War deg deg ah, Walaaca laga muujinayo marista Marin-biyoodka Hormuz

Xigashada Sawirka, Anadolu/Getty Images
Madaxa Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), oo hoos taga Qaramada Midoobay, ayaa cambaareeyay weerarradii lagu qaaday maraakiibta maraysay Marinka Hormuz labadii maalmood ee la soo dhaafay. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay shirkadaha maraakiibta iyo hawl-wadeennada gaadiidka badda inaysan maraakiibtooda marin marin-biyoodkan muhiimka ah inta xaaladda amni laga sugayo.
Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa yiri: “Weerarradan aan masuuliyadda lahayn waxay mar kale khatar weyn geliyeen nolosha badmaaxiinta aan waxba galabsan.”
Wuxuu intaas ku daray: “Ilaa laga xaqiijinayo badbaadada iyo amniga shaqaalaha maraakiibta, waxaan ugu baaqayaa dowladaha calanka maraakiibta laga leeyahay, milkiilayaasha maraakiibta, shirkadaha maamula maraakiibta iyo hay’adaha ay khusayso inay ka fogaadaan u dirista badmaaxiinta khataro aan loo baahnayn, isla markaana ay iska ilaaliyaan inay maraan Marinka Hormuz.”
Kadib heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan, waxaa si tartiib tartiib ah u kordhay dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga, gaar ahaan kuwa shidaalka qaada, ee mara Marinka Hormuz.
Sida ay sheegtay shirkadda xogta iyo sirdoonka maraakiibta ee Lloyd’s List, 211 markab ayaa maray Marinka Hormuz toddobaadkii ku dhammaaday 5-tii Luulyo. Si kastaba ha ahaatee, tiradani weli aad ayay uga hooseysaa heerkii ka hor dagaalka, markaas oo celcelis ahaan ku dhowaad 138 markab ay maalin kasta mari jireen marin-biyoodkaas.










