Waasiirka Arimaha Dibadda Somaliland oo aan waraysi la yeenay dhawaan ayaa wax ka waydiinay saddex qodob oo uu dhawaan sheegay madaxweynaha Soomaaliya in ay ka mid ahaayeen heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Israa'iil.
Aqoonsiga ay Israa'iil dhowr bilood ka hor sheegtay in ay siiyay Somaliland, ayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu sheegay in uu "khtar ku yahay amniga gobolka".
Waxa uu sidoo kale "xadgudub cad ku tilmaamay" tallaabada Israa'iil ay ku aqoonsatay Somaliland.
Qodob kale oo uu horay uga dhawaajiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa in saldhig ciidan ay Israa'iil ka dhisanayso Somaliland, kaa oo sida uu hadalka u dhigay noqon doona "mid wax laga weeraro".
Wasiirka oo aan arrintanna wax ka waydiinay ayaa yiri: "Madaxweynaha Xamar joogaa wax uu ka og yahay heshiiska aan la galnay Israa'iil haba yaraatee ma jirto"
Ma uusan cadayn dhabnimada waxa ka jira in saldhig milatari uu qayb ka ahaa heshiiskaas iyo in kale.
Balse waxa uu hadalkiisa raaciyay in Somaliland iyo Israa'iil ay ka wada shaqayn doonaan wixii dantoodu ay ku jirto. In aysan jirin wax shuruud ah oo ku xiran heshiiska ay wada galeen labada dhinac ayuu hadalkiisa raaciyay.
Tallaabada Israa'iil ayaa waxaa ka dhashay falcelin gobolka iyo wadamada kale ee caalmk ah, waxaana horay uga fariistay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Golaha ayaa cambaareeyay go'aanka Israa'iil marka laga reebo Marakanka oo sheegay in Israa'iil ay xaq u leedhaay go'aamadeeda, balse isna waxa uu cadeeyay in aanay waxba iska badalin siyaasadiisa ku aadan Somaliland.