Booliiska Sydney oo codsanaya in dib loosoo celiyo 85 jir si qalad ah loo afduubay
Booliiska Sydney ayaa jeediyay codsi ku aadan soo celinta oday 85 jir ah oo ay rumeysan yihiin in si qalad ah loo afduubay.
Chris Baghsarian, oo keligiis noolaa, ayaa waxaa soo weeraray ugu yaraan saddex qof kuwaas oo ka kaxeystay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda North Ryde subaxnimadii hore ee Jimcaha.
"Waxay doonayeen inay qof afdubtaan, laakiin waxay wateen qof qaldan," ayuu yiri ku-simaha xarunta Det Andrew Marks oo sidaasi u sheegay suxufiyiinta isniintii, isagoo intaas ku daray inaysan jirin wax lacag madax-furasho ah oo la weydiistay.
"Qoysku waxay ku sugan yihiin dhibaato. Waxa kaliya ee ay rabaan waa in aabbahood loo soo celiyo, awoowgood in loo celiyo," ayuu yiri, isagoo ka codsaday dadka inay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo aan caadi ahayn oo lagu arko agagaarka guryaha la og yahay in ay faaruq yihiin.
Codsiga ayaa yimid iyadoo Sydney Morning Herald (SMH) ay sheegtay in muuqaallo iyo sawira Baghsarian oo si xun u dhaawacmay oo aan la garanayn ay ku wareegayeen Sydney.