qabo khatarta Iran ay ku hayso madaxweynaha Mareykanka.

    Sida uu sheegay Washington Post, wariyayaal iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad waxay u maleynayeen in Trump uu ku safrayay isla diyaaraddii hore ee Air Force One ee uu hortooda ka raacay kamaradaha telefishinnada magaalada Ankara. Hase yeeshee, daqiiqado yar kaddib markii uu diyaaradda fuulay, ayaa Trump waxaa lagu wareejiyay gaari xamuul ah oo garoonka diyaaradaha loogu adeego cuntada, waxaana lagu qaaday diyaarad yar oo nooca C-32A ah, taas oo u duushay saldhigga ciidamada cirka ee Mareykanka ee ku yaalla Boqortooyada Midowday.

    Sida warbixintu sheegtay, Aqalka Cad wuxuu iska dhigay in Trump uu Mareykanka ugu laabanayay diyaaradda Air Force One.

    Trump ayaa Turkiga u tegay inuu ka qeybgalo shir madaxeedka NATO, isagoo raacay diyaarad cusub oo kuwa raaxada ah oo Qadar ay ugu deeqday Mareykanka, taas oo loo diyaariyey in loo adeegsado safarrada madaxweynaha.

    Ka hor inta uusan Ankara ka bixin, Trump wuxuu sheegay in diyaaradda cusub loo diri doono Mareykanka xilli hore, si ciidamada Mareykanka ee ku sugan bariga England ay u soo kormeeraan. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu qayb ka mid ah safarka dib ugu laaban doono diyaaraddii hore ee Air Force One.

    Aqalka Cad ayaan weli wax war ah ka soo saarin warbixinta Washington Post.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  19. War deg deg ah, Qiimaha shidaalka oo kor usii kacaya iyadoo xaaladda Marin-biyoodka Hormuz ay weli taagan tahay

    Qiimaha saliidda cayriin ayaa kor u kacay ku dhowaad 10 boqolkiiba toddobaadkii la soo dhaafay. Inkastoo Aqalka Cad uu horraantii bishan soo saaray hadallo rajo leh, haddana waxaa muuqata in Maraykanka iyo Iiraan ay weli aad uga fog yihiin in ay heshiis ka gaaraan marin-biyoodkan muhiimka ah.

    Qiimaha shidaalka ayaa Talaadadii sare u kacay kadib markii Trump uu diiday shuruudaha Iiraan ee dib loogu furayo Marin-biyoodka Hormuz, isagoo Tehran ka dalbaday magdhow.

    Qiimaha saliidda cayriin ee Brent ayaa gaaray 88 doollar halkii foosto, halka qiimaha saliidda cayriin ee Maraykanka uu gaaray 82.45 doollar, kadib markii uu Isniintii kordhay 5 boqolkiiba. Tani waxay ahayd heerkii ugu sarreeyay ee labada qiimeba 11 maalmood gudahood.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  20. Duulimaad Canada laga leeyahay oo loo baajiyay ilma yar oo diiday inuu fariisto

    Shirkadda Porte

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Shirkadda Porte

    Duulimaad ka ambabaxi lahaa Canada ayaa la baajiyay kaddib markii ilmo uu diiday inuu xirto suunka badbaadada. Arrintan ayaa mar kale dhalisay dood ku saabsan hab-dhaqanka iyo xeerarka badbaadada ee khuseeya carruurta ku safra diyaaradaha.

    Duulimaadka shirkadda diyaaradaha ee Porter Airlines, oo 6-dii Agoosto isu diyaarinayay inuu Victoria ka soo duulo una soo duulo Toronto, ayaa dib loogu celiyay goobta rakaabku ka raaco diyaaradda, kaddib markii, sida shirkaddu sheegtay, "ilmo yar uu kursigiisa ku taagnaa oo uu diiday inuu suunka badbaadada xirto."

    Dib-u-dhacaasi wuxuu sababay in diyaaraddii aysan ka duuli karin garoonka. Sidaas darteed, rakaabkii waxaa loo sameeyay ballan-qaadyo cusub oo ay maalintii xigtay ku raacaan duulimaad kale.

    Dhacdadan ayaa aragtiyo kala duwan ka dhalisay sida carruurta loola dhaqmo xaaladaha noocan oo kale ah iyo sida ay shirkadaha diyaaradaha uga jawaabi lahaayeen.

    Marka laga hadlayo hab-dhaqanka ilmaha, shirkadda Porter Airlines waxay sheegtay in "isku dayadii waalidkii la socday iyo shaqaalihii diyaaradda ee lagu doonayay in arrinta lagu xalliyo ay fashilmeen."

    Shirkaddu waxay intaas ku dartay: "Diyaaraddu ma kici karin iyadoo xaaladdan aan ammaan ahayn ay jirto. Sidaas darteed, shaqaalihii diyaaradda waxay go'aansadeen inay diyaaradda dib ugu celiyaan goobtii laga raacay, ayna labada rakaabba ka dejiyaan."